Saturday, November 1st, 2014

Maxaad ka taqaan Afrika iyo Midowga Afrika?-DHAGEYSO

Published on May 28, 2013 by   ·   1 Comment  ·   4,108 views

TubtaToosan1

Sanadkii 1963 ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethipia lagu aasaasay ururkii midowga Afrika oo ay urur ay ku bohoobeen dalalka ku yaalla Qaaradda Afrika oo dhan.

Magacii ugu horreeyay ee ururku waxa uu ahaa OAU  ama Ururka midnimada Afrika, magacaas oo uu ururku adeegsan jiran tan iyo sanadkii 2007-dii markaas oo magaciisii la soo gaabiyay loona baddelay AU ama Midowga Afrika, si la mid ah Midowga Yurub oo loo soo gaabiyo EU. TUBTA TOOSAN 27 05 2013

Sababaha ugu weyn ee loo aasaasay ururka Midowga Afrika waxaa ka mid ahaa in uu ka taliyo aayaha Qaaradda Afrika uuna ku matelo fagaarayaasha caalamka.

Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee Midowga Afrika loo aasaasay waxaa ka mid ahaa in uu gacan ka  geysto xallinta khilaafaadka iyo colaadaha ka taagan dalalka Qaaradda iyo in uu ka qeyb qaato howlaha nabad ilaalinta ee dalalka Qaaradda ama meelo ka baxsan qaaradda  haddii loo baahdo.

Soomaaliya  waxa ay ka mid tahay dalalkii Aasaasay Midowga Afrika, dhowr jeerna waxay qabatay guddoonka Midowga Afrika, Sidoo kale Soomaaliya waxay ka qeyb qaadatay howl gallo nabad ilaalineed oo lagu xasilinayay dalal Afrika ka tirsan oo ay colaado ka jireen.

Dalalka Afrika ee ay Soomaaliya ciidammada nabad ilaalineed u dirtay waxaa ka mid ahaa Uganda, Mozambique  iyo dalal kale oo  dowladihii ka jiray ay ku keceen kooxo mucaarad ah oo dhibaato fara badan, waxayna ciidammadii Soomaaliya  iyo saaxiibbadoodii dalalka kale ka yimid ku guuleysteen in ay xasillooni ku soo dabbaalaan dalalkii ay tageen.

 

Burburkii ka dib

Wixii ka dambeeyay 1991-kii markaas oo Soomaaliya ay gashay dagaal sokeeye, waxaa  jiray Isku dayo badan oo la doonayay in Soomaaliya nabad loogu soo celiyo, waxaana ugu horreeyay howl galkii  ( Rajo soo celinta) ee ay hormuudka ka ahaayeen  Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Waxa uu ahaa isku daygii ugu qiimaha badnaa ee Caalamku ku doonayay in Soomaaliya laga badbaadiyo colaado daba dheeraada, waxaana  dalkeenna yimid ciidammo ka socday Qarammada Midoobay oo ka kala yimid in ka badan 30 dal,oo u badnaa dalal Islaam ah.

Tusaale ahaan dalalkii ciidammada Nabad ilaalinta noo soo diray waxaa ka mid ahaa. Turkiga, Sacuudiga, Imaaraadka, Urdun, Nigeria,Masar, Tunis , Marocco, Pakistann, Indonesia iyo kuwo kale oo fara badan.

Laakiin nasiib darrada ugu weyni waxay ahayd markii ciidammadii gurmadka noogu yimid  lala dagaalay oo si gardarro ah loo dilay, taas oo markii dambe keentay in  QM go’aan ku gaarto in ay ciidammadeeda kala baxdo Soomaaliya, waxaa ka sii horreeyay go’aan kaas la mid ah qaatay Mareykanka oo 1994 –kii isagana ciidammadiisa ka saaray Soomaaliya markii askar looga dilay.

Wixii ka dambeeyay 1995-kii markaas oo ay ciidammadii Caalamku ka bexeen Soomaaliya, waxaa dalku galay xaalad qasnaan ah, waxaana soo baxay hoggaamiye kooxeedyo iyo kooxo magac diineed adeegsanaya  mid kastaba tuulo qabsaday, dalkiina burburiyay.

Sanadkii 2007-dii ayay ayay Ciidammo ka socda Uganda iyo Burundi yimaaddeen Soomaaliya iyagoo ka jawaabayay codsi uga yimid madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo Midowga Afrika ka dalbaday ciidammo kala qeyb qaata xasilinta dalka.

Sidaas ayay dalka ku yimaadeen Ciidammada AMISOM oo  gacan  weyn ka geystay la dagaallanka kooxda argagixiada ah ee Alshabaab iyagoo gacan ka helaya ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed. TUBTA TOOSAN 27 05 2013

Afrika Gaalo miyaa?

