Friday, August 29th, 2014

Qaraxii Shaamoow Ma Hadho Aan Maankeenna Marna Ka Go’eyn…WARBIXIN+SAWIRRO

Published on December 3, 2012 by   ·   45 Comments  ·   10,523 views

Seddaxdii December sanadkii 2009  waxey dadka Soomaaliyeed u aheyd maalin madoow oo waxaa hotelka Shaamow ee magaalada Muqdisho ka dhacay Qarax ay ku geeriyoodeen ku dhowaad 40 ruux kuwaas oo isugu jiray waalidiin,Arday, mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumaddi R/wasaare Cumar C/rashiid,dhaqaatiir, wariyeyaal iyo dad kale oo aad u badan.

Hotelka Shaamow waxaa ka socotay munaasabad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay arday ka qalinjabisay Jaamacada Banaadir ee magaalada Muqdisho kuwaas oo bartay culuunta kala duwan ee lagu dhigo Jamacadaasi.

Munaasabadda shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay arday ka qalin jabisay Jaamacadda Banaadir  waxaa ka qeyb galay wasiirro ka tirsanaa xukuumadii KMG aheyd waxaana ka mid ahaa Wasiiradii ka qeyb galay munaasabadda wasiirka wasaaradda caafimaadka Qamar Aadan Cali, wasiirkii wasaaradda waxbarashada Maxamed C/llaahi Waayeel, wasiirkii hidaha iyo tacliinta sare prof  Ibraahim Xasan Cadoow, wasiirkii wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble.

Sidoo kale munaasabadii maalintaas dhaceysay dadkii ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa dhakhaatiir kala duwan kuwaas oo qaarkood ay bareyaal ka ahaayeen Jaamacadda Banaadir, arday, waalidiin aad u faraxsan kuwaas oo caruurtooda kala qeyb galay munaasabadda shahaado gudoonsiinta ah iyo wariyeyaal lagu casuumay munaasabadda si ay farxadaasi bulshada Soomaaliyeed ugusoo tabiyaan.

Jawigu waxa uu ahaa mid aad u wanaagsan ardaydu waxa ay ku labisnaayeen dharka lagu yaqaano dadka ka aflaxay waxbarashada jaamacadeed ee shahaadada lagu guddoonsiiyo.

Dadkii ku sugnaa goobta waxa ay ahaayeen kuwo dhageysanayey khudbadaha ay jeedinayeen qaar ka mid ah ka qeyb galeyaasha, marqura waxaa is badalay jawigii  ku dheehnaa farxada waxaa la maqlay qarax weyn oo gilgilay Hotelkii, jawiga waxa uu noqday mid isku badalay murug.

Qaraxii ka dhacay Hotelka waxa uu galaabtay dad badan oo ay kujireen Seddax wasiir oo mar qura goobta ku nafbaxay kuwaas oo kala ahaa Qamar Aadan Cali wasiirkii caafimaadka, Maxamed C/llaahi Waayeel wasiirkii waxbarashada iyo prof  Ibraahim Xasan Cadoow  iyadoo ay ku geeriyoodeen dhaqaatiir uu ka mid ahaa Prof  Maxamed Aadan Warsame “Shahiid”.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku geeriyooday arday waalidiin iyo wariyeyaal ku sugnaa goobta munaasabada ay ka dhaceysay, qaraxaasi sababay dhimashada dad badan waxaa ku faanay maleeshiyada kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale qaraxaas oo ahaa mid murugo xooggan kaga tagay qalbiyada shacabka Soomaaliyeed waxaa ku dhintay suxufiyiin ay ka mid ahaayeen: Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo u shaqeynayay idaacadda Shabeelle iyo Xasan Subeyn Xaaji Xasan oo isaguna ahaa sawirqaade ka tirsan  telefishinka Al-Carabiya, iyadoo ay jireen suxufiyiin kale oo ku dhaawacmay.

