Thursday, December 18th, 2014

Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu casuumay Xafladda Boqortooyada UK iyo Shirka hordhaca G8…WARSAXAAFADEED

Published on June 14, 2013 by   ·   7 Comments  ·   8,834 views

David Cameron and President HassanMuqdisho, 14 June 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha UK David Cameron si uu uga qeybgalo xafladda loo sameynayo Boqortooyada Ingiriiska ee 15ka Juun oo ku beegan maalintii ay dhalatay iyo shirka hordhaca ee G8 ee Sabtiga 15ka Juun 2013.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa maanta oo 14ka bisha Juun ah lagu wadaa inuu London kula kulmo Rt Hon Justine Greening MP, oo ah Wasiiradda Horumarinta Caalamka (DFID), kulankaas ka dibna uu ka qeybgalayo casho sharaf ay mas’uuliyiinta UK u sameynayaan.

Madaxweynaha ayaa hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xasan Saleebaan iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdisalaam Xaaji Hadliye ayaa maalinta Jimcaha 14ka Juun 2013 ay gaarayaan magaalada London.

Maalinta Sabtiga ah ee 15ka Juun 2013 waxuu madaxweynaha la kulmi doonaa David Cameron Ra’iisul Wasaaraha UK, kana qeybgali doonaa xafladda Boqoradda Ingiriiska Her Majesty Queen Elizabeth II, ka dibna waxaa qado sharaf u sameyn doona Ra’iisul Wasaare ku xigeenka UK, ka dibna galabnimadii uu ka qeybgali doono shirka hordhaca G8 oo ay madaxda caalamku ka soo qeybgali doonaan oo looga hadli doono  “Transparency Revolution: the G8 Tax, Trade and Extractives Event” oo ay tahay markii ugu horreysey oo Soomaaliya lagu casuumo shirarka G8.

Justine Greenin and President Hassan

-       DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Senior Advisor & Spokesperson

Office of the President

The Federal Government of Somalia

Readers Comments (7)

  1. ali says:

    asc wr wb waa casuumaad aad iyo aad u fiica waa hadii soomali ka faa iidaysanayaan waa horumar soo ifaayo mudane madaxwayne waad dadaalaysaa garabkaa alle hagalo

  2. Ciise Nuur Guuleed Riddil says:

    Madaxwewynaha Soomaaliya Presedent Xasan Sheeq Maxamuud oo ah Dublumaasi Siyaasadseed ayaa Waxaa Marba Marka kadanbaysa Waxaa uu Gaarayaa Guulo Siyaasadeed oo Xagga Dublumaasiyada ah.

    iyada oo Mr Hassan Sheq uu ka qayb Galayo Xaflad loo sameeyay Xuska Boqortooyada Britian taasoo uu hadana ka qayb Galayo Wadamada Warshadaha ee hore u Maray G8 .

    Dowlada federaalka Soomaaliya oo dhawaan ka baxdan KMG nimadii ayaa Taageerada loogu yaboohay ee Xagga Amaanka iyo Dib u dhiska iyo Horumarinta ayaa la filayaa Mirahooda inay soo Gurtaan Maadaama Soomaaliya ay Gashay Jawi Amaan iyo Dowladnimo maadaama 22 Sano oo Dagaalo Sokeeye uu Dalkeenu ka soo Gudbay Waxaana Dowlada Britian iyo Wadamada Hore u Maray la Filayaa in Dalka Soomaaliya oo Qayraadkiisu Daahsan Yahay looga Faa’iidayo Dadkan Rafaaka ka Muuqdaahi Diiftu ka Daadanayso .

    Dibna loo dhisaa Hayadahii Amaanka ee Soomaaliya iyo Ilaha Dhaqaalaha ee Dalkeena ee Burburay Dagaaladii Sokeyana ku Burburay

  3. Yusuf says:

    Good luck Mr. President! I hope this meeting will be very fruitful for Somalia and Somalis.

  4. Asc walaal somali waxaa ku socodaa wadadii horumarka eey ku tagi meesha eey u socodo oo ah nabad iyo kala denbeen , 5sano ee soo socdo waxaan rajeyaa ineey somaliya ka mid noqodo wadamada horumarka badan ilaah hadii idmo.

  5. Beeska says:

    Aniiga waxaan rajeeynaya in Somali siday rabtoo ilaahey Uu Sahel waxaa kalo dhiihi lahaa madaxda somalida qasaatan madaxweynaha ku dadaal cadalad iyo deganansho ee waaxad tahay madaxweyniihi ugu horeyay 20 Sano kadib ee weliiga wacyi gaali umaada somaliyed waa umad dagaal iyo qabiil iyo aqoon la,aan isku darsantay ee dadal j

  6. marka hore waa wax lagu farxo hormarka uu kagaray rer galbeedka inkastoo mudo badan ay kajeesteen dalka somaliya runtii xasan sh.maxamuud wuxuu ku tilaabsaday hormar aan wali la arag waana madaxweyne siyaasad badan marnaba lagama yaabo inaan ilaabno m.xasan sh.maxamuud runtii anaga iskama fanineeno ee qofwaliba waxa uu wadanka u qabtay waa in lagu amaana

  7. khadija says:

    asc wr wbr waxaan meeshan uga hambalyeeynaya madaxweynaha raisulwasaraha gudomiyaha barlamaanka wasiiraka gaashadhiga wasiirada arimaha dibada waa dad ku dayasho mudan baal dahab ah ayaad ka galaysaan taariikhda horay u socda maasha allaah garabkiina allaah ha galo dadaalka aad wadan waad ku guuleeysanaysan insha allaah somali ha israacdo ha noolaato cadawgeedana cagta ka hoos




