Thursday, May 17th, 2012

R/wasaaraha oo shir guddoomiyay kulanka G/wasiirada ee maanta- War-saxaafadeed

Published on June 30, 2011 by   ·   4 Comments  ·   1,637 views

Muqdisho, Khamiis, 30 June 2011 – Shir ay yeesheen golaha wasiirada oo uu shir-
guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa looga
hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
1. Arrimaha Abaaraha iyo Barakacayaasha
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa golaha u sheegay in
xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha ay marayaan heerkii ugu sarreeyey loona
baahanyahay in wax laga qabto. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu arrimahan kala hadlay
hay’adaha Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arrimaha abaaraha iyo barakacayaasha.
Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in loo baahan yahay in lala yimaado sidii loo gar-gaari
lahaa shacabka soomaaliyeed ee ku tabaaleysan waddanka gudihiisa.
Golaha Wasiirada oo ka dooday arrimaha abaaraha iyo barakacayaasha ayaa xaqiijiyey in
maalmahan ay muqdisho si joogta ah u soo gaarayeen barakacayaal ka soo cararay
degaanaddooda kuwaasoo ay ka muuqato macluul aad u baahsan. Sidoo kale golahu waxey
ka hadleen in abaaraha jira ay saameeyeen dad iyo duunyaba, loona baahan yahay in lala
kaashado caalamka. Golahu waxey go’aamiyeen in guddi loo saaro arrinkan oo si deg-deg ah
uga soo talabixiya xaaladda dhabta ah iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka soomaaliyeed.
Golahu waxey kaloo go’aamiyeen in qeylo dhaan iyo baaq loo diro beesha caalamka oo laga
codsado in xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha ee dalka uu marayo heerkii ugu sareeyey
loogana baahanyahay gurmad caalami ah oo deg-deg ah. Sidoo kale golaha waxey ugu
baaqeen qurbo-joogta, ganacsatada iyo dhammaan shacabka soomaaliyeed inay kaalin mug
leh ka qaataan sidii shacabka soomaaliyeed ee abaaraha iyo barakacayaasha saameeyeen ay
gurmad deg-deg ah ula soo gaari lahaayeen.
2. Habsami u socodka howlaha wasaaradaha iyo u adeega bulshada;
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u sheegay golaha wasiirada in loo baahan yahay in
howlahii wasaaradaha iyo u adeega bulshada la sii dar-dargeliyo oo xilligan isbedelka aanu
saameyn ku yeelan habsami u socodka howlaha dowladda. Golaha Wasiirada ayaa warbixinno
ka dhageystay wasaaradaha Gaashandhiga, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Dastuurka, iyo
Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, kuwaas oo ka warbixiyey horumarka ay sameeyeen,
caqabadaha jira iyo qorshayaasha ay wadaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii ku
dhiirigeliyey in dhammaan wasaaradaha ay sii joogteeyaan waxqabadkooda, lana yimaadaan
waxqabad joogta ah oo u adeegaya shacabka soomaaliyeed.
3. Tacsi loo direy Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska
Ugu danbeyntii, Ra’iisal Wasaaraha iyo golaha wasiiradu waxey tacsi u direen Wasiirka
Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska Mudane Cabdirashid Khalif Xaashi oo adeerkiis Marxuum
Musse Xaashi Fiqi Yusuf oo 28kii Juun ku geeriyooday magaalada Galdogob. Golahu waxey
marxuumka EEBBE uga baryayaan inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, dhamaan qoyskii,
eheladii iyo shacabka soomaaliyeedna samir iyo IIMAN ka siiyo. AAMIIN.
- DHAMAAD

Readers Comments (4)

  1. fanax says:

    waa wax loo bahan yahay ilahh ha idinku garabgalo waxqabadku kaliay maha ficil xataa niayaadu haday fiican tahay waa wax qabad

  2. ayaanle says:

    asc. waxaa haboon in dadka soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ay gacanta is qabsadaan oo ay iscaawiyaan. maxaa yeelay markaan is caawino oo aan isku naxariisano ayuu alana noo naxariisanayaa. sidaas darteed waa in aan u naxariisanaa walaalaheena dhibaataysan.

