Nabad Sugidda Qaranka Oo Soo Bandhigtay Wiil Doonayey In Uu Is Qarxiyo”SAWIRRO+DHAGEYSO”
Published on January 31, 2012 by Jayte · 53 Comments · 8,820 views
Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ayaa galabta magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay wiil dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab kaasi oo doonayey in uu is qarxiyo islamarkaana naftiisa uu haligo.
Wiilkan ay galabta soo bandhigtay Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ee ka tirsanaa Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu magacaabaa Ismaaciil Axmed Yuusuf magaca hooyadiisana waxaa uu ku sheegay Xaliimo Sheekh Cumar ayadoo da’diisana ay tahay 20 sano jir.
Taliyaha Ciidammada Nabad Sugidda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay wiilkan yar ayaa tilmaamay in Ciidammada Nabad Sugiddu ay qabteen xili uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho islamarkaana ay Shabaab usoo direen in uu gudaha garoonka isku qarxiyo.
Ismaaciil Axmed Yuusuf oo ah wiilka galabta lasoo bandhigay ee ka tirsanaa Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab ayaa tilmaamay in kooxda uu ka tirsanaa garoonkana uu u yimid in uu ogaado halka uu isku qarxin lahaa waxaase mar la weydiiyey waxa ku kalifay inuu naftiisa haligo ayuu sheegay in laga dhaadhiciyey Janadu iney ka xigto inta uu naftiisa jarayo.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Codadka Wiilka Doonayey in uu Is Qarxiyo iyo Taliyaha
Wiilkan ay galabta soo bandhigtay Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee ay Maleeshiyada Shabaab u qorsheeyeen in uu is qarxiyo ayaa qeyb ka noqonaya falal dhowr ah oo ay Hay’adda Nabad Sugidda ku guuleysatay fashilintooda.



Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
Tartan kor loogu qaaday aqoonta Ardayda wax ka ...
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ...
Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
WARKA SUBAX May 17.05.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
War Habeen 16-May-2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
WARKA DUHUR 16.05.2012
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
Dadweynaha iyo gadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta magacaabay afhayeenka cusub ...
Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
WARKA SUBAX 16.5.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...
asc subxaanalaah wlhi waa arin cajiib ah in hadaad is qarxiso ayaad janada galeysaa oowba wali lasoo taagan yahay waxaase mahad guud leh ilaahey marka xigtane waxaan mahad u celinaaya adhamaan hay,ada nabadsugida qaranka somaliyeed ee arinkaaan ku guuleysatey in eey ka hor tagto waane mahad santihiin dhamaan bahda radiomuqdisho iyo madaxda guud thnxx
balaaayo kugu dhacday wuxuu rabay umad masakiin ah inuu haligo hay,ada nabad sugida waxan lee yahay howshina laba jibaara si shacabka dhibatada uga baxaan
waailah mahadii hadii la badbadshay naftiisa iyo inta uu dili lahaa dhaqan calin halagu suubiyo maskaxda ay ka xadeen waxaa laga yaaba in darooga siiyeen nabad diidka wax kasta waa suubinyaan in shacabka laayaan
salaan dha maan bahda radio muqdisho qasatan waxaan salamaa cidanka nawad sugida waxaan leyahay holfican ayaad qabateen waxaan leyahay ninka laqabtay maila fiicana qabkiis marka waxay ilatahay nin lamaskax bedelay marka waxaan idinrajeynaa guuuuuuuul
asc dhamantii waa nisalamay kadbina waxaa aniga raigeyga waxaa waye wiilnaa is qarxiye waa qaldan yahay waayo janada ilahay ayaa bixiya ee bilin aadan ma bixiyo jano
