Wednesday, August 27th, 2014

Ra’iisul Wasaaraha oo Maanta Furay Shirka Heerka Qaran ee Dib-u soo Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya:-WARSAXAFADEED+(Sawirro)

Published on June 18, 2013 by   ·   6 Comments  ·   6,147 views

Muqdisho, 18, June 20133…Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir heer qaran ah oo looga arrinsanayo dib-u-habaynta waxbarashada Soomaaliya, shirkaan ayaa lagu wadaa inuu socdo mudo saddex maalmood ah. Waxaana soo qabanqaabiyey Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada, Hay’adaha UNESCO iyo UNICEF.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay xeel dheerayaal dhinaca waxbarashada, oo ka kala yimid gobollada dalka iyo dibadiisaba. Ra’iisul Wasaaraha aya khudbadda uu madasha ka jeediyey ku sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay qorshaynayso inay miisaaniyad balaaran u qoondayso waxbarashada dalka.

”Dawaxay ku dadaalaysaa inay waxbarashada u qoondayso miisaaniyad la mid ah midda amniga iyo difaaca dalka u qorshaysan, ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu. Waxaana uu ku baaqay in si dad dag ah loo baneeyo xarumihii waxbarashada ee dawladda, “dadka deggan dugsiyadda iyo dhismayaasha kale ee dawladda waxaan ugu baaqaynaa inay si deg deg uga guuraan goobahaas waxbarasho.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay dib-u soo noolaynta tacliinta sare waxaana uu sheegay in dawladdu ku hawl-jirto in Jaamacadii Ummada dib loo furo.

“Waxaan ka shaqeynaynaa sidii dib loogu hawlgelin lahaa Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed waxaana lagu soo kordhin doonaa kulliyado hor leh iyo machadyo sare oo iyada hoos yimaada.” Ayuu tiri Ra’iisal Wasaaruhu. Waxaana uu dhanka kale sheegay in yoolka laga leeyahay dib-u-habaynta waxbarashada ay tahay sidii looga hor tegi lahaa fikradaha qaldan ee ku dhisan xagjirnimada iyo qabyaaladda, iyo sidii loo dhisi lahaa bulsho ka caafimaad qabta fikradahaas.

Shirka dib-u-soo noolaynta waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maalinta khamiista ah ee soo socota, waxaana laga soo saari doonaa qorshe qaran oo ay hagayso Wasaaradda Hormarinta iyo Adeega Bulshada iyo talooyin ku aadan manhaj midaysan oo ay Soomaaliya yeelan doonto kaddib 22 sano.

                                                                                           DHAMAAD

DSC01403

DSC01404

DSC01414

DSC01415

DSC01416

DSC01417

DSC01420

 

Photoby:-Maxamed C/qaadir Daahir (MCD)

Readers Comments (6)

  1. waxaan halkaan ugu hambalyaynayaa dhammaaan umda somaliyeed guusha u soo hoyatay waa wax lagu faani karo 22sanno ka dib in aan dib u soo laabano taasna ilaahay ayaa ku mahadsan kaas oo suura galiyay in uu inoo soo saaro mudane saacid la,aantiisna ma soortowdeen inta qabtay walaahi 3masuul ee ugu saraysa waa ay wada fiican yihiin laakiin mishinka kala wada howlsha dhan waa mr saacid viva jir oo joog ayaan ku leenahay hadaan nahay umada somaliyeed inta caafimaadka qabta inta xanuunsana allaha soo hadeeyo ayaan leenahay saacid wada waad haysaa he ku wad our leader to day and tomorrow thanks for your ever

  2. Bashir Farah says:

    waan ku faraxsanahay in dib loo as aaso jamcada dowlada waan leenahay waan ku mahadsantihin dadaalkiin madaxda dalka

  3. sharaf says:

    asc dadkenu wadad waxbarashada jecel lakin waxa wanagsan dowladu inay wixi dugsiga sare kahoseya ay free kadhigto sida jilka sokorayo ay uhelan bilow hose but this very good start and i hope that our people unite and build our beautiful country

  4. sharaf says:

    hadii waxbarasho tayo leh lahelo dadkana lagu wacyi galiyo inay dhalinta waxbarashda kula dadalan dhibatoyin badan ayalaga hortagi kara fadlan dowladu tahribka iyo dhibatada k africa wax hakaqabto umadenu qurbahay kubeylahen duleedka muqdisho xita guryo inta dwldu kadhisto haka ijaarto qurba jogta qimajaban sidadku usolabto wblhi towfiq

  5. mohamed says:

    Waa arin aad logu farxo , waxbarashadu waa waxa kaliya ee aan kaga bixi karno dhibaatada somalia ka jirta , bc jahligu wuxuu keenay inaan is dagaalno . marka R\wasaaraha arinta uu hada wado waa ku amaananyahay . Guul Ayaan Leeyahay .