  3. farax wadani says:

    ASC mudane Ra,isuwasare hada doneyso magac iyo wax qabad kado la arko waxad sameyda wasirada hada jogo howshodo ha qabtan yana lakaladirin hada ka ladirto waxa un sodorane hada dacad tahay ku wa lugoya ah o musuq maasuq badan runti watalo marka hada tahay nin wadani somaliye o dhab ah waxan ku shega maqal marka hada doneyso kalsonida shacabka somaliyed waye hada doneyso rali galinta labada sharif badal wana ka so horjesaneyna marka hada sad wax uwadana wan kaga mahada celina wana sodhaweynayna marka mudane guul adiga iyo shaccka somaliye

  4. xuudi fiqi siyaasi says:

    bismillah
    waa wasaarada ku haboo
    ay abuurytaa guul wadayaa labisas
    koofida calanka iyo dharkoodii lagu
    yaqaanay oo ah gurmadka lacagta
    la immaanaysa halsuuq canshuurtiisa
    dadwaynuhuna oryahay




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

tartan

Tartan Aqooneed U Dhaxeeyay Duugsiyada Muqdisho Oo La Soo Gebagebeeyay

Tartan kor loogu qaaday aqoonta Ardayda wax ka ...
Kaliil

Guddoomiyaha G/Gedo”Dhawaan Ayaan Shabaab Ka Cirirbtireynaa Gobolka”

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ...
astaanta.qaranka-300x228

Wasaaradda M/ iyo Lacagta Oo Tababar U Soo Gabagabeeysay Ciidamo Loo Tababaray Qaadista Canshuurta

Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
NATO

Faah faahinno ka soo baxaya duqeyn ka dhacay Xarar dheere

Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX May 17.05.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Dastuurka wasiirka

Wasiirka Dastuurka: shirka odayaasha dhaqan waa gabogebo, Dastuurkuna waa la soo bandhiggayaa

Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Jeesto-300x225

Horjoogge Ka Tirsanaa Al-Qaacidada Soomaaliya Oo Qiray Inuu Alle Uga Towbad Keenay Dhibaatadii Uu Umadda Ku Hayey (Dhageyso)

Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Sawirka Fanaan Lafoole

Fanaan Lafoole”Dalka Horumar Badan Ayaa Ka Jira Waan Imaanaya Dhowaan Si Aan Horumarka Uga Qeybqaato”(Dhageyso)

Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
1

Ciidammo Ka Tirsan Midowga Afrika Oo Fariisimmo Ka Sameystay Baydhabo”DAAWO SAWIRRADA”

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
al-Qaeda Militia

Horjoogayaal Ka Tirsan Al-Qaeda Oo Ku Halaagsamay Qarax Caawa Ka Dhacay Galgaduud

Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 16-May-2012         Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Sawir Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Xiligan

Dhageyso Barnaamijka Daljir Ee Looga Hadlo Dhismaha Ciidammada Qalabka Sida Ee Soomaaliya

Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
xuska-15may13

Suudan oo laga Xusay Sanad Guurada 69-aad ee Asaaskii Ururkii S.Y.L iyo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed 15 May”SAWIRRO”

Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Duhurnimo

WARKA DUHUR 16.05.2012
astaanta.qaranka-300x228

Mas’uuliyiin Ka Tirsan He’yadda Maareeynta Masiibooyinka Oo U Ambabaxay Sudan

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Dastuur-qabyo

Kulan Looga Doodayo Xuquuqda Uu Suxufiyiinta Siinayo Dastuurka Cusub Oo Muqdisho Ka Socda

Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
maka maka

Gaadiidleyda Iyo Qeybaha kale Ee Bulshada Oo Soo Dhaweeyay mashruuca Lagu Hagaajinayao Waddooyinka Muqdisho

Dadweynaha iyo  gadiidleyda  magaalada  Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Tarsan

Guddoomiye Tarsan Oo Afhayeen Cusub U Magacaabay Maamulka G/Banaadir

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta  magacaabay afhayeenka cusub ...
1401

Kabakudukade iyo malleeshiyaad kale oo deegaanno ka tirsan Galgaduud isaga cararay

Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX 16.5.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
UN-235x300 (1)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo beesha caalamka ku ammaanay mooqifka Soomaaliya uga aadan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Ex

Saraakiisha Ammaanka” Qarraxyadii Al-Qaeda Muqdisho Ay Keeni Jireen Waan Fashilinay”

Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...

Tubta Toosan

tubta-toosan1-150x150151

Islaamka & Faafinta Nabadda

Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Residents gather near the covered remains of a suicide bomber at the scene of an attack along a street in Somalia's capital Mogadishu

Akhlaaqda dagaalka iyo Diinta Islaamka

Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
tubta-toosan1-150x150151

Dowlad Wanaagga sidee loo xoojin karaa?

Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...