Friday, November 28th, 2014

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo u guuray kursiga Waxbarashada”WARBIXIN”

Published on January 17, 2013 by   ·   36 Comments  ·   14,122 views

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed waxaa lagu tiriyaa Hogaamiyaashii Afrika ee ogalaaday guuldarada Doorashada isagoo aaminsan Jiritaanka Dimuquraadiyadda, xili  Qaaradda Afrika ay Camirayaan Hogaamiyayaal ama madax maamula Wadamadooda wax ka badan Cimrigooda mararka qaar. kursigii Madaxtinimada una guuray Kursigii Waxbarashada, Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Waxa uu ku biiray todoba hogaamiye oo Afrikaan ah oo Madaxtinimadooda ka dib ka bilaabay waxbarasho jaamacadda Boston ee ku taala Mareekanka. ka dib markii uu ogalaaday Sheekh Shariif guuldarada Doorashada, Xilkana isaga dagay waxa uu u Baqoolay Dalkaasi Maraykanka isaga oo ku akaaday oo kaliya kursiga Waxbarashada,

Waana madaxwaynihii Xukunka kula wareegay Awoodda Hubka dabadeedna u Gogol dhigtay Falaagooyinkii kasoo hor jeeday, waxa uuna u diyaariyay Soomaaliya mar kale muddo 20 sano ah Xukunka dhexe, Sida uu baahiyay TV-ga afka carabiga ku hadla ee Al-carabiya. waa Muuqaal aan horay looga baran Kuraasta Madaxtinimada ee Qaaradda Afrika, lakin Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya maaha madaxwaynaha kaliya ee ku biiraya barnaamijka la yiraahdo (Visiting president) Deegaan siinta Madaxda ee Machadka Cilmi Baarista Keydka Madaxwaynayaasha Qaaradda Afrika oo ka tirsan Jaamacadda Boston. waxaana horay ugu biiray Madaxwaynihii hore ee Zaambiya Kenneth Kaunda kadib markii xilka madaxwaynanimada Dalkaas haayay muddo 30 sano ku dhawaad ah, sidoo kalena waxaa ku biiray barnaamijkaas madaxwaynaha Zazibaar Amaanii Cabiid, iyado intaas sii dheertahay Madaxwaynaha Dalka Butuswaana Fitistaay Mugaaya.

Waxaana lagu wadaa Barnaamijkan in ay usoo bandhigaan Hogaamiyaashii hore qayb ka mid ah Kalsoonida ka jirta Wadamadooda  in loogu deeqo Boos Caalami ah oo soo ifbaxaya, ujeedana laga leeyahay waxa ka mid ah in uu hanto Abaalmarinta Sanadlaha ah ee Afrika taasoo uu ku helayo 5 Malyan oo Dollarka Mareekanka ah, abaalmarintaas oo la siiyo Madaxda Afrika ee Xilka si Nabad ah oo Dimuquraadiyad ku salaysan tahay kaga daga.

Qaaradda Afrikana waxa ka jira midda Carabta oo kale taasoo Jiil dhan oo Hogaamiyaal ah ay kasoo horjeestaan in xilka ay isaga Dagaan si nabad ah,  iyagoo waqti dheerna ku nagaada xukunka. waxa ayna u arkaan dadka ku Jira Barnaamijka Deegaansiinta Madaxda ee Jaamacadda Boston in uu xal soo jiidasho ah u yahay sidii loogu qancin lahaa Madax badan oo xilka si kaligii taliya ah u haysta una ogalaan lahaayeen Dimuquraadiyadda.

