Madaxweyne Sheekh Shariif oo si heer sara ah loogu soo dhoweeyay Garowe
Published on August 28, 2011 by Mowliid · 16 Comments · 3,676 views
Madaxwenaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen R/wasaaraha dalka C/weli Maxamed Cali “Gaas” iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo uu hor kacayay C/raxmaan Faroole.
Soo dhaweeynta Madaxweynaha ayaa u dhacday si heer sare ah oo aysan u kala harin shacabka iyo maamulka Puntland, waxaana Madaxweyne Shariif uu soo kormeeray xerooyinka ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah iyo Cisbitaalka magaaladaasi, isagoo mid mid u gacan qaaday bukaannada jiifa Cisbitaalka una rajeeyay in Allaah uu bugsiiyo.
Madaxweyne Sheekh Shariif oo ay hareeraya ka socdaan R/wasaaraha dalka iyo Ergayga Q/Midoobay ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa in ka badan hal Kiilo Mitir ku lugeeyay wadada Laamiga ah ee magaalada Garowe, iyadoo hareeraha wadadana ay taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed ee Puntland, taas oo farxad iyo reynreyn ku abuurtay shacabka ku dhaqan halkaasi.
Booqashada Madaxweynaha ee Garowe ayaa ku soo beegmeysa xilli R/wasaare C/weli iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada ay halkaasi ku sii sugnaayeen
Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Barnaamijka Nasashada Todobaadka waa Barnaamij Todobaadle ah waxaana ...
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa laga ...
Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha maamulka gobolka Gal-gaduud ...
WAR HABEEN 24.05.2013
Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
War Duhur 24-May-2013
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
WAR SUBAX 24.05.2013
Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
WAR HABEEN 23 05 2013
Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
WAR DUHUR 23.05.2013
Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
SOOMAALIDII MIDOWDAY SAXALKII BAXYOO SAMAATAY WALAAHI HADAANU NAHAY SHACABKA SOOMAALIYEED EE PUNTLAND AAD IYO AAD AYAAN UGU FARAXSANAHY MAANSHAA ALLAAH MUDANE SOO DHAWAW MAAN SHAA ALLAAH SOO DHAWAW SHARIIFO XUMANTII DHAMATAY KU DAMAASHAAD WADANKAAGA ADAA LEH ADAA KA MADAX WAYNE AH SOO DHAWAW OO KU SOOO DHAWAW PUNTAND STATE OF SOAMLIA WAXAAN SALAMIN WARIYEHEENA BULQAAS IYO WARIYEHEENA KALE MAXAMED AHMED ILKA CASE OO U SHAQEEYA WARBAAHINTA QARANKA VIVA QARANKA SOMALIYED VIVA PUNTLAD
Guul
K.k.k.k.k. Allaahu akbar waxan aad iyo aad ugufaraxsanahay in madaxdii qaranka jds ay sinabad ah kudhexmushaaxayaan gobadaladii dalka iyagoon cidna uga baqeyn runtii waxaan dhihi karaa taa waxa sabab u ah cxds iyo shacabka oo si iskumid ah u diiday unala dagaalay alshabab .k.k.k.k. Guul guul guul somali hajirto.hajoogto hanoolaato. Haguuleysato.
waa guul wayn mar hore loo baahnaa guul guul guul.
waajib lagu lahaay ayay guteen, wayna ku mahadsanyihiin, waxaan rajayhaa in muwaadiniinta soomaaliyeed ee xeryaha magaalada Garoowe ku jira aysan dhibaataysnan, maamulka gobolada bari ee Somaaliya asigaa sedax isbuuc ka hor deeq usoo aruuriyay walaalahaooda abaaraha ugasoo bara kacay koonfurta soomaaliya ee soo gaaray Muqdisho, marka way haboontahay in walalahaas xeryaha ku jira ay lakulmaan mas’uuliyiin soomaaliyeed oo utaagan inay guryahoodi ku celiyaan, guul ayaan u rajaynaa dhamaan inta iyad samida somaali ugu adeegaysa, oo madaxda Dolladdu ugu hereeyaan iyo bahda walaakadda SONA. waad mahadsantihiin.
K.k.k.k.k. Allaahu akbar waxan aad iyo aad ugufaraxsanahay in madaxdii qaranka jds ay sinabad ah kudhexmushaaxayaan gobadaladii dalka iyagoon cidna uga baqeyn runtii waxaan dhihi karaa taa waxa sabab u ah cxds iyo shacabka oo si iskumid ah u diiday unala dagaalay alshabab .k.k.k.k. Guul guul guul somali hajirto.hajoogto hanoolaato. Haguuleysato.