asc hadii labadii dhashay ku dhaleen si xalaal ah oo wanaagsan eeysan ku korin lacag la soo dhacay ama guri cidii laheeyd xoog looga haaysto ma sameeyeen falka uu maanta shacabka ku halaag is lahaay waxaase DKMG aan kula talin lahaa ineey xabsiga dhigaan ilaa wadanka oo dhan laga saaro al shabaab waxaana ogaataan nin mar ka mid noqday al shabaab inaan la aamini karin mar kale ee ka ilaaliya shacabkaas masaakiinta ah
asc subxaanalaah waa wax lala yaabo in ay wiilkaan yar ay ku yiraahdaan janaa galee e umad ilaahey halaag waxaa mahad leh ilaah suura galiye in uu ka badbaado hagardaama alshabaab umadi uu halaagi lahaana ay badbaadaan
Walaahey Yaab Waaye dhalinyaradii mustaqbalka Somalia sidaan miyaa uu danbeysay Allow soo hanuuni oo xaaqa tuus iyo macaanka nabada leedahey
asc aqyarta wan idinsalamay dhamantin dowlada somaliaya waxan kacodsanaya dhalinyarta san ookala loqabto in anladilin ee dhaqantosinlosameyo waxyabaha ey ubahanyahin inlaga cawiyo mustaqbal ficanaloradiyo cidamada umada somaliyedna hambalyo ayan idinleyahay howsha meshina kasiwada http://radiomuqdisho.net dhamantin idinko iskuduban wamahadsantahin
Ilaahey SWC wuxuu dadka u sheegay in ay jiraan labo jid oo midba meel kugu ridayo. Ku waas oo kala ah Janno iyo caddaab midkaad doorato. Haddaba dadka doortey wadada xun waxaa lugu abaal mariyaa xumaanta uu muteystey, lagamana yeelo calaacal iyo cudur-daar toona marka xag Ilaahey laga qabto. Sidaas darteed dadka calool jileeca u muujinaya nin dambile ah oo dhagar la maagganaa dad aan waxba galabsan, waxaa ku habbooneyd in ay u dardaar-weriyaan (waaniyaan)ka hor intii uusan ficillada xun ku dhaqaaqin. Hadda iyo dan waa in dambilahaan la abaal mariyaa, si kuwa la mid ah ay ugu cibro qaataan.
kan wil damiir laawe waye xum nafteysa ha ligay oo umada manta heyhada nabad sugida nafeysa bad baadishay waw waxaa dhilahaa kuwa umada isku qarxihayaan kuwa nafta guwaayo waxaa dhilahaay kuwaan wax isqarxiyo horta in nafta i macday nin xon shiiq isku shegaayo san ku dhaho is qarxi dhalinyarta isaga wax badan soo subxana alah
asc dhaman umada somaliye qasatan bahad warbahinta qaranka iyo cidamada nabad sugida waxn leyahay ninkan donayyay in dadka layo halatogto walyo wuxu kufikiray inu umada layo marka waxan cidamada nabad sugida kacodsanaya iney meshey ku arkan kutogtan wayo waxa barnamishkan kaso dhadhcsiyay dad asagokala ey kamid yihin godane robow xasandahir fuhad songole cabdi casiis abusuber iyo dhaman shayadinta mad madow
guuuuuuuuuuuul
asc heyada nawasuguda waay mahadsanyihii ilaahey kasokow dadkaan shabab ladhahaayo ilmaha maxaay aqliga ogabedelaan janada asaga yaa ugu horeyaa mu isbimeyo asaga ilmahiisa diwada ayu geyey ilmaha dadow ayuu halaagi rawaa kuwaas ilahey shartoda alaah hanaga motiyo waa sheydamiin
WALLE WAA YAAB WADAADADAAN JANADDA ADUUNKA KU SAXIIXAYAAN MAY AYAGA ISUQARXIYAAN,AMA CARUURTOODA XAASASKOODA KEENAAN MAXAY U HALAGAYAAN WIILAL YARA.JANADDU RAXMADA EEBE AYAA LAGU GALAA MUSLIN HALAAG ADNA ISHALAAG DABADEED NAARTA GAL WAA MUSIIBO.ILAAHOO SHAYAADIINKA SHABAAB NAGA QABO…….WABILAH TOOFIIQ
acuudu bilaahi war muxuu ahaa ninkan miyuu washay aniga wxan dhihi laha isaga kaligiis halaaga oo waxaad dhax galisaan laami kulul kadibna sidas haku dhinto bal ha arko janada u radinayo bastarka wa nin weyn side loga dhadhiciyay is qarxi mu dhaho cali dhere adiga is qarxi majananada fara kayalan shongole iyo roobow taladeydu wa in isaga kaligiis ad halagtan bcs isaga so radsaday halag marka ka abal mariya wacalka
waa in sida ugu dhaqsaha badan xukun loomariyaa waliba xukun aad u adag oo aan ahayn dil maadaama uu yahay wali wiil yar oo caqliga laga xaday sababtoo ah wuxuu qorsheynayay in dad badan uulaayo. lagana sir keeno iyadoo loo adeegsanayo khubarada dhinaca sirdoonka ah ee wadamada sxbka kasocda silooga helo xogag muhiim ah.
