Friday, May 24th, 2013

“Daawo Sawirrada”Munaasabad lagu xusayay maalinta afka Hooyo ee 21ka Febraayo oo Muqdisho lagu qabtay

Published on February 21, 2013 by   ·   3 Comments  ·   6,235 views

Munaasabadan lagu weyneynayay horumarinta afka Soomaaliga 21ka bisha Febraayo oo kuubeegan Maanta islamarkaana ah maalinta afka hooyo ayaa waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta,iyo Gaadiidka.

Xafladan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa kaqeybgalay wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka mudane C/llaahi Ciilmooge Xersi, wasiir Kuxigeenada wasaaradda mudane C/shakuur Cali Mire iyo mudane Ibraahim Isxaaq Yaroow iyadoo ay Sidoo kale goob joog ahaayeen qubaro qeybweyn kasoo qaatay horumarinta afka hooyo iyo qoristiisaba Sanadihii 71kii ilaa 74kii kuwaas oo ay kamid ahaayeen Xuseen Sheekh Axmed kadare.

Munaasabadan ayaa intii ay socotay waxaa suugaan isugu jirtay heeso iyo gabayo katurjumaya Taariikhda afkeena iyo heerarkii uu soomaray kasoo jeediyay hobolada Qaranka ee Waaberi.

Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo kamid ahaa qorayaashii afkeena hooyo ee qiimaha badan ayaa goobta Ka sheegay in halgan dheer loosoo galay qorista afkeena loona baahanyahay in laga shaqeeyo sidii looga Ilaalinlahaa inuusan dabargo’in.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo isna kamid ahaa suxufiyiintii xiligii kacaanka kahowlgalayay idaacada Qaranka ee Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in kahor qorista afka Soomaaliga xitaa lagu dhibqabay sidii bulshada looga dhaadhicinlahaa amarada kasoo baxa madaxdii dowladii kacaanka maadaama uusan jirin af rasmi Ah oo qoran islamarkaana erayo aan lafahmikarin ay kubixi jireen Ogeysiisyada,wararka iyo Barnaamijyada kabaxa idaacada Qaranka.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka mudane Ibraahim Isxaaq Yarow ayaa sheegay maanta ay tahay maalin weyn maadama caasimadii dalka lagu xusayo Munaasabadan qaaliga ah isagoo xusay in iyadoo laga ambaqaadayo dastuurka qaranka ee la ansixiyay Welina qabyada ah ay wasaaraddu soo kordhisay in Raadiyaha qaranka iyo TV-gaba laga siidaayo warar iyo barnaamijyo kubaxaya lahjada mayga oo kamid ah 2da lahajad ee uu afka Soomaaligu u kala baxo.

Sidoo kale wasiirka Warafafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xersi oo xaflada Sooxiray ayaa sheegay in R/wasaaraha Soomaaliya uu qeyb kaqaatay sidii munaasabadan loo Qabanlahaa isagoo wasiirku ka sheekeeyay muhiimada uu leeyahay afka Soomaaliga.

Mudane Ciilmooge ayaa intaa kudaray in wasaaraddu qorsheysay sidii looga faa’iideysanlahaa Fanaaniinta Soomaaliyeed ee qurbaha kasoo laabanaya dalkana imaanaya  sidii hal abuurkooda iyo guud ahaan fanka loogu furilahaa Tiyaatarka Qaranka oo qeyb kamid ah la dayactiray si loo bilaabo soosaarid erayo cusub iyo fan dhaxal gal ah maadaama mudo 23 sanadood ah uu dalku burbursanaa.

Ugu danbeyntii wasiirka ayaa mid mid u gacanqaaday hal abuuradii kasoo qeybgalay xaflada iyo qubaradii afka Soomaaliga qoristiisa qeybta weyn kulahaa iyo fanaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Seynab Xaaji Cali Baxsan.

