Saturday, July 12th, 2014

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Soomaaliya oo soo Xiray Shirweynihii Qaran ee Tayeeynta Waxbarashada Dalka

Published on June 20, 2013 by   ·   11 Comments  ·   10,466 views

Shirweynihii heerka qaran ee looga hadlayay tayeeynta waxbarashada dalka ayaa maanta si rasmi ah loogu soo gabagebeeytay Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho,iyadoo uu soo xiray Shirkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane.Xasan Shiikh Maxamuud.

Xeritaanka Shirweynahan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda,Wakiillo ka socday ha’yadaha waxbarashada dalka,Aqoonyahanno,qurbajoog iyo marti sharaf kale.

Ka qeybgaleyaasha Shirweynahaa qaran ee tayeeynta waxbarashada dalka ayaa sadexdii maalmood ee la soo dhaafay ka doodayay horumarinta iyo tayeenta waxbarashada dalkena soomaaliya, ayaa si wadajir ah isugu raacay  Qodobbo  muhiim ah oo ay soo jeediyeen ilaa shan guddi oo ay sameysteen Ergada Shirka  waxaana ugu muhiimsan in la sameeyo jaamacaddii Ummadda soomaaliyeed iyo in waxbarasho bilaash ah oo ilaa dugsiga sare ah ay helaan muwaadiniinta soomaaliyeed ,lana helo manhaj qaran oo mideysan sida uu sheegay Maxamed Diini oo kamid ah Aqonyahannadii lagu casuumay shirka.

Sidoo kale wasiirka horumarinta iyo adeegga Bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed oo ka hadashay munaasabadda xeritaanka shirweynaha qaran ayaa xustay in Guddi ay u xil saareyso Wasaaraddeeda dabagalka iyo dhaqan gelinta  warmurtiyeedkii ay soo saareen  Ergada ka kala timid gudaha iyo dibadda dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federraalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay Munaasabadda xeritaanka shirweynaha qaran ee tayeeynta waxbarashada dalkeena ayaa uga mahadceliyay ergada shirka doorka ay ka qaateen in la tayeeyo waxbarashada dalka si ay mustaqbal wanaagsan u helaan caruurta iyo dhallinyarada soomalaiyeed waxa uuna madaxweynuhu ka codsaday qeybaha bulshada inay gacan ka geystaan sidii ay xarumaha waxbarashada ugu dhisan lahaayeen si iskaa wax u qabso ah madaama tacliintu tahay waxa kaliya ee lagu horumarin karo dalka iyo dadka.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Oo khudbaddiisa ku soo hadal qaaday weerarkii shalay ay Al-shabab ka geysteen Xarunta UNDP ayaa tilmaamay in fariinta ay direysay  kooxda shabaab ay tahay  inay hay’adaha Q.M qalqal geliyaan si aysan uga shaqeynin gudaha  Soomaaliya hase yeeshee ay Madaxda UN-ka u xaqiijiyeen Dowladda in aysan weerarkaasi saameeyn doonin howlaha ay u joogaan Dalka soomaaliya.

Shirweynahan Heerka qaran ee looga hadlayay dib u qaabeynta waxbarashada dalka ayaa ahaa mid ku yimid fikirka wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada oo ay fududeynayeen xafiisyada UNESCO iyo UNICE kuwaasoo qaramada midoobay u qaabsan arrimaha waxbarashada iyo daryeelka caruurta waxaana lagu casuumay shirkaan in ka badan 200 qof oo ka kala timid gudaha iyo dibadda dalka kuwaasoo si weyn u muujiyay sida ay u taageersanyihiin  warmurtiyeedkii kasoo baxay shirweynaha.

DSC03876

IMG_0505

DSC03893

IMG_0540

IMG_0557

DSC03839

DSC03897

DSC03892

DSC03851

DSC03898

IMG_0609

IMG_0628

IMG_0635

IMG_0676

IMG_0679

IMG_0733

IMG_0739

IMG_0755

IMG_0770

IMG_0773

DSC03959

IMG_0744

IMG_0747

IMG_0802

IMG_0836

IMG_0872Photoby:-Maxamed C/Qaadir Daahir (MCD)

 

Readers Comments (11)

  1. A. Abanur says:

    ASCWW,

    HAMBALYO…..HAMBALYO…..HAMBALYO, ayaan leeyahay Dowladda, ummadda Soomaaliyeed waxaan u rajeynayaa GUUL, ilaahay idinkiis.

