Thursday, May 17th, 2012

Ra’isulwasaaraha Iyo Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirrada Oo Kormeeray Suuqa Xamarweyne Oo Xalay Dab Qabsaday’SAWIRRO’

Published on January 26, 2012 by   ·   13 Comments  ·   6,115 views

Muqdisho, January 26, 2012—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka soo kormeeray qeybihii gubtay ee suuqa Xamarweyne oo xalay uu ka kacay dabweyn oo baabi’iyay qeybta qudaarta iyo raashinka ee suuqaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerkiisan ku wehlinayay Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Jaahweyn, Taliyaha Booliska Jen. Shariif Sheekhuna Maye, Taliyaha Xooga Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, Abaanduulaha hay’adda Nabadsugida Qaranka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud AXmed Nuur Tarzan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u kuurgalay qeybaha gubtay ee Suuqa wuxuuna mid mid u tegay dhamaan guryihii iyo bakhaaradii qudaarta ee gubtay, isaga oo ugu dambeyntiina la kulmay dadkii dhibanayaasha ahaa ee ay hantida ka gubatay.

“Dhibaatada uu dabkani dhaliyay ma yara, waana aragnaa baaxadiisa, waxaan Alle uga baryeynaa dadkii ku hanta beelay in Illaahey deg deg ugu badalo wax kheyr qaba, anagu ka dowlad ahaana wixii karaankayaga ah gacan ayaa ka geysaneynaa” ayuu ku yir dadkii dhibaatadu ka soo gaartay dabkaasi wuxuuna u mahadceliyay ciidanka Boliiska iyo maamulka gobolka Banaadir isaga oo ku ammaanay sida ay uga qeyb qaateen daminta dabkan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa uga mahadceliyay ciidanka AMISOM sida ay uga qeyb qaateen daminta dabkan maadaama ay keeneen booyado dabdamis ah kuwaasoo si xoogan u rusheeyey.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa inay foojignaan badan ka sameeyaan oo ay ka taxadaraan waxyaalaha keeni kara sababaha dabka kiciya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu isaga oo intaasina ku daray in dowladdu ii qiimeyn doonto baaxada hantida uu dabku baabi’iyay kadibna ay la kaashan doonaan cid kasta oo gacan ka geysaneysa sidii taakuleyn looga geysan lahaa khasaarahan.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed  Cali Gaas waxa uu ka dalbaday Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka Banaadir in ay dib u dhiska suuqa ay qorshe cad u sameeyaan iyo jidad si looga fogaado inay soo noqdaan sababaha keena inuu dab ka dhasho suuqa.

 

 

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-

Yurub                                            +442035190460

USA & CANADA                         +17124327760

 

 

 

Readers Comments (13)

  1. baashi ahmed mohamed says:

    waxan ka tacsiyeynayaa dabkii xalay ka dhacay degmada xamar weyne waxan leeyahay cidii wax ku laheed illah wax ka qeyr badan ha idinku badalo iskana ilaaliya cadowga idinku dhexjiro ee babi iyay hantidiina INAA LILLAAHI WA INNAA ILETHI RAAJICUUN

  2. wa masiibo ee allaha udhib dhaamo masaakiinta ku hantibeeshayna badal kood qeyqaba alla hasiiyo aamiin

  3. ILaaheey hainaga duwo masiiboo yinka waxasna waxa keenay waa dagaalka iyo dhiiga ladaadinayo jamcuuriyada somaliya hanoolaato

  4. dhibaa tadii iyo masiibadaii dabka aheed ee kadhacday suuqa xamar wayne,waxaan leeyahay ilahay qayr ha ugu badalo dadkii lahay hantidaa baaba day,waxaana jira in ay kaalin wax tar leh kagaysan karto dowlada kumeel gaarka ah,tankale in ladabagalayo siyaabahii dhaliyay dabka iyo waxii sababay haday kadan beeyeen dad cadawa, dowladu waxy kusoo dhigi doontaa gacanya dakaas

  5. Rashiid says:

    Dadkii goobtaasi beeliyey iyo kii Bosaso waxay ku tusaysaa in cadowga dadka somaliyeed ee hada usoo tafa xayteen in shacabka somaliyed hantidooda dhafiyaan ilahay hayna ka qabto

