Radio Muqdisho Oo Barnaamij Gaar Ah Ka Sameeyey Waxqabadka Iyo Dhaliilaha Xukuumaddii Kacaanka(Dhageyso)
Published on October 21, 2011 by Jayte · 43 Comments · 12,338 views
Ayadoo maanta Taariikhdu ay ku beegantahay 21Octobar oo maanta oo kale sanadkii 1969kii ay Xukuumaddii Kacaanka talada dalka la wareegtay ayaa Radio Muqdisho waxa uu Barnaamij gaar ah ka diyaariyey Waxqabadkii Xukuumaddii Kacaanka ee mudada 21ka sano dalka xukumeysay iyo dhaliilaheeda.
Barnaamijkan oo xambaarsan ama aad ku dhageysan doontaan macluumaad u badan Khudbado laga soo saaray Keydka Radio Muqdisho waxaa inoosoo diyaariyey halkanna kasoo jeedinaya wariyeyaasheena kala ah Maxamed Abuukar Axmed (Ma’da) iyo C/salaan Cali Mataan (Daacad).
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Koobaad Ee Barnaamijka Gaarka ah 21-Octobar
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Labaad Ee Barnaamijka Gaarka ah 21-Octobar
Tartan kor loogu qaaday aqoonta Ardayda wax ka ...
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ...
Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
WARKA SUBAX May 17.05.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
War Habeen 16-May-2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
WARKA DUHUR 16.05.2012
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
Dadweynaha iyo gadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta magacaabay afhayeenka cusub ...
Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
WARKA SUBAX 16.5.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...
Waxaan aad ula dhacay khudbada uu ka hadlayo sinaanta dadka bani aadamka asagoo weeraraya dadka gumeysiga ku jira. Haddii tan lagu dilay dad wadaado ahaa ma filayo inuu khaldanaa ALLAA YARXAMU Maxamed Siyad Barre. Marnaba kama hadlin diin laakiin way iska cadeyd inuu nidaamo kale la dagaalamayay.
jaale waxaad wadanka u qabatay nin moog ma lahan oo wax barasho lacag la’aan ah maantana inagoo lacag haysano ayaa hadana sidii aan doonno wax uma barano jaaalle wadaadadii aad tiirka geysay ma ahayn wadaadaii la yaqiinay ee kuwa maanta diinta ku qaraabanaayo duf ha ku baxaan jaalle janadii firdowso daaa’inkayga ha kugu simo oo safkii rasuulkeena ha ku raaciyo
a s c.ad ayad ugu mahad santihin lkn waxad gu dartan in la aq riyo od bog kasameysan mahad sanidin
Aduun dib u xun baa layiri
meeshii nin maqan lagutabay waxa ay ceebtiistahay nin jooho. siyaad waa tagay
alle ah u naxariisto dalkiine cadow ayaa meel walba kasoo galay Badda bariga iyo hawada .
Maloo darsaday nisse waa lgareeystay?
manta o kale runti waa malin ad xasus lama ilawan u ah umada somaliyed inkasto kacankas umada somaliyed wax badan uqabtay o ay kamidtahay xaga waxbarashada adeegyada bulshada waxsosarka siyasada arimaha dibada o wadankenu u noqday awod adunka wax lagadhagaysto tariqdena iyo awodena cidana ay gartay in adunka jamacadaha lagadhigo waxan is leyahay waxa qaldana dadki kadambeyey in xukumadas larido o ay uguhoreyan jabhadihi o markas notusinayey in siyad barre iyo xukumadisa ay barwaqo iyo jano nagahortagnayen jabhadihi an calanka ululaynay wakuwa manta halkan nadhigay ad ayan ugaxunahay wixi ansamaynay. Watas wadadeni okale waxa manta qaday dadka rer libiya hadi qadafi u barwaqo kahortagna wan sugayna miraha ay gurandonan…..
