Friday, August 29th, 2014

Munaasabad lagu xusay 20-guurada Isbitaalka Keysaney iyo Saallo qaliin casri oo lagu soo kordhiyay (Sawirro)

Published on February 4, 2012 by   ·   6 Comments  ·   3,177 views

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay sanad guuradii 20aad ee aasaaskii isbitaalka Keysaney isla markaana xariga looga jarayey saalo qaliin (OT) cusub oo casri ah ayaa waxaa lagu qabtey Isbitaalka Keysaney ee duleedka Magaalada MUqdisho.

Xafladan oo ay ka qeyb galeen Dhaqaatiir, Madaxda Jaamacadaha, Machadyada waxbarasho, Arday, shaqaalaha isbitaalka Keysaney ayaa ugu horeyn waxaa xariga ka jaray OT-ga cusub Ku simaha Isku duwaha howla Ururka Bisha Cas C/qaadir Ibraahim Xaaji Caafi oo sheegay muhiimada ay leedahay OT-ga cusub lagu soo kordhiyay Isbitaalka

Madaxa Maamulka Isbitaalka Keysaney Cali Yuusuf Maxamed (Cali Bile) ayaa sheegay in 20-kii sano ee Isbitaalka Keysaney jiray uu wax weyn u qabtay bulshada Soomaaliya, isagoo xusay inay mudan tahay in loo mahad celiyo aas aasihii isbitaalka Drs Mina Xasan.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf oo ka hadlay Isbitaalka ayaa waxay ku ammaaneen howsha weyn ee Isbitaalka u hayo bulshada Soomaaliyed, isla markaana Isbitaalka soo maray marxalado kala duwan.

Hormuudka Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir Dr. Maxame dMaxamuud Bidey ayaa sheegay in Isbitaalka uu wada shaqeyn la leeyahay jaamacadaha iyo machadyada, isla markaana lagu tababaro Ardayda, isagoo intaa ku daray in Saalada qaliinka cusub ay tahay mid aan dalka ka jirin oo casri ah, wuxuuna ugu hambalyeeyay Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaalka.

Agaasime kuxigeenka Isbitaalka Keysaney Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Tajir) ayaa waxaa uu si qoto dheer uga hadlay taariikhda iyo marxaladihii uu soo maray Isbitaalka, intii uu jiray, waxaana uu sheegay in tirada bukaanka qaliinka loo smaeeyay ay gaareyso 75, 938 halka 143,132 bukaan oo aan la seexin isbitaalka lagu qaabiley qeybta OPD-da, waxaa uu mahad u celiyey bulshada Soomaaliyeed iyo weliba hay’adihii gacanta u fidiyey isbitaalka gaar ahaan ICRC.

Ugu dambeyn waxaa ka hadlay Munaasabada Isku duwaha howlaha Ururka Bisha Cas C/qaadir Ibraahim Xaaji Caafi oo sheegay in Isbitaalka Keysaney uu wax weyn oo la taaban karo uu u qabtay shacabka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in isaga uu ka mid ahaa bukaanada lagu daaweeyay isbitaalka, waxaana uu u gudbiyay ka qeyb galayaasha salaan uu ka siday Gudiga Fulinta iyo Gudoomiyaha Bisha Cas Dr. Axmed Maxamed Xasan oo ku booriyay in shaqaalaha Isbitaalka ay sii laba laabaan howshooda.

Isbitaalka Keysaney ayaa ka mid ahaa Isbitaalada kadib bur burkii dowladdii dhexe marti geliyay bukaanadii ugu faraha badnaa, waxaana Isbitaalka la keeni jiray dhaawacyo, dad xanuuno qaba, iyadoo Isbitaalka Gobolada dalka dadka xanuunaqa qaba iyo kuwa shilalka kala duwan ku soo dhaawacma la soo gaarsiin jiray, waxaana uu ka mid ahaa isbitaalada saameeyay dagaaladii labaatankii sano dalka ka dhacayay.