Markii uu dhacay qaraxa waxaa shir jaraa’id qabtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uuna shacabka Soomaaliyeed iyo eheladii ay ka geeriyodeen dadkii ku dhintay qaraxa uga tacsiyeeyay geeridii ku timid.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan qalqal galin doonin hanaanka dowladiisa waxa uuna intaasi ku daray in howsha halkeeda ay ka socon doonto.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa waxaa loo qaaday dalka Kenya kadib waxaa loo duuliyay dalka Sacuudi Carabiya waxaana dadkii dhaawacooda la qaaday ku jiray wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble oo mudo kadib u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxa.

Waalidiinta dhalay ardaydii lagu laayey qaraxaas ayaa iyaguna dareenkooda muujiyay iyadoo qaarkood ay sheegeen in lagu dilay qaraxaas caruurtooda oo ay dhibaato kusoo koriyeen waxna ku bareen, si ay u anfacaan naftooda, dadkooda, dalkooda iyo waalidiintood.

Al shabaab waxa ay si aan ka leex leexasho laheen u qirteen qaraxii ka dhacay hotelka waxaana la rumeysanyahay in qaraxaasi uu fuliyay mid ka mid ah maleeshiyaadka kooxda shabaab oo ka yimid dalka dibadiisa.

Kuma egaan shabaab Qaraxaasi balnimada ah Shaamoow ee waxaa jiray qaraxyo badan oo ay ku layeen arday iyo dad waxgal u ah bulshada waxa ayna inta badan horjoogeyaasha ka tirsan shabaab ay sheegaan in dadka ay xasuuqeen ay yihiin kuwa ka baxay diinta.

Dhaqanka shabaab ayaa ah kuwo ay kasoo minguuriyeen wadamada carabta kuwaas oo inta badan ay ka dhacaan falal isqarxin ah oo lala eegto dadka bulshada waxgalka u ah taasi oo ay uga golleeyihiin iney bulshada indha tiraan.

Waxaa Diyaariyey:-Canab Maxamed Barkhadle

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-


Yurub                         +442035190460


USA & CANADA       +14156550815

Readers Comments (45)

  1. INAA-LILAAHI-WA-INAA-ILAYHI-RAAJICUUN
    A/C bahada RADIOMUQDISHO iyo TV gaba runtii waxaad na galiseen xusuus aad u daran lakiin waa loo baahan yahay in la xasuusto marxuumiintii qaaliga ahaa oo halkaas ku halaagsamay runtii waa SHUHADO ayakaa naga nasiib badan waxaa kaloo xusid mudan in marwalba qalbiga lagu hayo dhagarqabayaashii sidaan inoo galay oo marnaba la soo dhaweysan runtii anigu waxan ka mid ahaa dadkii aad ula soo shaqeeyey 2008dii wixii ka horeeyey aad ban u garanayaa waxay maaganyihiin ama ku fikiraan runtii qof garanayo ayaa fahmi kara cadawtinimada iyo dhagarta ay la maagan yihiin shacabka somaaliyeed ee muslimiinta ah marka kuwaas waxaan leeyahay meeshii lagu arko ELIMINATEha lagu sameeyo iyo wax kaste oo la awoodo DIIN ma wadaan DAD maahan midabku yuusan idin qatalin shacabka somaaliyeedow EHEL malahan TOL malahan ISLAAMNIMO malahan NAXARIIS malahan waa WHALE DOGS OF HUMAN BEEN THEY WARSE THEN WHALE DOGS WSC

  2. somali says:

    Al shayadeen waa mujrimiin yuhuuda u shaqiya.. Dad muslimeenta ah uun bay layaan ,waa xoolo wax magarata ah oo jahiliin ah.. Hadoo jehaad dhab ka yahay may tagaan oo falastiin xoriyaan , Al shayadeen Al shabaab soomaalida wada muslimka ah uun bay layaan.. Markay gaalada arkan waay cararaan sida aay ethiopiyaanka markay arkaan Al shabaab way cararaan .. Marka ragan jehaad doon ma aha ee waa dhiig Somali/Muslim daadis doon… Ilaahow Al shabaab naarta ku gur, aloow sharkooda dadka somalida ka qabo.

