Saturday, May 25th, 2013

Madaxweynaha oo xalay kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London “sawirro”

Published on February 3, 2013 by   ·   8 Comments  ·   3,989 views

Munaasabadan balaaran oo ay xalay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London u qabteen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ujeedadeedu waxa ay aheyd in ay kusoo dhaweeyeen Madaxweynahooda islamarkaana ay kala hadlaan xaalada wadanka uu Marayo iyo kaalinta ay ka qaadan karaan dadka Soomaaliyeed ee kunool Dibadaha gaar ahaan wadanka Ingiriiska.

Waxa kasoo qeybgalay xafladii xalay madaxweyne Xassan Sheekh, xubnaha wafdiga lasocday oo ay kamid yihiin Ra’isul wasaare kuxigeen ahna wsiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiiru dowlaha  Madaxtooyada, Saraakiil kasocotay xafiiska madaxweynaha iyo dad Soomaaliyeed oo aad u Farabadan islamarkaana isaga kala yimid magaalooyinka dalkaasi.

Qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ka hadlay munaasabada soo Dhaweynta aheyd oo ay ugu talagaleen madaxweynaha iyo wafdigiisa Waxayna bogaadiyeen horumarada ay dowladu ku talaabsatay iyo dadaalka ay madaxda Qaranku ugu jiraan soo nooleynta xiriirka caalamka iyo Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Ah ee Soomaaliya ayaa khudbad dheer oo uu uga hadlaayo xaalada dalka u Jeediyay dadka Soomaaliyeed ee soo dhaweynta u sameeyay waxa uuna ugu Horeyn uga mahadceliyay jaaliyadda  soodhaweynta ay u sameeyeen isagoo Warbixin kooban kasiiyay xaalada dalku uu xiligan marayo iyo isbedelka ay ka Sameysay dowlada cusub ee uu hogaaminayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa kusoo hadal Qaaday aqoonsiga dowladaha caalamka ee Soomaaliya iyo xiriirka cusub oo uu dalku layeeshay caalamka ayaa waxa uu tilmaamay in aqoonsiga dowladu ay guul u tahay guud ahaan Soomaaliya wanaag walba oo laga dhaxlana ay Qeybsan doonaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii ayuu madaxweynuhu khudbadii uu xalay u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyed ee ku nool dalka Ingiriiska waxa uu uga hadlay imkaaniyaadka ay dowladu u baahantahay iyo kaalinta ay dadka qurbajoogta ah ka qaadan karaan waxa uuna ugu baaqay in ay kaalin muuqata ka qaataan horumarka Wadanka iyo kharashaadka loo baahdo.

Madaxweynaha jamhuuriyada ayaa socdaal ku marayo dalal katirsan Yurub  Ujeedadiisuna waxa ay tahay inuu dib usoo nooleeyo xiriir cusub oo ay Dowladaha caalamku layeesheen dowlada iyo dalka Soomaaliyeed iyadoo Madaxweynaha iyo wafdigiisa wadan kasta oo ay tagaan islamarkaana Soomaali ku nooshahay loogu sameynayo xaflado soo dhaweyn iyo is wareysi ah.

DSC_0384

DSC_0455

DSC_0473

DSC_0551 copy

DSC_0564

DSC_0564rr

 

Readers Comments (8)

  1. jamal007 says:

    Madaxwayaha wa ku amaanaya kula madaan noocaan oo kale u jaaliyadaha la qaadanayo waxaan ka mid ahaa dadweynihi toos ugula socday tvka qaranka xafladii xalay ee London qudbad qiimi iyo qaayo leh ayuu madaxwyne xasan shiikh umada u jeediyay

  2. Aad ayaan ugufaraxsanahay xafalada kulanka madaxwaynaha xalay kulayeshay jaliyada reer landon.uk

  3. waan salamay dadka somaliyeed oo dhan waad salamatahiin walalayal u so noqada daadkini iyo dalkiini waana mahadsan tahiin

  4. hadii idiin wadnkeena iidin hormarin walee wax badan iin aad taganaysa wadan qurbaa