Waxaa jira dicaayad ay fidiyaan  kooxaha xag jirka ah iyo  dadka leh danaha  gaarka ah oo ah iyo ciidammada Midowga Afrika ay yihiin “Gaalo” ayna doonayaan in ay qabsadaan ayna gumeystaan Soomaaliya.

Laakiin kuwa sidaas leh waxay iska dhega tirayaan xaqiiqada si ay danahooda gurracan u gaaraan.

Waxaa mudan in Shacabka Soomaaliyeed ay ogaadaan xaqiiqooyinka soo socda:

  • Qaaradda Afrika ma ahan Gaalo ee waa Qaarad ay Muslimiintu Aqlabiyad ku yihiin. Waxaa tusaale kuugu  filan dalkeenna Soomaaliya oo dadka ku dhaqan ay 100% Muslimiin yihiin , kana mid ah dalalkii Aasaasay Midowga Afrika.
  • Dalalka  Masar, Tunisia, Libya, Marocco, Mali, Algeria, Sudan, Djibouti,Chad, Senigal,Niger iyo kuwo kale muslimiinta ayaa Aqlabiyad ku ah oo ka badan dadka diimaha kale heysta.
  • Dalka Nigeria oo ah dalka ugu dadka badan Qaaradda Afrika 50.4% dadka ku nool waa Muslimiin, sidoo kale
  • Sieralione   oo dhawaan ciidammo nabad ilaalineed u soo idrtay Soomaaliya 62% dadka ku nooli waa Muslimiin.
  • Dalka Tanzania waxaa ku , waxaana tusaale kuugu filan in madaxweynaha  hadda talada haya ee Jakei Kekuwati uu yahay madaxweyne muslim ah, waxaana ka horreeyay madaxweynayaal kale oo muslimiin ah, waxaana ka horreeyay  oo ay ka mid ahaayeen Ali Hassan Mwinyi,  Cabuud Jumbi.
  • Dalka Uganda ee ciidammada nabad ilaalineed u soo diray Soomaalia waxaa muslimiinta ku nool lagu qaddaray 12% shacabka Uganda, waxaa madaxweyne  ka soo noqday nin Muslim ah oo  la oran jiray Idi Amiin Daada, Waxaa xusid mudan in Uganda ay  xubin ka tahay  dalalka Islaamka.
  • Dalka Mali waxa uu ka mid yahay dalalka ugu xooggan qaaradda Afrika 90% waa Muslimiin.
  • Dalka Senigal muslimiintu waxay ka yihiin 94%.
  • Kenya Muslimiint waa 30% ama ka badan, waxa ayna golayaasha dowladda ku leeyihiin Kooto fiican.

Ma jiro dal Afrika ku yaalla oo aysan Muslimiintu  tiro badan ku joogin, oo aysan ka qeyb qaadan siyaasadda iyo qeyb kasta oo ka mid ah nolosha.

Si kale haddii loo dhigo aqlabiyadda dadka ku nool qaaradda Afrika waa muslimiin.

Go’aannada  uu qaadanayo ururka Midowga Afrika, waxaa la go’aamiyaa marka ay isu yimaaddaan dalalka ururka ku jira, waana wax la isku ogyahay, suurto galna ma ahan in AU oo ay ku badan yihiin dalal Muslim ah uu go’aan ku gaaro in muslimiinta la dhibaateeyo ama dalalkooda la gumeysto.

Sidaas darteed waa dicaayad rakhiis ah oo aan sal iyo baar lahayn in ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga ama meelo kale oo qaaradda ah ay gumeysi u joogaan.

Caalamka maanta la joogo wuu k asoo gudbay xilligii dalal xor ah inta lagu duulo la gumeysan jiray.

Uganda iyo Burundi, Djibouti iyo Sieralone  midkoodna dalka Soomaaliya uma imaan in ay dhibaato u geystaan, balse waxay u yimaadeen in  ay walaalahooda Soomaaliyeed ku saacidaan sidii ay dalkooda nabad ugu soo dabbaali lahaayeen, iyo sidii ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u soo ceshan lahaayeen karaamadii ka luntay iyo xasilloonidii ay gacantooda ku burburiyeen.

Tusaalooyin Guuleed.

Muddadii 50-ka sano ahayd ee uu jiray midowga Afrika waxa  uu soo maray marxalado kala duwan, waxa uuna midowgu ka qeyb qaatay howl gallo nabad ilaalineed oo Afrika iyo caalamkaba ah.

Dalal badan oo Afrika ah ayuu Midowga Afrika uu ciidammo nabad ilaalineed u diray waxaa uu ka gaaray guulo la taaban karo.