  3. ilahayow al shaydaan naga qabo dhiig aan la bananayn bay xalaashadeen waa khawaariij ilahay ha ka qabso umada somaliyeed dhagartooda oo meel ha loga soo jeesto murtadiina

  4. inaa ilaahi waa inaa ileyhi raajicuun, waa dhacdo lama ilobaan ah ilaaheyna waxaan ugu baryaa in uu intii dhimatay u naxariisto caruurtoodii iyo ehladoodiina samir iyo imaan ka siiyo , runtii dhacdaadaan aniga taakhiir gooni ah ayeey ii leedahay , waxaan ka tirsanaa dadka shabaab taageero walow aanan wadanka joogin laakiin maalinkey ardaydada iyo dada umada wax u qabanaayo qarxiyeen ayaan go’aan saday in shabaab taageeridoodu iska daaye cidkasto oo taageersan xitaa u arko dad cadow ku ah jiritaanka umada soomaaliyeed. taasna micnaheedo mahaan in aniga qof ehelkeyga ah ama sxbkey ah uu ku dhintay meeshaas laakiin somali oo dhan ayaa waalkey iyo sxbkey wada ah .ilaa hadana mowqifkeyga waxba iskama badalin waxaana qabaa cidkasta oo shabaab taageersan iyo ay tahay cadow hadeysan ka harina lala dagaalo. naxariis laawa yaawaal dhiigyo cabyo ah ilaahey meel daran hadinka baxiyo

  5. Siyad says:

    Asc waa dhacdo layab badan waana dhacdooyinka eey namar siiyeen al shabaab dhacdadii nooku darnet ani ma tageerin mana jeclen kooxdaas lkn qof walba oo somaliya waa murugootay waxaana nooga geryooday mamulkeenii schoolka ka gudub tasi wey dhacday maxaa noo dhiman inaa la dagalano kooxdas

  6. Ina lilahi wa ina ilayhi rajicun wa malin qulubta shacabka somaliyed ku wayn wa malin xasus gar ah igu rebtay al shayadin xisabtan adunyo iyo mid aqiro aya sugaya

  7. said Galmudug says:

    inaaaaaaaaaaaaa lilaahi wallal yaal san waa mid tii allahna waa mid ma fiicna inaa naxasuus galisin qaraabadena oo aan ilaawenin mar walba oo qarax dhaca ayan xasuustaa lakin mata waa sanad2 waana dhacdo layaab badan oo abad soo marta soomaaliya sori

  8. fos says:

    Ilaah unaxariisto intii ehel kooda kuwaase ilaah waxaan uga baryaa in janadii fardowsa kawaraabi >>> WAA MAALIN AAN LAHIL MAA MINDOONI SAMIR IYO IMAAN ALLAH KASIIYO.

  9. abaas says:

    Inia lilaah wa inaa ileyh raajicuun . xasuustaan lama iloowaanga ah shacabka somali ma iloobi doonan insha allah intii ka danbeeyse iyo intii falkaan xitaa wax ka ogeed hadii ee ifka joogaan ballan waxaa ah in ee ciqaabtooda marayan insh allah sina lookama daba haraayo maankoodana ha geliyaan in ey arintaan tahay arin bina adanimo eeysan aheeyn wax loo sameey karo mar marsiyo .

  10. Waaa xasuus aan la hilmaami karen says:

    Inaaa lilaah wa inaa ilayhi raaajicuun waxee ahy xasuuuq aaan loogu naxariisan umada muslimka ee somalia alah waxaan uga baryaa inuu shuhado ka dhigo oo kii san yeelayne qiyaamo lagu imtixano kuwa hada jogane adun lagu imtixano al shaydaan diin ma wadane

  11. wadani says:

    DAD LUNSAN WAAYE SHABAAB , DAD MUSLIMIN AH IN TA LADILO AYAA ILAHEY LAGU MAHDINAA ANIGA TAASBAN LAYABEY WAXANI DIIN MAHA EE POLITICAL WAYE ILAHEY SUBXANAHU WATACALAA UMMADA MUSLIMINTA HA IDINKA QABTO AMIN AMIN ..

