Friday, July 25th, 2014

Ra’isulwasaare Saacid Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Marka “DAAWO SAWIRRADA”

Published on January 31, 2013 by   ·   23 Comments  ·   11,247 views

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo maanta kormeerayey deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa magaalada Marka kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka degmada,kan gobolka,saraakiil,waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Marka Cadeey ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose.

Ra’isulwasaaraha Wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalladda Mudane C/laahi Abyan Nuur,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Wasaaraddda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo xildhibaanno.

Waxaa hada ka soconaya xarunta maamulka gobolka Shabeelada Hoose kulan uu Ra’isulwasaaraha Xukuumadda la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada kulankaasi oo Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa ay warbixinno kaga dhageysanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo kan gobolka Shabeelada Hooseba.

Qaar ka mid ah Waxgaradka magaalada Marka oo khudbaddo ka jeediyey kulanka hada soconaya ayaa ballan qaaday iney hiil iyo hooba la garab taaganyihiin sidii loosoo celin lahaa sharafta,karaamada iyo dowladnimada umadda Soomaaliyeed.

Ra’isulwasaaraha iyo xubanaha Wasiirrada ee la socda ayaa khudbaddo u jeedin doona qeybaha kala duwan ee kasoo qeybgalay kulankan ayadoo Ra’isulwasaaraha iyo xubnaha la socdana ay bulshada u sharixi doonaan qorshe howleedka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,kadib kulankana Ra’isulwasaaraha wuxuu booqan doonaa magaalada qeybo ka tirsan.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa waxey saakay kasoo ambabaxeen magaalada Muqdisho oo ay kasoo raaceen diyaarad  Helicopter ah oo ay ugasoo degeen deegaanka Shalaanbood oo ay gaadiid kasoo raaceen kuna yimaadeen magaaalada Marka.

Photo By:-Abdifitah Dahir Jeite

NAGA FILLO SAWIRRO INTAAN KA BADAN GOOR DHOW INSHA ALLAH

Readers Comments (23)

  1. jalteey says:

    asc mashaa allah mashaa allaah waa wax lagu farxo in raysalwasaarihii wadanka tago marko caday minan ow cusmaan waa wax lagu farxo waana guul soomali u soo hoyatay soomaaliayay midnimo wabilaahi towfiiq asc

  2. siyaad says:

    Waad mahadsantihiin walaalaha radio muqdisho sida wanaagsan ee aad u soo tebisaan wararka iyo dananha umada, waxaan keliya oo idinka codsanayaa inaad ku dadaashaan khaasatan qaybta sawir qaadka inaad muujisaan oo keliya askarta Soomaalida ee la socota madaxda dowladda heer wasiir iyo heer raisal wasaare ama heer madaxweynaba oo aad qarisaan kuwa ajnebiga ah ee wax ka ilaalinaya madaxda, waayo waxaan rabnaa in dadka ay arkaan in madaxdeena ay amaankooda sugayaan ciidanka amaanka ee Soomaaliya oo aysan noqon in marwalba ay u baahan yihiin shisheeye inuu ilaaliyo.

    Iyadoo ay runtahay in aan laga maarmin ciidanka shisheeye balse isku daya in maskaxda akhristaha uu arko ciidanka amaanka soomaaliya oo howshoodii gudanaya kuwa kalena qariya.

    waa iga talo,

    VIVA Soomaaliya.

    UK

  3. Masha alaah doladu habadiso dadalka
    Insha mardhow hormar iyo kala dambeyn

  4. aabe cabdi says:

    waa xog raadin in bulshada ku dhaqan maaeka la soo eego waxa eey ku noolyahiin wayoo waxxaa soo maray dhibaato aad u xoog badan aadd ayaan u soo dhaweeynay wafdid
    a doowlada.

  5. yuusuf says:

    mashaa alaah maanta marka oo xur ah
    cidna ay qasbeyn dadaka

  6. muxubo garyare says:

    masha allah sodhawaaw mudane R/WASARE.