21 october wa malin ku weyn dadka somaliyed ee sooxasosanayan dawlad , tasi bedelked manta dalinyarada jogta maba garanayan 21 octobar qarkod waxa isweydinaya waxa hadda kenay in lasohadqado 21 octoba ,manta murugo ayan ladarisnay aya qorkod marka aad wareysato ku shegayan
Jaranal max’ed siyaad barre waxbadan ayuu qabtay lkn waxbadan ayuu qalday una ku fududay sida dilki wadaadaddi ,in isku midyihin Raga iyo Dumarka taasi oo ah danbi weyn
Masha allah ilahaw ku naxariso Muxu Mar ubaxay wa laga dhexlay dhimashadisa ilah ha ugu badalo umadayada mid kale
waxan ahay muwadin somaliyeed waxan codsanayaa in aan laga hadlin alaha u naxariistee ABE mohamed siyd yanan laga hadlin waxa daran wax dhacay wixii ka dambeyay dowladana aan tageerno waxana waa imtixan waxan leyahay wariyasha soo aruriyay qoralkan waxan u shgayaa in ay ilahay ka baqan waxan qiyasayaa inay yihiin dad yar marxuumkana halo doceyo fiiri imisaa culumo isku shegeysa umadana ku halageen sidii hargaha iyo samaha byyye
ASC
SHABAAB MUQDISHO WAA KA MUUQBELEEN
MAXAY MARIN HABOWSHEEN MULUQYASHEENA
MAXAY JANO BEENA JIDKA KA TUSIYEEN
MAXAY MALEGEEN MASIIBO MAAL KU BAABA,Y
MAXAY HURDA U DIIDEN SHACABKII
MAXAY GACMO GUREEN SHACABKII
MAXAY GOWRACEEN SHACABKII
MAXAY DHAGAX KU DILEEN SHACABKII
MAXAY MASAAJIDA KU UGAARSADEN CULUMADII
MAXAY SARKAAL TOOGASHO KU DILEEN
MAXAY QARAX U MALEGEEN ARDAY IYO DHAQATIIR IYO DAD AHLU CILMI AH
MAXAY MAATADA LAAYEENMADFAC U DALBEEN
MAXAY GAAJO CUNUQABATEEN SAREEN SHACABKII
MAXAY NIN AAN WAX GALABSAN JAAJUUS U DILEEN.
MAXAY ILMO KA QUBATAY HOOYO WIILKEDA QASAB LAGU ASKAREYAY.
MAXAY CARUUR BADAN AGOON KA DHIGEEN
MAXAY HOOYOYIN BADAN AY ASAAY U SAREEN
MAXAY AQOONYAHAN NAGA DILEEN
MAXAY UURKUTAALIYO CIIL BADEEN CARUUR DA,YAR.
ALAHA U NAXARIISTA NIN WUXUU AHAA HALYEYE AH
siyad barre wuxuu ahaa geesi wuxuu wadanka ka ilaaliyay cadaw fara badan o ay itobiya ugu horayso inti u wadanka xukumayayna koob biyo ah lagama xadin. allooy yaa maanta u warama meeshay somali taallo?