aad baan uga xumahay wiilkaan yar ee la soo marin hababiyey janna ilaah baa bixiyo waase nin u shaqeysta waxa lagu gaaro, ee kuwa eeyaha aan waxba dhaamin ee wiilkaan yar soo diray meey iyaga isqarxiyaan ama kuwa ay wacalnimada ku dhaleen ku dhahaan is qarxiya,dul kama dul shayadiinta magaca beenta ah la baxay
ASC WALAALAHA MUSLIMIINTA SOMALIYED HA U UDUCEYAN INTA LAMARIN HABABIYAY ALLAHA TUSO XAQA DHABTA AH
Wan u hambalyeynaya nabadsugida qaranka awalan…. Wiilkan waxbaa kaqaldan horta caafimad ahan hala baaro shayadinta waxa laga yaaba iney sixren ama ay darogo siyen ilen waa qom ala kafurtaye indho adeg badanaa oo caqli xuma ilaa VIB da maxaa geeyay wax gadgadi hakula gadooman ayan maqli jiray
Hay ada nabad sugida wey madsantahay howl wey ayay u haysaa shacabka somaliyee waan oranlaha yay sii deyn ninkaas waxoo dhahayo ayaaba kaga daran jano ayaan galayaa ku lahaaa inkaar kugu dhacday dhe oo meel xun ka ba
asc war cunuga waxaa looga sheekeeyay halig naftaada iyo umada kale janaad galeysaaye mahad alaaleh ee nabad sugida u suura galiyay inay kahortagaan arinka iyo shirqoolada qawaarijta marka cunugaan hala dhaqan celiyo oo buuga naxariista haloofuro sidaan u arko caadimaahan canugee
waad salaaman tihiin bahda radio muqdisho waxa mahad mudan alaah wilkaan dhalin yarada ah oo naftiisa haligi rabay la bad baadiyay naf dadoowna gali rabay inta sidiisa camal eey shabaab madaxa ka xadeen ilaahey haka madoo beeyo shartooda ilaheey ha mootiyo uma soomaliyeed
axmadow caay waxba ma tareeyso u duceey inuu ilaaheey soo hanuuniyo
s c.dhalin yarooy waxaas arka caqligiinana la kaashda shabaab sidaas ayeey rabaan ineey mustaqbal idinkaga dhigaan waa arin la yaab leh haddii dhalinyarada la laayo dalka yaa u maqan? bal sida aad u dhan tihiin dhalin yarooy is weydiiya dalkeena bakistaan iyo afqaanistaan iyo carab dalkiisi lagasoo ceershay miyaan gabaad uga dhignaa mise waan iska dhicinaa?
asc
waxan ka codsanayaa ciidanka in eesan ninkaan sii deenin ee dilaan si ee kuwa kale isku dayaya qarxiska ugu cimri qataan
plzzzz nolasha yaa luku sii heen wiilkaan sida uga dhaqsi badan hala dilo
Saaxiib Zakariya waa runtaa, waa qaan gaarey waa xukun dil la marsiiyaa, laakiin marka hore la baaraa meesha laga soo direy, asxaabtiisa, meesha uu deganyahay kuli la soo aruuriyaa macluumaadkaasi, ka dibna xukun Dil la marsiiyaa, si kuwa kalena ugu cimri qaataan.
Allhu ka magan galay wiilka yaa zakariye, maxaa dil ugu sadinee madadkii madaxa kaxaday iyu adiga maa isku darsamaya wiilka wax qalad malaha ee madaxa ayaa laga qabsaday ee uduceya in uu allaha sohadeyo oona kabad badiyo dadka xun iyo kuwa hada haayo isaga iyo in ta somaliyeed oolamida. Waa in aan iskuducenayaa.
