Maxkamadda Ciidammada Oo Xukun Ku Riday Dad Hub Lagu Soo Qabtay
Published on August 31, 2011 by Jayte · 7 Comments · 2,477 views
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa galabta xukun kuriday dad lagu soo qabtay hub sharci daro ah kuwaasi oo ay maanta soo qabteen ciidamada Dowladda kadib howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho xaafado ka tirsan.
Dadka ay gelinkii dambe ee maanta xukunka ku riday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa Todobbo ruux waxaana dhamaantood Maxkamaddu ku xukuntay Sideed iyo Toban bilood oo xarig ah.
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sarre Xasan Xuseen Muungaab oo markii xukunkaasi uu dhacay saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in raganni ay ahaayeen kuwo isugu jira dad si sharci darro ah hub u heystay iyo kuwo ka ganacsanayey islamarkaana la marsiiyey waxa sharcigu ka qabo.
Todobadani ruux ee galabta ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay xukunka ku riday ayaa maanta waxaa lagu soo qabtay howlgallo ay magaalada Muqdisho ka sameeyeen Ciidamada Dowladda waxaana tani ay qeyb ka tahay dadaalada loogu jiro soo celinta Ammaanka Dalka.
Tartan kor loogu qaaday aqoonta Ardayda wax ka ...
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ...
Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
WARKA SUBAX May 17.05.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
War Habeen 16-May-2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
WARKA DUHUR 16.05.2012
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
Dadweynaha iyo gadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta magacaabay afhayeenka cusub ...
Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
WARKA SUBAX 16.5.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...
saas shaqada kuwada waa dowladnimo
waxaan rumeysanahay hadii dowlada ey sii wado xirxirida ey dil ku xukumida dadka xumaan wadayaasha ah ey wadanka xasilonidiisa dag dag ku soo noqon doonto guul ayaan u rajeynayaa qaranka somaliyeed
asc koleey waa arin aad iyo aad u wanaagsan laakiin waxaa dhibaataa in maanta la xukumo beritana la soo daayo oo masuq maasuq ku dhamaato hoowsha aad maanta sida wanaagsan ku dhameeyseen
ciid wanagsan waxaasoo hub dad lagu soqabtay oo lagu xukumay 18 bilood oo xarikah, laguxumay wayaab haweney iyo nin asgari oo laguqabday 85 rasaas ama xabadood maxakamada waxey ku xukunday dil togasho tani cadaladmiyaa waa yaab
waxaan ku faraxsanahay in aan tagi doono wadaneygi hadii howsha saas ku socoto guuleesta inta nabada jecel
ASC WAXAA MAHADA IS KALE ILAAHEY NA ABUURAY TAN XIGTA WAXAAN U MAHAT CELINAA CIIDAMADA QARANKA SOOMAALIYEET WAXAAN LEEYAHAY WAA GUU LEESATEENEE EE SIIWADA HOOSHA AAT U HAASAAN SHACABKA SOOMAALIYEET WEENA NII TAAGEER SANYIHIIN WAXAAN KALE AAN U MAHAT CELINAA SHAQAALAHA RADIO MUQDISO WAXAAN LEEYAHAY AAD IYO AAD AYAAT U MAHAT SANTIHIIN SIDA SHACABKA SOOMAALIYEET AAT UGU SOO GUTBISAAN WAXAANA LEEYAHAY GUUUUUUUL GUUL DHAMAAN WAA SALAAMAN TIHIIN GUDOOMIYAHA MAXKAMADA MUUN GAAB AAD BAAN U SALAAMAYAA DHAMAA TIINA QEEEEEEEER BY
Kuwa nabad diidka ah waa in si fiican loga forjindaa. Qabasho nocaan iyo xukun waxey walwal gilina ku qaran diidka ah o ey dhantalre awoodi ey dhib ku geysan lahayeen.