Thursday, May 23rd, 2013

Munaasabad Lagu Sagootinayey Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Caawa Jigjiga Lagu Qabtay “DAAWO SAWIRRADA”

Published on February 19, 2013 by   ·   22 Comments  ·   10,833 views

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay islamarkaana lagu sagootinayey wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada Jigjiga ayaa caawa lagu qabtay guriga martiga magaaladatan Jigjiga.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Dowlad deegaanka Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirrada, maareeyeyaasha iyo Agaasimayaasha maamulka,wafdiga Budoomiyaha Baarlamaanka,waxgarad,odayaal,haween,dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan jigjiga.

Munaasabadda ugu horeyn waxa ay ku bilaabatay casho sharaf si heer sare ah loosoo agaasimay ayadoo goob barxad ahna ay ku wada casheeyeen mas’uuliyiinta iyo bulshadii kala duwaneyd ee munaasabadda kasoo qeybgashay waxaana Munaasabadda kadib bilowday ciyaarro Hidaha iyo Dhaqanka kuwaasi oo ay si aad ah u jecleysteen dadweynihii kasoo qeybgalay Munaasabadda ayadoo mas’uuliyiin iyo shacabba si isku mid ah u ciyaarayey ciyaarta Dhaantada loo yaqaan.

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay Munaasabadda ayaa ku amaantay dadweynaha iyo madaxda Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia mudada kooban ee ay jiraan hormarka ay deegaanka gaarsiiyeen ayadoo hormarkaasina uu yahay mid hada ka muuqda dhulka dowlad deegaanka Jigjigaba ha ugu horeysee.

Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isna Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay hormarka ka jirta dhulka ismaamulka dowlad deegaanka Soomaaliyeed waxaana uu booriyey in hormarkan lasii wado.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Jawaari oo isna Munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa xusay in waxa uu ku arkay Jigjiga maalmaha uu booqashada ku joogay ay tahay wax qof walba oo damiir leh ama u damqanaya Soomaali farxad dheeri ah ku beeri kara waxaana uu Gudoomiyuhu ku ammaanay maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo shacabkaba sida ay u hirgeliyeen nidaamka Federaalka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa sida ay u muujiyeen hormarka Jigjiga waxaana uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar fariin u diray madaxda kale ee Dowladda Federaalka oo uu ka codsaday in sidan si lamid ah ay deegaankan usoo booqdaan si uu usii socdo qibrad isweydaarsiga walaalaha,hormarkuna u noqdo mid baaha.

Si kastaba Munaasabadda ayaa kusoo gebageboowday jawi farxadeed ayadoo ugu dambeynna Wafdiga uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka madasha Hadiyaddo lagu gudoonsiiyey kuwaasi oo Hidaha iyo Dhaqanka ahaa.

DSCN3918

DSCN3924

DSCN3932

DSCN3933

DSCN3938

DSCN3940

DSCN3945

DSCN3949

DSCN3951

DSCN3977

DSCN3979

DSCN3988

DSCN4019

DSCN4021

DSCN4025

DSCN4030

DSCN4051

DSCN4057

DSCN4068

DSCN4072

DSCN4073

DSCN4092

DSCN4094

DSCN4099

DSCN4102

DSCN4106

DSCN4109

DSCN4112

DSCN4133

DSCN4135

DSCN4147

DSCN4162

DSCN4167

DSCN4169

DSCN4178

DSCN4190

DSCN4181

DSCN4193

DSCN4197

DSCN4205

DSCN4210Photo By:-Abdifitah Dahir Jeite

Readers Comments (22)

  1. Jamaal says:

    Shanta in leeys dhex keeno dhashoodu wada ciyaartoo gumeysiga ka dhowrno aduunkana u dhaxeyno

  2. Cabdixafiit says:

    Walaahi …… Aa baan uga helay. Hurumark ay sameeyeen iyo sida walaaltinimada leh…… Isla cashaynta/ dhaqan wanaaga/ walaaltinimada. Soomaaliya ha moolaato meel kasta hajoogaane. Huulaysata walaalaha soomaalibgalbeed

  3. Hassan says:

    Ilaahayow Alshababaab iyo ONLF naga qabo, nabadu wataaa, Soomaali waa Soomali Ethiopiana waa walaalaheen!

  4. Caliwadani says:

    adeer mar shanta waa laysu keeni inshaa Allah I love you all somaliweyn

  5. abdinasir nur hussien says:

    masha allah waa waxa ad loogu farxo,waxan rajeyna anago mideysan maalin uun in’aan iskau imaandoono.

  6. Kismaayo Boy says:

    Dhaantada ayaan ka helay! Maasha Allah.
    Haddii madaxweyne Xassan Sheekh yimaado Jig-jiga, waxaad u saartaan gabaygii Dhoodaan iyo Dhaantadii boqorka dhaantada Mr. Jaango.

