Raadiyo Muqdisho – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa laga billaabo toddobaadkan ka soo galaya mowjad cusub oo dhinaca dayax-gacmeedka Thaicom 5, halkaasoo ay u badan yihiin taleefishinnada afka Soomaaliga ku hadla.
Isbeddelkan ayaa yimid kaddib markii la kordhiyay qaababka loo dhageysto idaacadda, isla markaana xoogga la saaray sidii maqalka idaacadda loo gaarsiin lahaa meelo ka baxsan Muqdisho, iyo weliba dalka dibeddiisa.
Dayax-gacmeedka Thaicom 5 wuxuu gaaraa dhinaca bari laga soo billaabo Australia illaa dhinaca galbeed qeybo ka mid ah qaaradda Yurub. Sidaasi darteed Soomaalida ku nool qaaradaha Afrika, Aasiya iyo qeybo ka mid ah Yurub iyo Australiya waxay si toos ah Raadiyo Muqdisho uga dhageysan karaan mowjadda hoos ku qoran xilliyada uu hawada ku jiro oo ah 6da aroornimo illaa 12ka saqda dhexe waqtiga Bariga Afrika:
Thaicom 5 @ 78.5 East
Downlink Frequency: 3640 Horizontal polarization
Symbol Rate: 28066
FEC: ¾
APID: 2023
Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in idaacaddu ay hadda gashay mowjad ka sarreysa tii ay horay ugu jirtay, oo sahleysa in meelo ka fog halkii hore ay dadku ka helaan Idaacadda ama ay ka dhageystaan, wuxuuna tilmaamay in dhawaan dadka Soomaaliyeed eek u nool Mareykanka iyo Yurubta Galbeed laga dhageysan doono hadduu Alle idmo.
Tallaabadan ayaa ka dhigeysa Raadiyo Muqdisho idaacadda kaliya ee Soomaaliya ku taalla ee laga dhageysan karo dayax-gacmeed, isla markaana si toos ah looga dhageysan karo internet-ka (internet live streaming).
Horumarka lagu sameeyay Raadiyo Muqdisho sanadihi ugu dambeeyay wuxuu gaarsiiyay inay Idaacaddu noqoto midda loogu dhageysi badan yahay magaalada Muqdisho, sida lagu caddeeyay sahan ay sameysay Xarunta madaxa bannaan ee Mogadishu Media House, lana shaaciyay bishii Maarso ee sanadkan.
“Farxad weyn ayay noo tahay in Raadiyo Muqdisho uu noqdo kan hoggaaminaya warbaahinta Soomaaliya ka dhisan, taasna waxay ku timid dadaalka ay sameeyeen maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda oo muujiyay waddaninnimo iyo karti dheeraad ah iyadoo ay adag yihiin marxaladda ay shaqeynayaan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Mudane Maxamed C/lle Faarax.
Tan iyo billowgii sanadkan Wasaaraddu Warfaafintu waxay ku guuleysatay inay si rasmi ah u howl-geliso Taleefishinkii Qaranka, Wakaaladdii Wararka Soomaaliyeed iyo Wargeyska Dalka oo toddobaadle ah, iyo dib-u-howl-gelinta fannaaniintii qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi oo mushaar joogto ah loo qoray. Intaasi oo dhan waxay qeyb ka yihiin ololaha dib loogu soo nooleynayo adeegyadii warbaahineed ee dalka ka jiray.
Sateleetka aad sheegteen lagama dhegeeysan karo Ingiriiska iyo dhamaan yurubta galbeed ee sida xoogga leh Soomaalidu u joogto.
Soo geliya satelaytyada Hotbed iyo Astra. Kuwaasaa Yurub laga helaa.
Hadii aadan dhageeysan karin radio muqdisho iska soo guur ee soodag xaafadaha udhaw ee xamar. ileen yurub iyo meelahaas fogfog wadaa gaari markayo . oo gacantiisa iyo carabkiisaba magaaryee.
SCW/ Waa arin wanaagsan waxaan sugnaa in lasii gordhiyo wayoo tv yada kale inta badan waxaa leh Dowlad diidka sidaas darteed waa soo dhaweyneynaa hadaan nahay Qurba joogta qaaradda Yurub.