  6. qooqaani says:

    DAAKAN WAA MEESHA LAGA RARAA OO LADHISO SEFTIGA DADKA UMA ROONO MAXAA YEELAY SUQII OO TAGAN AYAA DHAXDIISA LAGA DHISAY DUQOSHYO MARKA DADKAN WAA LAGA SARAA MEESHA OO LOO DHISAA SUUQ CASRI AH WAA LA SII DADKA LACAGTA HASTO WAA IN AY DHISAAN DADKAN LAGA IJAARO SUQAN WAA CETERKA MUQDISHOW ANIGA SIDAAS BAAN U ARKAA,

  7. Hassan says:

    aad iyo aad ayaan ugu xumahay ilaah badalkeeda hasoo galiyo cidii ka kaalmayn kartan haka kaalmeeyaa ilaah ayaa ajar kasiinaayo waa masiibo walahi

  8. Muusegeel3 says:

    ILAAHEEY MAAL XALAAL AH, KII UU KA GUBTEY, HA UGU BEDELO WAX KA QAYR BADAN!

    BARXADII YAASIIN MIYAA OO AFAR IRDOODKA MEESHA SUUQA LAGA DHIGTAY? SAWIRKA AYAA KA AQOONSADAY. 20 KU DHAWAAD AYAA IIGU DANBEEYSAY. MEEL LAGA GUUREY OO DUUR AH AYEEY U MUUQATAA MEESHII DAHABLAHA SOMALIYA. CAKU SOMAALI!

  9. yaasmiin says:

    asc dhamaan waan salamaa reer muqdisho mida kale waxaan aad ugu tacsiyeynaa cid allah cidii ku hanti beeshay dabkii xalay waxaan allah idinkaga baryayaa bedelkiisa oo qeer badan leh inuu allah idin soo galiyo amiin

  10. xasan muse says:

    Inaa lilaah wa’inaa ileyhi raajicuun ilaahow musiibadaan kheyr ugu badal dadkii ay gaartay. Gancsatada iyo dhamaan shacabka waxaa looga baahan yahay in ay cahar ka qaataan dhibaatadan.
    1 waa in wadooyinka la baneeyaa
    2 waa in badbaadinta iyo sharciga (zone) la’ilaaliyaa
    3 dadka waxgardka ah waa iney saadaaliyaan suuqyada kale sida suuq bacaad iyo baakaaro dab ka kici karo

    4 sidaan waa dhaxalkii khilaafka sharciga alle iyo kan dowladeed suuqa boosaaso kan kee ku xiga ilaahow caligeenu shaqeeyaa

  11. capten:fuad Abukar says:

    waxaa halkaan fariin dabacsan ogadirayaa dham dadkii hantibeeley waan kaxumahay.
    halkaan waxaa salaamayaa dhamaan madaxda dowlda siiba gaar ahaan p.minister. madaxa ciidamada policeka sheequnaa Maya.
    run ahaantii waxaan halkaa ku qorayaa in sharuucda laraaco.
    1.in lasameeyo security adage
    2.in loo sameeyo goobaha suuqyada Jidad waa ween siloogu soo gurmado.
    3.Darla sharuucda waa in ey u hogaan sadaan sida nabad ilaaaliyaasha.
    4.waa u jeedaan in madaxda dhibkiina uu u lamuqdo dhibween.
    taasi waxey kutu seysaa masuulnimo dheeraad ah.
    dhamaan shacabka somaliyeed waxaan dhihi lahaa halashaqeeyaan
    kabilaabato madaxweyne ilaaa iyo fable askati markaa Ayala lagaaraa nabad fiican.
    qofealibo waa in lagu tixgaliyaa shaqadiish asiga ama iyada.
    mahadsanidiin.

  12. Gaar Calnkaan Wadaa Dhigina Maayo says:

    Walahay Waxaan Garowsaday in Xaaladu adag tahay Markaan arkay Goobaha Qaar Gaar ahaan Suuqii ugu Weynaa Dalka Ee Dahablaha Ee Xamarweyne.