  7. sanaag girl says:

    jig jiga allow dhowr ilahay ha u siyaadiyo somalida meel kastay degaan guul insh aallah

  8. asc dhaman walalaha somaliyed mel kasta oo aad jogtaan kadib aad bay umahdsanyihin walalahena somaliyed ee reer jig jiga sida wanagsan ee ay uso dhaweyen gudomiyaha barlamanka iyo ku xigenADISA jig jiga wan tagay hada kahor lakin kuma hakan waxan ku xususta MOTADA 3 lugooda ee dadku raaacan tax ahan walalaha reer itoobiya wa walalaha kaliya ee umada somaliyed so dhaweya oo an dhibin somlida wan ku mahadsan yihin waxan rajeynaaya radis wanag insha allah ascwww

  9. daris wanaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaag

  10. Al_Hak says:

    That is the way. Thanks to Prof. Jawari and all with him for starting that kind of visit.

  11. wooooooooow farxada meshaaan ka muuqato mid lasoo koobi karo ma,ahan ilaahay waxn kabaryaa soomaali oo is raacdo guul somaliweyn meel walba aad joogtaaan

  12. walal waan idin salaamay dhamaan umada somaliyeed waan idin leeyahay waa ii farxad maanta in la arkay jig jiga iyo dadka kunool waxay yihiin oo laga yabo dadka qaar in ay wax kale ka aaminsanayeen waxaan idin leenahay dhamaantiin kusoo dhawada jig jiga cidkasta oo dareen soomaliyeed qabta waa lagu soo dhawayn sidaa sikasiifiican guul jig jiga

  13. cabdiraxmaan says:

    Waaan ku fataxsanahay soo dhaweynta gusoomiyahay baarlamaanka somaliya sida sharafta leh ey usoo dhaweyen waa ey ku mahadsan yihiin walaala heyna jig jiga

  14. cabdiraxmaan says:

    Waaan ku fataxsanahay soo dhaweynta gudoomiyaha baarlamaanka somaliya sida sharafta leh ey usoo dhaweyen waana ey ku mahadsan yihiin walaala heyna jig jiga

  15. ismacil yare says:

    masha allah waa farxad iyo guul sida sharafta iyo walaltinimada leh ee walalahena somaliyed ee dowlad deganedka somalida ee umujiyeen gacaltoyada iyo walaltinimada iyo somalinimada insha allah somaliweyn mel walba oo eejogaan guul iyo midnimo ayaa urajena insha allah

  16. muniiro says:

    maa shaa allh waa wax lagu farxo
    somliweyn ha guulaysto

  17. een masha,alah waa wax lagu farxo umada somaliyeed meel kasta oo ay joogto waxan u rajenaa qeyr caafimaad iyo amaan ama nabad iyo allah iney ka cabsadan oo waxi xun ka rebtooman wxi ficana qaatan asc

  18. anig oo aha ABDULLAHI MAHAMUD TESTE wa wa n salamay 100 iyo 100 dadka saxaha oo ku nolool dhulka somaliy ee jig jiga ad iyo ad a n mahad cela dadka fiican hal dhagees saxa aha oo fiican somaliya aha dhalinraad deegaanka dhulka somaliy waxa a la baro waxa ha lo sheek waxa fiican oo saxa aha / wa ni salamay anig aha ABDULLAHI MAHAMUD oo joog london in shalah wa so baxa jig jiga wa u shaqeeya / wasaradda horumarinta adeega bulshada ee deegaanka dhulka somaliya shaqo iyo waxa barsho iyo waxa kasat volunteer / wakan num 00 44 79 602 10 704 / 079 602 10 704 / mahadsan

  19. wiil jigjiga says:

    waxaan salaamayaa somali meelkasta oy joogta laga bilabo ras kamboni muqdisho bosaso ilaa ras caseyr ilaa hargeisa borama jabuti ila garisa iyo magaladeda jigjiga waxaan u shegayaa somalida magaalooyinkaan joga in aan idin jecelnahay islaanimo iyo walaatinmda somaliyeed darteed waxaan kaloo u sheegayaa somali in ay yihiin dad walaala ah qabiilkuna waa been luugu talo galay in nalku jabiyo qabiilka kali ah oo jiraa waa qabiilka ladhaho soomaali. waxaan idiin sheegayaa qof somali ah hadii uu kuu martiyo soo dhawee nabad galyana sii waan liibaanaynaaye. i love you all somali people

  20. cajiib cumar says:

    waxaan kufarax sanahay hidaha iyo dhaqankeena quruxdiisa maasha allaah waa cajiib

  21. abdikadir jama says:

    ASC walaalayaal salaan ka dib waa my home town jigjiga. aad ayaan ugu farxay walaalaheen soomaaliyeed oo magaaladaydii si fiican loogu soo dhaweeyay.soomaalaay waxaa la idinka rabaa inaad is dhowrtaan .
    jigjiga cadeey hooyadii nabadaay,masaakiin korisooy waan soo socdaa inshaallah see u in summertime 2013.
    ilaah ayaa mahadaa iska leh.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

dibad_ba_3

Dibadbax lagu taageerayay waxqabadka dowlada iyo mowshinkii la baajiyay oo ka dhacay Muqdisho”Sawirro”

Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Hobyo_view

Duqa dagmada Hobyo oo sheegay in ay wadaan waan waan lagu doonayo in ay xiisad ka dhalan dil shalay ka dhacay ceel huur

Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
muqdisho_1

Odayaasha dhaqanka Muqdisho oo soo dhaweeyay mushinkii ay la laabteen xildhibaano ka tirsan baarlamanka

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subaxnimo ee radio Muqdisho

WARKA SUBAX 23.5.2013
Al-Shabaab Awood Daciifid 4

Maleeshiyaad ka tirsan shabaab oo qasaare loogu geystay xadka u dhaxeeya Somaliya iyo Ethiopia

Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
south africa

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka S/africa iyo S/zerland oo soo dhaweeyay go’aankii xildhibaanada ay uga noqdeen mushinka

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee  ku nool dalalka South Africa ...
DSC03854

Dowladaha Sudan iyo Soomaaliya oo Hishiis Dhanka Ciidanka Xooga ah kala saxiixday :- Daawo Sawiro

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 22.05.2013
DSC03786

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga oo Galabta booqday Meelo dalxiis iyo Xarumaha Sports-ka ee Raacsaan Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dalka Sudan.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Mudane C/xakiin ...
DSC00908

DAAWO SAWIRRADA;-Sida Ay Shacabku Ugu Damaashaadaan Xeebta Liido Maalmaha Aan Jimcaha Aheyn

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
PM AU (4)

R/wasaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Africa “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, 22, May, 2013) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
20130518_141000

DAAWO SAWIRRADA:- Bandhig dhaqamed ay ka qeyb galeen jaaliyadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay dalka Turkiga

Bandhig dhaqameed ay kasoo qeyb galeen in kabadan ...
shabaabaaa-620x330

Haraadiga maleeshiyaadka Shabaab oo boob ku haya xoola dhaqatada G/Hiiraan

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 22.05.2013
naafada

Naafada danyarta ah ee ku nool degmada Dhuusamareeb oo gargaar loo geybiyay

Deeq Raashin gargaar ah  ayaa maanta loo qeybiyay ...
k 1

Bukaanada jiifa cisbitalka Keysaney oo loo qeybiyay deeq lacag ah”Sawirro”

Bukaannada ku jira Isbitaalka Keysaney ee duleedka magaalada ...
kulanka baarlamanka

Baarlamanka oo maanta kulmay iyo mudanayaasha oo dib uga laabtay mowshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulmay iyadoo mudanaayal ka ...
Fiqi

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo la kulmay madaxweynaha dalka Sudan.

Wasiirka gaashandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/xakiin Xaaji ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka Subax ee Radiomuqdisho

War Subax Arbaco 22-05-2013
Qadar 10

Shirka Isku-imaatinka 13-aad ee Doha oo maanta la filayo in lagu soo gabagabeeyo magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
r

Maamulka Galmudug oo ganaax lacageed dul dhigay Gawaari ay ku rarneyd Dhuxul laga jaray deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka beeraha iyo xaanaanada xoolaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ...
DSC01526

“Daawo Sawirrada”Gudoomiyaha gobolka Hiiraan kormeerkii uu ku tagey Deegaanada Ceelgaal iyo tuulooyin kale oo katirsan gobolkaasi.

Booqashadaan oo ay gudoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Cabdi ...
nn

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta bilaabaya dooda Mooshinka laga keenay xukuumadda.

Kulankan oo ay maanta yeelanayaan xubnaha golaha shacabka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
elman

Isku aadka tartanka CECAFA Kagame Club Cup oo lasoo saaray

Ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 21-May-2013
DSCN6980

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo Wasaarado ka tirsan Dowladda Koonfur Afrika oo ka shiray Arimo Muhiim ah “SAWIRRO”

Kulan ay si wada jir ah ugu qeybteen ...
afhayeenka amisom

Ciidamada AMISOM oo sheegay iney guri guri u baaridoonaan Muqdisho

Taliska ciidamada AMISOM ayaa maanta ka warbixiyay howlgaladii ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Duhur

WAR DUHUR 21.05.2013
1

Baarlamanka oo maanta ansixiyay miisanadiyadda Sadexdii Bilood ee ugu dambeeyay sanadkii hore

Baarlamanka oo maanta anxisiyay Miisaaniyada  Sadexdii bilood ee ...
odayaasha-hawiye

Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Baarlamanka oo ku baaqay in laga naqdo mowshinka laga keenay xukuumadda

Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka ayaa ...
IMG_0165 2

Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo abaalmarinno guddoonsiiyay wariye iyo Cameromanno ka tirsan SNTV”Sawirro”

Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta Gaadiidka Xukuumadda ...
DSC00586

DAAWO SAWIRRADA:- Dibadbax lagu tageerayo waxqabadka ay xukuumaddu muujisay oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Dibadbax lagu tageerayay dowladda Soomaaliya loogana soo horjeeday ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Fatwo

Horjoogayaasha Shabaab oo Godane Cambaareeyay!

Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...

*