Mudaneyaasha Baarlamanka Oo Cod Aqlabiyad Leh Ku Ansaxiyay R/wasaaraha
Published on October 17, 2012 by Canab · 17 Comments · 2,421 views
Mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen cod aqlabiyad leh ku ansaxiyay R/wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.
Kulanka ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa soo xaadiray 215 mudane waxaana shir gudoominayay guddoomiyaha baarlamanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha.
Shirka maanta lagu ansaxiyay R/wasaaraha ayaa waxaa ugu horeyn hadal ka jeediyay afhayeenka Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan waxa uuna ugu baaqay xildhibaanada in cod aqlabiyad leh ay ku ansaxiyaan R/wasaaraha si loo gudo galo howlah harsan.
Sidoo kale waxaa xarunta golaha shacabka oo aheyd goobta uu ka socday shirka hadal ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud waxa uuna tibaaxay in baarlamanka looga baahanyahay in ay cod mideysan ay siiyaan R/wasaaraha cusub.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaana intasi kadib waxa ay dhageesteen Khudbada R/Wasaaraha uu soo jeediyay waxa uuna inta badan R/Wasaaraha ka hadlay waxqabadkiisa hadii ay codka kalsoonida siiyaan Baarlamaanka Soomaaliya.
Mudaneyaasha baarlamanka ee maanta ka qeyb galay kulanka ayaa si buuxda cod gacan taag ah ku ansaxiyay R/wasaaraha mana jirin cid ka aamustay ama diiday.
Guddoomiyaha baarlamanka ayaa tilmaamay in R/wasaaraha uu yahay mid sharci ah waxaana isla goobta lagu dhaariyay R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.
Dhowaan ayey aheyd markii baarlamanka Soomaaliya ay codsadeen in mudo labo maalin gudahood ah R/wasaaraha la horkeeno xildhibaanada si ay u ansaxiyaan.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa deeq lacageed ...
WARKA SUBAX 19.6.2013
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka ...
Guddoomiye ku xigeenka guddiga Baarlamaanka u qaabilsan xiriirka ...
Shirka heerka Qaran ee looga hadlayo dib u ...
Munaasabad Shaahaadooyin Lagu Gudoon siinayay arday Dhameysatay Barashada ...
Saraakiil sar sare oo ka tirsan aqalka cad ...
Waxaan ku wargelineynaa Akhristayaasha sharafta leh ee Websiteka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Akhristayaasheena sharafta lahow waxaan halkan idinkugu soo gudbineenaa ...
WAR HABEEN 18-06-2013
Wafdi ka socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii ...
Kulanka uu wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ...
Xaflad SI heer sare ah loosoo agaasimay oo ...
Hay’adda wada Hadalka Bulshada ee CCD ayaa xarunta ...
Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen waxgarad,siyaasiyiin,aqoonyahano,haween ...
WAR DUHUR 18.06.2013
Ciidmada booliska Kenya ayaa magaalada Mombasa ku toogtay ...
Muqdisho, 18, June 20133…Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ...
Dadlkeenna Soomaaliya waxaa uu sanado badan ku jiray ...
Waxaa 10:30 Barqonimo ee maanta magaalada Muqdisho ka ...
Waxaa goor dhow maanta magaalada Muqdisho ka furmay ...
WARKA SUBAX 18.6.2013
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa boob u ...
Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa muddo Bil ah ...
Shirka dib u habeeynta waxbarshada dalka oo socon ...
Garsooraha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Wiish ...
Dadka soomaaliyeed ma yihiin dad la xukumi karo ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Madaxweynaha Cusub ee isbedel doonka ah ee Dalka ...
Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in ay awood milatari ...
WAR HABEEN 17-06-2013
Ardayda jaamacadda Plasma ayaa maanta lagu talaalay xarunta ...
Iyadoo tartanka CECAFA Kagame Club cup lagu wado ...
Dadlkeenna Soomaaliya waxaa uu sanado badan ku jiray ...
Soomaaiya sanadihii la soo dhaafay waxaa ka hana ...
Barnaamijka Tubta saddexdii sano ee la soo dhaafay ...
sidaasaa lagoo fadeee maxaan sugay halkaan aan ku gaamuray sidan u sugaayay iga ansixiya dowladan ciyaaw bareeki iyo markab ha yeelatee waxanba u hiloobay somalierleeyne yac ma tiraahidoo nooloow
masha allaah waa arin farxad leh hadaan ka gudubnay far isku taag tagi iyo yeelinmaayo allow wadankeena oo barwaaqo iyo nabad aah ku weydiisanay
wan so dhaweynyaa in Mudaneyaasha Baarlamanka ee cod aqlibiyad leh ku ansixiyaan Raisul wasaaraha mudane saacid waxana u rajeynyaa guul & in uu so dhiso dowlada tayo leh wax weyna dalka u qabta
waa guul.