allaha unaxariistee sida aan ahaan jirnay iyo sida aan maanta nahay, naxdin badanaa
nin aduunya joogoow maxaa aragti kuu laaban, qabqable dagaal, qabyaalad burcad diimeed, al shabaabna bal fiiri is qarxin iyo gaalaysiin,
ilaah ha u naxariisto reerkeena ma iloobi doono inta aan aduunka joogno wax weyn uu noo qabtay anagoo agoon ah 8caruur ah iyo hooyadeen uu noo imaaday abahay uu dooganyahay 10maalin hooyaday asaa u saaran waxuu dhahay waa in ilmahaan wax loo qabtaa gurigooda loo dhisaa aniga markaas waxaan jiray 10sano waligay ma iloobaayo
ruqiyo runtaa sister laakinse ma is tiri intuu agoonteeyay iyo intuu gur yahooda dunsaday ee uu qaxooti iyo duli nimo baday iyo wiilkuu hooyadiis askartiisa kufsatay ma isleedayh ineey kulaqiraayaan amaantiisa kufsi waxaa bilaabay askartiisa eeex waxaa bilaabay isaga qabyaalad waxa bilaabay isaga waa aabihii burburka sooaaliya ilaa uu wadanka ka baxane marnaba muusan ogolaan inuu soomaali xilkeeda dhigo waa macangaga yiri walee dalbaa layga dhaxlaa maahee dad laygama dhaxlo micnaheeduna yahay inuu sumeeyay umada oodhan
Ilaah ha u naxariisto Jaalle Siyaad wuxuu ahaa wadani dhab ah oo jacelaa dadkiisa iyo dalkiisa. Somaalida cadaw baa isku diray weyna garan waysey, marka haddeer shalaay waxba ma tareyso. Waxaa loo baahan yahay sidii aad jabhadii USC da u taagyeeri jirteen rag iyo dumar waa inaad u taagyeertaan dowlada hadda jirta si ay somaliya sharafteedii u soo cesheto, haddii kale sidaan ahaada ..!
Asc wn slamaya somaliyo dhan gaar ahan inta nabada jcl iyo hormarka dalka allah unaxaristo jaalle maxamed siyaad bare wuxuu ahaa aabaha somaliya geesiga africa mar walbana bin aadamka wuu qaldama mar waxan dhihaa lahaa jaalle maxamed siyad bare wax walbo oo sameye wuuku saxna sababto ah asago firinayo badbadada umada somaliyed iyo sinaanta jaalle maxamed siyad bare allah janada ka warabiyo wuxuu ahaa hogaamiye daacada taana waxaa daliil u ah tan iyo markii uu isaga dage xilka ilaa haatan somaliya wey xasili la’dahay waxeyna ka bixi la’ dahay dagaalo aan jogsi laheyn jaalle allah ku naxaristo qabrigana waasac allah kaga dhigo war hoy somaliyey nabada u hogaansama si aa asaagin ula tartantiin
Hadaad rabtaan in haybaddii soomliyeed soo noqota waa inaad taageertaan xukuumadda jirta sidii aad u taageeri jirteeen jabhadihii SSDF, SNM iyo USC oo ahaa kuwii keenay burburka haddii kale weligiin sidaasaa calaacal ugu jiraysaan
inigoosiiwata hadalkeyga jaale maxamed siyaad bare wuxuu ahaa aabaha umada soomaaliyeed oocaadil ah nin afrikaan ahkoow wxuu kabilaabaa in dibaha kuwaasho sidii wax hadeer geed laga soo furay labo in uu jeebkiisa buuxsado sadex in uu gobol kiisa dhiso una hagar baxo intaba laguma hayoaabosiyaadalaha unaxariisto laakiin qofkastaoosoomaali ah wuu ogyahay wuxuu sameeyey sida loogu xaarary aabo siyaad sory
kacaanka 10kii sano wax qabadkiisa waa fiicnaa sida horumar kii laga sameyay dhinaca wax barashada dhaqaalaha qorista afka somaliga
lakin 12 kii sano oo u danbeeyay waxoow ku dhacay danbiyo waa ween oo ka mid yahiin sinaanta niman iyo naagaha iyo surada quraanka ee cadeyneysa arintan uu beniyay waa ku qaldanaa iyo markii udanbeysay arintiisa waxuu ubadalay qabiil hada iyo dan somali haka tashadaan dantooda guud wabilaahi tofiiq
Thank you so much for somali revolutionary and national songs…aad iyo aad waad mahadsantihin………..musa mohsin
illahay ha u naxariis to jaale maxamed siyaad bare
waxaan dhihi kar no malahan wax aan lasifeeo kar no na malahan
waxuu ahaa geesi wadani ah oo anan garab heysan
waxuu ahaa ahaa kii na tusay tubta toosan
waxaan ka codsaneynaa radiomuqdisho.net in ay bog gaar ah oo aad uga hadleysaan taariikho dii aabihii umada somaliyed halyey geenii
plz wax khabad kii jaale siyaad bog u yeela
anaga haddii anan arag waa in aad na tustaan
wax khabad kii sii
Maxamed Siyaad wuxuu ahaa kii u horseeday Soomaalida halaaga iyo fool xumada ay maanta dhex hoganayso, isla markaana baray in xukunku yahay tartan lagu tartamo qori caaradiis – yacni ninkii xoog leh ayaa xaajo u toostaa. Wuxuu ku hoggaamiyey umadda xukun ka maran akhlaaqda iyo cadaaladda. Maalinta uu Soomaalida miyirku u soo noqdo oo ay wax bartaan ayay garan doonaan dhibka uu baday. Wuxuu baday wuxuu baray ayaa ka xun.