alla cil badanaa anigu waxaan ahay nin(56..jir ah waxaana igu balan ah inaan qori qaato oo aan la.dagaalamo eeyda dalkeena gabaadka ka dhiganaayo ilaa aan dhiigooda cabo ciilka ama deynayo inshaa al.lah waa ka guuleysaneeynaa allaahu akbar guul x.d.soomaaliyeed & booliska&nabad sugidda…iyo asluubta taladuna waa dal ninkiisibaa leh ee erya erya erya………wasalaamu caleykum
asc guul haku garab gasho walaal adoo 56jir ah meesha aad dagaal kagaleeysid waxaa fiicnaalaheed in aan ka ag dagaalamo garabkaaga cadawga ladagaal inta ay dhibicdaada dhiiga ah tan ugu danbeeyso ay jirkaaga ku hareeyso guul garabkaaga ha ahaato guul guul guul for somalia
aniga waxaan qabaa waa in labaaraaa jirkiisa hadii ay daroogo kujirto iyo inkale mida kale waxaan dhihi lahay inta ku hartay al shabaabna ilaah kacabsada janu idinka raacimeyso in aadqof muslima disheee dar tiibsade oo rabi gii idin sameeyay u laabta oo fahma diinta islaamka
inta aadan dhima horteed ee ku dhaqma waayo waxaa kagaran kartaa da yarta lasoo adegsanaayo kuma jiro mid dhahaayo diinta ayaa ifareysa midwalba wuxuu leeyahay saas ayaa leeyiri isku daya waxaad taqaaniin in aad ku duushaaan oo yaan leydinku gaadin diinta islaamka oo si qaldan yaan wax leydinku sheegin
ASC Dhamaan shacabka somalia ,horta waxaan u mahad celinayaa websidkan maantay qof loogasheekeeynaayo majirto diita islamka.waadna ogtihiin in nabi Mohamed oow sheegay in janada ay ku jirto تحت أقدام الامهات janadane alshabab furo kama hayso dhalinyarada soo baxeeyso yaanan mustaqbalkoda lagu dheelin shacabka somaliyed o 21 sano burbur ku jiray yaana la rajo tirin , nimankan alshabab sida roobow ,xasan dahir aways,x.turki,cali dheere,godane ,IWM waxaan u sheegilahaa hadii janada lagu galaayo in dad muslimiin ah la laayo wiilashooda haka soo qeyb galaan tartanka janada,waligeena ma maqlin wiil ay hogaamiyaasha alshabab dhaleen oo janada qarax ku galay ,marka somaliyey ogaada dantiina diinta islamkane waad taqaaniine dowladane halalashaqeeyo si nimankan meesha looa saaro. Waayo dowlada hadi lala shaqeyo waxaan way yaraan lahaayeen. MAHADSANIDIN
Waxaa is weeydiinleh Janadu ma Guri ama Hoteel eey leeyihiinaa Al-Dadqalatada sida Ingodane, cali dheere, Rooboow,Fu`aad Shangoli, Kaba ku xaare,Xasaneey Dhaahir iwm? kiiikiiii, Iyaga ma aadaan oo isqarxiyaan ama Caruurtooda u diraan haddiiba eey moodaan in Janadu Guri iyaga leeyihiin tahay oo Viisaha ku galku yahay isqarxin..kiikiii
Asc marka hore alle ayaa mahad iskale marka xiga inti qabatay dadka kukacaya falalka argagixisada waxaa dowlada sharafta badan laga doonayaa in Eey dilaan dhalin yarada Eey qabtaan oo aaminsan baabi inta shacabka si looga tana sulo isqarxin dambe
Hala dilo walalayal si eyna u dhibaaten dadka musliminta ah qof waliba yey is dhaga tirin wey ogyihin in alshabab ey furaha janada kujirin gacantoda ey kujirto gacanta alle sami dhimasho wacan anaa isku magac nahaye e bal janaad shaqesan gal
asc marka hore hanbalyo heyada nabadsugida iyo radio muqdisho ani waxey ila tahey in wiilkaan waxkusameeyeen waayo muqalkiisa ilama aha qof caafimad qabo waxaan soojeedin lahaa inlabaaro
Janno beel dheh! cuudu bilayso oo muslimka haka habaarsanin! ammaanka garoonka waa in la adkeeyaa! yeysan noqon inuu qof qalba iska soo galo! waxaan la yaabanahay meesha iyadoon qofka la baarin maxaa loo soo geliyaa! mise isaga iyo Security-ga ayaa wax ka dhexeeyay! ma dhici karto inuu iska soo gudbo! Allaha naga qabto fitno wadeyaashan!
