Thursday, May 17th, 2012

Mahiga:Shirka Muqdisho Waa Fursad Lagu Xallin Karo Khilaafka Siyaasadeed

Published on May 31, 2011 by   ·   8 Comments  ·   1,829 views

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa sheegay in shirka bisha June magaalada Muqdisho ka dhici doona uu yahay fursad ay madaxda dowladda ku xalliyaan kala aragti duwanaanshaha ku saabsan xilliga doorashada iyo waqtiga uu dhamaanayo KMG ka.

Mahiga oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada  Nairobi ayaa sheegay in la xuli doono guddiyada ka qeyb galaya shirka, dhowaanna uu u ambababixi doono magaalada Muqdisho si uu goob joog uga ahaado shirka gacanna uu xafiiskiisu  ka siin doono dowladda Soomaaliya sidii uu u dhici lahaa shirka June.

Sidoo kale wakiilku waxa uu dib u milicsaday shirkii wada tashiga ahaa ee April ka dhacay Nairobi oo aysan ka soo qeyb galin hay’adaha fulinta dowladda, sababtan uu ku sheegay in uu ka dhacayay Nairobi, balse iminka lagu wada hadli doono caasimadda Soomaaliya, taasna ay tahay fursad lagu wada hadlo laguna heshiiyo.

Dhanka kale wakiilku waxa uu ka hadlay muhiimaddiisa rasmiga ah ee shirka waxa uuna yiri “muhiimadeyda ay golaha ammaanku ii xil saareen ee shirka waa in aan hubiyaa in uu shirku yahay mid loo wada dhan yahay”, waxa uuna intaasi ku daray in la magacaabi doono gudi qabanqaabo, isla markaana ay goob joog ka noqon doonaan wakiillo ka socdo urur goboleedyada.

Shirka bisha June ka dhici doona magaalada Muqdisho ayaa waxaa la aaminsan yahay in uu yahay fursad lagu xalin karo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, maadama aysan jirin fara gelin saameyn leh oo ay ku sameyn doonaan dowladaha shisheeye, kubbaduna ay Soomaalida dhex taallo.

Alinur Salad

Nairobi, Kenya

 

Readers Comments (8)

  1. Jama says:

    Wax shaki ah kama qabo in aan hshiin doono hadii faragelinta nagladaayo. Allah hanaga qabto wixii shar ah inaguna waa inaan xag-xagshada joojinaa oo aan baranaa codowgeena iyo saaxiibkeena. Waxay ila tahay in waayo aragnimo inoo dhimanayn. Danta guud haloo istaago, tan gaarka ahna haloo gembiyo. Allah wax khayr leh hanooga soo bixiyo shirka iyo doorashadaba hadii lagu heshiiyo in la qabto bisha 8-aad.

  2. Hussein says:

    Shirka Muqdisho waa inuu noqdaa mid Soomaali ay maamusho oo aan lagu faragalin isla markaana ay QM qarashka bixiyaan laakiin aysan wax nufuud ah ku yeelan isla markaana anigu waxaan qabaa in la xadido dadka ka qayb galaya ayna u badnaadaan aqoonyahaniinta, odayaal dhaqameedka iyo culimada isla markaana aysan wax faragalin ah ku yeelan siyaasiyiintu, intaasi waxay soo saaraana ay ku qancaan.

  3. Dowlad Jecel says:

    Inta nin ajanabi ah uu nagu dhexjiro, way adagtahay in aan is afgarano ama aan heshiino ee allaha naga dhigo kuwo ka kaaftooma oo iyagu is afgarta…..aamiin

  4. hamza says:

    Waxaan qaba in ergada lagu xulo qaabkii
    somalida u wada hadli jirtay,sida dhaqanku ahaa,si loo xakameeyo dadka isgarab yaacaya oo ninba meel ka hadlaya.

  5. rashka says:

    asc dibhaloo noqdo 21 sano waxaa bueburay odayaal dhaqameed laga amar qaato shirkana waxoo kaduwan yahay shirarkii kale oday dhaqameed aya lagu casumay marka insha allaah wuxu noqonaa mira dhal uu daba dhilif iyoi cadawba ku quusto guul shirka casimadena lagu qanayo asc

