Monday, May 20th, 2013

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Maanta Kulan La Qaatay Dad Ku Qaxweynayey Makhaayad Ku Taala Villa Soomaaliya “SAWIRRO”

Published on December 6, 2012 by   ·   13 Comments  ·   6,659 views

Moqdisho, 05, Dec, 2012…. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane  Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka kulan balaaran la qaatay dadweyne faro badan oo ku qaxweynayey maqaaxi ku taala gudaha Villa Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u salaamay dadkii ku qaxweynayey makhaayadda isagoo kulan is xog waraysi ah la qaatay shacabkii meesha joogay una oggolaaday in ay iska waraystaan xaalka dalku marayo, iyadoo qof kastana uu Ra’iisul Wasaaraha weydiinayey su’aalo uu ula ciil qabay inuu mar uun weyddiiyo madaxda dalka.

Su’aalaha ugu badan oo Ra’iisal Wasaaraha la weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa: Arrimaha amniga, Isbaaroyinka la qaaday iyo sidii dalka oo dhan loo gaarsiin lahaa maamulka Dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si hufnaani ku jirto uga jawaabay su’aalahaas, waxana uu ku booriyey dadweynaha in ay kalsooni buuxda u muujiyaan dawladda si dalka looga saaro xaaladda uu ku jiro. Waxana uu R/Wasaaruhu yiri:

“ Waxaa markasta dhibka lala maagan yahay maahan dawladda oo keliya ee waxa dhibka ugu badani uu soo gaaraa waa dadka rayidka ah. Sidaa daraadeed, waxa loo baahan yahay in shacabku gacan buuxda siiyaan dawladdooda, si looga adkaado colaad-oogayaasha, xagjirka iyo danbiilayaasha ku dhex dhuunta shacabka marka ay gaystaan faldanbiyeed. Ra’iisal Wasaare Saacid waxa uu ku daray intaas in Dawladdu ay ballan qaadayso in ay difaacdo shacabkeeda. Waad u jeeddaan sida ay shacabku u soo dhaweeyeen uguna diirsadeen qaadista isbaarooyinka iyo faa’iidada ay keentay tallaabadaasi ee ah in gadiidkii dadweynuhu uu si fudud ugu   gaaro meeshuu u scoday”.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Saacid oo ay wehliyaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Abaanduulaha Ciidanka, Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, iyo ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku Xigeen ayaa kormeer ku tagay labada wado ee laga soo galo magaalada Muqdisho oo dhawaan ciidanka qaranku ka qaadeen Isbaarooyinkii yaalay muddada ka badan 22 sano. Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu socod ka soo bilaabay xeradii Maslax isagoona ku tagay Darmooley oo qiyaastii u jirta masaafo dhan 1km, wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu kulamo la qaatay saraakiisha ciidanka ee jooga goobahaas isagoona ku aamanay sida wanaagsan oo ay ugu heelan yihiin habeen iyo maalin difaaca dalkooda iyo dakooda.

 

—-DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director, office of the PM

Mobile: +252-616084650

             +252-699270033

Mogadishu, Somalia

 

Readers Comments (13)

  1. axmad shiiq says:

    Maasha,allaaah. Waa geesi uhuray naftiisa dalka, diinta iyo dadka soomaaliyeed. Waxaana urajeynaayaaa guul insha,allaaah.

  2. sahra says:

    Maashaa allah ninkasta oomadax ah waa inuusan iskalaweynaan shacabka good idea halugudaydo saacid

  3. faage says:

    Maaaaasha alaah waa shey lo bahan yahay shacabka in la dhex galo si kalsoni loga helo

    Shaqadiina alaaha idinla garab galo insha alaah guuuuuuuL

  4. cabdirashiid says:

    Maashaa Allah ra’iisul wasaare Mr:saacid waxa uu iila umuuqdaa inuu hayo wadadii Mr:Farmaajo uu dad ka ku soo jiitay Waa Farmaajo Two Guul Ayaan u rajeeynayaa Wabilaahi towfiiq……..!