  5. ahmedka says:

    maashaa allah waa wax aad loogu farxo madaxweyne xasan in uu booqdo shacabkiisa ku dhaqan london waxaa u rajeynaa dowlada somalia iyo shacabkaba qeyr fara badan insha allah allllooooooow nabad nagu dar yeeeel aaaaaamiiiiiiiiiiiin

  6. midnimo iyo wadajir says:

    guul madaxweynaha soomaali xasan sheq alaha kula jiro xilka aad hayso aad u hayso shacabka soomaaliyed ilahay hakula garab galo amin yaarabi wabilaahi toowfiiq

  7. Ciise Nuur Guuleed Ridil says:

    Dadaalka wadaniyada kudheehan ee Diblumaasiyadeed ee uu wado madaxweynaha Jamhuuriyada Sedexaad ee Federaalka Soomaaliya Alsayid Xasan Sheeq Maxamuud waa Dadaal loo baahan yahay in Bulshada Soomaaliyeed ay soo dhaweeyaan maadaama Soomaaliya oo mudo 21 Sano ah aanay lahay Xukuumad dhaxe balse haatan ay yeelatay Dowlad Balaaran .

    Dadka Soomaaliyeed oo ay aafeeyeen Dagaalo sokeeye iyo qax tan iyo Markii ay burburtay Xukuumadii Soomaaliya ee Milatariga uu hogaaminayay madaxweynana uu ka ahaa Allaha u naxariiste Sareeyegaas Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

    hadaba si looga gudbo qalalaasahii iyo qaxii geeyey Bulshada soomaaliyeed inay Qaxootinimo ugu cararaan Wadamada hore u maray waa inay ka qayb qaataan dib udhiska dalka maalgashina ay kusameeystaan iyaga oo uga faaiideynayo waxii ay soo barteen intay qurbaha ku noolaayeen taageerana ay siiyan dowlada si amaanka oo ah qodobka ugu horeeyo ee Dowladu wax ka qabaneyso
    Dowlada Soomaaliyeed oo aqoonsi Caalamiya ka heshay Dowlada Mareeykanka ayaa la Filayaa Mr Devid Camiron Raysal Wasaaraha United Kingadom ama UK ay siiiso Dalka Soomaaliya oo Burbur laxaadleh uu aafeeyey Haatan Dagaal kula jirto Argagaxiso Caalamiyah Qatarna ku ah Danaha Wadamada Hore umaray ee Geeska afrika iyo afrikaba Waa Ururweynaha argagaxisada ee Alqaacida Faraceeda Soomaaliya oo dagaalo badan oo Dowlada federaalka Soomaaliya ay la gashay iyo Dowladahii KMG ee ka horeeyey keenay inay u firxadaan kuwaas oo intooda badan u gudbay maamulgoboleedyada Soomaaliland iyo Butland ee Soomaaliya lagana baqanayo in wadamada deriska ay u baqdaan

  8. saraaya says:

    Bismillaahi Raxmaani Raxiim, waxaan Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud Rabbiga Cazza Wa jallah kaaga baryaa inuu ku siiyo cimri dheer oo cibaada suuban fahmo iyo fayoobi adduunyo raaxo aakhirana Jannatul Fardowsa Insha Allaah fool ku guulle Allaha kaa dhigo> Aammiin>




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
DSC01270

DAAWO SAWIRRADA:- Deeq Raashiin ah oo loo qeybiyay shacabka ku dhaqan degaano ka tirsan G/sh/hoose

Akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 25 05 2013
DSC02530

DAAWO SAWIRRADA:- Xuska sanad guurada 50 ee aas-aaska midowga Africa

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
Uhuru-kenyatta

Madaxweynaha Kenya oo sheegay in dowladiisa ay taageeri doonto maamul u sameynta jubbooyinka.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhura Kenyata ayaa sheegay in ...
igad

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirkii urur goboleedka IGAD ee lagu soo gaba-gabeeyay Addis

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya  mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa ...
Kismaayo

Odayaasha ku dhaqan Kismaayo oo soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii urur goboleedka IGAD

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Kismaayo ...
astaanta-warka1

Dhageeyso warka duhurnimo ee radio muqdisho

War Duhur 25-05-2013
Safiirka

Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo Qabanqaabo ugu Jirta Xuska Maalinta Afrika ee African Day

Waxaa ka socda caasimada dalka Kuwait qabanqaabada loogu ...
astaanta_qaranka13

Tababar maanta loo furay shaqaalaha wasaarada arrimaha gudaha iyo aminga qaranka.