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-

Yurub                                            +442035190460

USA & CANADA                         +17124327760

 

 

Readers Comments (6)

  1. Asiya says:

    Maasha allaah isbitaalka keysane aad ayuu u quruxbadan yahay iyo waliba dhaqaatiirta iyo shaqaalaha dadaalka ka sameeyey mash allaah illaahey ha idinka siiyo ajar iyo xasanaad aamiin

  2. Sadiyo Dalabe says:

    Masha Allah

    The hospital is very beautiful and i say congratulations to Cali Yuusuf Maxamed (Cali Bile) and the doctors, nurses who worked very hard to help our Somali brothers and I am happy that the hospital reached 20 years.

    May Allah reward us all.

  3. Buulo-xubey says:

    muqdisho inshallahu nabad iyo caano, dadku cadaalada ha qaateen nabaduna way imaan inshallah. Guryaha dowladda iyo kuwa dadkaba hala baxo allah na haloo towbad keeno. Meel fiican ayay maraysaa

  4. Abdulkadir Buulle says:

    Maansha aaah aad baan ugu faraxsanahey ispitalka kaysanay oo jirsadey 20 sanno ,Dr,Ahmed Taajir,Ali bile waan u hanbalyeynayaa sida ay ugu dadaaleen ispitaalka dad farabadan baa loo geynjirey ayago dhaawacan illaah ha idiinka abaalmariyo.

  5. jalteey says:

    asc waa cusbitaal looga mahad celinkaro dhaqaatiirtii gacanta ku haysay waana wax lagu farxo in ay maanta qayb casri ah ku soo kordhiyaan asc

  6. Abdulmuomin says:

    Allah ha idinka ajar siiyo dhaqaatiirta & Shaqaalaha Isbitaalka Keysane,Shacabkoow ogaada kuwa har & habeen idiin taagan.
    Radio muqdisho waad mahadsan tihiin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Abdiweli20140610_11

Daawo Filim ku saabsan Ra’iisul wasaaraha oo dalka ku soo laabtay

Halkaan ka daawo Filim ku saabsan Ra'iisul wasaaraha ...
Muun

Daawo Video idaacadda gobolka Banaadir oo la furay

Dhammaan Akhristayaasha radiomuqdisho.net, halkaan ka daawo Filin ku ...
461

Wasiirka Gaashaandhigga oo Turkiga ka soo laabtay (Daawo Video)

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Maxamed Sheekh ...
Calanka_Turkiga

munaasabad lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Turkiga oo Muqdisho lagu qabtay

Munaasabani oo aheyd mi lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ...
astaanta-warka16

Dhegeyso Warka Duhurnimo ee RadioMuqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WARKA-DUHUR-29-08-2014.mp3"][/audio]
images

Ra’isuwasaare Cabdiweli Sheekh oo maanta dalka ku soo laabtay

Ra’isulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/weli Sheekh Axmed ...
astaanta.qaranka-300x2282

Dowladda Soomaaliya waxey ka xuntahay weerarkii hubeysnaa ee Saaxdheer

Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha Mudane Mustafa Sheikh ...
Nicholas-Kay

Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya oo ku baaqay in la xaliyo Khilaafka deegaanka Saaxdheer

 Wakiilka Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Qaabilsan ...
Cirfo

Gudoomiyaha G/Galgaduud Oo Marti Ku Ahaa Barnaamijka Kulanka Todobaadka (Dhageyso)

Barnaamijka kulanka Todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-SUBAX-29-8-20141.mp3"][/audio]
10616046_1495829737322447_3095398859812072964_n

Muungaab Oo Xariga Ka Jaray Idaacad Uu Hirgeliyay Maamulka G/Banaadir (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150 (1)

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Cirfo

Soo Weydii Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Wixii Fikir,Talo, iyo Su’aal Ah “Barnaamijka Kulanka Todobaadka Bari”