    Wale Dalku Wuxuu Rabo Waa Daganaan Madaxweyne Siyaad Barre Muxuu Yiri Badda Gala Beeraha Tabcada,Xoolaha Dhaqda Khayraadka Dhuuqa Soomaaliyay Jaanis Waaye Manta Ee Ka Faa’iidaysta.

  13. ilwaad says:

    soomaaliya waxaan ilaaha kugabaryeeynaa qeer iyo nabad raagto aamiin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

astaanta.qaranka-300x228

Wasaaradda Kalluumeysiga Oo Deeq Dhiirrigelin Ah Gaarsiisay Ciidamada XDS

Wasaardda kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda ayaa maanta deeq ...
tartan

Tartan Aqooneed U Dhaxeeyay Duugsiyada Muqdisho Oo La Soo Gebagebeeyay

Tartan kor loogu qaaday aqoonta Ardayda wax ka ...
Kaliil

Guddoomiyaha G/Gedo”Dhawaan Ayaan Shabaab Ka Cirirbtireynaa Gobolka”

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ...
astaanta.qaranka-300x228

Wasaaradda M/ iyo Lacagta Oo Tababar U Soo Gabagabeeysay Ciidamo Loo Tababaray Qaadista Canshuurta

Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
NATO

Faah faahinno ka soo baxaya duqeyn ka dhacay Xarar dheere

Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX May 17.05.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Dastuurka wasiirka

Wasiirka Dastuurka: shirka odayaasha dhaqan waa gabogebo, Dastuurkuna waa la soo bandhiggayaa

Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Jeesto-300x225

Horjoogge Ka Tirsanaa Al-Qaacidada Soomaaliya Oo Qiray Inuu Alle Uga Towbad Keenay Dhibaatadii Uu Umadda Ku Hayey (Dhageyso)

Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Sawirka Fanaan Lafoole

Fanaan Lafoole”Dalka Horumar Badan Ayaa Ka Jira Waan Imaanaya Dhowaan Si Aan Horumarka Uga Qeybqaato”(Dhageyso)

Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
1

Ciidammo Ka Tirsan Midowga Afrika Oo Fariisimmo Ka Sameystay Baydhabo”DAAWO SAWIRRADA”

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
al-Qaeda Militia

Horjoogayaal Ka Tirsan Al-Qaeda Oo Ku Halaagsamay Qarax Caawa Ka Dhacay Galgaduud

Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 16-May-2012         Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Sawir Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Xiligan

Dhageyso Barnaamijka Daljir Ee Looga Hadlo Dhismaha Ciidammada Qalabka Sida Ee Soomaaliya

Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
xuska-15may13

Suudan oo laga Xusay Sanad Guurada 69-aad ee Asaaskii Ururkii S.Y.L iyo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed 15 May”SAWIRRO”

Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Duhurnimo

WARKA DUHUR 16.05.2012
astaanta.qaranka-300x228

Mas’uuliyiin Ka Tirsan He’yadda Maareeynta Masiibooyinka Oo U Ambabaxay Sudan

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Dastuur-qabyo

Kulan Looga Doodayo Xuquuqda Uu Suxufiyiinta Siinayo Dastuurka Cusub Oo Muqdisho Ka Socda

Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
maka maka

Gaadiidleyda Iyo Qeybaha kale Ee Bulshada Oo Soo Dhaweeyay mashruuca Lagu Hagaajinayao Waddooyinka Muqdisho

Dadweynaha iyo  gadiidleyda  magaalada  Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Tarsan

Guddoomiye Tarsan Oo Afhayeen Cusub U Magacaabay Maamulka G/Banaadir

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta  magacaabay afhayeenka cusub ...
1401

Kabakudukade iyo malleeshiyaad kale oo deegaanno ka tirsan Galgaduud isaga cararay

Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX 16.5.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
UN-235x300 (1)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo beesha caalamka ku ammaanay mooqifka Soomaaliya uga aadan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...

Tubta Toosan

tubta-toosan1-150x150151

Islaamka & Faafinta Nabadda

Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Residents gather near the covered remains of a suicide bomber at the scene of an attack along a street in Somalia's capital Mogadishu

Akhlaaqda dagaalka iyo Diinta Islaamka

Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
tubta-toosan1-150x150151

Dowlad Wanaagga sidee loo xoojin karaa?

Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...