Anaga reer usa hadaanu nahay maxaa noo soo maqan aan internetka ka ahayn?
Qorashaha ayay ku jirtaa inaan caalamka oo dhan gaarsiino.
Haatan live streaming ayaad ka dhageysan kartaan.. Mahadsanid
Waad mahadsan tihiin dhamaan howl wadeenada waana guul usoo hoyotey umada soomaalieed
ASC walaalyaal, Salaankadib waad fiicantihiin,laakin ha,iloobina waxa ubaahan wararka dalka waa dadka ku noo Qarada Urup. Ee ku dadaala sidii aad ugu saneeyn laheydeen Hortbirdka ama Eurobird oo dadka urup degan ay helikaraan Radiyaha ama TVga Dowlada hadii aad sameysaan in aad ka furtaan Radiayha anda TVga Wabillahitowfiiq.
WAAD KU MAHADSANTIHIIN MAAMULKA IYO SHAQAALAHA RADIO MUQDISHO ALAHA IDIN XAFIDO LAAKIIN QORSHAHA KU DARAN INAAN KA DHAGAYSANO HOTBIRDKA WAAYOO ASAGA AYAA LOOBADANYAHAY
Radiyaha ma ahan waxan u oomanahay ee waa TVga qaranka hadan nahay somalida kunool Finland xita hadi an heli karno nosameya in an kadawano internetka sida TVga Universal mahadsanidiin
waxan joga kenya wan idiin mahad celinayaa shaqalaha warfafinta qarankeena
waad mahad santihin maamulka idacada hadi aadtihiin iyo wsaarada lkn sattalitekaass isticmalkiisu adbuu ugu yar ayahay aduunka hadii loo badalo kuwa caalamiga ah muhiim ayay ahaanlehed
anaka waxaan jooknaa jaziirada malta makadaawankarnaa tvga ama makadhageesankarnaa radiyaha wixii libya gaara waan heleenaa sidaan rajeynaayo
Asc wrwb guuuleysta guuleeysta waxa qatiyaan ka taganahay dad somali kula ah kana shaqeeya duminta qarankooda una sameystay tv iyo warbahino kaleba niyad jabinta shacabka shaqalaha radiya ilaa wasiirka warfafinta agasimaha idacada kheer alaha idin siiyo
waa in la sameeyo mowjad xoog weyn oo laga maqli karo geska afrika oo dhan. si walba waa horumar hambalyo.
wlhi waa farxad iyo mahad xag alle nooga sugnaatay, alllow warbaahinta dalkeena ay ahaato tii aan ku nuursano oo wehel noo noqoto meel kastoon dunida ka joogno,,,, allow guuleey geesiyada dhabar adayga muujiyay iyo madaxdooda, mahad khaas ah haka gaarto halyeeyadii howshan kicinteeeda lahaa ee isaga dambeeyey hagidda iyo horusocodsiinta howsha wasaaradda oo halyeeyeadaas oo kala ah sacaadatu wasiiir geelle, iyo wasiirka hadda shaqada sii haya,,,,
Asc dhaman walalaha musliminta ahow marka xigta waxan u mahad celina inta u istagtay in ay dadka somaliyed ka haqabtiran warar hubal ah iyo xalka u wadanka marayo aniga o ah ibrahin gosey waxan leyahay dadka somaliyed mel ay jogan ha u istagan sidi an uga bixi lahayn qaxotinimo
Ilaah baa mahada leh mar hadii la helay idaacadii iyo TV-gii Qaranka, waxaan idiinka sugeeynaa inaad soo gelisaan HOTBIRD,ASTRA AMA ARABSITE-ka hadii uu ilaah yiraahdo halkaana ka wada dadaalka inshaa allaah.
Asc.
dadka joogaa china marka ay dhagaysanayaa radio moqdishu uu ay cabaar dhagaystaan waxaa soo dhax gala music iyo wax yaabo aan shoqol ku lahayn radio muqdishu fadlan hadee ay cilaad tahay mid jirta pls waa aan karaahaysanay wax halaga qabtu..
anaga uu dhagaysanayna radiaha uu ku raaxaysanayna ayaa waxaa soo galay Interubtion sounds.