Akhristayaal waxaan idiin ku wargalineynaa  barnaamijka kulanka todobaadka ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-HABEEN-28.8.2014.mp3"][/audio]
DSC00424

Madaxweynaha Soomaaliya oo magaalada Ankara uga qeybgalay caleema saarka Recep Tayyip Erdoğan”Sawirro”

Madax badan oo aduunka ah ayaa maanta kaqeybgalay ...
Madaxweynaha

DAAWO VIDEO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta safaaradda Soomaaliya ee Turkiga”Sawirro”

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Xasan ...
Kismaayo

Wafdiga kasocda Xukuumadda ee ku sugan Kismaayo oo heshiis la gaaray saraakiil ka yimid dhanka Goobweyn

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo ...
kulan2

Howlgallada amni sugidda ee caasimadda oo la taageeray

Kulan lagu taageerayay guulaha ciidamada amniga ee ay ...
DSC00648

20 Gabdho ah oo tababar ku saabsan Umulisonimo loogu furay magaalada Qardho “SAWIRRO”

Xafladddani oo lagu daahfurayey Barnaamij lagu baranayo qaabka ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WARKA-DUHUR-28-08-2014.mp3"][/audio]
IMG_1026

Golaha Wasiirada oo meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Waxbarashada “DAAWO VIDEO”

Muqdisho, August 28, 2014 — Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ...
abaarta-w

Guddiga gurmadka Abaaraha ee Xukuumadda oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameysay abaartu “DAAWO VIDEO”

Guddoomiyaha  guddiga gurmadka Abaaraha ee Xukuumadda ahna Wasiirka ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-SUBAX-28-8-2014.mp3"][/audio]
DSC00243

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Ankara ee dalka Turkiga “DAAWO VIDEO”

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh iyo ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150 (1)

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-HABEEN-27.08.2014-.mp3"][/audio]
goodax

Wafdiga Dowladda Ee Ku Sugan Kismaayo Oo Guul Ka Gaaray Nabadeynta Deegaannada Jubooyinka

Waxaa maanta Deegaanka Goobweyn oo 30 km dhanka ...
vlcsnap-2014-08-21-08h42m44s116

DAAWO VIDEO:- Barnaamij Gaar Ah Oo Ku Saabsan Lurkii 20ka Sano Iyo Ladnaanta 20ka August “Qeybta 3aad”

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
Sh Cali Wajiiz

Sheikh Cali Wajiiz oo si qoto dheer uga hadlay taariikhda kooxaha xag jira

  Taariikhda Islaamka kuma cusba kooxaha xag jirka ah ...
JAWAARI GUDOOMIYE ANLE AH

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Ay Ku Qalin Jabinayeen Arday Dhameysay Jaamacadda Soomaaliya

Munaasabadani ay ku qalinjabinayeen in ka badan 574 ...
DSCF7361

DAAWO VIDEO: Hay’adda UNDP oo maamulka Gobolka ka taageereya dhanka horumarinta Isboortiga

Kulankan ay wada qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka ...
tababar_5 (1)

Askar cusub oo tababar loogu soo xiray duleedka magaalada Beledweyne

Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa maanta tababar ugu ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WARKA-DUHUR-27.8.2014.mp3"][/audio]
Kulanka Haweenka

Xuska maalinta Xaquuqda Aadanaha Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayay maalinta xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya ...

Tubta Toosan

Sh Cali Wajiiz

Sheikh Cali Wajiiz oo si qoto dheer uga hadlay taariikhda kooxaha xag jira

  Taariikhda Islaamka kuma cusba kooxaha xag jirka ah ...

Islaamka iyo Xagjirnimada Dhageyso

Shareecada Islaamku waa diin dhex dhexaadnimo waxayna ka ...
Dhallinnyaro

Maalinta Caalamiga ah ee dhallinyarada, Waa side xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed?

  Maanta oo ay taariikhdu tahay 12 August waa ...