  7. Bilqeyr says:

    maasha’allah shalaanbood waan tegay runtii waa gobol aad uqurxan oo degan doog iyo cagaar kabaxayan,oo aan waligiis ka dhicin gagaalo beeled inta kunool waa walaalo isjecel oo wadaniyaal ah shalaanbood waa gobolka shabeelada hoose waxa uu leeyahay beero aseendoyin ah maasha’allah waan soo xusuustay runtii thanks radio muqdisho.

  8. farhiyo ali says:

    masha alah adaban ugu farax sanahay wafdiga rasul wasaraha garab socday iyo melaha ey so boqden viva marka cadey and bulo marer

  9. cade cali says:

    waa arin fiican dhiiringalina ku leh amaanka dalka raiisulwasaare waad salaamantihiin adiga iyo wufuudaadaba cadawgana allaha idinka qabtowad dadaaladaada oo u xaqiiji caalamka in somalia ay nabdoontahay in sha allaah alaha noo dhowro madaxdeena iyo shacabkeenaba

  10. dhoore says:

    ASC dhamaan somalis
    heestaan ayaa iqaaday ee yaa qaaday, halkeese laga helaaaa oo barta net ka ah?
    thanks

  11. ali geele says:

    guuul ayaaaan u rajeynaaaaa xukumadaaada mr saacid

  12. maasha allaah marka cadeey minan oo cismaan laakiin aaway cidii al shabaab halkay galeen illaahow ku waa hanagu soo celin waa wax laga ducaysto kuwaas dowladeey soo dhawaada ssoo dhawaada goor walba waan u baahanahay dawlad iyo cidii wax u qabanayso dadka somalida mahadsanadiin dhamaan inta ku aftirsata magaca soomaalida somaliya ha noolaato bulsho bile wcs

  13. Mohamud says:

    mansha allah waa arin lagufarxo boqashada Xukuumadda (saacid) waxaan ka codsanayaa xukuumadda ineey xusto geesiyaashii kaxureeyay talyaaniga 1902-1908 gobolka shabeelada hoose qiimeen iyo qadarina loomuujiyo iyo astaan lagugarto.

  14. Saaid hadaan nahay dadka jubooyinka siiba dadka reer Jamame iyo Jilib ma nihin dad Rabsho ee xuquuqdeena in aan helno ayaan doonaynaa mana doonayno in aan hoos tagno maamul beeleed ee in dhis maamul inta ay soomali oo dhan isku furmayso oo qofwalbo si xur ah waxuu rabo u sheegan karo.

  15. wadani says:

    MASHA’ALLAH HORMAR IYO GUUL SOMALIWEYN REYSUL WASARAHENANA WAXAN LEYAHAY SHAQO WACAN NOQO MIDKI XILKISA UGUTO SI DACAD AH

  16. Abdi says:

    Guul Somalia, Guul

  17. waxaan aad ugu mahad celinaya dadaalka balaaran oo ay ku taloobsadey maamulka cusub ee dowlada rasmiga ah waxay u baahan tahay in la gtarab istaago wiil iyo gabar.hooyo.iyo odeyba inaan loo kala harin sidii loo taaqeeri lahaa dowladaas maanta soomaaliya u curatey waana mid nin walbA uu ka masuul yahay meesha uu joogo oo uu dALKA KA JOOGO DADKAAGA RAAC AYAADAN LUMINE DADKAA DHINAC KA RAAC.

  18. wiil qardho says:

    masha allaah somali way is raacday waa guul inoo so wada hoya tay hambalyo hambalyo aan lee yahay

  19. maasha alaah waa wax aad loogu farxo in la arko wani dhab ah oo wadankeena ho gaaminaayo aloow umada wadani kawada dhig silaa helo wadan israacsan oo aay soomali leedahay weey dhaamaandoonaan 100 calan oo wadan keena kataagan aloow qaluubteena isku toosi aamin amiin waad salaamantihiin dhamaan shaqalaha tvga umada somaliyeed