  12. Subane says:

    Inaalilahi wa inaa ileyhi rajicun ilahay janadi faroso haka waramiyo umada kuhalag santey dhaman malinkas waxay aheed malinti adunka inta aan jogay igu naxdinta badned walahi waxan xasusta inan aad uxanusadey mudo 2 weeks waligay ma ilobayo masibadas ilahada walahi wan ilmaynaya markan xasusto ilahay samair iyo iman hanaga siyo dad qaali u ahaa umada somaliyed aya ku halagsamay lkn manta waxa guul ah ineysan awodin alshabab qarax iska daye iney xabad ka dhex ridan magaladi ay dadkas ku xasuqen ilahay dowladena sharafta badan haguleyo

  13. qaylodhaan says:

    walalayaal waxaa dheman dhamaystirkii shabab wajabeen yaan lagaharin hanalasooqabto maxkamada ayaa sugaysa soomaaliyeey tooso waad khalibteene hada shabaab waa dabar go ay inta dhemana waalagudabajooga

  14. qaraka says:

    walaalayaal mawax aan feere karno miyaa cadaw iyo waayeel qamar iyo ardadii khalinjabinta kuwaas ilaah hanaga khabto umaday khalkhalgaliyeen khal khal allha galiyo shabaab

  15. Mohamed jiinte says:

    A.s.c. All of them waa ka xumahay ina aqriyo ama aa arko sawirada shamo waa arin aan la hilmaami doonin alla u naxaristo ninka ka dambeyay allaha cadaabo

  16. xasan cadde says:

    inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajicuun naf waliba moowdka aya sugaayo insha allah wallaalaheeygana inta shaamoow ku dhimatayna waa shuhaddaa ilaahow janatul fardoowsa ka warabi walaalaha soomaalida nmeel waliba ay jogaan gudaha iyo banaankaba Al kufsi al bililiqeeysi al tuugo al diinta ku qaraabtoo waa inaad ka soo horejeeysataan waxaan ilaahay ugaga baryayaa cidii taageert kuwaasi saas umadda muslimaka ah dhiigooda u daadinaayo ilaahay ayaga iyo kuwa taageeraba aduun aakhiraba cadaab ha marsiiyo aamiin aamin yaa rabi

  17. Omar Eybakar says:

    inaaa Lillaaahi Wa inaa ileehi Raajicuun…
    Laaxoola Walaa Quwata Ilaa billaah…

  18. MAHAD CELIN DADAALKA RADIO MOGADISHO IYO SHOWLKARNIMADA EY MUDA U HAYAAN KADIB WAXAAN DHIHINLAHAA FICILKAAN MIDKII FULIYEY IYO MIDKII SOO MALEEGEY IALAAH ADUUN IYO AAQIRO DULI HADHADHANSIIYO DIIN WAXEY KALA MID YIHIIN MUUSA SAMIRI MULEYLAMUTUL KADAAB SELMAAN RUSHDI FURCOON HAMAN IYO QARUUN,BALAYO AAN WALIGEED ALARKIN OO AAN LAMAQLIN KALIGOOD ALAH HAKU SALADO DAD QALATADA

  19. asc ilaah haunaxaristo waamujahidin ilaah jinadaha igubishareyo waxankacodsanaya dowlada somalia in aanlacafin madaxda alshbab hadilaqabta maxkamadnalasaro oo aanlacafin asc

  20. ilaah haka sabar siiyo soomaali dhamaaaan ilaah haka ciqaab siiyo inti far kulaheed dhibatadan iyo inti karaali ahaydba anagana badalkood kuwa dalkeena anfaca daacad na ku ah diinanaga barakaysan allaha nasiiyo aaaminn

  21. khaliif cabdirashiid says:

    waa wax laga naxo ale ha u naxariisto intii ku dhimatey waaa wax aanaan garan karin wax aan ku tilmaamo waxshi nimada ka dhacdey meeshaas waa wax lagu tilmaami karo xasuuq lala beegsadey caqligii ummada soomaaliyeed

  22. sadaq says:

    Alaha u naxariisto dhaman intii ku dhimatay adray macalimiin wariyayaal walidiin dhaman janadii ilahay hak awarabiyo amiin

