Qiimaha Lagu Raaco Gaadiidka Dadweynaha Ee Magaalada Muqdisho Oo Hoos U Dhac Uu Ku Yimid
Published on December 7, 2012 by Jayte · 11 Comments · 4,040 views
Hoos u dhac aad u xoogan ayaa laga dareemayaa qiimaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho kadib markii dhowaan ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ku guuleysteen iney qaadaan isbaarooyinkii sida sharci darada ah gaadiidleyda lacago looga qaadi jirey.
Hoos u dhacan laga dareemayo qiimaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha ee BLka ka dhex shaqeeya xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa sabab u ah qaadistii la qaaday jidgooyooyinkii sharci darada ahaa ee dhowaan Caasimadda laga qaaday waayo gaadiidleyda waxaa halkaasi uga bixi jiray lacago farabadan.
Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho oo maanta la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in markii la qaaday isbaarooyinka islamarkaana ay meesha ka bexeen lacagihii xad dhaafka ahaa ee laga qaadi jirey ayaguna ay hoos u dhigeen qiimaha ay dadweynuhu ku raacaan gaadiidka waxaana ay darawadaladu u mahad celiyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Inta aan la qaadin isbaarooyinka waxaa lagu raaci jirey 10,000 Sh,so gaadiidka BLka ah ee u kala goosha Zoobe iyo Xamarweyne balse hada markii la qaaday isbaarooyinka waxaa qiimaha uu noqday 3000 ilaa 4000 oo Sh,So .
Dhowaan ayey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya waxey magaalada Muqdisho iyo gobollada ku dhow dhow ku sameeyeen howlgallo lagu qaaday isbaarooyinkii sida sharci darada ah loogu qaadi jirey lacagaha ayadoo talaabadaasi lagu qaaday isbaarooyinkana ay qeybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed ay si aad ah usoo dhaweeyeen.
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
qaar ka mid ah barakacayaasha ku dhaqan duleedka ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkaga soo gudbineyna ...
WAR HABEEN 20.05.2013
Kulan lagu tageerayay horumarka dowladda isla markaana looga ...
kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan ...
Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney muhiim tahay in ...
WAR DUHUR 20.05.2013
Maamulka gobolka Banaadir ayaa kala hadlay hay’adaha maashaariicda ...
Fadhigii Baarlamanka ee maanta oo lagu ansixiyay talo ...
Kulan looga hadlayay xoojinta amaanka oo uu soo ...
Warka Subax 20-05-2013
Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
Dadka kunool deegaanka Beledulamiin ee gobolka Shabeelada Hoose ...
Xili magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ...
Kuxigeenka ra’isulwasaaraha ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsio ...
Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
Wafdigan uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
Maxkamada darajada kowaad ee Gobolka Bari ayaa xukuno ...
WAR HABEEN 19.05.2013
Shirweynihii 6-aad ee xiriirka kubadda gacanta ayaa maanta ...
Howlahan qaliinka lacag la’aanta ah ee dhaqaatiirta ajaanibta ...
Agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ...
Halkan hoose ayaad ka daawan kartaan khudbadii qiimaha ...
Warsaxaafadeedka Oo English ah hoos ka akhriso
Taliska ciidanka Booliska Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay ...
Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo tababar uga ...
Dibad bax balaaran oo looga soo horjeeday natiijadii ...
R/wasaare ku xugeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo ...
Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacadda Carabta oo maalmihii ...
Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa markii ugu horeysay waxa ...
Iyadoo shalay dugsiyada waxbarsho ee kuyaala deeganada mamaulka ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...