  2. abdullahi hassan says:

    aad baan ugu hambalyaynayaa wasaaradda adeegga bulshada oo runtii ah wasaaradda keliya ee ka dhex muuqatay dawladda hadda joogta gabadha drs maryama qaasim allah ha xifdiyo aad bay u daddalaysaa oo qof islaannimo iyo damiir waddaninnimo ka muuqato laakiin shaki waxaan ka qabaa dadka la shaqaynaya in aanay ahayn dadkii saxda ahaa,qaabka ay u wajahday waxbarashada dalkana aad baa loogu diirsaday,mar ay london timid oo dood ay ka qayb gashay quluubta shacabka qurbaha aad bay u soo jiidatay,waxaan u qiraynaa inay tahay qof masuuliyaddeeddi gudanaysa.wax barasha dalka ma unesco iyo hayadaha gaalada ayaan uga dambaynaa mise innaga ayaa barnaamijkeenna wax barashada isku dubba ridan karna?waxaan aammin sanahay inaan leenahay aqoonteeda iyo tababarkeeda aan isku dayo haddii wax si innaga noqdaanna aan caalamka la kaashanno,balse horta innagu aan manhajkeenna ka adkaanno.wasaaraddana waxaan kula talin lahaa inay raadiso macallimiintii hore ee jaamacadaha soomaaliya ka baxay oo adduunyada ku firidhsan inay dawladdu casuumaad u fidiso oo dib isugu yeerto macallimiintaas wax weyn baa ka soo baxaya taladooda iyo aqoontooda.

  3. kooysto says:

    masha allah aadbaan ugu faraxsanahy in dalka waxbarashadiisa la hormatiyo waxaa ku mhadsan DRs maryan qaasim

  4. Abadalle says:

    mashallah madaxweyne allaha ku dhowro

  5. mohamed says:

    Mashaaa allaah Hambalyo Drs Maryam Qaasim allaha ku dhowro

    Madaxda Dalka Waxaan ka codsanaa iney u dhafaan Wasiirka Waxbarashada Drs waxay bilowdey wax aysan qaban ragii ka horeyey

    fadlan hore usii wad madaxda waxaan leyahay isku shandheyta aad sameyneysaan u daaaya waxbarashada

  6. bashka says:

    wlh ad baan ugu mahad celinayaa wasiirada waxaa xusi doonta tariiqda waxee qabatahay waaxeey u qabatay dadakeeda ilahay haku dhooro waxaan ku farax sanahay qof asturan ala kacabsi leh inee tahay thanks mar labaad

  7. A.A.A says:

    Maasha allaah , Waa Guul ilaah na siiyay iyo dawladii ku dadaashay, Dhamaan Guul ayaan idiin rajeynaya. iyo Waxbarashada oo horumar laga gaaro, insha alah , wasiirada Drs Mariyam Qaasim in aad ku guuleesatid horumarka aad ka shaqeeysay dhinaca bulshada iyo waxbarashada.

  8. a/rizak says:

    runtii waa arin aad ii farax gelisay waxa ogaatiin DAL DADKIISAA DHISA waayo hadeynaan wax isu qaban yaa wax noo qabanayo? marka labaad waxaan halkan hambalyo uga dirayaa DRs MARYAN QAASIM runtii maamadaas waxay waqtigeeda u hurtay dadkeeda iyo dalkeeda waayo qof ku dayasho mudan leh aqoon maadi iyo diinaba maida sedexaad waxaa dhiira gelin halkan uga diraya dadka ka hoos shaqeeya wasaradaan inay u kacaan daacadnimo wadaninmo

  9. Samodoon says:

    Hambalyo Drs Maryan iyo kooxdeedaba. Madaxweynaha oo ka yimid bahda Waxbarashada waxaan kula talinaa inuu sii wado wada tashiga bah kasta, sida hadaba Cadaaladda iyo Waxbarashada loogu billaabay.

    Intaa kadib, qaabka sugidda Nabadgelyada Muqdisho wax ha laga beddelo. Waad Mahadsan tihiin Mudanayaal.

  10. wadani says:

    maasha alaah……….radio muqdisho aawaye heesahii wadanuga ahaa ee aad ku soo lifaaqi jirteen sawirada? tv gana waa ku yaryahiin heesaha wadanigaa…please dadka qalbigaa abaaroobay ee sifeeya qolbiga.thanks ,thanks thanks shaqaalaha qaranka.

  11. masha allah wadankee
    muqdisho cadeey




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Tartan Cilmiyeedka

Guuleystayaashii ugu dambeeyay ee Tartan Cilmiyeedka sanadkii tegay oo caawa laga adkaaday

Tartamayaasha degmooyinka Dayniile VS Dharkeenleey oo ka wada ...
tgy

Ambassador Cali Ameriko oo Deeq Lacageed Gudoonsiiyay Muxiyidiin Canbar Khamiis “SAWIRRO”

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WAR-HABEEN-11.07.2014.mp3"][/audio]
1

Olole wax lagu barayo dadka miyiga oo ka socda deegaano ka tirsan Ximan iyo Xeeb “SAWIRRO”

Ololaha akhris iyo qoris la'aanta looga hortagayo ee ...
dhuusamareeb

Maamulka Degmada Dhuusamareeb oo amar adag ka soo saaray gaadiidka Muraayadaha madow

Mas’uuliyiinta degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa amarro ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-DUHUR-11.07.2014.mp3"][/audio]
vlcsnap-2014-07-11-15h31m04s209

Qoysas barakacayaal ah oo la sameeyay adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah

In ka badan 200 oo qoys barakacayaal ah ...
Taraafiko

Taliska Ciidanka Waddooyinka oo baaq u jeediyay ganacsatada gaadiidka iibisa

Taliska ciidamada nabad gelyada wadooyinka ee Taraafikada  ayaa  ...
IGAD_logo1-300x3001

Urur Goboleedka IGAD oo hay’adaha ammaanka dalka ku amaanay ka hortagga falalka argagixiso

Urur goboleedka IGAD ayaa bayaan ay soo saareen ...
DSC08520

Sh. Cismaan Xiddig Oo Dalbaday In Laga Caawiyo Dhameystirka Masjidka Macaarif (Sawirro+Video)

Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud oo ka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Go’aan Ka Gaarista Cidda Qaadankarta Basaporka Soomaaliga

Barnaamijka kulanka todobaadka oo ka baxa Radio Muqdisho ...
dani

Wasiirka Qorsheynta “Waxan Rajeynaya Inan Bil Gudaheed Ku Soo Bandhigidoono Tirakoob Hordhac Ah”

Wasaaradda Qordheeynta iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa sheegtay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-SUBAX-11.7.2014.mp3"][/audio]
Tartan Cilmiyeedka

Tartamayaasha Degmada Galdogob oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “Dhageyso”

Tartamayaasha degmooyinka Galdogob VS Guriceel oo ka kala ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-HABEEN-10.07.2014.mp3"][/audio]
unnamed

Golaha Wasiiradda oo isku raacay in Wasaaradda Arrimaha Dibadu go’aan ka gaarto cida qaadanaysa Basaboorka diblomaasiga

Muqdisho, July, 10, 2014....Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ...
gobolka

Maamulka G/Banadir iyo Shirkadaha ka shaqeeya Nafaada oo shir yeeshay

Muqdisho July 10, 2014-Waxa maanta shir ku yeeshay ...
marwo sahro

Marwada madaxweynaha oo deeq lacageed gaarsiisay arday lixaadkiisa ku waayay qaraxii sayidka

Marwada madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Sahro Cumar Xassan ayaa ...
jowhar

Saraakiisha Ciidanka Boliiska G/Sh/Dhexe Oo Sheegay inuu Isbedelay Amaanka Gobolka

Taliyaha qeybta booliiska ee gobolka Sh/Dhexe Qaliif C/lle ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WAR-SUBAX-10-7-2014.mp3"][/audio]
IMG_1668-450x300

Allaha U Naxariistee Marxuum Axmed Sh. Jaamac Oo Lagu Aasay Garowe (Sawirro)

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku geeriyooday wasiirkii hore ...
Tartan Cilmiyeedka

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer oo si dirqi ah looga badiyay

Tartamayaasha degmooyinka Ceeldheer VS Waaberi oo ka kala ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-HABEEN-09.07.2014.mp3"][/audio]
astaanta.qaranka-300x228

Xukuumadda Soomaaliya oo 24 saac isbaddello waa weyn ku sameysay

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabeysa rabbitaanka shacabka ...
war-deg-deg-ah1-150x15011421

War Deg Deg ah C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo loo magcaabay agaasimaha hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ...
TubtaToosan Logo

Ramadaanku waa Fursad Cibaado iyo Towbad Keen-DHAGEYSO

Waxaan ku jirnaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo ...
astaanta_qaranka11 ok

Akhriso:- Fursado Shaqo oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka

JAGADA 1aad: ISKU-DUWAHA QARANKA EE DHANKA HESHIISKA XUQUUQDA ...
IMG_1430

Telefishin cusub oo uu yeelanayo Maamulka Puntland oo la hirgeliyay “SAWIRRO”

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-DUHUR-09.07.2014.mp3"][/audio]
astaanta_qaranka11 ok

Gudiyada Golaha Wasiirada ee u xilsaaran Amniga iyo Siyaasadda oo kulan deg deg ah yeeshay

Gudiyada golaha Wasiirada ee u xilsaaran amniga iyo ...
Wasiirka Warfaafinta

Wasiirka Amniga oo la magacaabay, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-Sugidda oo Xilalkii Laga Qaaday

Muqdisho, 09 July 2014, Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa ...
Tartan Cilmiyeedka

Tartamayaasha Degmada Garoowe oo xalay laga reebay tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan “Dhageyso”

Tartan CilmiyeedkaTartamayaasha degmooyinka Garoowe VS Heliwaa oo ka ...

Tubta Toosan

TubtaToosan Logo

Ramadaanku waa Fursad Cibaado iyo Towbad Keen-DHAGEYSO

Waxaan ku jirnaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo ...
July

Islaamka iyo Waddaniyadda

Iyadoo loo dabbaaldegayo maalintii xorriyadda iyo Qarannimada Soomaaliya, ...
qarax-miino

AKhlaaqda Dagaalka iyo Diinta Islaamka

Diinteenna Islaamku waxay diiradda saartay nabadda, Erayga Islaam ...