Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna taageerayay Dowlada Soomaaliya iyo Isbadalka dalka ka dhacay ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Helsinki ee wadanka Finland.
Xaflada oo ahayd mid aad u sareysa waxaa ka soq eyb galay Siyaasiyiin , Aqoonyahano , Odayaal , Haween iyo dhalinyaro, kuwaasoo dhamaantood muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin Isbadalka ka dhacay Soomaaliya.
Ugu horeyn Munaasanbada waxaa lagu furay aayadaha quraanka Kariimka ah, waxaana akhriyay Sheekh Maxamed hassan , Sheekha ayaa ayaadaha quraanka ka dib raaciyey wacdi dheer oo taabanayey dhinacyo badan.
Waxaa intaas kadib, halkaas ka hadlay isla markaasna kalimadii soo dhaweyta martidii kasoo qayb gashay munaasabada lagu taageerayey isbadalka cusub kasoo jeeddiyey Abdulqadir Ahmed-Nur Hadafow oo ah gudoomiyaha ururka Kanava isla markaasna ahaa ururkii soo qabanqaabiyey munaasabadan sida heerka sare ah loo soo agaasimay.
Intii ay socotay munaasabaddaasi ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan kaladuwan, heeso waddani ah iyo ciyaraha hiddaha iyo dhaqanka kuwaas oo dhammaantood lagu soo dhaweynayay isbadalka cusub ee dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.Waxaa buraabur qiiro leh kasoo jeediyey halkaas Hodan Yusuf Koomito,dhinaca heeshana waxaa si wanaagsan u haqabtiray Aweys Cali Shaambi.
Qaar ka tirsan waxagradkii ka hadlay munaasabada ayaa waxa ay dowlada ka codsadeen inay la timaado wado cad oo ay uga hortagayso nabadgelyodarada iyo kobcinta dhaqaalaha.
Aqoonyahanadii iyo adayaashii halkaas ka hadlay ayaa waxaad markii aad dhagaysato shaqooyinkii ay wadanka kasoo qabteen iyo xaaladda ay hadda kusuganyihiin, waxaa ay ku tusaysaa heerka ay gaarsiisantahay dhibaatada culus ee wadankii iyo shacabkii ku habsatay.
Intaas ka dib ayaa barnaamijka oo ay qayb ka ahaayeen madaxda qaranka ayaa waxaa qadka taleefonka uga qaybgalayR/wasaaraha Jamhuurayadda Federalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ‘’Saacid ‘’ , R/wasaaraha ayaa intii uu qadka taleefonka ku jiray ka hadlay waxyaabo badan.
R/wasaare Saacid ayaa waxaa uu yiri “Ugu horeeyntii waxaan idiinka mahadcelinayaa reer Finland taageradda aad u haysaan isbadalka wadanka ka dhacay iyo jacaylka wadeninimo ee idinku jira”R/wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa u yiri “Waxaan haddii uu ilaah yiraah idiin balanqaadayaa inaan hooyo Soomaaliyeed aysan kusii noolaandoonin qabowga Finland,waxaan sidoo kale hoosta ka xariiqayaa inaan reer Finland wax kasta oo aad nooga baahataan haddii aan nahay madaxda qaranka aan soo dhweyndoono fikiradihiinana dhagaysandoono” R/wasaaraha oo qudbadiisa ay dheereed ayaa waxaa ay u badnayd dhiirigelin iyo in wadanka wax loo wada qabto lagana wada saaro xaalada uu hadda ku jiro.
Waxaa intaas ka dib hadalkii qaatay ururka isutaga wadamada Nordica ee nabada iyo horumarinta wakiilkiisa Finland Mr Hessein Ladane oo isna dhiniciisa kasoo dhaweeyey Gudoomiyaha gobalka Banaadir Mudane Maxamuud Axmed Nur Tarzan iyo mardii ka kala timid wadamada Nordica ama waqooyiga laysku yiraah.
Intaas ka dib ayaa waxaa hadalkii lagu soo wareejiyey xiriiriyaha guud ee ururka isutaga wadamada Nordic ee nabada iyo horumarinta Eng. Abdi Anshuur, Engineerka oo isagu ka mid ahaa qurbajoogta Soomaaliyeed eek u laabatay wadankii hooyo ilaa iyo lixdii bilood ee ugu danbeeyseyna deganaa magaaladda Muqdisho ayaa waxaa uu ka sheekeeyey xaaladdii iyo wixii uu kusoo arkay,isla markaasna kula dardaarmay in wadanka wax loo qabto gacmahana laysqabsado.