Hase yeeshee Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan AMISOM  ayaa lagu tilmaamaa kii ugu guusha badnaa ee howl gallada Midowga Midowga Afrika, ka dib markii ay  AMISOM oo gacan ka heleysa Ciidanka xoogga Soomaaliyeed ay ku guuleysatay in ay dhabarka ka jebiyaan maleeshiyaadka Alshabaab, kana saartay Muqdisho iyo magaalooyin kale oo kooxdu gacanta ku heysay sida Baydhabo, Beledweyne, Marka, Kismaayo iyo degmooyin fara badan.

Ugu dambeyntii dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa in ay ogaadaan in  Midowga Afrika uu yahay urur ay wax ka aas aaseen, kana tirsan yihiin, una dhexeeya Qaaradda iyo Shacabkeeda oo dhan.

Maleeshiyada Alshabaab  ee had iyo jeer ku cel celiya in ay  Jihaad ku jiraan, aad ayay uga fog yihiin Islaamniada , waxa ayna wadaan dicaayad rakhiis ah oo ay ku doonayaan in ay beentooda run ugu ekeysiiyaan.

Kooxahan argagixisada ah ma jirto cid ay u naxayaan, waxay cadow ku yihiin nolosha iyo shucuubta oo dhan iyadoo aan loo eegin muslim iyo gaalo waxa ay yihiin.

Xitaa haddii aan u rumeyno sheegashadooda ah in ay gaalo Jihaad kula jiraan, maxay u gowracayaan  oo ay u gumaadayaan dadka rayidka ah ee carruurta iyo haweenku ay ku jiraan.

Waa kooxo akhlaaqdii , Insaaniyaddii iyo xishoodkiiba ka dhammaaday oo dhiig uun u oon qaba.

Dadka ay masaajidda dhexdooda ku dilayaan, ma waxay ka tirsan yihiin AMISOM ?. Kuwa ay middida ku qalayaan ma gaalo soo duushaybaa?

Hadda waxaa Soomaaliya ku sugan ciidammo ka socda Midowga Afrika oo nabad ilaalin u yimid Soomaaliya, si ay dowladda Soomaaliyeed ugu gacan siiyaan xasilinta dalka.

Haddba dhegeystow maxaad ka taqaannaa Midowga Afrika, Sidii uu ku sameysmay , dalalka xubnaha ka ah.

Ma dhab baa in AMISOM ay yihiin ciidammo dalka ku soo duulay sida ay ku andocoodaan kooxaha qaarkood?

Waa  Mowduuca Barnaamijka Tubta Toosan oo uu marti noogu yahay Sheikh C/llaahi Axmed Garuun.

TUBTA TOOSAN 27 05 2013

Readers Comments (1)

  1. Abdi wali hassan ali says:

    Asc marka hore waxaan u mahad cilinayaa dhamaan shaqaalaha warbaahinta qarka soomaaliyeed gaar ahaan howsha adag ee ku jiraan intaa kadib aniga waxa aan ku suganahay wadanka uganda gaar ahaan caasimad kampala waxa aan ahay arday dhigta jaamacad kampala international university (kiu) faculty of social sciences department of public administration second year first semester waxaa diyaar u ahay in aan ku biiro ciidanka xog dalka soomaaliyeed marka aan soo dhameeto wax barashada aan ku jiro hadda sida ugu dhaqsiyaha badan waxaa ii hartay three semester 2014 december waan soo gaba gabeyhaa insha allah. Intaa kadib waa naqaan sifada iyo astaamaha khawaarijta al shabaab waxa ey ka faa iideystaan dadka baahan iyo dadka jahiliinta ah oo aan diinta wax ka aqoon iyo mid maadi ah ba




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

14

Shaqaalaha Shirkadda Golis Gaalkacyo oo deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug (Sawiro).

Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Golis ee magaalada Gaalkacyo ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-31.10.2014.mp3"][/audio]
DSC07371

Wasiir Ku Xigeen Mahad Salaad Oo ka Warbixiyay Shir Helsinki uu Kaga Qeyb Galay “Sawirro”

Wasiir ku xigeen mudane Mahad Salaad oo howlo ...
IMG_4679

Safiirka Turkiga ee Soomaliya Oo lagu soo dhaweeyey degmada Hiliwaa “Sawirro”

Gudoomiyaha G/banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jeneral Xasan ...
SESIONKII

Wasiirada Gaadiidka Dhulka Africa Oo Nairobi Kaga Shiray Horumarinta Gaadiidka “Sawirro”

Isutagii ugu horeeyay ee Horumarinta Gaadiidka Dowladaha Afrika ...
kulanka todobaadka cadaala