Readers Comments (36)

  1. war bixinta halka laga soo xigtay waa in la cadeeyaa waan aragnay ayadoo carabi marka hala siiyo kasoo xigasho mahad sanid

  2. I love SOMALIA says:

    Mudane ku dayasho mudan lkn aaway he dadka somaliyeed abaalmarin ma siinayaan miyaa ayagane sheikh shariif waa muwaadin hogaan wanaagsan aniga fikirkeyga waxaana leyahay Allaha ku dhowro mudane aakhiro iyo adduun

  3. ali adow says:

    nooloow sh shariif wal sharaf

  4. Ibarhim Xaaji Omar Halaf says:

    asc wr wb subax wanaagsan all umada somaliyeed

    bacdal salaan waxaan aad ugu faraxsanahay sida madaxweynahii hore ee jamhuriyada federaalka somaliyeed
    mudane sheikh shariif sheikh axmed uu xilka iskaga wareejiyey hadane u jaheestey waxbarasho
    waxaane lee yahay sheikh shariif taariikhda umada somaliyeed ayaa ku xusi doonta ilaahey waxbarashada aad u jaheysatey hakugu guuleeyo wax walba aoo wanaag ah aamin aamin

    radiomuqdisho aad ayuaad ugu mahad santihiin sida sharafta leh ee ee wax walba ainoola socod siisaan waadne salaamantihiin dhamaantiin

  5. aabe cabdi says:

    Nb.waxaan aan la badalin karin taariikh dhaw iyo mida dheer.waxaan ognahay in madaxweeynihii md sheikh shariif sh.axmed kursiga aan xoog ku qasan.waxa uu ka soo baxay midawgii maxkamadaha iyo Doowladii madaxweeyne cabdulaahi yuusuf, ayaa ku midoowbay Barlamaanka ,doorasho la qabtay ayuuna ku soo baxay sheikh shariif 2 sano iyo hal sano oo luugu daray.marka wiilka ama gabadha qortay maqaalka beenta ah joojiya.sheikh shariif xoog kuma qabsan kursi taas waa been,sheikh shariif waa ninka kaliya ee umada soomaalia isku keenay qabtayna hogaan hadii la qiimeeyo shaqo muhiim ah u qabta umada soomaaliya waa geesi u dhabar adeegay in qoom ka dhumay nidaam isku dayay in nadaam uu sameeyo kala danbeeyn waxuu iska lahaa in fikirka lagu saaray ciidamadii xabashida bilaa xoog.waxaan leeyahay mar labaad maqaalka haka fiirsado been abuuka uu qoraayo

  6. mohamed says:

    masha allah walal waa arin aad loogu bahanyahay sheilh caadi mahan waxa uu kujiraa maxda somalia sooomartay kuwa aan ugu jecelahay radio ga qaran waad mahadsantihiin

  7. mahamuud says:

    woow madaxweyna hii ugu horeyi ee somalia nabad ku soo dabalay ayuu ahaa shekh shariif shek ahmed xafidho laah wad salamatay jaale madaxweyne adiga iyo rerkada dhamantiina melkasta ad jogtan waxan idin lee yahay hormar iyo wax qabad weli bulshad wey ku bahan tahay ha i loobin in ad dib u soo labatiid

  8. abulkheyr says:

    waa arin wanaagsan hadii uusan damac kaga jirin lacagta shan malyan laakin uu doonayo in uu wax barto weliba siayaasada soomaaliaya si markale uu wadankiisa horumarintiisa uga qeyb qaato.

  9. bile m. ali says:

    ASC.maashalaah, waxan u rajaynaa guul waxbarsashadu waa u muhiim qofkasta,denbigiisa alle ha dhaafo, sidii uu u wareejiyay xilka ayan ku taageeray waxayna ahayd sida kaliya ee sharafteena iyo tan dalkeenuba ku jirto.

