Muqdisho: Kuweyt oo gargaar Badda u soo marsiisay Soomaaliya
Published on July 31, 2011 by Yusuf · 3 Comments · 1,036 views
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u guddoontay Deeq macaawino ah oo ay Dowladad Kuwait dhinaca badda u soo marsiisay dadka Soomalaiyeed ee ay abaaruhu ku saameeyeen gudaha dalka.
Markab sida Shixnad gargaar ah oo cadadkeedu dhanyhaya laba kun iyo shan boqol oo Tan oo bariis ah ayaa galabta kusoo xirtay Dekadda Muqdisho, kaas oo ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan Ururka Bisha Cas ee dalka Kuwait.
R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa deeqdaasi ka guddoomay Kuwait, isagoo auga mahad celiyay Amiirka dowladad Kuwait kaalmada uu siinayo dadka Soomalaiyeed. Wuxuu intaa raaciyay in kaalmadaan la gaarsiin doono dadka loogu talo galay si waliba caddaalad ah.
Dhanka kale Musaacid Raashid Al-cinsi oo madax u ah tabrucayaasha ururka Bisha Cas ee Kuwait ayaa saxaafadda u sheegay in berri ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo degi doonaan labo diyaaradood oo gargaar sida, kuwas oo qeyb ka ah dadaallaada ay waddo dowladda Kuwait.
Xildhibaan Sh Daahir Maxamuud Geelle, Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa, maareeye ku xigeenka dekadda Axmed Cabdi Kaariye iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda ayaa joogay halka ay ay dowladdu kula wareegtay gargaarkaasi.
Tartan kor loogu qaaday aqoonta Ardayda wax ka ...
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ...
Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
WARKA SUBAX May 17.05.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
War Habeen 16-May-2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
WARKA DUHUR 16.05.2012
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
Dadweynaha iyo gadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta magacaabay afhayeenka cusub ...
Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
WARKA SUBAX 16.5.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...
maaashaAlla, Kuwait meel wayn bay nooga soo baxday. Ma hilmaami doono hadaan Soomaali nahay abaalkan inshaAllah. Walaallaha dowladana si deg deg ah ha ugaarsiiyaan dadka tabaalaysan. Allah ajar haka siiyo kuwait kharka ay sameenayaan.
sacramadaan kariim
Maasha allah: waa sida kaliya ee allah noogu gargaaro haddaan nahay dadka muslimiinta ah, marka aan anaga dhexdeena isu gargaarno. Allah na inagu hanuuniyo jidka toosan oo uu raaliga ka yahay -kulligeen: