Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo soo gabagabeeyay socdaal uu ku jooga magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa faah faahin ka bixiyay natiijada kalammadii uu la qaatay madaxda Midowga Yurub.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaalia Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali “Gaaz” oo wareysi siiyay Radio Muqdisho isaga oo ku sugan xarunta dhexe ee Midowga Yurub ee Brussels’ ee dalka Belgium-ka ayaa sheegay intii uu ku sugnaa dalkaasi uu la kulmay madaxa ugu sareeya dhanka Milatariga ee Midowga Yurub, madaxeynaha 27-ka ee dalka Yurub, iyo madax kale.
Waxa uu tilmaamay Ra’iisul wasaaraha in madaxda ay si gaar ah uga wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Yurub iyo sidii loo xoojin lahaa taareerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyo tan ciidammada Midowga Afrika ee ee Soomaaliya ka howlgalla.
Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali ayaa farta ku fiiqay in madaxdii uu la kulmay ay u ballan qaadeen in gacan ka geysanayaan soo afmeeridda mashaakilka Soomaaliya iyo horumarinta dowladda iyo dalka Soomaaliya.
Dhan kale Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa xusay in masuuliyiinta Yurub ay u riyaaqeen shirkii lagu soo gabageeyay magaalada Gorowe ee looga hadlayay arrimaha Dastuurka Soomaaliya, isagoo intaa raaciyay in sidoo kale ay codkooda ku biiriyeen taareerada ay u hayaan shirka London ee arrimaha Soomaaliya.
Ugu danbeyntii Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ee howlgalka ka billaabay gobollada Baay iyo Bakool Al-Qaaciddana uga xoreeyay deegaannada hor leh, isagoo carabka ku dhurtay in muddo aan fogeyn dalka oo idil laga xoreenayo Al-Qaacidda.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760