Mahad celin ciidamada qalabka sida somaliya toos
MAANSHA ALLAH. WAA ARIN LAGU FARXO, WAXAA MAHADLEH ALLAH WAXAAKALOO MAHADLEH CIIDAMADA XOOGA DALKA SOMALIA GAAR AHAAN KUWII KU GUULEYSTAY INAY QADAN IYO MADAXDA DALKA OO AMARKAAS SOO RIDAY
Asc abukaati jooska, waa arin wanagsan lkn baburta bi alka wax halaga badalo qabka lo raco maxa yelay somali baburka hadu fadhiga buuxsamo dadkale ayey sii saraan taasneh waa dhibato marka dowlada ha suubiso nidam wngsn by qaranka
waan ku faraxsanahay qiima dhimista blka muqdisho oo lacagta lagu yareeyay
S/C WAAN KU FARAHSANAHA IN AAY DADKA DAREEMAAN MACNAHA DOWLADNIMO IYO QIMAHA AY LEEDAHAYA IYO KALA DANBEYTA WAXAAN ULA JEEDA HAL GOAAN UU MADAXWEYNAHA JAMUURIYADA FEDERAL SOMALI UU SOO SAAREY OO AHAA IN ISBAAROOYINKA WADOOYINKA LAGA QAADO FAAIDA AY KEYNTEY WAXAA KA DAREEMI KARA NOLAL MAALMEEDKIISA MUWAADIN KASTA QIIMA DHIMISTA, KA WARAN 10 GO AAN OO LA MID AH OO LA FULIYO SIDAN OO KALE FAAIDA LAGA HELI DOONO IN SI WEYN LOO DAREEMO DOONO OO SHACABKA FAAIDO WEYN U NOQON DONTO NOLOL MAALKOODA MADAXWEYNAHA WAXAN KA SUGEYNAA GO AAN KA KU XIGA QOFKASTA HA KU DADAALO FULINTIISA ANEY DANTU NOOGU JIRTAA SOMALI HA NOOLAATO
Asc Alxamdulilaah ayaan leeyahay dowladan cusub wax weyn ayey qabteen maadama isbaarooyinkii laga qaaday xamar iyo soonahiisa intaas ayaabo ah wax lagu farxo, ciidamada dowlada hadii lasiiyo mushahar ku filan wadanka dhan ayagaa xoreynkaro amaankiisana sugi karo.
asc wr wb… salan qadi ah bahda radio muqdisho iyo asxbta…wax ah wax adlogu farxo isbadalka muqda ..lagaray inta laqaday isbaroyinka sharcidarada aha…hadan ulabto xasusti noloshi an kuso qatay magalda muqdisho…sanadki 2000…markas o ankaso tagay wax ku raci jiray plka ugala gosha…calikamin iyo number 4…500shilnsomali…horanti may esanadkan.o an nasib uyeshay ina boqdo gurigi hoyo e an moga muda badan..waxan kuracay plka 7000..waxeyna aheyd wax an ad ulahabay marka lofiriyo darufta wadanka kajirta..waxa hubal ah in qimahasi aaxlaga dhimay..kadib uhogansigi amarka dowlada ala ayana mahad leh waxan leyahay haguleysato dowlada somaliyed wa rajada inbadan o an kamid ah aniga…somalia horumar barwaqo midnimo ahan u rajeunaya insha alab ….asc
waxa inalaga waayey sanooyikaan ma aheenooh aan ismaqalnoh iyo aanu maqalnoh dadka talada inoo haayah intaas haddii alle inoogu kaalmeeyay waa mahad alle aan ku shugrinoh nicmooyika alle warkana midkiisa suuban aaynu maqalnoh wsc wrwb
asw waanku farxay arinkaan waxaan leeyahay guuleesta ciidamada qalabka sida
masha alah waa wax lugu faraxo ilahay aya mahada is kale ilahiyoow inta dhiman dhamestir amin aamin amin
maashaa allaah marka hore ilaah baa mahad iska leh marka xigta ciidanka ku guuleestay ineey qaadaan isbaarooyinkii sharaf dhaca u keenay soomaaliya weeyku mahadsan yihiin… guul guul… horumarka socda allaha noosii kordhiyo..