  6. ibra xaaji says:

    Waa guuul usoo hoyatay shacabka somaaliyeed mel walba dunida kajoogaan mideenta manhajka waxbarashada dalkeena taasoo ee ka dhalan karto is dhex galka dadkeena somaaliyeed oo gobol gobol lookala qeybiyay. Wxaa ilaah kabar yeenaaa sida wxbarashada ugu midoobno dadkeenana ugu midooooobaan. Aamiiiiiiiiiin aamiiiiiiiiin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Baydhabo-02

Wafdi Ka Socday Dowlada Ingiriiska Oo Baydhabo Kula Kulmay Gudiga Farsamo Ee Maamul U Sameynta Sadexda Gobol

Wafdi ka socda dowladda Ingiriiska oo  gaaray magaaladda ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-SUBAX-27-8-2014.mp3"][/audio]
taliska xds

Ciidanka XDS iyo AMISOM Oo Bilaabaya Howlgal Loogu Magacdaray “Badweynta Hindiya” (Daawo Video)

Talisyada ciidammada xoogga dalka Soomaaliya iyo  nabad ilaalinta ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150 (1)

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
qoorsheel

Wefdi uu hoggaaminayo wasiirka Gaadiidka oo Baladweyne booqdey

Wefdi uu hoggaaminayo wasiirka Gaadiidka, Duulista iyo Hawada ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WARKA-HABEEN-26.8.2014.mp3"][/audio]
DSC00034

Wasiirka Haweenka iyo Philip Lazarani oo ka wada hadlay ilaalinta xuquuqda haweenka “SAWIRRO”

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka ayaa ...
Banaan-bax

Banaan bax ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho

Dibad baxaan oo ay ka qeyb galeen Boqolaal ...
Sawirka Gudoomiye Jawaari

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed ...
DSC_1178

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Wadanka Turkiga “SAWIRRO”

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed ...
astaanta_qaranka11 ok

Akhriso Guddiga Farsamo ee Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo la magacaabay

War-saxaafadeed ka soo baxay Waasaaradda Arrimaha Gudaha iyo ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdiso

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WARKA-DUHUR-26.8.2014.mp3"][/audio]
wasiir qoorsheel

Wasiirka gaadiidka oo Beledweyne kula shiray Maamulka Gobolka Hiiraan

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ...
Kismaayo

Wafdiga ka socda Dowladda oo Kismaayo kula shiray Maamulka KMG ah ee Jubba

Wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ...
DSC00015

Wasiirka Wasaaradda Haweenka oo la kulantay madax ka socotay ICRC “SAWIRRO”

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka ayaa ...
DSC09977

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida oo qaabilay wefdi ka socda Qaramada Midoobay “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ee ...
gaalkacyo

Guddiga Farsamo ee Maamul u Sameynta Gobollada Dhexe oo la Magacaabay

Dowladda Soomaaliya ayaa magacowday guddiga farsamo ee u ...
bakool-map

Xaaladda Degmada Tayeegloow oo Deggan

Degmada Tayeegloow ee gobolka Bakool oo dhawaan ay ...
General-Diini

Taliyihii Hore ee Ciidamada Milatariga oo Soo Dhawaaweyay Howl-Gallada ka Dhanka ah Hubka

Taliyihii hore ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Subaxnimo

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-SUBAX-26-8-2014.mp3"][/audio]
Calaq

XAMAAR WEYNE: Ciidamada Ammaanka oo Afartan Qof oo Maandooriye Isticmaalayay Xiray

Ciidamada ammaanka ayaa degmada Xamarweyne ka fuliyay howl-gal ...
tuuryare-620x330

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida: “In Al-Shabaab Guri Laga Kireeyo Waa Dambi”

Guddoomiyaha  maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida   ee ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-HABEEN-25.08.2014.mp3"][/audio]
tuuryare

Dhagar Qabayaal Ka Dambeeyay Dilka Wariye Timacade Iyo Muwaadiniin Kale Oo Maxkamadda Ciidamada Ku Xukuntay Dil

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ...
University of Hormuud 9

Arday u fariisatay Imtixaanka Qaabilaada Jaamacada Hormuud “Sawirro”

Waxaa maanta jaamacadda Hormuud u fariistay imtixaanka aqbalaadda ...
1 (9)

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo ka qeyb galay siminaar loo soo xiray 80 ruux “SAWIRRO”

Siminaarkan oo soconayay muddo 3-cisho ayaa waxaa u ...
DSCF6969

Maamulka Gobolka oo la guddoonsiiyay doonyo iyo agab dhismo “SAWIRRO”

Hay’adda gar gaarka u qaabilsan dalka Qadar ee ...
malayga_1

Taliska Saldhiga Degmada Xamarweyne Oo Digniin U Diray Ganacsatada Degmadaasi

Taliyaha saldhiga Degmada Xamarweyne Gaashaanle dhexe Maxamed Maxamuud ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-DUHUR-25.8.2014.mp3"][/audio]
DSC00071

Boqolaal Arday Ah Oo Maanta U Fariisatay Imtixaanka Qabuulka Ee Jamacada Capital University (Sawirro)

Boqolaal arday ah ayaa maanta imtixiaanka qabuulka u ...
astaanta_qaranka11 ok

Halkan ka Akhriso Hindise-shaciyeedka Xeerka Saxaafadda oo dhammeystiran

HINDISE-SHARCIYEED Xeerka Saxaafadda Qaranka Hordhac   Qeexidda Saxaafadda Saxaafaddu waa habka loogu gudbiyo ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-SUBAX-25-8-2014.mp3"][/audio]
wasiirka warfaafinta

Xukuumadda oo qodobbo ka soo saartay qaadista Canshuurta dowladda

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta. Muqdisho, August ...

Tubta Toosan

Dhallinnyaro

Maalinta Caalamiga ah ee dhallinyarada, Waa side xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed?

  Maanta oo ay taariikhdu tahay 12 August waa ...
Ammaan

Mas’uuliyadda Bulshada & Ammaanka Dalka Dhageyso

  Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ku soo ...
Dumar

Alshabaab iyo Laynta haweenka

Maleeshiyada Alshabaab ee xag jirka ahi, waxay gabood ...