Tuesday, September 30th, 2014

Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Xiriirka Caalamiga ee Japan (JICA) Iyo Mas’uliyiin Ka Tirsan Midowga Yurub.”Sawirro”

Published on June 2, 2013 by   ·   5 Comments  ·   5,612 views

Yokohama, 02 June 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan  Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Akihiko TANAKA oo ahGuddoomiyaha Hay’ada Xiriirka Caalamiga ee Japan (Japan Internatioanal Cooperation Agency (JICA)). Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ee ahaa in Soomaaliya si toos ah kaalmada Japan loo siinayo Dowladda iyo mashaariicda horumarineed ee Somalia u baahantahay.

Mr Tanaka ayaa marka hore uga mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya booqadiisha dalka Japan iyo ka qeybgalka shirka TICAD V oo maalmahan ka socda magaalada Yokohama ee Japan iyo horumarka Somalia ay maanta ka gaartay dhanka siyaasadda amniga iyo xasilinta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna sidoo kale u mahadceliyey marti-gelinta Japan ay u fidisay iyo hoggaanka saliimka ah ee ay ka qaadatay arrimaha Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale uga mahadceliyey dowladda Japan gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Abe go’aankiisa ahaa in xiriirka Japan iyo Soomaaliya dib loo soo nooleeyey oo Japan ay si toos ah ula mucaamileyso Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa warbixin kooban siiyey Guddoomiyaha JICA ee ku wajahan xaaladda dalka gaar ahaan mashaariicda shacabka Soomaaliyeed ay sida deg-dega ah ugu baahanyihiin si horumarka ka bilowday Soomaaliya loo sii ambaqaado. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin tababaro xirfadooda shaqo siyaadisa isla markaana nolol u abuurta iyo mashaariicda dib u dhiska oo iyagana shaqo abuuris u sameyn kara shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha JICA ayaa ballanqaaday in iskaashi toos ah oo xagga mashaariicda ay la sameynayaa dowladda Federaalka Soomaaliyeed, in tababaro shaqaalaha dowladda ee dhanka maamulka iyo maareynta la siin doono, in dhismaha macadyada tababarka farsamada la hirgelin doono iyo in dib u dhismaha iskuulada, Isbitaalada, waddooyinka iyo kanaalada beeraha intaba laga hirgelin doono Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale maanta kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweynaha South Afrika oo uu kala hadlay xiriirka labada dal, iyo sidii Soomaalida degen South Africa ay ammaankooda loo kafaalo qaadi lahaa.

Madaxweynahu waxuu kaloo la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Midowga Yurub oo uu kala hadlay Shirka Brussels ka dhici doono 16ka September 2013. Sidoo kale Mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha Japan ayuu madaxweynahu la kulmay.

A TANAKA

A TANAKA1

Akihiko TANAKA

IMG_9048

IMG_9049

IMG_9052

IMG_9062

IMG_9065

IMG_9071

IMG_9073

IMG_9077

IMG_9079

IMG_9090

IMG_9092

IMG_9098

IMG_9105

IMG_9116IMG_9127

IMG_9128

Readers Comments (5)

  1. Xasan says:

    Madxweyna noolaaw waa kii umad uhor seedi lahaay barwaaqo guuleyso madax weyne

  2. wadanjaceel says:

    madaxweyneheyniyoow guusha allaha kuu badiyo wixii wanaagga iyo horumarka kasoo horjeedana allaha soo hanuuniyo. aamiin

  3. Dayran Omar says:

    Waa guul iyo horumar

  4. dadka nolol uraadi madaxweyne anana waan kula shaqeynaynaa waa balan

  5. mohamed yare says:

    ilaahey haku dhowro




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyarada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Somali-National-Army-1

Ciidammada Xoogga oo kaabiga ku haya Baraawe

Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan ciidammada ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WARKA-HABEEN-30.9.2014.mp3"][/audio]
DSC03935

Ra’iisul Wasaaraha oo soo xiray shirka New Deal (Sawirro)

Muqdisho, 30, September, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
1

“Sawirro”Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo u amba baxay dalka Sucuudiga

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ...
Luuq dagaal

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Raage Ceelle

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Nabad Ilaalinta ...
Agoonta Gaalkacyo 5

Deeq Lacageed oo la gaarsiiyay Agoon ku nool Gaalkacyo “SAWIRRO”

Deeqdaan lacageed oo aheyd mid ay soo dhiibeen ...
Wasiir ku-xigenka iyo Safiirka Turkiga Olgan Bekar