  10. ribaaj says:

    waxaan rajaynaynaa khibrado yar oo ka maqnaa in la soo baro.si afar sano ka dib uu u soo laabto

  11. Deeq says:

    as.c madaxweynihii hore ee umada somaliyeed shariif shikh axmed alle ha dhowro intuu joogay hormar ayuu umada gaarsii , abuurkuu katagay ayaan guran donaa bi idnilaah

  12. Alas says:

    Maashaa Allah,,Wuxuu ahaa hogaamiye si wanaagsan uga degay xilka aniga waxaan qabaa in uu guulastey kana guuleystey mayal adeega, isku dhajinta hogaaminta rabitaan la,aan, wuxuuna darsi u dhigey hogaamiyayasha xukunka uga danbeeya, xaqiiqdii shacabka soomaaliyed wuxuu xasuusan doonaa howlkarnimadiisii hoaamineed iyo midiisii tanaasul iyo waliba asaasida ama buddhiga nidaamka dowladnimada dalkeena soomaaliya,,Ilaah ha xafido madaxweynaheena hore sheikh Sharif Sheikh Ahmed ,,ilaahna ha ufudeeyo waxbarashada,,,Insha allah,,

  13. ali adow says:

    one man one voite hadey timaado hadaba keyga ha noqdo kii ugu horeyey

  14. abdi aziz abdi haji gobdon says:

    masha alaah sh shariif run ahaantii waan taageersanaa maxaayeelay wuxuu aha nin go aan leh oo marnaba qof dulmin xaqana taageera waxuu ahaa nin halyey ah oo mar naba niyadeeyda kabaxen afarta sano ee soo socotana wuxuu imaanayaa isaga oo la xiisay maamulkiisi wacnaa na loo heelanyaha… sh shariif kor inta gale hoos……

  15. hibaaq says:

    ascw waxaan kuu rajeen sheekh sheekh dhalay inuu cilmigaaga ilaah kuu saa/idsho adiga iyo caruutaadana iyo xaasakaaga barwaaqa aduun iyo mid aaqiro idin siiyo meesha aad joogto waa wadan aanan diin iyo islaam nimo laga jecleenn ee iska jir lacagta ey cadawaga islaamka ku jaha wareershaan muslinka oo diintaada ku nagoow waxa kaaga qayr badan adoo labbo ari ah ku raacato baadiyaha ascw

  16. Mohamed says:

    Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay Mansha Allaah Waa Muhim in uu qofku Wakhtigiisada uu firaaqada Hayo Wax Muhim u ah Noloshiisa iyo tan dadkiisa Sameeyo… Waxbarashona Ma dhamaanto So Well done Mudane Madaxweyne…. MAdaxweynayaal badan ayaa Iyagoo xililka Dalkooda haya Waxbarasho jamacadeed dhameyey thanks. waa heer Sare Ah MArka MAster degreeda uu sameynayo shiikh Shariif Waa Guul xagiisa HA Well done

  17. axmad deeq says:

    maasha alaah mudane shiikh shariif alle ha ufududeeyo wax gasto oo jecel yahay waa nin wadanimo ka buuxdo hada somaliya meesha ee jogto ninka genay waa shiikh shariif allow dhowr amiiin amiin

  18. ina cumaan says:

    Maashaa ALLAAH Guuleyso waxaan kaaga mahadcelineynaa ILLAAHEY kasokow Dowladnimadii aad noo soo celisay iyo doorashadii muqdisho ka dhacday ayadoo aduunku naga rajo dhigay taasna waxey ku timid dadaalkii iyo dulqaaadkaagii faraha badnaa ee aad muujisay intii aad Madaxweynaha ahayd taariikhda ayaadna gashay ALLAHANA ku xafido.ILLAAHAY waxaan ka baryayaa inuu noo dhawro kuwa adigoo kale ah.AAMIIN.

  19. Noolow mudane madxweyne aad ayaan kuu jecelnahay kuuna taagersanahay hadaan nahay shacabka soomaaliyeed from switzerland cabdullahi bohaar 41765484936

  20. Noolow mudane madxweyne aad ayaan kuu jecelnahay kuuna taagersanahay hadaan nahay shacabka soomaaliyeed from switzerland