Ugu danbayntii waxaa hadalkii lagu soo wareejiyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Ahmed Nur Tarzan. Gudoomiyaha ayaa inta uu hadalka bilaabin waxaa halkaas dadkii ku sugnaa ay bilaabeen inay qaadaan heeso wadani, dadkaas oo markii aad wejiyadooda fiiriso ka muuqatay qiiro wadaninimo halka ay kuwo kalana ilimada ka socotay.
Gudoomiyaha oo hadalkii qaatay ayaa waxaa salaamaha iyo mahad celinta ka dib hadalkiisii ku bilaabay “MUQDISHADII SHALAY IYO TAN MAANTA”. Gudoomiyaha ayaa waxaa dadkii kasoo qayb galay barnaamijka uu u sheegay inuu maanta la kulay madaxda Helsinki,markii ay xoogaa wada joogeen ay u sheegeen in magaaladda Helsinki ay u dabaal degayso 200 sanno jirkeeda,markaas ayuu gudoomiyaha waxaa uu dadweynihii kasoo qayb galay weydiiyey idinka caasimadiina meeqo sanno jir ayey tahay? Gudoomiyaha oo ka jawaabayey ayaa waxaa uu yiri caasimadda Muqdisho waxaa ay jirtaa kun iyo dhowr boqol oo sano intaas ka dib Gudoomiyaha ayaa waxaa uu aad ugu nuuxnuuxsadey xaaladii barisanmaadkii iyo sidii loo noolaa hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa ”dadku wey shaqaysanayeen, ciyaarahii haddii ay ahaan lahayd isbartiifooyinkii waa weynaa oo midna galabtii intaad tagto haddana habeenkii aad Lujinokubadii koleyga kusoo fiidsato ka dibna nabada jirta awgeed aad adiga iyo saaxiibadadaada soo wada cashaysaan, kadibna gurigaada nabad ku timado,taas ayey ahayd Muqdishadii shalay” Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay wax badan MUQDISHADA MAANTA iyo wax dadka looga baahan yahay.
Gudomiyaha oo ka hadlaya Muqdishada maanta ayaa waxaa uu yiri ”Muqdishada maanta waa meel loo tashadey oo dad aan lahayn ay kusoo duuleen codowtinimo ay u qabaan magaaladaas iyo shacbigeeda rabaana inaysan wax horumar ah gaarin. Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri Muqdishada maanta waa meel ay wasaqdu meelwalba taalo,muqdishada maanta waa meel aadan aqoon inaad nabad ku tagayso gurigaada aadan ogayn.
Gudoomiyaha ayaa hadaladiisa waxaa ay u badnaayeen dardaaran iyo dhiirigelin Somali diaspora sidii ay uga qaybqaadan lahaayeed dib u dhiska dalkaas iyo horumarinta magaalada Muqdisho iyo sidii loogu soo celinlahaa MUQDISHADII SHALAY. Gudoomiyaha gobalka banaadir Mudane Maxamuud Ahmed Nur Tarzan ayaa gabagabadii waxaa uu reer Finland ku amaanay sida wadaniyada ah ee ay had iyo jeer u taageeraan horumarka iyo wanaaga.
Munaasabadan oo ahayd mid aad loosoo agaasimay ayaa waxaa ay gagabadii ku dhamaatay jawi aad u degan.
Abdiaziz Godah
Helsinki- Finland
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +14156550815
ASC munaasabadan ka dhacday finland oo aanan ka warheyn waa maxay hadaan ogaan lahaa anigaa hormuud ka naqan lahaa waanka xumahay munaasabad dowlada lagu taageerayo oo aniga ka maqanahay oo hadane ka dhacday meel aan iga fogeyn hadanse ogaan lahaa wacdaraan ka dhigilahaa anigoo muujinayo wadani nimada waase dhicidoontaa mid aan soo qabanqaabiye hada heer finland wey iga qarsheen anna waan ka aarsandoonaa markeyga.
bILQAYR QAYR KUGUMA DHAFIN MESHA LAKIN WAXAN KU QOSLAY KAL IYO LAAB AYAA U HADASHAY KKK
kkkkkkkkkk xaa lagaaga qariyey hee bilqeyr araa reero fowdo tahay heee ama alshabaab tahay maxaa lagaaga cabsadey
mise waa isku qarxin rabtey meesha
tarsan booskisa yalaga badalin dadkale halabadalo nin waxgarad ah o qurbo soargay wayay walahi wogasobax yay wajibadkisa o logamagacaway dolada cusobna ilahey halagarab qabto