  23. abdalla says:

    ilaahow u naxariiso wlhi wa wax laga naxo alaah help al muslims yarabi

  24. ali says:

    inaa lilaah wa ina ileyhi raajicon musibo magac xumo iyo cadaab alle subxano wa talaca ha idinku waariyo shabab inta wali ku hamineysan in aad indho tirtaan waalidin walaalo dal dad iyo diin iyo mustaqbal umaded alle subxano qadir ahna waxan uga baryeyna walidinti ardaydi madaxdi in ow janada ka warabiyo aamin aamin

  25. abdurahman says:

    Innaalillahi wa innaaIlaahi rajacuun. Qofki qaraxa fuliyay xisaabtiisa ayaa sugeysa, waxaase ka daran qoladii fikirka qaldan oo isla markaana ku adeeganaysay magaca Ilaahay. Cadaabtiina cafis malaha. Waxaase iga sii daran dad badan oo lunsan lana qabo ficilka nuucaan oo kale (dadka masaakiinta la laynaaya). Waxaan Ilaah ugu baryaaya in ay ka Toobad keenan, cafisna Ilaahooda waydiistaa. InshaAllah

  26. cumar suufi says:

    asc wrwb
    nimankaas waxey rabeen bal addaba rabaan in ummadan loo tusiyo culimadeeda iyo diinteedaba kuwa xun laakiin alxamdulilaah soomaali waa muslim diinteeda waa islaam rasuulkeedana waa muxamad csw culimadeedana waala yaqaan ammaa qolo ganfuur duubatay jiaad kuheesaya haddana alle been kasheegayah rasuulka kubeen abuurayah muslimkii gaaleeynayah culimadii dhaxlay rasuulka kuciyarayah kuna caasinayah kuwaas waa zablayaal mar marna sharonkan yahuudka ah ee adduunyadii iloowday sheegsheegiisa ameeyba kasii liitaan soomaalaay waxooda diin ma ahan jihaadkeey sheegayaanna jihaadkii rasuulka scw lafaray ma ahan doowladaay nimankaas kaqabtah talada kii la arkana wax haloo sheegoh kii san taagana sanbuuqa halagu dhuftoh nabadeey

  27. salem sshiine says:

    3 dic 2009 waamaalin naxdin leh aan la ilaaweynin inaalilaahi wainaa ilaahu raajacuun intii ku geeriyootay ilaah jandii haka waraabiyo kuwii fuliyi iyo kuwii soo dabaray aduun iyo aaqira cadaab ilaahayaa sugeeyso

    • umu najma says:

      inaalilaahi wainaa ileyhi raajicuun alle ha unaxariisto inti dhimaatay marka waxan dadlki iyo dadki iyo diinta usoo jestay alle hanaga qabto waa shayaadiin diin mahaayaane ebtalo alle haku rido adun iyo aaaqiraba

  28. axmadyare says:

    inaa lilaahi wainaa ilaahi raajicuun dhab ahaan ti aniga maanta oo kale xasuus gooni ayeey iileedahy markey kubegneed afar saac ama tobankii anigoo joogo SIMAD ayaa halmar maqlay aqiyar badan oon sxb aheey ama macalimiin aan kasaayay sida abukar dheere Dr rashiid dhab ahaantii waxaan gaaray goobtii markaan arkay marxalada meesha kajirto ayaan go aan saday inaandalka isagabaxo maadaamo aan arday ahay ardaydana la ugaarsanaayo lexsaac ayaan kaqabsaday
    casi kabaxaayo ceelasha kuna socdo dhoobleey saa ayaa uga soo baxay dalkii aan kusoo barbaaray oo aan jeclaa

  29. ina hasan says:

    Aaaaaaaaaaaaaaaaah jirkaa ixanuunay wlh mugdi beey aheyd malintaan dad aad u qaali ah baa naga baxay ciilkaa nooga sii darnaa Gacan kaa gardaran hadana walaalkaa ah somali kula ah haku dilo xabaal wadareed ah waliba waa wax aan la halmaami karin waxaanse radio muqdisho ka codasanayaa in ay Tv kasii dayaan qaladaadka Alshabaab maalmaha sidaan oo kale ah shacabku hanacaanee waaba la nacay kuwaas rabina wuu nacay waa waxa ay ku jabeen

  30. xuseen says:

    illahow dadkii umadan islamka ah xasuuqey illahow ciqab aduun iyo mid aakhiro aan kaga baryeyna hadan nahay umadada magaca mar waliba weyneya ,, allahu akbar”