Salaam
Waxaan fileynaa inay tahay cillad ku kooban Shiinaha.
Haddaan nahay dadka deggen NORTH AMERICA waxaa aad u jecelnahay inaan aragno TV Qaranka. Soo geliya TV Qaranka Satellite-ka sida kuwa carabata oo kale.
thanks laakin xooga saara wadamada somalida qurba joogta ahi ku badantahay
xitaa caruurta waxuu kasaacidayaa in luqda hooyo aysan hilmaamin xooga saraa yurub iyo ameerica
Hambalyo hambalyo bahda warbahinta radio muqdisho
Aad ban ugu faraxnay markan maqalnay cidad afka somaliga ku hadlayda ee ado joga wadan an ahayn wadankaga dhagaysanayso waxdse kuso dartan televishinka qaranka arab siteka wan la,anahay hadanu nahay ardayda jogta wax ka barata sudan mahadsanidin
Asc anigoo ah jacfar oojoogo south africa aad,baan ugu faraxsanay horumarka aygaartay radio muqdisho waxaan idin oran lahaa siiwada howsha qaranka aad uhaysaan “waad mahadsantihiin
waxaan jogaa south africa maka dhagesan karaa dstvga wadankaan bbc iyo voa waan ka dhageystaaye waad mahadsantihiin dhamaan bahda radio iyo tvga
DSTV lagama dhageysan karo Radio Muqdisho
Asc waxan joga s.africa waxad dhahday dstv lagama dhagaysankaro ok waxad ino shegtan qaabka ugu sahlan ee logu dhagaysankaro wararka idacada wad mahadsantihin walalayal
waxaa mahad kuligeed u sugnaatay allah haddaanu nahay dadka qurbaha kunool waxaan u bogaadin u direynaa dhamaan inta ka howlgasha radiomuqdisho oo noo fududeeyay dhegeysiga idaacad ku hadasha afkayna hooyo wabilaahi towfiiq
Asc. Aad iyo aad abaad u mahadsann tihiin shaqaalaha iyo maamulka Radio Muqdisho.
Talo ahaan waxaa idiin soo jeedin lahaa inaad samaysaan iPhone application oo radio live stream ka ah laga dhageysan karo iyo xitaa Andriod application oo isna aad loo isticmaalo taa ayaad ku filan inaad eupe iyo north America iyo aduunka kale ba soomalidu aad codka jumhuuriyada toos mobile fone kooda uga dhageystaan
shirkado badan raqiis ah oo India iyo china kuyaal ayaa idin ka caawin Kara applications ka
Fadlan taa inoo sameeya
asc wr wb..dhamaantiina howsha aad wadiin waad ku mahadsantihiin laakiin Thaicom 5 yurub ama carab midna lagama daawan karo waayo la heli maayo saxankiisa waa 2.mitir ama 2.40cm ayaa loo baahan yahay aduunyada hada waxaas way ka gudubtey hadii aad heli kartaan arabsat ama hotbird way wanaagsanaan laheyn gaar ahaan weliba arabsatka asigaa baaxadiisu aad ay u weyn tahay Dayax-gacmeedka kale saas uma baaxad weyna mahasanidiin
maansha alaah waa wax lagu farxo aad ayaa u mahadsan tihiin dhamaan reer rado muqdisho insha alaah waxaan rajeynaa in aad codsiga ah sateliteka Hotbirdka iyo astra noo soo galisaan kuwan ayaa ugu badan yurubka wax laga dhageysto
waan idinsalaamay shaqaalaha radio muqdisho dhamaantiin idinka iyo wasaarada warfaafinta iyo soomaali oo dhan waadna kumahadsantihiin dadaalkiina siinawata howshiina somali weyguleysan rabtaaye intaas kadib walaalayaal hadaan nahay somalida yurub waxaan isticmaalnaa satteliteka hotbird iyo astra siiba hotbird sida tv universal,somalichannel iyo horn cable tv ee soogeliya tvga qaranka waad mahadsatihiin wabillaahi towfiiq.
bismillah
horrumar iyo waayo aragti
dad iyo dalku way isku baahan yihiin
s___**__m ailinmo=+soo noqosho nolol
maalmeed. anoo dhalin yaraa ayaan shaaha
ka cabi jiray raadiyo muqdishu biibitada iridka
raadiyo muqdishu ku taal.