Masha allah. Weynu sodhaweynena. Weynu tagereyna, weynu garab taganahay. Hiil iyo howl diyar ayan kula nahay.hadan dhalinta iyo shacabka somaliyed nahay. GUUL.GUUL.GUUL. SOMALIYED. Allaw no dhamestir. Inta hartayna noracsi. AMIN.
waxaan kaa codsaneynaa raysalwasaare in aad soo dhisto dowlad yar aqoon iyo kartina leh iyo daacadnimo.runtii waxaad uga adkaan kartaa wasaarahadaada koow in aad adigu daacad tahay ilaahay ka baqeysid ka dibna iyaga waxaan u samayn kartaa in cadweynaha la xisaabtamaan si ay u waydiiyaan wasaarad walba wax qabakeeda iyo wixii xoolo amaano ah loo dhiibtey iyo in hadana baarlaamnku la xisaamtamo si meeshaba looga saaro kalsooni daro wax walba waa in ay cadyihiin cida walba xoolaha ummada in ay dhacdey ku cadaato waa in dadk weynaha hortiisa lagu ceebayaa in uu yahay tuug tuug qaacin ah aan lagu haleyn karin xoolaha ummada ka dibna la maxkamadeeyo isaga maxbuus ahna lagu shaqeeyo ilaa ahy ka gudmeyso xoolaha uu dhacey.
kan saafiga ahna waa in la amaan mariyo dadweynaha hortiisa lagu amaan mariyaa lana siiyaa biladaha sanadka.
waa farxad iyo guul waxkala maahee wa ahadii aan is waawaq yeelanay kala danbeyta is aaminku waa shey qaali ah aduunku7na ku hor maray
Wa talabo hora lo qaday an dhihi karna rajaduna wa kheyr lkn dadku tashwish ka & waxa qayila ra isul wasaraha & waxa lamidka ah haka gudban wax qabadna halagu qeymeyo dadka thanks
paarlamaanka dalka waxaan ka codsanayaa in madaweynaha dlaka soomalia laga dhigo sida madaxweynaha amerika 8 sano koow in 4 sanao ka dibna hadiiw ax fiican uu qabtey doorasho galaa 4 sano kale hadii labo jeer guuleysto dhamaysto sideed sano waa in uusan soo noqon dib danbe waana inaan aragnaa madax isbedbedeleyso.
abdi wahaab sweden.
masha allah waa natiijo fican oo an sugeeynay tan waxa somuqato kalsonidii dalka
Asc maashaa.allah waa guul iyo farxad mar hadey barlabanka soomaalia hal cod isku raaceen oon kareysana kuwii kuraasta isku garaacayay anagana aan wax kasugeynay saacid waaxaan u rajeynaa guul iyo wax qabad wanaagsan allow wadanka noo hagaaji aaamiiiiin
waa wanaag soo kordhay.saas waaye
Masha alaah ilaah hala garab galo. Waa in ow soo dhisaa xukuumad kanasahan wax ceeb ah oo la dagaalanta musuq masuqa hareeyay wadanka waa in ay dhisaa haykalkii soomalia lagu oqaan jiray. Oo ay wadanka kasama tabixi yaan waxa ow soo maray waa in ay shartii soomalia ay caalam Ka kuleheed ay soo cilshaan xukumada ladhisaayo by waan in salaamaa bahda Redio muqdisho
waa wax loo baahnaa runtii waxaanba qabaa in lala daahay ansaxintiisa,ileen wadan gurmad degdeg ah ku jiro ayaanba nahee.7 maalmood wasiiradaada soo dhig Barlamaanka hortiisa Mudane R/wasaare.
Allaha ku Saacido Saacidow Kaana dhigo Mid looga Reey reeyo Kuwii ka horeeyay ee Hantida Qaranka Lunsaday.
Adigaa aqlabiyad laguugu Ansixiyay ee Ka soo dhalaal kaalintaada nagana dhowr in dalal shisheeye na soo fara galiyaan ileen ku meel gaarkii waa ka baxnayee.
Soomaaliya Ha noolaato, Hna israacdo
maashaa allaah ilaahay hanoo daayo madaxdeena sharafta mudan ee qaaliga ku ah agtayada waxaan idinleeyahay shacabku waa idin sugayaan waxqabadkiina alle ha idiin fududeeyo aamiin aamiin aamiin
Waxan kugu borinayaa on kugula dar darmayaa inaad si xaq ah ugudato xilkaaga wanku duceynay allaha kuu fududeyo xilkan adag aaqiro kuwii wanagaga ku marag kaca allaha naga yello amiin