Xildhibaannadii sheegtay in ay xilka ka qaadeen guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aaden oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacbiga ayaa ugu baaqay xukuumadda in ay muddo Sadex maalmood ah baarlamanka ku horkeento Road-mapka iyagoo dhanka kale dhalliilo u soo jeediyay shirka lagu qabandoono London bisha soo socota.
Kulanka oo ay maanta isugu yimaadeen Xildhibannadii ku dhawaaqay in ay xilka ka qaadeen guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aaden ayaa waxaa shir guddoominayay Madoobe Nuunow Maxamed oo ay xildhibannadu horay u shaaciyeen in ay u doorteen xilka afhayeenka baarlamanka.
Shirka ayaa furmay barqanimadii maanta iyadoo xildhibannada qaarkood ay soo xaadireen aroornimadii hore ee saakay.
Shirka ayaa ujeedadiisu aheyd sidii looga doodi lahaa shirka lagu qabanayo Magaalada London ee dalka Ingiriiska 23 bisha feberaayo iyo arrimo ku saabsan hirgelinta Roadmapka.
Xildhibannada ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay qaabka ugu haboon ee baarlamanka loo horkeeni karo Roadmapka iyo ajendaha shirka lagu qaban doono London, waxaana islagoobta lagu aqriyay qoraallo ku saabsan natiiijada laga doonayo shirka lagu qabanayo ingiriiska iyo moowshin ay xildhibabnno gaaray 66 mudane ka keeneen Roadmapka.
Madoobe Nuunow oo shir guddoominayay fadhiga ayaa ugu dambeyntii u qabtay Xukuumadda muddo Sadex maalmood ah in ay ku horkeento Baarlamanka road Mapka isagoo meesha ka saaray in xildhibannadani ay caqabad ku yihiin hirgelinta Roadmapka.
Sidoo kale Xildhibaan Sh. Aaden Maxamed Nuur Madoobe Guddoomiyhii hore ee Baarlamanka oo kulanka ka hadlay ayaa codsaday in aan dan shakhsiyadeed loo baabi’in mustaqbalka ummadda Soomaliyeed isagoo dhanka kale ka dalbaday beesha caalamka in ay ku tixgeliyaan Dhowrista madax bannaanida iyo shuruucda kale ee u degsan Jamhuriyadda Soomaliya.
Xildhibannada kulanka isugu yimid ayaa si isku md ah dhaliil ugu soo jeediyay shirka lagu qabanayo magaalada London iyagoo ku balamay in maalinta berito ah ay yeelan doonaan kulan kale kaas oo diirradda lagu saarayo qorshe howleedka baarlamanka muddadi u dhexysay bisha Janaayo ila abisha August ee sanadkan.
Photo By Maxamed C/qaadir Daahir “MCD”
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760