north yurub xitaa tvga lagama daawan karo ka dhiga sida tvyada shaqsiyaadka oo caalamka oo idil laga daawado plz wallaha shaqa u taganoow mar walbo
Radio Muqdisho Wanaagsanaa, codkiisu waalanaa, Xawaarihiisu Saraa, Muuqaalkiisu wanaagsanaa, Qancintiisu ook ahaa, Dhagaysigiisu badanaa, wararkiisu suganaa, Dadkuna jecelaa, aniguna ku waalniyaa.
Mahadsanidiin Radio Muqdishu waadna MAHADSANTIHIIN.
WAA HORUMAR AYGAAREEN UMADA WADANIYIINTA AH EE SOOMAALIYEED GAAR AHAAN BAHDA RADIO MUQDISHO ALAHA IDIN XAFIDO HOWSHIINA SIIWADA WAADNA KU MAHADSANTIHIIN HORUMARKA AAD NOO SAMEYSEEN
asc maasha`allaah waxan leeyahay hambalyo Radio muqdisho aad & aad ayaan ugu faraxsanahay gushan u soo hoyatay umada soomaaliyeed mahadsanidiin.
Asc wc wb…dhaman asxabta wan comment asc.. Wr. Waxan joga waqoyi bari kenya ilahay ayaan ka codsanaya inu dhibta inaga korqaado…. Wana sodhawaynayna dardarta xoga leh wasaradu ku sonolaynayso xuquqda saxafada iyo xuquqda qaranimada waxana salamay uma somali hambalyo 1luulyo.
Waxana umada somali leyahay hambalyo hambalyo, gar ahan asxabta badan angaranayo xogoda iyo xininyahoda u hurday ka shaqaynta warfafinta qaranka
Asc waxaan jogaa sweden ee intee ka dhageysahaa idaacada jamhuuriya somaliya
maasha allaah aad ayaad ugu mahadsantahiin shaqaalaha radio moqdisho howsha wanaagsan ee aad qabateen wabahinta waxay kamitahay meelaha lagukasbada shacabka ee kudadaala sidii aad usoocelin laheedeen sharaftii iyo karaamadii umada somaliyeed iskuna daya in aad warka ideecada soogaarsiisaan qurba joogta somaliyey gaar ahaan europe iyo waqooyiga america well job done
WAAN IDIN SALAAMAY DHAMAAN REER RADIO MOQDISHO WAAD KU MA HADSANTIHIIN HORUMARKA AAD MA RAYSAAN MAALINBA MAALINTA KA DANBAYSA WAXAAN IDIIN RAJAYNAYAA IN AY NOQOTO IDAACADIINU MID KU BAAHDA ADUUNKA IDHAN
waa idin salamay dhamaan shaqaalaha radio muqdisho mid ayaan idin ka dooneynaa tv gii radio muqdisho ayaan u baahanahay waxaan joogaa yurub si aan u fiirsano tv dalka uu lahaay jawaab ayaan idinka sugeyna wabilaahi toowfiif
wan in salamayaa bahda radio muqdisho waxan leyahay waxaa qabateen shaqo la inkaga fadhiyay mudo dheer waxa farxad wayn noo ah adinkana amaan idiin ah in ad noqotaan hormuudka wadanka wayo waxad wadataan magicii wadanka hadana casimadii waxadna ku hadashaan magaca dowladeena qaliga waxan in leyahay ilahay howsha ad noo qabateen ha inka siiyo abal marin iyo naxariis walalayal waxad nogu dadashan oo inka codsanaynaa in ad noqotan dhexdhexad bulshadana ad dhibkeda iyo dhefteda iyo wacyi galinta dhalinyaradeena ku dadashan sportska ad culeska sartaan wad mahad san tihiin waxan in leyahay hool wanagsan ayad qabateen hambalyo
congratulations, radio mugadisho, the voice of the republic of somalia. It’s a great honour for you and us to secceed doing such a dramatic job, of which you had been strugling for long time. I hope you will make more efforts than you’ve done before inorder to create better life for somalians.