  21. Mahamed Muhudin says:

    asc dhaman akhristayaasha qiimaha leh waxa sharaf u ah madaxweunihi hore ee j.m.s inuu gaarsiiyay somaliya wado if ah asigana uu ku muteestay magac iyo mansab, waxan rajaynaya in qaarada afrika iyo jiilka afrika ee so koraaya in ay u noqoto cashir , waxan u rajaynaya madaxweynihi hore shikh shariif guul iyo soo labasho afar sano kadib iyp hogaanka dalka

  22. dahir says:

    walahi wa masha alah aniga xitaa hada ayan garowsaday inuu dimuqradiyad uga dagay wa oday sharaf leh hada lakin waxan rajeynayaa inuu noo soo celin shariif sikiin ama wax lamid ah waana dooranyeynaa insha alah

  23. cali says:

    waxaa mahad leh ilaahey swc waxaan kaloo u mahad celineynaa madaxweyne sh.shariif sh. axmed ee maanta soomaaliya soo gaarsiiyey ee rajadana galiyey shacabka soomaaliyeed waana u mahad noqeynaa wxaana rajeynaa isga iyo inta la midka ah inuu ilahey noo xafido guuleyso mudane shariif sh. axmed

  24. abdulkadir says:

    maashaa allaaah madaxweyne shariif waxaanu leenahay abaalka aad noo gashay waligeyn mahilmaami doonno nabad iyo horomar ayaad noo horseetay allaha kudhowro meel walbo oo aad joogtid waan kusugeynaa 4sano kadib wali waan kuu baahannahay

  25. maracade says:

    asc madaxweynihii hore soomaaliya waa nooleeyaha qaranka soomaaliya waa rajo soo celintii umada soomaaliya wxaanu leenaha hadaanaha shacabka soomaaliya mudane madaxweyne hanaga tagin ee noo soolaabo markale waxaa kuu baahan wadan kii iyo dadkii işyo diintiiii

  26. maracade says:

    asc madaxweynihii hore soomaaliya waa nooleeyaha qaranka soomaaliya waa rajo soo celintii umada soomaaliya wxaanu leenaha hadaanaha shacabka soomaaliya mudane madaxweyne hanaga tagin ee noo soolaabo markale waxaa kuu baahan wadan kii iyo dadkii iyo diintiiii

  27. Guul wade says:

    Asc dhaman muwadininta somali wa mid lagu farxo ku dayasho mudan in madaxweynah hore somali ku dhaqan galiyo dal laga qustay si dimiqrati ah ku warejiyo xilka nowlow mudana sharif

  28. Mashate Allah says:

    Masha Allah sh sh sh Ahmed ilaahey haku xafido Adiga iyo reerkaadaba meelkastoo tagtane ilaahey hakula jiro

  29. Wehliye says:

    Hambalyo hambalyo hambalyo mudane Madaxweynaheena hore guul guul guul hambalyo

  30. somali says:

    Madaxweynihii hore Mr Shiikh Shariif taariikh cajiib ah ayuu dhigay ugana tagay shacbiga somaliyeed ee nabada u baahan,waana aabaha nabada soo bidhaantay lamana iloobi doono juhdigii uu ku bixiyey nabadeyntii Muqdisho 22 sano ka dib hadii uu soo laabtana oo uu mar kale xilka isku soo sharaxo waan soo dhaweynayaa, GUUL IYO GOBANIMO MR SHARIIF.

  31. bille says:

    Allaha ku xafido madawayne waxan xasusana hogankagi iyo dacadnimadadi hormarka wadanka marayo adiga uhorseday waxan sugi dona solabashadada afar sano kadib insha allah

  32. xalwo boondheere says:

    Madaxwaeye Shiikh Shariif Shiikh Axmed wanaaga aad Soomali u horseeday inuu Allaah kuugu badalo Janatul Fardowsa waxaana tahay nin dhalinyara ah waxeeyna rajadeena tahay inaad mar labaad Allaah fursad kuu siiyo inaad Soomaaliya hogaamiso inshaa alaah

  33. Baashi deeq says:

    Masha alaaha wlh shiiq shariif madaxween kageesisan ma arkin intaa aduunka joogay aniga