  31. 3 December says:

    Hadduu jihaad ku dhab ka yahay, may ku dhintaan Nimanka madaxda ah, sida Axmed Godane, Abuu mansuur, Shingole, Cali dhere & I.W.M. Rasuulku jihaadka kama maqnaan jirin. Nimankan Haday Markay Cararayaan. May dhintaan Jannada aawey ay Wiilasha Qaraxa loo dhiibay Gelinayeen. Waxaa idiin danbeeya La xisaabtan dhab ah.. Sidaas u carcarara. Waxaad ku dambeynaysaan. Inay idiin gowracaan Ehelada wiilashaad aad gacmaha ka jarteen, qalateen, qarxiseen, cunteen & kufsateen.

  32. waa xasuus aan la illobi karin illaha waxaan ugu baryaya janada fardoowso ha gilyo amiin

  33. Wadaniga dhabta says:

    Allah u naxariisto janatula firdowsa Allaha ka waraabiyo samir iyo iimaan Allah naga wada siiyo.
    Allah naga qabto kuwi ka danbeyay xasuuqaan

  34. ismail odawaa says:

    malintas waxey aheyd malin aad u adag shacab badan oo umada indho u ahana lagu wayay dhibatadii mesha ka dhacday waxan ilaah ugaga baryayaa in ow janadii fardowso ku abaal mariyo kuwi dhibka geystayna dhibado aan ka harin ilaah haku rido

  35. kafiso says:

    Waxaan alla uga baryaa jano dadkaas waxaa lagu dilay waa xaqdaro waa taariikh lama ilaawaan ah waa aan u duceeyneeynaa dadkii ka dambeeyayne alla ayaa kula xisaabtamaa inshA allah

  36. cabdi jabuuti says:

    asc wr wb maanta wa maalin ka mid ah maalmaha murugadda ku caan baxay.3\129 waa maalintii shuftadda gafuurka duuban cadeeysteen inaay indhaha iyo aqoonta soomaaliyeed la dagaalamayaan iyaga oo fulinaaya fikirka qaloocan ee al qaacida.
    laakiin hadii ay filayeen in soomaaliya jilbaha u joojinayaan waay qaldameen.qudbadii madaxweynahii hore ,geesigii al qaacida jabkooga horsedey,halyeeygii xamar ka xoreyey gafuurduubta allaha xafidoo shikh shariif shiikh axmed waxuu ku dhawaqey in qaraxa huteel shaamoow uu soo dedejinaayo jabka al qaacida waayna dhaboowday.

    saar aan ka tiriyey qudbaddii madaxweynaha 04\129.qaaybta koowaad baan nii soo qorii.

    shirqoolkiini la faham.

    shaadiir baad xidhan tahiin,shabaddaha kuufsadtaan,ardayda shidhaaysataan shayuukhdaa qawracdaan,shaqaale ibleeys dirtiyo shayaaddiinbaa tahiin,shirqooliinii la faham shacbugu waa niga war helay dagaal baa noo shardii ah inteed shanta dhigii rabtaan?

    sharwadde calii dhiig caboow,shixlaawoow xassan qaxshoow.shirqooloow ina shokoleh,shiftoow rooboow muqtaar,shaaydaan godanoow maqlaay shahiid baan nila galii dagaalbaa noo shardii ah inteed shanta dhigii rabtaan?

    intaay shanta dhigeen maanta sharafta allah ka qaadey mar hore.

    asc wr wb

  37. wadani says:

    asc bal arka dhibaatada eey weceladaan in aruursaday kuna bahoobay daadinta dhiiga shacabkeyna masaakinta ah nimankan al xarakatu yahuudu nasaaraaa ey ku dhamayeen INDHIHII dalkeyna maqalkii dalkeyna?hadabo dhalinyarada ama dadka taageeraha u haayo khawaarijta ALLAH IYO RASUULKIISA wey beeniyen wayo ALLAH ma amrin daadista dhooga muslimka cidii hadalka allah diidana waa gaalo yaa moog taas marka shabaab waa gaalo cad kana daran yahuuda israaiil nacalada rabi kugu dhacdee dhamntood?iga raali ahaada bahda saxafada radio muqdisho aflagada aan geystay damiir ayaa iga kenay

