Abaaraha sanadahan dambe kudhuftay wadanka Soomaaliya ayaa waxa uu dhibaato xoogan u geystay shacab Soomaaliyeed oo aad u fara badan kuwaasi oo ku qasbay in goboladii ay daganaayeen ay kasoo cararaan isuguna yimaadaan Magaalada Muqdisho.
Dadkaasi barakaceyaasha ayaa waxaa loo fidiyay gurmad xoogan iyadoo aanan look ala harin hey’ado Caalami ah iyo kuwa Local ah, waxaana sidoo kale gurmadkaasi ka qeyb qaatay Midowga Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed Xafiiskooda wadanka Sudan ay ku leeyihiin.
Lacago tabarucaad ah oo ay iska soo aruuriyeen ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay dad barakaceyaal ah oo kusugan magaalada Muqdisho, waxaana dadka barakaceyaasha loo qeybiyay lacag iyadoo qofkiina lagaarsiiyay lacag dhan 400kun shilin Somali si ay nolol maalmeedkooda qeyb kamid ah ugu dabirtaan.
Guddoomiyaha Midowga Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed Xafiiskooda Suudaan Maxamed Maxamuud Xuseen (Mama) oo dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho isaga oo kayimid wadanka Sudan isla markaasina soo qaaday lacagta deeqda ah ayaa xilli uu qeybinayay lacagtaasi waxa uu u sheegay warbaahinta in ay gacan ka siiyeen soo gaarsiinta deeqdaasi iyo aruurinteeda iyo guud ahaan fulinta barnaamijkani deeq soo gaarsinta barakaceyaasha Golaha Dhalinyarada Carabta iyo Afrika.
Waxa uu sheegay in Golaha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed Xafiiska ay kuleeyihiin suudaan oo garab ka helaya Golaha Dhalinyarada Carabeed iyo kuwa Afrika ay fuliyeen arrintani, markii ay maqleen in dhibaatada dalka kajirta ay kasii dareyso ay garteen in walaalahooda Soomaaliyeed wixii ay u awoodi karaan u sameeyaan taasina ay dhalisay in deeqdani lacageed ay soo gaarsiiyaan dadkani barakaceyaasha ah.
Waxa uu xusay ugu dambeyntii in deeqda ay gaarsiiyeen illaa 130-qof oo meel ay isugu keeneen kuwaasi oo ahaa dadkii deganaa xerooyinka Muqdisho kuyaalla kadibna ay ugu qeybiyeen halkii ay ku kulmiyeen min 400 kun shilin Somali.
Deeqdani ayaa xusay in ay tahay tii ugu horeysay oo ay soo gaarsiiyaan walaalahooda hayeeshee ay ku dadaali doonaan sidii ay markale kusoo gaarsiin lahaayeen deeqaha ay hadeer aruurinteeda ku hawlan yihiin si ay walaalahooda dhiban wax un ugu tarto, wuxuuna ka codsaday Dhalinyarada Caalamka Islaamka in Shacbiga Soomaaliyeed oo kujira xaalad adag la gargaaro.
Ugu dambeyntii waxa uu si aad ah ugu mahad naqay dowladda Sudan oo uu sheegay in kaalinteeda ay ka qaadatay u gargaaridda Shacbiga Soomaaliyeed isaga oo xusay in Caalamka intiisa kalena sidaasi oo kale laga doonayo in ay isku dayadaan.
Ilaah ajar iyo xasanaad ha iddin ka siiyo waad daasheen walaalayaal, Walaalaha kaalmada la siiyayna ilaah ha u barakeeyo ayagana, aamiin yaarabi.
maasha alah aad ayan ugu faraxsanahay walaalaheyga reer suudan deeqda ay soo gaarsiiyeen walaalahoodo qaasatan waxaan aad ugu mahdinaa ra iiska itixaadka oo runntii wax wanaagsan qabtay.