  34. cynaaye says:

    masha.allah waxan u rajeynayaa madaxweyaheynii hore kheyr aduunyo iyo mid aakhiro kan hada kala wareegayna waxaan ka rajeynayaa in uusan lumin fursadii uu abuuray aabihii rajada uma soomaaliya waliba waad ka fursad fiicantahay waxuu kaaga tagay meel wax ay kabilaaban yihii ha khasaarin uma fadlan md. xassan shiikh maxamuud culoso viva aabaha rajada soomaaliya

  35. abdihakim says:

    asc dhamaan ummada somaliyeed . waxaan dhihi karnaa sheekh shariif waa nin geesi ah waliba ka soo gudbiyey wadanka marxalad aad u adkayd in madaxwayne ku meel gaar ah ka soo gudbiyo . sheekh shariif waxaan dhihi karnaa waa madaxwaynihii ugu wanagsanaa ee ku meel gaar ku soo shaqeeya dhamaan caalamka . sheekh shariif waa hugaamiye geesi ah waxaana aad ugu faraxsanahay inuu si xushmad leh ugu wareejiyey madaxwaynaha maanta . well done

  36. sayidomar says:

    waxaan rajaynaynaa khibrado yar oo ka maqnaa in la soo baro.si afar sano ka dib uu u soo laabto waayo waxuu ahaa madaxweyno lagu daydo sida uu ugu soo dhaweyey kursiga madaxweynaha soomaaliya lagu doortay waana noo farxad in uu madaxweynaheena sheekh shariif oo wax barasho uu galo waa inta yar ee ka maqned waana doorareynaa hadii alla iddmo marka uu soo dhamaysto jamacada uu galay ee noqo mid umada wax u soo barto sidii nabad ugu hogaamin lahaa diinta ku hogaamin lahaa umada soomaliyed mel walba ee joogan alow xafid meesha uu ku nool yahay madaxweynaha hore sheikh shariif iyo qoskiisa aaaaaamin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho ...
nca

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo dhambaal uu ka  siday Madaxweynaha Soomaaliya gudoonsiiyay Madaxweynaha Yemen “Sawirro”

Sanca, November 27,2014 - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WARKA-HABEEN-27.11.2014.mp3"][/audio]
1459709_518188174963652_1198258588_n

Kulan Wacyigilin Ah Oo Loo Qabtay Dadka Ku Dhaqan Degmada Xamar Jajab “Sawirro”

Kulankani oo looga hadlayay sida bulshada ku dhaqan ...
binetadiop (1)

Haweeneyda Midowga Africa u qaabilsan Haweenka iyo Caruurta Oo Faah Faahin Ka Bixisay Socdaal Muqdisho Ay Ku Timid

Shirkani Jiraa,id oo ay Galabta ku qabatay Xarunta ...
IMG_7752

Cabdi wali gaas oo lagu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso ee gobolka bari “Sawirro+Muuqaal”

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho.

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WARKA-DUHUR-27.11.2014.mp3"][/audio]
DSC09299

Dufcadii si deedaad oo ka Qalin jabiyay machadka SOS”Sawirro”

Ku dhowaad 30 arday  ayaa amaanta waxa ay  ...
dayactir

Degmada Warta Nabadda oo laga bilaabay dayactir wadooyinka ah (DAAWO MUUQAAL)

Maamulka degmada Warta Nabadda ayaa maanta howlo lagu ...
Xeer ilaaliyaha Qaranka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo sheegay inay baaritaano ku socdaan dad loo heysto dhoofinta dhuxusha (DAAWO MUUQAAL)

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in ...
xoogga-dalka-

Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS oo tababar loogu soo xiray gobolka Bakool

maamulka gobolka Bakool ayaa sheegay in tababar loo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WAR-SUBAX-27-11-2014.mp3"][/audio]
Mustaf-Dhuxulow

Wasiirka warfaafinta oo ka qeybgalay munaasabad lagu weyneeynayay dhaqanka Soomaalida (DAAWO MUUQAAL)

Wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha, mudanayal ka tirsan ...
images

Taliska qeybta 60-aad ee ciidanka XDS oo ka warbixiyay howlgallo ay ciidanku sameeyeen

Taliska qeybta 60-aad ee ciidanka XDS ayaa faah ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WARKA-HABEEN-26.11.2014.mp3"][/audio]
IMG_7475

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Kormeeray Xarumo Ku Yaala Qardho “Sawirro”

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ...
8

Tartanka kubadda cagta ah oo ay soomaali ka qeybgalayeen oo Holland lagu soo gabagabeyey +Sawirro

Markii ugu horeysay oo Tartanka kubadda cagta ee ...
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalja

Agaasimaha guud ee Qorsheynta iyo Xiriiriyaha hay’adaha samafalka G/Sh/Hoose oo la magacaabay

[caption id="attachment_218581" align="aligncenter" width="640"] Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ...
beeraleey

Beeraleyda gobolka Shabeelaha Dhexe oo la qorsheynayo in abuur loo qeybiyo

Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa bilaabay qorshe abuur ...
muqdisho_1

Horumar ganacsi oo laga dareemayo magaalada Muqdisho “DAAWO”

Horumar dhanka ganacsiga ah ayaa laga dareemayaa suuqyada ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WARKA-DUHUR-26.11.2014.mp3"][/audio]
PM YAMAN 4

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha Yemen , SAWIRRO

Sanaa,November 26,2014 -  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta ...
beledweyne1

Xarumaha danta guud ee gobolka Hiiraan oo dib u dhis lagu sameynayo

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhawaan dib ...
115

Muungaab Oo manta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guude Ee Q.midoobay Nikolas kay .SAWIRRO+MUUQAAL

Kulankaan oo manta ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka ...
shabaab

Wadayaasha gaadiidka oo ka cabanaya lacago baad ah oo ay ka qaadaan Shabaab

Wadayaasha gaadiidka isticmaala waddada isku xirta Jowhar iyo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WAR-SUBAX-26-11-2014.mp3"][/audio]
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150 (1)

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho ...
diyaaradaha-Kenya

Al-Shabaab oo duqeyn lagu  bartilmaameedsaday

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Kenya, ayaa sheegtay in ay ...
Magaalada_marka

Dhallinyarada Benaadir iyo Shabeellada Hoose oo Marka ku kulmay

Kulan dood Cilmiyeed ahaa oo looga hadlayey doorka ...
astaanta-warka

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WARKA-HABEEN-TABIYAL-NASHAD-IYO-NUUR-SACID-FAR-QEYS-25.11.2014.mp3"][/audio]
sawir hore bineta diop

Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Haweenka, Nabada iyo xasilinta

[caption id="attachment_218421" align="aligncenter" width="480"] sawir hore bineta diop[/caption] Wasiiro ...
xasan

Madaxweynaha  oo Tacsi u diray ehelada Marxuum Cumar Xaaji Maxamed

Muqdisho. November, 25, 2014- Madaxweynaha Jamhuriyadda Fedraaalka ee ...
qoorsheel

Wasiirka Gaadiidka oo la kulmay iskaashatada gaadiidka dekadda ka howlgalla

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada xukuumadda Soomaaliya ayaa ...

Tubta Toosan

bad

Xasuuqii Alshabaab ka geysteen Mandheera maxay diintu ka qabtaa?-DHAGEYSO

Diinta Islaamku waxay reebtay in la dilo dadka ...
Sharia

Alshabaab iyo si xun u adeegsiga Shareecada

Maleeshiyada Alshabaab waxay sheegtaan in ay u dagaallamayaan ...
Knowledge

SHEEKH MUUSE CAGAWEYNE: Aqoon la’aani waa Iftiin la’aan-DHAGEYSO

Aqoon la’aani waa iftiin la’aan ayay tiraahdaa Soomaalida. ...