  20. abdisamad says:

    asc dhamaan bahda radiomuqdisho r.isul wasare sacdi shirdon alah dhowre waa kumahadsanyahay waxa uu qabtay iyo sida uu bulshadiisa uga warqabo waxaan aleyahay mudane meshaas kasiiwad daalk oo melwalbi iyo guri walbo kuboqo umada somaliyed isla ilali laha ku ilalshe noloow adiga iyo xukumadada iyo madaxweynaha iyo barlamnk iyo somlieyn oodhan gul iyo nabad

  21. billa says:

    mashaAllaah dowladnimo la aan waa duli nimo ee aloow no adkeey nawadaa aamiiiin

  22. Ahmed Ahmed says:

    Asc WAXAN U SOO JEEDINA RAYIGAYGA RADIO MOGADISHU RAISUL WASARADA SACEED DADKA MARKO DEGAN WA DAD DHIBAN OO WAX KASTA KUDHACYE MANTA ILAHEY KASAM BIXINTA DHIBTA XARUNTA MAAMULKA GOBOLKA SHABEELDA HOOSE AD IYO AD AYAN UGU FARXSAN NAHAY HADAN MAAMUL OO DADKA KASOO JEEDO DEGMADA MARKO AAD IYO AAD FARXAD AN LASOO KOBIN KAREN MASHA ALLAH CADAALED SIINAA

  23. abdirahman dhagajun says:

    mashaa allaah




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Muungaab

Muungaab “Si Toos ah ha naloo hoos keeno Nabad Sugidda iyo Booliska G/banaadir”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan ...
DSCF2900

Gudoomiyaha G/Banaadir Oo Dhagax Dhigay Iskuulkii 15-ka May (Sawirro)

Gudoomiyaha G/banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Jeneral Xasan ...
DSC05054

R/wasaaraha Dalka Dr. C/weli Sh Axmed Oo Marti Ku Ahaa Barnaamijka Kulanka Todobaadka (Dhageyso+Sawirro)

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho ...
Ciidamada-amaanka

Ciidamada Ammaanka Oo Howlgallo Roonda Ah Xalay Ka Billaabay Muqdisho

Ciidamo isugu jiro Booliis iyo nabadsugid ayaa xalay ...
Calanka-Mareykanka-300x225

Mareykanka Oo Qabtay Gabdho Soomaali Ah Oo Lagu Eedeeyay Iney taageerayeen Shabaab

Dowladda  Maraykanka  ayaa la sheegay iney gacanta ku ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/07/WAR-SUBAX-25-7-2014.mp3"][/audio]
Tartan Cilmiyeedka

Tartamayaasha Degmada Waaberi oo Caawa u soo gudbay Wareegga ugu dambeeya ee Tartanka “Final”

Tartamayaasha Degmooyinka Warta Nabadda Vs Waaberi oo ka ...
astaanta_qaranka11 ok

Warbixintii Labaad ee horusocodka Guddiga Maamulka Maaliyadeed “War-saxaafadeed”

Mogadishu, 24 July 2014: Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
IMG_5216

Wafdiga ka socda Xukuumadda ee ku sugan Gobolka Hiiraan oo la kulmay hay’adaha samafalka “SAWIRRO”

Wafdiga ka socda Xukuumadda Fedaraalka ah ee ku ...
astaanta_qaranka11 ok

Shaqaale ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo tababar loo soo gabo gabeeyay

Tabarkaan oo  ay  si wada jir ah  usoo ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-HABEEN-24.07.2014.mp3"][/audio]
4-70B4D5A4-1552850-480

Ururka horumarinta ardayda Soomaaliyeed oo siminaar u qabtay arday “SAWIRRO”

Ururka horumarinta ardayda Soomaaliyeed oo marka magacooda la ...
baaq-nabadeed

Odoyaasha dhaqanka ee Gobolada Jubbooyinka oo baaq u diray dagaalada Caabudwaaq

Odayaasha dhaqanka Gobolada Jubbooyinka ayaa canbaareeyay dagaallo labo ...
unnamed

Shirkii Golaha Wasiirada oo lagu magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka “SAWIRRO”

Muqdisho, 24, Luuliyo, 2014....Golaha Wasiiradda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ...
IMG_8154