  6. Somali says:

    MIHIGA IYO WAX UU WADO ILAAH SOMALI HAKA QABTO QALAD AYUU LA JIRAA EE EEBOOW NA MOOTI

  7. Suhayb says:

    Asc, anigu shakibaan ka qabaa hadalka Ergeyga, sababtoo ah Shirka hadaysan somali maamulaynin siday go’aankiisa somali kuyeelankartaa? Tankale maxaa loo faragelinayaa Xukuumada ayaa shirkan kubaaqday marhore, eegana waxaad moodaa in larabo in ladhalangadiyo shirka.
    FG: soomaaliyeey marabtaan inuu shirku Najaxo? “haah” haloo daayo maamulka shirka Xukuumada halagu casuumo 150 ergo oo kala ah (a) 50 professor, (b) 50 culimo diimeed ah (C) 50 Oday dhaqameed ah. Hadaynu xal rabno halkaasuu kujiraa. Hadiikale QM iyo Mahiiga midna danteena mahayo,

  8. axmed wali says:

    insha allah gul ayan rajeneyna




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

tartan

Tartan Aqooneed U Dhaxeeyay Duugsiyada Muqdisho Oo La Soo Gebagebeeyay

Tartan kor loogu qaaday aqoonta Ardayda wax ka ...
Kaliil

Guddoomiyaha G/Gedo”Dhawaan Ayaan Shabaab Ka Cirirbtireynaa Gobolka”

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ...
astaanta.qaranka-300x228

Wasaaradda M/ iyo Lacagta Oo Tababar U Soo Gabagabeeysay Ciidamo Loo Tababaray Qaadista Canshuurta

Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
NATO

Faah faahinno ka soo baxaya duqeyn ka dhacay Xarar dheere

Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX May 17.05.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Dastuurka wasiirka

Wasiirka Dastuurka: shirka odayaasha dhaqan waa gabogebo, Dastuurkuna waa la soo bandhiggayaa

Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Jeesto-300x225

Horjoogge Ka Tirsanaa Al-Qaacidada Soomaaliya Oo Qiray Inuu Alle Uga Towbad Keenay Dhibaatadii Uu Umadda Ku Hayey (Dhageyso)

Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Sawirka Fanaan Lafoole

Fanaan Lafoole”Dalka Horumar Badan Ayaa Ka Jira Waan Imaanaya Dhowaan Si Aan Horumarka Uga Qeybqaato”(Dhageyso)

Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
1

Ciidammo Ka Tirsan Midowga Afrika Oo Fariisimmo Ka Sameystay Baydhabo”DAAWO SAWIRRADA”

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
al-Qaeda Militia

Horjoogayaal Ka Tirsan Al-Qaeda Oo Ku Halaagsamay Qarax Caawa Ka Dhacay Galgaduud

Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 16-May-2012         Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Sawir Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Xiligan

Dhageyso Barnaamijka Daljir Ee Looga Hadlo Dhismaha Ciidammada Qalabka Sida Ee Soomaaliya

Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
xuska-15may13

Suudan oo laga Xusay Sanad Guurada 69-aad ee Asaaskii Ururkii S.Y.L iyo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed 15 May”SAWIRRO”

Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Duhurnimo

WARKA DUHUR 16.05.2012
astaanta.qaranka-300x228

Mas’uuliyiin Ka Tirsan He’yadda Maareeynta Masiibooyinka Oo U Ambabaxay Sudan

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Dastuur-qabyo

Kulan Looga Doodayo Xuquuqda Uu Suxufiyiinta Siinayo Dastuurka Cusub Oo Muqdisho Ka Socda

Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
maka maka

Gaadiidleyda Iyo Qeybaha kale Ee Bulshada Oo Soo Dhaweeyay mashruuca Lagu Hagaajinayao Waddooyinka Muqdisho

Dadweynaha iyo  gadiidleyda  magaalada  Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Tarsan

Guddoomiye Tarsan Oo Afhayeen Cusub U Magacaabay Maamulka G/Banaadir

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta  magacaabay afhayeenka cusub ...
1401

Kabakudukade iyo malleeshiyaad kale oo deegaanno ka tirsan Galgaduud isaga cararay

Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX 16.5.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
UN-235x300 (1)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo beesha caalamka ku ammaanay mooqifka Soomaaliya uga aadan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Ex

Saraakiisha Ammaanka” Qarraxyadii Al-Qaeda Muqdisho Ay Keeni Jireen Waan Fashilinay”

Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...

Tubta Toosan

tubta-toosan1-150x150151

Islaamka & Faafinta Nabadda

Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Residents gather near the covered remains of a suicide bomber at the scene of an attack along a street in Somalia's capital Mogadishu

Akhlaaqda dagaalka iyo Diinta Islaamka

Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
tubta-toosan1-150x150151

Dowlad Wanaagga sidee loo xoojin karaa?

Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...