Allaha u naxariisto Maxamed Siyaad Barre wuxuu ahaa Hoggaamiye Hawshiisa yaqaan, Wadani dalkiisa iyo Dadkiisa Jecel.
Nin Odey khibrad ama waayo aragnimo weyn u lahaa Somalida, lana soo shaqeeyey Gumeystayaashii Dalka ku kala dambeeyey Talyaani iyo Ingiriisba isagoo aan dhibaato isku keenin.
Wuxuu aad iyo aad uga aragti dheeraa Somalida inteeda kale, Tuugada iyo kuwa aan Wadaniyadda ku jirinna si fiican ayuu u garanaayey wuuna ka ilaalinaayey iney Xukun qabtaan si aysan dalka u bur burinin una gaarsiin halka uu hadda maraayo, laakin waa lala garan waayey.
Waxaa lagu Xasuustaa Qorista Afka Somaliga, ku biiridda Jaamacadda Carabta, Horumarinta dhismaha Dalka, Dhaqaalaha Dalka, Siyaasadda Dalka, Waxbarashada lacag la’aanta ahayd ilaa heer Jaamacad, Caafimaadka Lacag la’aanta ahaa oo xittaa Dalalka Reer Yurub iyo Mareykanka aan weli gaarin.
Tan ugu siiba weyn waxaa lagu Xasuustaa Dagaalkii uu ku khaldamey inuu ku qaado Ethiopia, kuna dhawaado inuu Ethiopia oo dhan ku qabsado, taasoo u abuurtey Cadow Badan oo Caalami ah inuu yeesho, laguna soo abaabulo Moorayaantii SSDF, USC, SPM , SNM iyo intii bur burisey Qaranimada Dalka, Dadka , Deegaanka, iyo Dullinimada ilaa hadda ay ku sii wadaan.
jalle siyadd allah unaxaristo
Wuxui aha halyay
Wuxuu aha wadini
amin ilahay ha unaxaristo marxuumka wadankenana ilahay hayno xasiloyn. Wadani dhab ah oo xalaal ah buu ahaa nin lamida kama danbayn isaga.
Ummad jaah wareersan waxaa lagu yaqaannaa ineysan xumaan iyo samaanta isku mowqif ka noqon oo uu ka lumo halbeegga labadaas lagu kala saari karo.
Maxamed Siyaad Barre waa aabbaha balaayada maanta taagan,mana ahan in dadkeenni soo joogey xumaantiisi maanta malab nalooka dhigo dacar aan xusuusanno qaraarkeedi.
Hadduu fiicnaa maxaa fiicnaan looga dhaxli waayey iyo dal dhisan isagu dal dhisanbuu dhaxlaye?
Hadduu fiicnaa muxuu markii xukunka laga tuurey dalka uga tegi waayey oo uu sababta ugu noqdey musiibadii ka dhacdey Bay iyo Bakool oo uu u fagtey bakaarihii shacabka?
Nin madaxweynennimadiinna dalka ku burburiyey,warlordnimana halaaggii ugu badnaa ku geystey ayaad noo ammaaneysaan!