  38. masha alah ilaahay janada firdooso haka warabiyo wlh waxaan dariima xanuun zaaid ah ilaahayow umadaada adaa kensaday aduunka ka qabo kuwa sidaan u galaayo wali la so tagan waa laynayna inta dhiman sida ayaga inay hayaan dhimashada waa malin xasuus leh wlh wn xasuusta waliba si zaaid ah malin khamis ah tariiqda aheed 3 decem 2009 waxaan ku jiray meel aan sidaan ugu fugayn waxaan ku jiray maqaxid ku taalo dawaqa soobi aloow janada firdooso ka waraabi dhamaan inta ku dhimatay iyo int ku waxyelootay

  39. samir says:

    ina lilahi wa ina ilaahi raa jicun
    waa arin nax tiin leh ey ku beren al shabab uu mada somaliyed mel kasta ey dunida jogaan
    waa arin muruga ii no leh kadib marki falki fosha xumaay ey geysten cadaw ga wadan ka somaliyed ilah naguma so celiyo
    mar ka ama noma dhaliyo umad sas oo kale
    eh amin amin ila dhaha uu mada somaliyed amin ilahey hanaga aq bale

  40. hasoo wadani says:

    waxan ka shego wan garan wayay janatu fardowsa alaha kawarabiyo ilin ayaa indhaheyga iisoo dhaftay

  41. xuseen says:

    illahey naxariis iyo cafis ha ugu badalo aqonyahanadii iyo ardaydii lagu xasuuqay hotel shamow illah ayan anagana cafis kaga dalbeyna kuwii falkas ka danbeyeyna illah ayan kaga baryeyna in aduuniyo aaqiro aysan aflaxin

  42. puntlander says:

    nacaala al shabaab ku yaalo waxaan somali mahaan

  43. Firdowsa says:

    YAA RABİ waa ooyay waa wax aanan garayn wax aan ku tilaamo. Alaah ha u naxariisto intii ku dhimatay cidii ka danbysanayna ha ka jaseeyo. waa malin murugo leh oo madow.

  44. Yusuf Said says:

    Asc dhaman umada soomaaliyeed meellasta
    oo ay joogaan inaa lilaah wa inaa illahi
    Raajicuun




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Dowladda Soomaaliya waxey ka xuntahay weerarkii hubeysnaa ee Saaxdheer

Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha Mudane Mustafa Sheikh ...
Nicholas-Kay

Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya oo ku baaqay in la xaliyo Khilaafka deegaanka Saaxdheer

 Wakiilka Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Qaabilsan ...
Cirfo

Gudoomiyaha G/Galgaduud Oo Marti Ku Ahaa Barnaamijka Kulanka Todobaadka (Dhageyso)

Barnaamijka kulanka Todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-SUBAX-29-8-20141.mp3"][/audio]
10616046_1495829737322447_3095398859812072964_n

Muungaab Oo Xariga Ka Jaray Idaacad Uu Hirgeliyay Maamulka G/Banaadir (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150 (1)

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Cirfo

Soo Weydii Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Wixii Fikir,Talo, iyo Su’aal Ah “Barnaamijka Kulanka Todobaadka Bari”

Akhristayaal waxaan idiin ku wargalineynaa  barnaamijka kulanka todobaadka ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-HABEEN-28.8.2014.mp3"][/audio]
DSC00424

Madaxweynaha Soomaaliya oo magaalada Ankara uga qeybgalay caleema saarka Recep Tayyip Erdoğan”Sawirro”

Madax badan oo aduunka ah ayaa maanta kaqeybgalay ...
Madaxweynaha

DAAWO VIDEO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta safaaradda Soomaaliya ee Turkiga”Sawirro”

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Xasan ...
Kismaayo

Wafdiga kasocda Xukuumadda ee ku sugan Kismaayo oo heshiis la gaaray saraakiil ka yimid dhanka Goobweyn

