Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo beryahan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa waxuu kulan dheer la qaatay Wasiirka Difaaca Talyaaniga H.E. Gianpaolo Di Paola oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii Wasaarada Gaashandhiga ee Talyaaniga ay iskaashi wada shaqo la yeelan laheyd Wasaaradda Gaashandhiga ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixin dheer siiyey Wasiirka Difaaca Talyaaniga oo ku aadan horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey soo celinta amniga iyo kala danbeynta, sida Xoreyntii Muqdisho, Jubbooyinka, Gedo iyo Beledweyn, Dadaalka Dowladda ee Qorshaha Xasilinta Amniga Qaranka (NSSP), iyo howlgalka ballaaran ee lagu xoreynayo dhammaan gobolada dalka ee ay Al-Shabaab joogaan.
Wasiirka Difaaca Talyaaniga Gianpaolo Di Paola ayaa si diiran u soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaare Abdiweli una sheegay in Talyaaniga uu si aad iyo aad ah u xiiseynayo arrimaha Soomaaliya diyaarna u yahay inuu saacido. Gianpaolo ayaa ku ammaanay Ra’iisulwasaare Abdiweli horumarka baaxadda leh ee uu ka sameeyey soo celinta amniga, Xiriirka maamulada dalka iyo Dowladda, Dib-u-heshiisiinta, Dastuurka iyo Roadmap ka.
Labada mas’uul waxey isla garteen in Talyaaniga uu Saacido Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, tababaro loo fidiyo ciidanka, in dib loo soo nooleeyo ciidankii Cirka ee Soomaaliya iyo in dib u dhis lagu sameeyo Ciidankii Soomaaliya iyo Qorshaha Xasilinta Amniga Qaranka. Wasiirka Difaaca waxuu sheegay inuu diyaar u yahay in labo guddi ee labada wasaaradood ee gaashandhiga ay ka wada shaqeeyaan xiriirka labada wasaaradood.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
Masha Allah Shaqo wacan Guul Guul Guul.
sharaf ayaad leedahay mudane raysal wasaare shaqadaada sii wado iin shaa allaah shacabkana way ogyihiin madaxda wax qabatay iyo kuwa aan wax qaban waxayna dooranayan madaxda wax qabatay guul ayaan ku leeyahay mudane raysal wasaare!