War dadyahow xishooda oo haddaad dooneysaan in ummaddu midowdo waddo cusub oo xalaal ah ka hadla oon aheyn waddadii kacaanka iyo tii jabhadaha qabiilka iyo tan wadaaddada toona! Haddii kale qaladkii dalka dumiyey ayaad mar kale geleysaan?Nin gooni ahna ha ammaanina geelii igu tuntey mid aan duco qabto ku sheego kuma ogiye!
Wadaad yare waxa tahay sheydaan weyn siyaad bare oo kale masoo marayo wadankena horumarka uu garsiyay qaladka uu galay illaahey haka cafiyo lakiin ninkas wuxu noo sheegay qarandiid adoo kale iyo danestayal dalka &dadka gadanayo wadaad yare waxa tahay
asc wr wb jaale adeer adiga magacaada baaba laga gartaa inaad xiiso iyojeceel indho la an eh u hayso siyaad siyaad tag isookalane somali soomari maayo waa runtaa been maahan laakinse soomaali siyaad wuxuu u taray iyowuxuu baday waxaa badan wuxuu baray ee ilaah haka dul qaado aabaha qabiilka aabaha eexda aabaha dulmi uu arko ka aamuso aabaha sidoo doono umada ka yeelo markuu talada sarakiishii la shaqeyn jirtay uu la tashan jiray waa la ogaa wnaagi dhacay laakinse maalintuu mr iyo drd noqday la ogaa ceebta iyo xumadow dhax fadhiistay
Wadaad yare Markaan maqlo 21 octobar waan ooyaa waayo dowlad xun dowlad la’aan ayeey dhaanta allaha unaxariisto siyaad bare markii dowlada la’ridayay waxan ahaa arday fasal 5 ah sacadan waxan ahan lahay jaamici laakiin waxa nahelay … oo kale ah oo guryaha dowlada ku soo koray & xoolo isbaaro laga keenay
waxaa muhim ah in quf walba waxa uuqabo sheego,waxayse aniga ila tahay maanta waxa soomaali haysta siyaad baraa ooga fiicnaa,
Ilaahay ha u naxariisto Maxamed Siyaad. Dad dano gaar ah watay ayaa shacabka soomaaliyeed ku diray maxamed siyaad balse waxaan dhamaan isku raaci karnaa inuu ahaa wadani. Ogow, madaxweynaha keliya ee afrika soo maray oo aan lacag badan meel dhigan. Ma kula tahay in Soomaaliya looga talin lahaa Addis Ababa iyo Nairobi hadduu noolaan lahaa.
Nin fiican wax fiicanbaa laga dhaxlaa,ninkii xunna wax xun. Ummaddoo is jecel oo hal dhinac ujeedda ayuu qabsadey talada maxamed Siyaad iyagoo is neceb oo is dilayana wuu ka tegey.
Ummaddoo institutionnao iyo hay,ado dowladeed sida mileteri,boolis iwm u dhisanyihiin oo bangi keyd lacageed ceegaago ayuu qabsadey markuu ka tegey sidey aheyd ma ogtihiin? Mise sheeko xariiro ayaa dhegta la idiinku sheegey?
Waxaad isku qaldeysiin beri samaadkii kacaanka oo in kastoo dadka aqoonta leh dalka ka wada carareen haddana dadweynaha caadigaa ammaan iyo nabad heleen, iyo tobankii sano oo ugu danbeysey oo qabyaalad waalan iyo corruption aan isagoo kale la arag dhacey oo marba qabiil lagu duulayey? Hadduu tobankii sano oo hore wax hagaageen uu ammaan ku muteysto yaa tobankii sano oo danbe dalka xakumayey?
