Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda fursad u siiyey iney kala xisaabtamaan Waxqabadka Xukuumadda ayadoo arintanna ay ku beegneyd sanad kadib markii loo magacaabay xilka Ra’isulwasaarenimo ee Soomaaliya.
Ra’isulwasaare Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa marti ku ahaa Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada oo ka baxayey Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SNTV) waxaana ay shacabku su’aallohooda usoo weydiinayeen Ra’isulwasaaraha ayaga oo dhanka kalena uu fursad u siiyey iney aragti ama dhaliilba usoo gudbiyaan.
Ugu horeyn Ra’isulwasaaraha ayaa faah faahin ka siiyey shacabka mudadii sanadka aheyd ee uu hayey xilka Ra’isulwasaarenimo waxyaabaha u qabsoomay waxaana uu xusay in Xukuumadda uu hogaaminayo ay waxbadan ka qabatay gudaha dalka gaar ahaanna dhinacyada Ammaanka,Siyaasadda,maamul wanaaga,la dagaalanka Musuq Maasuqa,dib u heshiinta,wanaajinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay caalamka intiisa kale,dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya,dib u dhiska dalka,hirgelinta hanaanka Road-Mapka ee dalka looga saarayo KMGnimada iyo fulinta Mashaariic hormarineed.
Shacabka ayaa Ra’isulwasaare Dr C/weli Maxamed Cali Gaas su’aallahooda kusoo weydiinayey telefoonno,Emaillo iyo Facebooka Radio Muqdisho waxaana Barnaamijka oo socday Mudo saacad iyo bar ama 120 daqiiqo ay shacabkii kala duwanaa ee kasoo qeybgalay wada qirayeen Waxqabadka Xukuumadda hada jirta mudada sanadka ah ayagoo taasina Ra’isulwasaaraha ugu hambalyeeyey.
Ugu dambeyntii Ra’isulwasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed guud ahaanba ku booriyey iney ka faa’ideystaan fursada ballaaran ee aynu maanta heysano oo uu ku tilmaamay in waa cusub oo u baryey Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay Soomaaliya gashay marxalad cusub muhiimna ay tahay in laga faa’ideysto.
23kii June sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2011 ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Dr C/weli Maxamed Cali Gaas Ra’isulwasaaraha Dalka ayadoo mudada sanadka ah ee magacaabidiisa kasoo wareegatayna ay Xukuumadda uu hogaaminayo ku guuleysatay in waxbadan ay ka qabato dalka waxaana in uu Ra’isulwasaaraha soo horfariisto shacabka fursadna usiiyo iney la xisaabtamaan ay muujineysaa kalsoonida ay Ra’isulwasaare C/weli iyo Xukuumaddiisa ku qabaan Waxqabadkooda.
Halkaan Hoose Ka Dhageyso Barnaamijka Ra’isulwasaaraha Ay Shacabku Kula Xisaabtameen
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Jawaabaha Ra’isulwasaaraha 24-June-2012
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Jawaabaha Ra’isulwasaaraha 24-June-2012
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Seddexaad Ee Jawaabaha Ra’isulwasaaraha 24-June-2012
Photo By:-Maxamed C/qaadir Daahir(MCD)
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
asc guul ayaan urajeenayaaah reesawasaarah mudane abdiwali maxamed ali gaas guul nexetparansanti gaas guul
Waad mahadsantihiin dhamaan shaqaalaha radiyaha iyo TV qaranka hool wanaagsan ayaad qabateen wadna ku mahadsantihiin dadalkiina sii wada ilaahna ha idin garab galo
Abdul Aziiz
Asc dhaman walalaha musliminta ah khasatan ra .sul wasaraha mudane cabdi wali maxamed gaas