  5. axmad ibraahin dhagayare says:

    Somaliyaay maragtaan kesigan xumanteenii qabyaalada ciribtiraya iyo isbaaradeenii dhalaankeena ku cunijirnay oon weliba aan ku kufsanjirnay waa warey aaway ragenii hurun jiray sida xaji muse sudi iyo qanyare iyo cusman caato

  6. Masha allaah runtii saacid waa muwaadin somaliyeed aamin san alle rasuul kiisaba cswm wali ma maqal madax somaliyeed oo shacab keeda meheradaha ugu timaada saacid guul ku noolow guulna kudhimo adiga iyo xukumadadu sacid howsha wad alle hakula wadee

  7. mudane madaxwene adne sidas o kale an kasugena dadkaga dhax gal o xog wareso dadka waxad kahelesan fikrado salim ah

  8. fodcade says:

    Asc mashaa alaah waa arin wanaagsan in madaxda sarsare shacabka wares taan guuuuul

  9. tuse says:

    odydi bilad sharaf ayuu qaatay marhadii uu la qaxweeyey asaxaabtiisii iyo shacabkiisa

  10. kafiso says:

    Aniga waxaan dhihi lahaay dadka hadii uu dhex galaa kal sooni oow ka helaa laakiin haduu iska weey neeysiiyaa waxa uu naqanaa nin aan kasban dadka quluub tooda waxaan leeyahay mudane kasii wad meeshaada xataa waxaan kaaranaa in aad xeryaha soo booqato aay dadka tabaaleeysan ku jiraan

  11. Abdul Aziiz Mahmoud Kulmiye says:

    Waa wax wanaagsan in uu qofka xilka haayo uu la kaa qaado mar xaladaha kala duwan waana ku faraxsanahay in mudane Saciid uu dareensiiyo shacabka inta ey San ayaga aadin in uu fa dhigooda ugu yimid. R/ wasaaraha waan salaamayaa
    Sxb qaali ah Dirac Salaad fagaase asagana waan salaamayaa Idaacadeyna Iyo TV sigaar ah ayaan u Salaamayaa Shaqo wacan

  12. omar says:

    mansha alah waa soomaali dhab ah wadani ah an shax badan fiiri siduu hoyada somaliyeey buulkeeda ugu galay oo uu u soo salamay waa nin qabiil iyo qurun kaweyn waa wadani somaalinimada ku weyntahay madax weyneheenana wan ka rajeyneynaa anagana aan adheecno madaxdeena sharciga ah qabiil wax ku noqon weynaye




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
DSC00480

Wafdi ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka qeybgalaya Isku-imaatinka 13-aad ee Doha “SAWIRRO”

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
DSC03720

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga oo Caawa Gaaray Magaalada Khartoum ee Dalka Sudan. Daawo Sawiro

Wafdigan uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
dadka-la-xukumey1-450x342

Maxkamada Gobolka Bari oo Xukunno ku riday dad iskugu jira Soomaali iyo ajaanib

Maxkamada darajada kowaad ee Gobolka Bari ayaa xukuno ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 19.05.2013
k.gacanta doorasho (11)

Gudoonka cusub ee xiriirka kubadda gacanta oo lagu doortey Muqdisho “SAWIRRO”

Shirweynihii 6-aad ee xiriirka kubadda gacanta ayaa maanta ...
daaru shifa

Isbitalka Daarul-shifa oo laga bilaabay qaliimo lacag la’aan ah “sawirro”

Howlahan qaliinka lacag la’aanta ah ee dhaqaatiirta ajaanibta ...
General Bashiir Goobe

Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Oo Beenisay In Ciidammo Ka Tirsan Ay Xildhibaanno Ka Hor Istaageen Shir

Agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ...
madaxweyne xasan

Halkan ka daawo baaqii Madaxweynaha jamhuuriyada ee arimaha Jubooyinka iyo gobalada Waqooyi VIDEO

Halkan hoose ayaad ka daawan kartaan khudbadii qiimaha ...
DSC_2708

Mowqifka DFS Ee Ku Aadan Joojinta Duulimaadyada QM Ee Berbera & Hargeysa…WARSAXAAFADEED

  Warsaxaafadeedka Oo English ah hoos ka akhriso  
booliiska

Booliiska Galmudug oo faahfaahin ka bixiyay howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen Gaalkacyo

Taliska ciidanka Booliska Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay ...
howlgal ciidamada xds

Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo soo bandhigay dhoolatus melateri

Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo tababar uga ...
Sawir Kismaayo Ah

Dibadbax looga soo horjeedo natiijada shirkii Jubbooyinka oo maanta ka dhacay Kismaayo

Dibad bax balaaran oo looga soo horjeeday natiijadii ...
DSC09914

R/wasaare ku xu xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda oo maanta dalka dib ugu soo laabtay”Sawirro”

R/wasaare ku xugeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo ...
DSC09899

Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacadda Carabta ee booqanayay Muqdisho oo dalka ka ambabaxay”Sawirro”

Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacadda Carabta oo maalmihii ...
caabudwaaq

Maamulka degmada Caabudwaaq oo soo bandhigay qiimeyn lagu sameeyay daadad kusoo rogmaday degmadaasi.

Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa markii ugu horeysay waxa ...
Galmudug-wwww

Maamulka Galmudug oo awaamiir kasoo saaray qaabka loo qaadayo imtixaanadka dugsiyada.

Iyadoo shalay dugsiyada waxbarsho ee kuyaala deeganada mamaulka ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso warka subax ee Radiomuqdisho

Warka Subaxnimo ee Radiomuqdisho Axad 19-05-2013
Magaalada-Beledweyne1-300x233

Magaalada Baledweyne oo ay ka socdaan howlo lagu dariseynayo xaafadaheeda.

Xili uu isasoo tarayo horumarka laga gaaray amaanka ...
astaanta-maamulka-gobolka-banaadir

Maamulka gobolka Banaadir oo ugu baaqay dadka reer Muqdisho inay ka faa’iideystaan mashaariicda laga hirgelinayo caasimada

Kusimaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna kuxigeenka gudoomiyaha gobolka ...
DSC00193

Madaxweynaha jamhuuriyadda oo sheegay in la joogo xiligii uu dalku ka bixi lahaa dib u dhaca.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ...
tiiceey

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo nasiib daro ku tilmaamay is qabqabsiga dhinaca maamulka ah ee ka taagan magaalada Kismaayo.

Madaxwaynahamaamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Aadan Tiiceey ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
ciyaartoy

Ciyaartooyda ciidanka XDS iyo ciyaartooy ka socotay ciidanka Burundi oo kuwada ciyaaray Muqdisho iyadoo ay guusha raacday ciyaartoyda ciidanka XDS

Ciyaar Saxiibtinimo ah oo kubadda Koleyga ah ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 18 05 2013
DSC00193

“Dowladdu barnaamij bey ka diyaarisay dhaqan gelinta Federaalka” War-saxaafadeed”

(Muqdisho, 18 May 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ...
DSC00217

DAAWO SAWIRRADA:- Madaxweynaha oo xariga ka jaray Iskuul cusub oo ay hirgalisay dowladda Turkiga

Akhristeyaasha sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineyna ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Duhur

war duhur 18.05.2013
DSC00193

Madaxweynaha oo ka hadlay arrimaha Jubbooyinka, Soomaaliland iyo hirgelinta Federaalka”Sawirro”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa maanta ka hadlay arrimaha ...
DSC09816

Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Gaadiidka oo xafiiskiisa ku qaabilay guddiga Gaadiidka ee Baarlamanka”Sawirro”

Wasiirka Warfaafinta Isgaarisiinta iyo Gaadiidka ayaa kulan la ...
DSC09819

Daawo Sawirrada Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacada Carabta oo booqday Baarlamanka Soomaaliya

Wafdi ka socday Jaamacada Carabta oo uu hogaaminayay ...
K-KOLEYGA_DEGMO-3

Xarunta maamulka degmada Xamar Jajab oo dib u dayactir lagu sameeyay

Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayay xarunta degmada ...
Saacid 11

R/wasare Saacid oo kulan la qaatay wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Baarlamanka Carabta oo booqanaya Muqdisho

Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa qaabilay ...
BOQASHADA  MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN (11)

“Daawo Sawirrada”Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo booqday deegaanada Jawiil iyo Beergadiid ee g/Hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax laqanyo ayaa kormeer ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Fatwo

Horjoogayaasha Shabaab oo Godane Cambaareeyay!

Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...

*