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo ...
kulan2

Howlgallada amni sugidda ee caasimadda oo la taageeray

Kulan lagu taageerayay guulaha ciidamada amniga ee ay ...
DSC00648

20 Gabdho ah oo tababar ku saabsan Umulisonimo loogu furay magaalada Qardho “SAWIRRO”

Xafladddani oo lagu daahfurayey Barnaamij lagu baranayo qaabka ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WARKA-DUHUR-28-08-2014.mp3"][/audio]
IMG_1026

Golaha Wasiirada oo meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Waxbarashada “DAAWO VIDEO”

Muqdisho, August 28, 2014 — Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ...
abaarta-w

Guddiga gurmadka Abaaraha ee Xukuumadda oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameysay abaartu “DAAWO VIDEO”

Guddoomiyaha  guddiga gurmadka Abaaraha ee Xukuumadda ahna Wasiirka ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-SUBAX-28-8-2014.mp3"][/audio]
DSC00243

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Ankara ee dalka Turkiga “DAAWO VIDEO”

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh iyo ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150 (1)

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-HABEEN-27.08.2014-.mp3"][/audio]
goodax

Wafdiga Dowladda Ee Ku Sugan Kismaayo Oo Guul Ka Gaaray Nabadeynta Deegaannada Jubooyinka

Waxaa maanta Deegaanka Goobweyn oo 30 km dhanka ...
vlcsnap-2014-08-21-08h42m44s116

DAAWO VIDEO:- Barnaamij Gaar Ah Oo Ku Saabsan Lurkii 20ka Sano Iyo Ladnaanta 20ka August “Qeybta 3aad”

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
Sh Cali Wajiiz

Sheikh Cali Wajiiz oo si qoto dheer uga hadlay taariikhda kooxaha xag jira

  Taariikhda Islaamka kuma cusba kooxaha xag jirka ah ...
JAWAARI GUDOOMIYE ANLE AH

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Ay Ku Qalin Jabinayeen Arday Dhameysay Jaamacadda Soomaaliya

Munaasabadani ay ku qalinjabinayeen in ka badan 574 ...
DSCF7361

DAAWO VIDEO: Hay’adda UNDP oo maamulka Gobolka ka taageereya dhanka horumarinta Isboortiga

Kulankan ay wada qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka ...
tababar_5 (1)

Askar cusub oo tababar loogu soo xiray duleedka magaalada Beledweyne

Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa maanta tababar ugu ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WARKA-DUHUR-27.8.2014.mp3"][/audio]
Kulanka Haweenka

Xuska maalinta Xaquuqda Aadanaha Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayay maalinta xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya ...
madaxweynaha-safar

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u amba baxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan ...
6

Cayaartooyda degmada Waaberi oo u soo gudbay Final-ka koobka tartanka Degmooyinka “SAWIRRO”

Tartanka kubadda cagta ee Degmooyinka Gobolka Benaadir oo ...
DSCN6941

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jebiyay Jaamacad ku taal Dalka Malaysia “SAWIRRO”

Ayda Soomaaliyeed ayaa  shalay uu qeyb ka noqday ...
Baydhabo-02

Wafdi Ka Socday Dowlada Ingiriiska Oo Baydhabo Kula Kulmay Gudiga Farsamo Ee Maamul U Sameynta Sadexda Gobol

Wafdi ka socda dowladda Ingiriiska oo  gaaray magaaladda ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-SUBAX-27-8-2014.mp3"][/audio]
taliska xds

Ciidanka XDS iyo AMISOM Oo Bilaabaya Howlgal Loogu Magacdaray “Badweynta Hindiya” (Daawo Video)

Talisyada ciidammada xoogga dalka Soomaaliya iyo  nabad ilaalinta ...

Tubta Toosan

Sh Cali Wajiiz

Sheikh Cali Wajiiz oo si qoto dheer uga hadlay taariikhda kooxaha xag jira

  Taariikhda Islaamka kuma cusba kooxaha xag jirka ah ...

Islaamka iyo Xagjirnimada Dhageyso

Shareecada Islaamku waa diin dhex dhexaadnimo waxayna ka ...
Dhallinnyaro

Maalinta Caalamiga ah ee dhallinyarada, Waa side xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed?

  Maanta oo ay taariikhdu tahay 12 August waa ...