asc salaan ka dib ciidama dowlada somaaliyeed aad baan ugu mahad cilinayaa da daalka ey wadaan tankale wa xey eheeday in markii la qabto nin sidaan oo kala ah doonayo in ow baa bi iyo dadka iyo danaha shacabka somaliya in isla goobta lagu qabtay lagu toogto maxaa yeelay markale laguma diira kari le heynin in ow nin kasta meel uun iska sahan sado ka dibna oow is ku qarxiyo maxaayelay dad kaani arxan iyo caqli toona malahan waa dad ey ka go antahay maa bi inta shacabka somaliyeed
subxaana laaah waa arin aad u yaab leh wiilkaana waala soo qaldey maskaxdaa laga xaday waana arin walaag san in lagu guuleysto in naftiisaa la bad baadiyo walaalkeena waxaan leeyahay jalca camalbay rabtaaa ee u shaqeyso in aad naftaada haligto diinta islaamka maqabto walaal
ALLA HA SUURTAGALSHAY INLAQABTO AAMAHADLE KADIBNA INTIIQABATAY EE WALAALA YAAL AAD IYO AAD ISKAGA JIRA ALLE HEYNAGA JIREE WA IIMAAN LAWAYAAL QAWAARIIJ DHAMEEYSAY ASXAABII NABIGEENA C S W S CSIDA CUMAAR IYO CISMAAN ALHAKARAALINAQDEE EE MARIYA SHARCIGA WAXOW KAQABO IDINKOON NIN JECLEYSI SAMEEYN WAXA MEESHA SOOMAALIYA GARSIIYAY WA NIN JECLEYSI EE ISKA DAAYA NIN JECLEYSIGA WAGADARDARAN WAXLAGU DHAQMO WAXA UGUFIICAN KITAAKA QUAANKA IYO SUNADEENA SUUBAN WABILAAHI TOWFIIQ
Asc waxaa mahasan ilaahey oo isuura geliyay waxaa kaloo mahadsan ciidamadii fuliyay hawshaas sii wada howshiina
Asc dhammaantiin Asxaabey. Wallaahi waa wax lagu farxo in hay’adda nabad sugida ay howshaasi ku guuleysato. Maleeshiyada Al-shabaab waxey marin habaabiyeen dhalinyaro farabadan. Dhalinyarada waxaan ugu baaqayaa in aysan rumeysan shabaab iskana ilaaliyaan iyaga naftooda kana ilaaliyaan shacabkooda
subxaana laah habalyo cxds gaar ciidanka nabad sugida aniga waxaan qabaa in wiilkaan caafimaad ahaan loo baaro kadib haduu taam noqodo dhaqan celin loo sameeyo anaga aan allah ka barino inuu ilaah soo hanuuniyo ku aaminsan ra,yigaas tan kale dhalinyaro ani ma aaminsani caqligaa laga xaday bcs meeqo ayaa is qarxisay tiro malahan mamaqasheen ina godne ama ina xasan ama ina khawaarij taas oo dhan ka soo tag nimankaan janada ayaga marabaan miyaa mise sax maahan hadey sax tahay wlh inow is qarxiyo idin dhihi laheyn ee asaaa is qarxin lahaa filinka wuu fahansanyahay waa kursi doon dhalin yaroy is qarxi makuu dhaho adi is qarxi dheh mise waa lagu bireynaa kkk acuudu wlh waa mucjizo allaw dhalinyaradeena xaqqa tus oo ku irzaaq iney raacaan thanks radio muqdisho
muqdisho radio waad mahadsantihiin marka hore, marka xigata ciidanka nabad sugid aad bey umahasanyihiin, ee wiilkan waxba kama qaldano, ee in la xero hal madfac keligiisa halagu dilo waa mujirim
a s c salaan ka dib ismaaciiloow waxaan ku leeyahay jano ku taal jeeba GODANE jiq ka dheh jabna ha iga iin bye cumar yare
asc dhamaan inta nabada jecel iyo bahada radiomuqdisho marka hore waxaa mahad iska leh allaah marka xigta ciidanka sharafta leh ee nabad sugida wiilkan caqli wuu leeyahay yaan ladhihin aqliga laga xaday waayo caqligii uu ku yimid airporka maxuu ahaa waa lacag raadis ma ahan jano raadis haduu jano raadinaayo muu salaada ku dadaalo iyo diinta qur aankana aqristo tuug waaye iyo duli kanoo kale sharafta soomaaliyeed hoos u ridaaya nin dhahayo madaxweynahan isku qarxinaa qaranimada soomaaliyeed nolosha shacabka diidan hala dilo yaan la cafin ciidankana waxaan leeyahay kan kaligiis ma ahan kuwo kale oo dadka ku dhex dhuumanaya ayaa jira shaqadiina kordhiya habeen iyo maalin ha ahaato nin lagu seexdo ha saxeen ayaa inoo balan ah wanaa idiinla shaqeynayna hadaan nahay shacabka soomaaliyeed ee nabada jecel soomaaliya hanoolaato qaranka ha jiro calankeena kor guul guul!!