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Shabaab

Ciidamada Booliska Dalka Kenya oo Magacaabay Labo Horjooge oo Ka Tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab

Ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa shacabka ka ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/12/WARKA-HABEEN-18.12.2014.mp3"][/audio]
20141218635544929392324458P1140054

Madaxweynaha Dalka Oo Kismaayo Kaga Qeyb Galay Xaflad Lagu Sagootinayay Ciidamada Seirra Leone Ee Ka Tagaya Soomaaliya “Sawirro”

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo ...
africa

Midowga Africa oo soo dhaweeyay Ra’isulwasaaraha magacaaban ee Soomaaliya

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan ...
pic5

Wasaaradda Cadaaladda oo qabatay doorka dhaqanku ku yeelan karaan u kala garsoorka bulshada ”SAWIRO”

Kulankaa oo ay kasoo qeybgalay odayaal dhaqameed ayaa ...
Gas gas

Siihayaha taliyaha Booliska oo xariga ka jaray rugo cusub oo ay leeyihiin ciidanka Booliska

Siihayaha taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cusmaan Cumar Wehliye ...
badda

Sanad guurada Koobaad ee aas’aaska hay’adda cilmi baarista & badaha Soomaaliya oo maanta loo dabaal degay

Munaasabadan oo lagu weyneynayay sanad guuradii Koobaad ee ...
7

“Daawo Sawirro”Heshiis beelo walaalo ah lagu dhex dhigay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug

Kulankan oo geba-gaba u ahaa shirar maalmahan dambe ...
Wasiirka dhalinyarada mudane Khaalid Cumar Cali

wasaaradda dhalinyarada oo maanta daah furtay mashruuc shaqo abuur u ah dhalinta Soomaaliyeed

Munaasabadani lagu daafurayey   wajiga  3aad   ee  barnaamijka  isbadalka    ...
04

Sii hayaha wasiirka Maaliyadda oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay waxqabadka wasaaradaasi

Sii hayaha xilka wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane ...
ccr

R/wasaaraha magacaaban oo balan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh

R/wasaaraha magacaaban Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/12/WAR-SUBAX-18-12-2014.mp3"][/audio]
xasan sheekh

Madaxweynaha J. F. S. oo saaka u ambabaxay magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
MUUNGAAB

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo shacabka soomaliyeed oo dhaweeyey Magacaabista Raisul wasaaraha Cusub

War qoraal ah oo kasoo xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ...
unnamed

Qaxooti Soomali ay ku jiraan oo ku Hor banaabaxay Xarunta Dowladda Holland ee Heeg.+Sawirro

Qaxootiga ku nool wadanka Hollan ee Banaaka La ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/12/WAR-HABEEN-17.12.2014.mp3"][/audio]
IB0A5460

Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid Oo Sheegay In Uu Soo Dhisayo Xukuumad Tayo Leh

Ra'isul wasaaraha cusub ee uu goor dhow magacaabay ...
punt

Maamulka Puntaland oo Soo Dhaweeyay Magacaabista Ra’isul Wasaaraha Cusub

War qoraal ah oo ka soo baxay maamul ...
IB0A5462

Madaxweyne Xasan oo Ra’iisul wasaare u magacaabay Cumar Cabdirashiid “Sawirro”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan ...
Kulanka Baarlamaanka Maanta (15)

Baarlamaanka oo soo gabo gabeeyay akhrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka guddiga xuduudaha

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee ...
astaanta_qaranka11 ok

Qaban qaabada magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub oo ka socoto xarunta Madaxtooyada

Munaasabad lagu magacaabayo Ra’iisul wasaaraha cusub oo ay ...
SIMAD

Arday dhigata Jaamacadda SIMAD oo soo bandhigay sida lagu nooleyn karo Afka Hooyo

Ardada dhigata fasalka BPA06 ee Jamacadda SIMAD oo ...
galgaduud

Guddiga Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo hogaan doortay

Guddiga Maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/12/WARKA-DUHUR-17.12.2014.mp3"][/audio]
wasiir qoorsheel

Siihayaha Wasiirka Duulista Hawada oo ka hadlay Maamulidda hawada Soomaaliya

Siihayaha Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya mudane ...
caabudwaaq

Beelo heshiis ku kala saxiixday waqooyiga Gobolka Galgaduud

Kulan lagu soo afmeerayay xiisado colaadeed oo in ...
DSCF2032

Waddada Hanti Wadaag ee degmada Warta Nabadda oo dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho mudane Xasan ...
tababar_5 (1)

33 Sargaal oo Tababar loo soo xiray

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa maanta ...
Howlgal Dayniile 5

Ciidanka XDS oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka wada deegaanno ka tirsan degmada Xudur

Ciidamada XDS ayaa howlgallo ka wada deegaano ka ...
unnamed

Wasiirrada Warfaafinta Kuwait iyo Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Kuwait(Sawirro)

Kuwait, 17 December 2014 – Siihayaha  Wasiirka Warfaafinta ...
Cirfo

“Cirfo” oo sheegay in Shabaab laga sifeeyn doono dhawaan gobolka Galgaduud

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye “Cirfo” ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/12/WAR-SUBAX-17-12-2014.mp3"][/audio]

Tubta Toosan

dagaal

Ma bannaantahay in lala dagaallamo dowladaha? Dhageyso

Dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay ...
download

Akhlaaqda Dagaalka iyo aragtida Islaamka Dhageyso

Toddobaadyadii  la soo dhaafay  maleeshiyada Alshabaab waxa ay ...

Naxariista iyo Fudeydka Islaamka-DHAGAYSO

Diinteenna Suubban ee Islaamku waa diin naxariiseed, waxayna ...