Qoysas ku dhaqan degmada Hodan oo raashin afurin ah loo qeybiyay “SAWIRRO”

Hay’adda bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa maalintii ...
ciidanka

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo kala dhex-galay maleeshiyo beeleed ku dagaalamay degmada Caabudwaaq ee g/Galguduud

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka XDS Col. Sulub ...
DSC_0720

Madaxda Sare Ee Dalka Oo Ka Qeybgalay Aas Qaran Oo Muqdisho Loogu Sameeyey Xildhibaanad Saado Cali Warsame “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud,Gudoomiyaha Baarlamaanka, ...
astaanta_qaranka11 ok

Wasaaradda amniga Qaranka oo Go’aano dhanka amniga ah soo saartay

Wasaaradda amniga Qaranka ayaa maanta go’aanadan dhanka amniga ...
DSC04941

Howlaha laanta socdaalka iyo hababka loo qaato Baasaborka Soomaaliga oo la balaariyay”Sawirro”

Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Generaal C/laahi ...
saado-cali-warsame

Warbixin ka hadleysa dilkii xildhibaan Qaran Saado Cali iyo gabar Soomaliyeed oo Al-Shabaab ay ku dileen Diinsoor

  Al-shabaab waxa ay dadka Soomaaliyeed ka dileen dad ...
toogasho

Maxkamadda C.Q.S oo maanta dil toogasho ah ku fulisay 4 kamid ah Argagaxisada Al-Shabaab”Sawirro”

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waaberigii ...
Tartan Cilmiyeedka

Tartan aad u adag oo Caawa dhacay iyo Tartamayaasha Degmada Cadale oo u soo gudbay wareegga afarta

Tartamayaasha Degmooyinka Cadale Vs Galdogob oo ka kala ...
Tartan Cilmiyeedka

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo u soo gudbay Wareegga Afarta “Semi final” Dhageyso

Tartamayaasha Degmooyinka Jawiil Vs Kaaraan oo ka kala ...
IMG_5056

Xubno Wasiiro ah oo ku sugan gobolka Hiiraan oo la kulmay beel ka mid ah beelihii dagaalamay “SAWIRRO”

Wafdiga ka socda Xukuumadda Fedaraalka ah ee ku ...
muungab

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo shacabka uga tacsiyeeyay falkii lagu dilay Saado

Muqdisho, 23 July 2014 –Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna ...
AU

Midowga Afrika oo cambaareeyay falkii lagu dilay Xildhibaan Saado Cali Warsame

Sii hayaha xilka Wakiilka gaarka ah ee Midowga ...
Sawirka Gudoomiye Jawaari

Guddoomiye Jawaari oo Xildhibaannada iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dilka Xildhibaan Saado

Muqdisho, 23 July 2014 –Guddoomiyaha Baarlaamanka Federaalka ah ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/07/WAR-HABEEN-23.07.2014.mp3"][/audio]
saacid

Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid “Dowladda waxaan ugu baaqayaa inay cadaaladda horkeento kooxihii dilay Xildhibaan Saado”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax ...
President

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Saado Cali

Muqdisho, 23 July 2014 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
IMG_8095

Qoysas danyar ah oo loo qeybiyay raashin Afurin ah “SAWIRRO”

Hay’adda bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa maanta ...
KAY

Qaramada Midoobay oo cambaareysay dilka Xildhibaan Saado Cali

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ...
saado-cali-warsame

Dowladda Maraykanka oo Cambaareeysey Dilkii loo geeystey Xildhibaan Saado Cali Warsame

 July 23, 2014 Dowladda Maraykanka ayaa si kulul ...

Tubta Toosan

images (12)

Ramadaanka & Daadinta Dhiigga

Waxaan ku ku jirnaa tobankii dhexe ee bisha ...
TubtaToosan Logo

Ramadaanku waa Fursad Cibaado iyo Towbad Keen-DHAGEYSO

Waxaan ku jirnaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo ...
July

Islaamka iyo Waddaniyadda

Iyadoo loo dabbaaldegayo maalintii xorriyadda iyo Qarannimada Soomaaliya, ...