Ilaah ha u naxariisto Jaalle Siyaad aabihii umadda, la’aantiis umaddii waa agoontoobeen. Raadiyo muqdisho waad ku mahadsan tihiin 100%
maxamed siyaad bare wuxuu sameyey ilahay ayaa og soomaalina wey og tahay diinta islamka ayuu wax ka badalay sababtoo ah wuxuu yiri nin iyo naag dhinaca xuquqda wey siman yihiin iyo ayado qur.anka ka mid ah ayuu nusuqay dhibka hada wadanka ka taagan waxaa u sabab ahaa maxed siydaa bare ayaa u sbab ahaa kitabka ilhay wax ka sareya majiraan waa kalamka ilahay waaye kalamka ilahay qofkii isku daya in uu wax ka badalo jawab teeda wuu helayaa manta waan helnay jawabteeda waxaan ilahay ka baryayaa in dhibka nagu habsaday ilahay inoo samaxo amin yaarabi qofkii wax fahmaya ayaa ogaan kara dhibka soomaaliya mesha ay ka timid ogan kara wabilaahi toowfiiq
asc waalaha soomaliyed marka hore waxan leyahay in ay u mahad ciliyaan aabaha soomaliyed jaale maxamed siyaad bare waa nin fican ayuu ahaa jaale siyaad alha u naxariisto aabe siyaad waxana soo qoray madaxwenaha mustaqbalka ee soomaaliyed DR CILMI CAWAALE
WIIL SOMALI AH OO QOORTA LAGA GOOYO WAXAA LA ARKAY MARKUU BABA SIYAAD TEGAY..
GABAR SOMALI AH OO DHAGAX LAGU DILO WAXAA LA ARKAY MARKUU BAABA SIYAAD TEGAY..
Waxa xaqiiqdutahay in siyaadbare loodarsaday allaha unaxariisto anagana asagiyoo kale iyo midkafiican allah nasiiyo.
kacaanka 21oktoobar wuxuu ahaa dowldda jirtay oo maamulkeyda aad u fiicanaa waxaa kasta halaga sheego. waxaa ka xun kan maanta jirta
Lama dafiri karo wax qabadkii dowladii afrika madaxda ka aheyd ee hogaaminayay Alaha unaxariistee Max’ed Ziyaad Barre haba la haatee xumaan balse ay xaalada maanta taagan ka darantahay.
waxaa la arkay caruurtii soo hana qaaday oo lagu jaga raad sanayo halka laga dhisi lahaa mustaqbokooda iyo manaxayaal waqtigooda dhameystay oo kursi ku dagaalamaya, taa waxaa ka sii daran kuwa oranaya dunida oo dhan ayaan maamuleynaa.
Dadka waxey odhanayeen ilaahow mar uun naga dul qaad, ma aysan odhan mid ka badal roon ilaahow nogu badal.
Tani waa Gaf allaah aan ka galnay Dhamaanteen ee ilaah aan unoqano.
haba iga hordhaca barnaamijkee waa isoo jiitay dhab ahaantii aniga ahaan waxaan dhihi karaa kacaankii iyo dadkii hogaaminayay oo ugu horeeyo GEN-mahamed siyaad bare aabihii somalia alaha unaxariistee dhaliilba malaheen lkn somalida ayaaba aanan aheyn dad dantooda aqaana oo jecel oo kiliya dadtooda qaaska ah inaay kahormariyaan danta qaranka janankana taas ayuu in badan kahortaagnaa ugu danbeytiina waxa dhacay dadka somaliyeed ayaa kamarqaati ah.
jalle maxamad siyad bare alaha ku naxariisto alaahna waxa ka ga barya jina fardowsa.
Waxa u ahaa nin geesi ah hadana fir fircon shaqadisana u gudanayo si dacadnimo ah.marki an ego xagada cidamada qalabka sida.waxa u baray.geesiga. (aqlaaq) ma ehen kuwa dadka dila ma ehen kuwa dadka dhaca waxay ahaayeen kuwa sojiidanayo shacabka soomaaliyeed balsa hada waxan ilaahey ka baryena in u lahey nasiyo qaran dacad ah in sha alah