Madaxweynaha Hey’adda Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ee Turkiga TIKA Mr. Serdar Cam iyo Safiirka safaaradda Soomaaliyeed ee Ankara mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo Xoghayaha koowaad ee safaaradda mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa waxa ay manta kulan ku yeesheen xarunta TIKA ee Magaalada Ankara.
Ugu horeyn madaxweynaha TIKA waxa uu safiirka cusub ugu hambalyeeyey xilka cusub oo uu hadda la wareegey waxa uuna Ilaah uga bariyey inuu u fududeeyo, kadib safiirku wuxuu war bixin ka dhegeystey TIKA iyo waxqabadkeeda ku aadan arrimaha Soomaaliya.
Mudane Maxamed Mursal wuxuu dowladda iyo shacabka Turkiga uga mahad celiyey sida hagar la’aanta ah oo ay xilka isga saareen arrimaha Soomaaliya, uguna soo gurmadeen waqti ummadda Soomaaliyeed ay u baahan yihiin.
Intaa Kadib, mudane Maxamed Mursal wuxuu TIKA kala hadlay mashaariicdii dowladda Turkiga ay Soomaaliya u ballan qaadeyn qaarkood in la dedejiyo.
Kulanka oo qaatey muddo saacad ah ayaa waxaa lagu lafa gurey sidii Mashaariicda Turkigu Soomaaliya ka fulinaayo looga dhigi lahaa kuwo miro dhal ah iyo in shacabku ka qayb qaataan gacan ku siinta fulinta mashaariicdaas sida dhismaha wadooyinka iyo in ay ka qayb qaataan guud ahaan dib u dhiska dalka.
TIKA waxa ay horey u fulisey dhowr mashruuc sida dayactirka airporka dayactirka dhismihii xarunta gaadiidka iyo mshaariic isugu jirto dayactir cusbitaalo iyo kuwo kale iyadoo hada lagu wado in ay fuliso TIKA mashruuc balaaran kaasoo ah dhismaha wado isku xirta airporka nadaxtooyada ilaa dekeda.
Safiirku wuxuu kaloo TIKA kala hadley fulinta mashaariic cusub oo gobolada dalka laga fuliyo sida xaruumo caafimaad iskuulo iyo biyo gelin, TIKA waxa ay ballan qaadey in soomaaliya hormarkeeda ay ka shaqeeyneyso oo ay ka mid yihiin adeegyada shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin.
TIKA dhammaan codsiyada iyo talooyinka Safiirka waa ay aqbaleen waxa ayna ballan qaadeen in ay fulinayaan dhammaan mashaariicdii uu ballan qaadey Raisul Wasaaraha Turkiga.
Ugu dambeyn safiirku wuxuu TIKA ku amaaney in xafiiskooda Muqdisho uu qabtey arrimo baddan oo shacabku ka faa’iideesteen kuwa cusub oo magaalooyinka Garowe iyo Galkacyo laga furaayana ay noqon doodaan kuwo wax gal ah.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
Masha Allah wax lagu farxo lkn turkiga hore wexe ubalan qaday 146 wado ee muqdisho ka hirgaliso laga yabee hadii labo wado labilawo kuwo kalene inee ku soo xigaan so I’m very glad turkish helping somalia and I’m just say welcome turkish be honest
mahad celin kadib, maxa ino diidan inaan noqono umad wax qorta oo qalinka iyo buuga ka jeclaata hadalka oo keliya?
maasha allah turki waa mahadsan yahiiiin laakin allah ha inoo soo adeejiyaya ayaa mahad leh