Wasaarada arrimaga gudaha iyo amaanka qaranka ayaa maanta ...
janaale

Hay,adda maareeynta masiibooyinka qaranka oo deeq raashin ah maanta gaarsiisay janaale.

Hay,adda maaeaynta  musiibooyinka  qaranka  ayaa maanta deeq raashin ...
simad

Bandhig dhaqameed todobaad socon doono oo maanta ka furmay jaamacada SIMAD.

Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, Raashinka ay Soomaalidu dhaqanka ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX I 25 05 13
Bilicda Magaalo Xeebeedka Boosaaso (45)

Magaalada Boosaaso oo xilligan ay dadku ka xagaa baxayaan

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ...
DSC01079

Deeq xoola ah oo loo qeybiyay dad ku xoola beelay abaartii ugu dambeeysay ee dalka ka dhacday.”sawirro”

Dadka xoolo dhaqatada ah ee  ku nool deegaanno ...
sweeden

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm oo xalay dhigay dibadbax

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm ee ...
kenya-flag

Shir Looga Hadlayo Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya Oo Dhawan Ka Furmaya Kenya.

Shir looga looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga waddankan ...
haween

Kulan looga hadlayay dhibaatooyinka soo wajaha haweenka uurka leh oo lagu qabtay dalka koonfur Africa.

Kulan looga hadlayay dhibaatooyinkna  soo wajaha haweenka soomaliyeed ...
IMG_3804

Shirkii Madaxda IGAD oo lagu heshiiyey in Dowladda Soomaaliya ay qabato shir lagu dhisayo maamulada Jubooyinka. SAWIRO

Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Astaanta_Barnaamijka_Nasashada

Dhageyso Barnaamijka Nasashada Todobaadka Radio Muqdisho

Barnaamijka Nasashada Todobaadka waa Barnaamij Todobaadle ah waxaana ...
DSC00223

Ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka wadooyinka muqdisho habeenkii oo sii kordhaya iyo ciidamada oo adkeeynaya amaanka,”sawirro”

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa laga ...
gud (5)

Gudoomiyaha gobolka Gal-gaduud oo munaasada soo dhaweyn ah loogu sameyay magaalada Juba ee wadanka Koofurta Sudan “Sawirro”

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha maamulka gobolka Gal-gaduud ...
astaanta-warka

Dhageyso warka Habeennimo ee radio muqdisho

WAR HABEEN 24.05.2013
S2170021

Wasaarada amniga Ximan iyo Xeeb oo sugaysa nabadgalyada xilliga doorashada”Sawirro”

  Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

War Duhur 24-May-2013
janaale

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Kormeeraya Degmooyin Ka Tirsan Gobolkaasi

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Bole Road Addis Ababa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Maamulkii Kismaayo Looga Dhawaaqay “Dhageyso”

Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
DSC00154

Gudoomiyaha Baarlamanka oo marti ku ahaa Barnamijka kulanka Jimcaha,Su’aallana Uga Jawaabay Shacabka Gudaha Iyo Dibadda “Dhageyso+Sawirro”

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX 24.05.2013
Obama

Madaxweyne Obaama oo sheegay in la wiiqay awoodii ururka Al qaacidda

Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
R.W Saacid

R/wasaare Saacid oo sheegay in isbedel uu ku yimid daqliga dowlada

Xukuumada Federaalka  ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Cabdi-Qeybdiid

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyay dib uga laabashada mowshinki laga keenay xukuumada

Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
xukun1

Maxkamada ciidamada ee Puntland oo xukun dil ah ku radday gacan ku dhiiglayaal

Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*