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

[caption id="attachment_207430" align="aligncenter" width="360"] Wasiir ku-xigenka Arrimaha dibadda ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/War-Duhur-30.09.2014.mp3"][/audio]
w_muqdisho_5

Hirgelinta nidaamka Federaalka oo maanta laga hadlay

Shirka looga hadlayo kobcinta tacliinta sare ee dalka ...
cabdiweli1

R/ wasaare Cabdiweli: “Dowladda Switzerland waxay naga caawineysaa Nidaamka Federaalka”"DAAWO VEDIO”

Wefdigan uu la kulmay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, mudane ...
j7

Boqortooyada Sacuudiga oo Soomaaliya ka caawin doonto arrimaha garsoorka “SAWIRRO”

Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya ...
Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax (Sawir hore)

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo deeq raashin ah ka guddoomay hay’adda bisha cas ee Turkiga”DAAWO VEDIO”

[caption id="attachment_172844" align="aligncenter" width="640"] Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdullaahi ...
Qarax

Mowqifka Islaamka & Is-miidaaminta

  In qofku gooyo naftiisa waa dambi aad u ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subaxnimo

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-SUBAX-30-9-2014.mp3"][/audio]
New Deal

Shirka looga hadlayo hirgalinta New Deal oo maanta la soo gabagabeynayo

Maanta ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo ...
howlgal-ciidamada-xds-515x343

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo ku dhow degmada Cadale

Ciidamada ammaanka iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ...
IMG_4315

Madaxweynaha oo la kulmay maamulka iyo shaqaalaha gobolka Banaadir-”DAAWO VEDIO + SAWIRRO, DHAGEYSO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan ...
Magaalada-Beledweyne1-300x233

Sheekh Caan ah oo lagu dilay Beledweyne

Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Beledweyne ku toogtay ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
gaafow

Soomaali Si Qasab Ah Looga Soo Tarxiilay Norway Oo Dib Loo Celiyay

Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maanta muwaadiniin ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-HABEEN-29.09.2014.mp3"][/audio]
Sawirka Gudoomiye Jawaari

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Oo Kulan La Qaatay Safiirada Turkiga Iyo Q.M Ee Soomaaliya

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WARKA-DUHUR-29.9.2014.mp3"][/audio]
Al-Shabaab-Somali-Islamist-Group

Khilaafka iyo kala qeyb sanaanta Shabaab oo sii xoogeystay “DAAWO Warbixinta”

Khilaaf iyo kala qeyb sanaan hor leh ayaa ...
ridwan

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo furay shir looga hadlayo kobcinta tacliinta sare

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ...
DSC03602

Shirka Hiigsiga cusub oo looga hadlay xalinta caqabadaha jira “SAWIRRO”

Shirka hiigsiga cusub oo galay maalintii labaad ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-SUBAX-29-9-2014.mp3"][/audio]
baydhabo

Dib u dayactir lagu sameeynayo waddooyinka Baydhabo

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda mashruuc dib ...
ciyaar jecel

Abwaan Cabdi Shire “Cayaarjecel” oo Ummadda ku booriyay iney is gargaaraan

Abwaanka Soomaaliyeed ee Cabdi Shire Jaamac “Cayaar jecel” ...
Bisha Cas Turki (6)(1)

Dowlada Turkiga oo kaalmo bini’aadanimo soo gaarsiisay dalka (Daawo Sawirrada)

Dowlada Turkiga  oo ka jawaabeysa baaqa dowladda federaalka ...
DSCN0866

Ra’isulwasaaraha Oo Guddiga Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Uga Jawaabay Su’aallo La Xiriira Dekedda Muqdisho “SAWIRRO”

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
muqdisho_1

Akhriso: Daraasad ku saabsan amniga iyo garsoorka oo la soo bandhigay

Munaasabadan lagu soo badhigayay warbixin qiimeyn u ah ...

Tubta Toosan

Qarax

Mowqifka Islaamka & Is-miidaaminta

  In qofku gooyo naftiisa waa dambi aad u ...
Nabad

Samaanta Nabadda & Xumaanta Colaadda Dhageyso

  Sida Shucuubta kale ee dunida ayay Shacabka Soomaaliyeed ...
Sheekh Nuur Baaruud

Sheekh Nuur Baaruud: Xamaasad iyo Jaahilnimo diineed ayay ku sifoobeen Al-Shabaab

Guddoomiye ku-xigeenka Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ahna afhayeenka hay'adda ...