Munaasabad lagu maamuusayay xuska 42 guuradii ka soo wareegtay Maalintii la aas aasay ciidamada Asluubta ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Muunaasabadan oo ka dhacday xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka Beeraha, xannaanada xoolaha dhirta iyo daaqa, wasiiru dowlaha Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta, taliyaha ciidamada Booliska, ku simaha taliyaha ciidamada Asluubta wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashandhiga iyo fannaaniinta kooxda Onkod.
Wasiirka wasaaradda xannaanadda xoolaha dhirta iyo daaqa Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahin oo hadal ka jeediyay goobtii ay ka socotay Munaasabadda ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Asluubta ay u shaqeeyaan si howlkarnimo leh.
Sidoo kale wasiirru dowlaha wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta C/llaahi Xuseen Sheekh “Fanax” ayaa sheegay in ciidamada Asluubta ay yihiin hooyada ciidamada ayna howlwanaagsan u hayaan shacbiga Soomaaliyeed.
Kusima Taliyaha ciidamada asluubta Ibaarihin Axmed Cabdulle ayaa ka sheekeeyay marxaladihii ay soo mareen ciidamada asluubta waxa uuna xusay in ciidamada ay haatan u shaqeyaan si wanaagsan isla markaana ay yihiin ciidamo habeysan oo howlgala sidii loogu talagalay.
Muddadii ay socotay munaasabaddaasi ayaa faannaaniinta kooxda ciidamada Asluubtu waxa ay halkaasi ku soo bandhigeen riwaayad ka tarjumeysa waxqabadka ciidamada iyo suugaan muujineysa qiimaha ciidamada asluubta.
Xuska sanadguurada ciidamada asluubta ayaa ku soo aadaya xilli ay ciidamadu ay ka howlgalaan xabsiyada Muqdisho taas oo ah howlihii loogu talagalay oo ahaa ilaalinta maxaabiista iyo dhaqancelintoodaba.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
waxaa naga dhimanaay ciidanka asluubta soomaaliyed oo aan aragno ayagana mmnta waa heeynaa waa ala mahadiis waa kacaan dhamees tiran ee hore uwada radio mqdisho waad mahadsantihiin
Hambalyo wacan ayan leyahay ciidama asluubta iyo saraakishoodaba
hambalyo ciidamada asluubta soomaalieed
masha alaah jira jooga ilahey ha idin garab galo insha alaah
Dawlada kor iyo ciidankeda
sas baa la idinka doonaya guleesta
dalkana hormariya anagane wan so socona hadanahay dhalinta qurba jooga dhiniciina ayan kadaagalami doona in sha allah qawarijtana wan kaxureydona dalka somaliya iyo dibjirka somaliya horumarka kahortagan qabiilne waa in laga gudba ee qaran loo gudba
hambalyo hambalyo Ciidamada Asluubta
wawaan ku faraxsanahay ciidanka xooga dalka soomaaliyeed hanoo laato maalin iyo habeenba halkaa kasii wada oo eryada kuwan afkaduuban walalayaal
Hambaliyo sanad guur wacan cidamada asluubta sanadkaan sanadkiisa kale ilahay ha idinku gaarsiiyo adinkoo intaan ka tayo iyo tusaale wanaagsan…horey usocda gacmahana isqabsada sidaasa hormar lagu garaaye..
dowladu shillinka ugu horeeya waa inay ku bixisaa ciidankeeda shaqada ugu adag haya, hadii kale iyagaas ayaa bari alshabaab kugu noqonaya markaas ayaad barri hadana guruub cusub ladagaalaysaa waligaana kabixi maysid anigu waxaan qabaa hadii hal dollar kusoo galo half ciidanka hala siiyo, iyagaa ugu muhiimsan iygaana ugu baahi badan