Cuniggaan markaad si dhab ah u fiirso waxaad dareemeysaa inuu sixran yahay. Bal eeg dhammaan sawirrada halkaan ka muuqda dhifoorrada ayuu haystaa sida qof FARDAN. taasina waxay ka marag kacaysaa in Shabaab carruurta ay adeegsadaan ay falfalaan, waayo qof fiyow sidaan uma fakareen….
Ascw JINO ey diideen godane,shungule,robow,calidhere,aweys dahir,kobokudukade ,iyo ajanibta ….wali mamaqasheen ragan qofkamid ah oo isqarxiyay hadii jino sidaas lagu galayo
Ey hubaan walaahi ayagaa uhormari lahaan weyisku dagalilahaayeen …ruxii naftiisa gooyo
Asagoo ogaal leh cadabtoo galaa jihadku wa adigoo dagalamee in lagudilo ruxad ladagalamee inuusan noqonin muslim wa sidas ,,,
ASC aniga waxaan qabaa sow isma qarxin rabin haddana sidii oo kale ha loo fududeeyo qoortana halaga jaro illeen inuu isdilo dadna dilo ayuu rabay maxaa cuno iyo dhaqaalo loogu bixinayaa madaxa hala toogto daawo kale ma leh khawaarijta . wali wala soo idho adag yaahay . walaahi hadii cabsi jirin biniaadam ka ma kala dambaynayaan waa in ladilaa ninkii qirta waliba si hoose loodilaa kuwa kalane sida aysan u ogan si qarsoodiya ha loolaayao yaanan lagu darin ciidamada . thank you .
Asc waan idiin salaamay somali weyn iyo Bahda radio muqdisho Aniga feker keyga waxaan leeyahay wiilkan yar ilaaheeybaa mahadleh oo ka badbaadiyey inuu nafttisa iyo midkale oo masaakiin laayo ee waa in lagu sameeyo in la soo wacyi celiyo barnaamishyo ka baxa idacada halagu soo daro si eywax uga qaataan kuwii is qarxin rabay ama kuwii ku fakeri lahaa intaba eeyna dhabar jab u noqoto cadawga nabad diidka ah waa mahadsan tihiin allaa macaakum
Mungab haloogeyo si ay ugu tusaalaqaatan kuwawa kale waa cadaabo wax aykanaxaayan malahan mahad sanidin cdmada nabad sugida
asc dhamaan nshacabka somnaliyeed horta ugu horeentii waxaa mahad mudan allah oo suurto galiyey in ninkan cadwga ah gacanta lagu dhigo waxaa mahad mudan ciidamada qaranka soomaliyeey oo ayagana gacanta ku soo dhigay ninkan argagixisada ah waxaa qabaa nin ka haladillo waayo hadii lasiidaayo waxaa laga yaaba hadana in uu falkaas ah camal ku dhaqaaqo asc
scww saaxiibayaal waxaa la yaab leh qof caqli iyo maskax leh ee hadana doonaya in uu haligo naftiisa ma dhihi karno waa jana doon laakiin hadii uu doonaya in uu galo janada ma in uu dhiig muslim ah uu daadiyo miyuu ku galayaa janada maya waxaan oran karnaa in ay daroogeeyeen shayaadiinta isaga ka waaweyn ee shabaab sababtoo ah mansuur roobow iyo cali dheere iyagu maxey isu qarxin waayeen janada iyaga ma rabaan miyaa? marka waxaan dhihi karaa inankaa yar ee dhalin yarada ah waa mid aan xalaal aheyn waayo iimaan ka ayaa ka dhintay oo iimaan malahan