DSC04812

DSC04814

DSC04817

DSC04818

DSC04820

DSC04819

DSC04821

DSC04823

DSC04828

DSC04833

DSC04829

DSC04834

DSC04836

DSC04837

DSC04842

DSC04848

DSC04850

DSC04852

DSC04860

DSC04867

DSC04864

DSC04873

DSC04880

DSC04881

DSC04888

DSC04898

DSC04903

DSC04913

DSC04906

DSC04893

 

DSC04924

DSC04927

 

 

 

 

Photo by.Bashiir Khaliif Gaani

 

 

 

 

 

 

 

Readers Comments (3)

  1. maxamed husen says:

    Viva afka hooyo maanta oo kale waxay kuhaboneyd inaan joogo wadanki hooyo

  2. mohamed says:

    Hanoolaado afka hooyo , waligiisna hajiro , somaliyana hanoolaato .

  3. fartuun says:

    mxaa u sameen laheed afka hooyo hadii aad joogi laheed wadanka




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

S2170021

Wasaarada amniga Ximan iyo Xeeb oo sugaysa nabadgalyada xilliga doorashada”Sawirro”

  Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

War Duhur 24-May-2013
janaale

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Kormeeraya Degmooyin Ka Tirsan Gobolkaasi

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Bole Road Addis Ababa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Maamulkii Kismaayo Looga Dhawaaqay “Dhageyso”

Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
DSC00154

Gudoomiyaha Baarlamanka oo marti ku ahaa Barnamijka kulanka Jimcaha ayaa sharaxay waxqabadka Baarlamanka su’aalana ka jawaabay”Sawirro”

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX 24.05.2013
Obama

Madaxweyne Obaama oo sheegay in la wiiqay awoodii ururka Al qaacidda

Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
R.W Saacid

R/wasaare Saacid oo sheegay in isbedel uu ku yimid daqliga dowlada

Xukuumada Federaalka  ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Cabdi-Qeybdiid

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyay dib uga laabashada mowshinki laga keenay xukuumada

Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
xukun1

Maxkamada ciidamada ee Puntland oo xukun dil ah ku radday gacan ku dhiiglayaal

Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
rinkesc1

Rabshado ayaa ka socdo Magaalada Stockholm ka dib markii gaadiid iyo goobo ganacsi lagu gubay xaafadaha ay u badan yihiin Soomaalida SAWIRO

Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
LUULIYO

OGEYSIIS: Kulan loogu arinsanayo qaban-qaabada Xuska 1 Luulyo Ee Magaalada Munich ee dalka Germany.

Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
DSC_0376

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga Xarumihii uu tagay iyo Madaxdii uu la kulmay intii uu Sudan joogay oo dhamaystiran.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 23 05 2013
IMG_8547

Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay mudaneyaasha Baarlamanka “sawirro”

Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
safar bye bye

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya oo Addis Ababa u dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
IMG_8322

DAAWO SAWIRRADA:- Munaasabadii lagu xusayay aas-aaska midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
gafoow

Taliyaha hoggaanka iyo socdaalka oo sheegay in la diwaan galiyay dad badan oo ajaanib ah

Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
wasiroo_3

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
DSC01028

Munaasabad lagu xusayay maalinta Umulisada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay “sawirro”

Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 23.05.2013
qeybdiid Galmudug State President

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasad loo qabtay arday ka qalinjebisay dugsiga sare Mudug

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Sawirka 1

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga Sucuudiga.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweyne-xasan-Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 50 guuradii Midowga Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
dibad_ba_3

Dibadbax lagu taageerayay waxqabadka dowlada iyo mowshinkii la baajiyay oo ka dhacay Muqdisho”Sawirro”

Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Hobyo_view

Duqa dagmada Hobyo oo sheegay in ay wadaan waan waan lagu doonayo in ay xiisad ka dhalan dil shalay ka dhacay ceel huur

Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
muqdisho_1

Odayaasha dhaqanka Muqdisho oo soo dhaweeyay mushinkii ay la laabteen xildhibaano ka tirsan baarlamanka

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subaxnimo ee radio Muqdisho

WARKA SUBAX 23.5.2013
Al-Shabaab Awood Daciifid 4

Maleeshiyaad ka tirsan shabaab oo qasaare loogu geystay xadka u dhaxeeya Somaliya iyo Ethiopia

Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
south africa

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka S/africa iyo S/zerland oo soo dhaweeyay go’aankii xildhibaanada ay uga noqdeen mushinka

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee  ku nool dalalka South Africa ...
DSC03854

Dowladaha Sudan iyo Soomaaliya oo Hishiis Dhanka Ciidanka Xooga ah kala saxiixday :- Daawo Sawiro

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*