Barnaamijka kulanka Todobaadka oo lagu falanqeeyay mashruuca calaamadeeynta guryaha G/Banaadir (Dhageyso)

Barnaamijka kulanka Todobaadka  ee ka baxa Radio Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-31-10-2014.mp3"][/audio]
Jaamac-Oday

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Biyaha oo dalbaday in la banneeeyo xarumihii wasaaraddaasi

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jaamac Axmed Maxamed ...
Cabdiweli-Sheekh-III-300x237

R/wasaaraha oo guddi wasiirro ah u magacaabay geerida taliyihii ciidanka booliiska

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya ayaa magacaabay guddi ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
201499635458526731427637Taliyaha_Booliiska_Somalia

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Taliyihii Ciidanka Booliska

Mogadishu,30, October 2014- Guddoomiyaha G/banaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho ...
war-deg-deg-ah1-150x150114216

Ra’isul Wasaaraha Dalka Oo Magacaabay Ku Simaha Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.(DAAWO MUUQAAL)

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-HABENIMO-30.10.2014.mp3"][/audio]
unnamed (2)

Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo loo qabtay Aqoon Is-weydaarsi la xiriira shaqada “Sawirro”

Mogadishu,30, October 2014-- Waaxda Shaqada Shaqaalaha iyo Tababarrada ...
Cabdiweli 1

R.W Cabdiweli oo ka Tacsiyeeyay geeridii ku timid Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Mogadishu,30, October 2014-- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane ...
Sequence 05.Still002

Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyay geerida taliyihii Booliska Soomaaliyeeed

Abu Dubai- October 30, 2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Jaawri Sawir Hore

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed…WARSAXAAFADEED

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna ku ...
war-deg-deg-ah1-150x15011421

War Deg Deg ah, Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo geeriyooday.

War Deg Deg ah. Allaha u naxariirstee waxaa maanta ...
DANI

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo maanra soo xiray shir looga arinsanaayay qorshaha Qaranka ee 5 sano ee nagu soo fool leh.(DAAWO MUUQAAL)

Shirkan  wata shiga ahaa  oo looga ari sanyay   ...
astaanta-warka16

Dhegeyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

  [audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/warka-duhur-30-10-2014-ok.mp3"][/audio]
wasiirka warfaafinta

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay kulan Dhalinyarada lagu wacyigelinaayo oo Muqdisho lagu qabtay.(DAAWO MUUQAAL)

Kulankan  ooh al ku dhiggiisu ahaa xal u ...
SAM_4729

La heystayaal Afar sano u afduubnaa Burcad badeed oo ku soo wajahan Muqdisho

Garoonka diyaaradaha ee degmada Dhuusamareeb ayaa goor dhaweeyd ...
shabaab

Dad Beeraley ah oo maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ku dilay tuulo ka tirsan Mahadaay

Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ayaa lagu dilay tuulo ...
Xasan-sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo xalay gaaray magaalada Abu Dhabi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Mxamuud ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-30-10-2014.mp3"][/audio]
IMAG0966

Wasiirka arrimaha dibadda oo khudbad ka jeediyay Shirka la dagaalanka burcad badeedda (Sawirro)

Dubai, October 30, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo ...
IMG_12681

Arday Soomaali ah Oo Deeqo Waxbarasho Lagu Gudoonsiiyey Xarunta Jaamacada Mount Kenya University Ee Magaalada Thika “SAWIRRO”

Xarunta ay Jaamacada Mount Kenya University ay ku ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-HABEEN-29.10.2014.mp3"][/audio]
astaanta-Puntland

Bulshada Rayidka ah ee Puntland Oo Soo Saaray Qodobo Ku Saabsan Dimuqraadiyaynta

Maanta oo ay taariikhdu tahay 29 October 2014 ...
xasan sheekh

Madaxweyne Xasan Oo U Ambabaxay Dubai

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ...
Ban ki Mon

Madaxda sare ee dalka oo kulan la qaatay Ban-Ki Moon iyo madax kale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan ...
astaanta_qaranka11 ok

Digreeto Madaxweyne oo garsoorayaal shaqada looga joojiyay “Daawo Video”

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdsiho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-29.10.2014.mp3"][/audio]

Tubta Toosan

show

Islaamka & Xiriirka Caalamiga ah

Islaamku waa diin caalami ah oo ku socota ...
Qarac

Dilka Rayidka Diintu maxay ka qabtaa?

Maleeshiyada Alshabaab tan iyo markii la dilay hoggaamiyahoodii ...
Tadaruf

Xag-jirnimada maxaa laga dhaxlay? Dhageyso

Xag-jirnimada aad ayay uga digtay Shareecada Islaamku, waxa ...