Alahu Akbar waa guul weyn in maanta madaxda JS ay intas oo KM ay si xurnimo u lugeynayaan waxaana sabateeda leh Ciidanka XDS ilahey ha idin guuleeyo shacabka soomaaliyed iyo Madaxweynahooda H.E. Sharif Sheikh Ahmed & XDS wey ka guuleysteen cadowga dalka, diinta iyo dadka soomaaliyeed
allaahu akbar soomaalidii midowday
allow dalka iyo dadka noo badbaadi
aamiin
Allahu-akbar somaliweyn waxay u dhaqaaqdey nabad, wadajir iyo walaalnimo waxaa soo dhow barisamaadki somaliya was real somali somaliya hanolaato, somaliya ha israacdo. waxa aan sugnaa waa madeyweynaha oo ka dega hargeysa si weyna loogu soo dhoweeya somaliland
waa wax lasoo dhaweeyo oo lagu farxo qof kasta oo somalinimo ku jirto laakiin ogostino mahiigo mashaa boos ugama banaan waxaana idin xusuusin lahaa
sareedo hadey kuwaarto haduu silic iyo dhibgaaro samaaantee iyo xumaanteet somalia soomaali baa leh
mashaa allaah waa guul inuu madaxweynu booqdo gobolada dhexe oo runtii ah kuwa uu matalo madaxweynu waa geesi aan biqin waana nin ay ka go antahay siduu isugu keeni lahaa dhamaan soomaalida kala fekerka duwan wuxuu booqday waa dadkiisii iyo dalkiisii waana loo baahan yahay inaan isu muujino wanaaga iyo walaalnimada marka madaxweeynu maaha nin baqa oo cadowgiisuna ma u suurtoobi doonto waxkasta oo ay isku dayaan inay kula kacaan waayoo waa nin daacada soomaalinimaduna ay aad ugu weeyn tahay waana mustaqbalka ninka keliya ee soomaaliya hogaamin doona kasban doonana shacabka soomaaliyeed waayoo maaha hunguri doon ee waa nin u taagan xalka see loo soo afjaraa waa astaan qaran oo aan qorixi qarin karin mana maleeynayo in la heli doono cid hakiso ajandaha fog ee madaxweeynaha maashaa allaah reer garoowana waa walaalaheen waxaan u rajeeynayaa barwaaqo iyo baraare waana dad soomali ah waana dad jecel calanka buluugaa cadowgoodana waa cadawgeena sidaa daraadeed reer garoowe way ku mahad san yihiin sida ay isku xilqaameen una soo dhaweeyeeyn madaxweeynahooda waana astaan ku dayasho mudan soomaaliya ha midoow daan leeyahay ka naxoow nafta waa maashaa allah horaanta sanadkaana waxaan rajeeynayaa inuu booqdo dhamaan gobolada ku jira gacanta cadawga lagana saaro oo afka ciida loo daro shayaadiinta shababka lagu sheego balse aan u aqaan reer afduub bal fiiriya nimankaas heerkay ka gaareen fulaynimo maxay sidii naagihii indhaha u xiranayaan maa furtaan wajiga haday is hubaan waa dhamaatay xiligii kala sooca kala qobobka soomaliduna waa mid waana ul iyo diirkeed ayaan ku soo xiryaa figradeeyda ,adaxweynaheena Shiikh Shariif Shiikh Ahmed waxaan alle uga barya yaa inuu ka dhigo midkii soomaali oo dhan mideeya nabadna ku soo celiya aamiin aamiin aamiin
mudana madaxwayneh mahadsanid waayo tilabada ad qaday ee ad ku tagtay puntlan dwa mid so ddadajineeyos midnimada somaliyed mamaulka punt land waxan lenahay wlaalayaal ad ayad u mahadsantihiin sida wanagsan ee ad ula tacaamusheen qararka madaxwaynaha anaga oo dhan walal ayan nahay mishilada meel ka dhacdana somaliaya ayay ka jirta aya laleeyahay mana lakala qadayo ee an isgarab qabsano midnimadena ilashsanop dalkena dhisano mamulka puntlan waxan leyahay walalayaal manta waa malinta ugu daran ee somali isku bahantahay ee dowlada la shaqeya ciidan ka xdl kuso dara cidan canshurta qaybaka siaya dowlada dhaqalaha sogalana dhiniciina ka qata si qaranka loo dhiso nabadan loso celiyo ,,, ilaahow dalka noo nabadee adkana midnimo iyo isfahan noogu so daji amiiii
masha alaah waa wax lagu farxo somali ha noolaato mida kale kuwaan afka doobanayo oo aad u moodo shuftada waaba shufte in hal meel laysaga soo horjeesto waa wax fiican hada waxaa dhiman somaliland ha soo raacdo walaalahood meesha ay ku ccimbi dhameesanae
guuuuuuuuuuuuul somali ha is raacdo illaahoow nabada no kordhi aamiin
ASC ALL MASHA ALLAAH WAA GUUL SOMALI WAA MIDOWDOO SAXARKII BAXYOO MIDOWDEE ILAHAW SOMALIYA OO 1 MIDA NA TUS AAMIIN