Wednesday, October 22nd, 2014

Madaxweynaha oo Muqdisho ku Qaabilay Guddiga Siyaasadda iyo Amniga Midowga Yurub“SAWIRRO”

Published on June 12, 2013 by   ·   13 Comments  ·   7,647 views

Muqdisho, 12 June 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta marti geliyey booqashadii ugu horreysey ee Safiiradda Guddiga Amniga iyo Siyaasadda ee Midowga Yurub. Guddigan oo ah kan ugu muhiimsan ee go’aan gaaridda Midowga Yurub oo ka kooban Safiiradda 27ka dal ee Midowga Yurub.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey soo dhoweynta ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan idinku soo dhoweeyo Muqdisho oo ah markii ugu horreysey taariikhda oo ay yimaadeen Safiiradda Guddiga Amniga iyo Siyaasadda ee Midowga Yurub. Ku soo dhowaada Caasimada Soomaaliya,Joogitaankiina Muqdisho ee maanta waxuu calaamad u yahay isbedel-ka dhabta ah ee jira.”

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub kaalmadooda iyo isgarab istaaga ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo caddeyneysa dadaalka EU ee ku wajahan sidii Soomaaliya ay u soo kaban laheyd.

“Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waxey uga mahadcelinayaan EU caawinadooda joogtada ah ee sanooyinkii la soo dhaafay. Dalka markii uu bilaabay soo kabashana waad kordhiseen dadaalkiina iyo kalsoonidiina dib u dhiska dalka.”

Sidoo kale Madaxweynahu waxuu uga mahadceliyey waddamada EU inay Safiiradooda u soo diraan Soomaaliya oo aan siinay aqoonsigooda iyo soo nooleynta xiriirkii diblomaasiyadeed, waxaana dhowaan rajeyneynaa in Xafiiska EU uu isna u soo guuri doono Muqdisho.

Madaxweynaha oo warbixin siiyey Guddiga EU ayaa yiri “Waxaan sanadkii la soo dhaafay ka sameynay horumar dib u habeynta hay’adaha amniga, siyaasadda iyo dib u dhiska dalka. Hase yeeshee caqabadaha badana waa jiraan. Waa shaqo si fiican u socoto oo ay weli wax badan noo dhiman yihiin.

Madaxweynaha oo ka hadlayey Shirka Soomaaliya ee ka dhacaya Brussels bisha September ayaa yiri “Aad iyo aad baan u soo dhoweyneynaa saaxiibtinimada iyo fikirka Catherina Ashton oo aan wada shir guddoomineyno shirka Soomaalida ee ka dhacaya Brussels 16ka September.

Waxaan diyaarinay guddi heer sare ah oo ka sii shaqeeya qorshaha New Deal=ka waxaana la tashan doonaa qeybaha bulshada Soomaaliyeed si aan u diyaarino dokumentiga la magac baxay COMPACT oo aan Brussels hor keeni doono. COMPACT-kan ayaa Dowladda ku soo bandhigi doontaa qorsheyaasha 3da sano soo socota ee ku wajahan siyaasadda, amniga iyo horumarka. Waxaana la kulmi doonaa Madaxda iyo Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub.”

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey Golaha Wasiiradda ee EU-ACP oo 7dii Juun 2013 u oggolaaday in Soomaaliya ay xubin ka noqoto heshiiskii Cotonou waxuuna yiri “Tani waa guul aad u weyn ee dhanka wada shaqeynteena oo Soomaaliya ay ka mid noqotay African Caribbean iyo Pacific (ACP) oo aan ka maqneyn 22sano.

– DHAMAAD –

 

DSC04675

DSC04681

DSC04682

DSC04684

DSC04685

DSC04688

DSC04692

DSC04705

DSC04704

IMG_0010

IMG_0013

IMG_0025

IMG_0026

IMG_0031

IMG_0034

IMG_0036

IMG_0042

IMG_0045

IMG_0046

IMG_0077

 

Photo By:-Maxamed Ibraahin Raage (Honest)

Readers Comments (13)

  1. waa madax daacadoo xilkooda ku gudanaysa xilkasnimo daacad ah wan ku faraxsanahay mana donayno qabiil iyo qabyalad waxii didaya danta somaliyeey hadumanano

  2. cabdi baydhabo says:

    Asc mshlh maxadweyne sheikh mahmud dalka saaskuwat Wasatch guul Galb kasto

  3. ali says:

    Soomaaliya waa dhaqaaqday dayaxa ayey hiigsaray aloow noo siyaadi yaarabi kuwa diidan nadaamka kuna qaraabto qabyaalada iyo kuwa
    qabiil goboleedka wada alow naga qabo qabiilland down viva somaliya ishii kanaxdo ha nuxuusto

  4. ali halane says:

    masha alaah madexwayna dacad ah waxa badan ayaan sugaynay madexa wayne dahi dalka iyo dadka police iyo army dhis waan ku tageersanahayay kuwa lagu adeeganaya ilahay xaqa hatuso

  5. axmed deeq says:

    maasha alaah waa guul, mudane ,madaxweyne waa dadaalesaa alle hakula garab galo waa guulesan dontaa insha alaah guuul somalia

  6. dahir says:

    waxaan ilaah ooga raynaya inuu waafajiyo dacadnimada dalak somalai oo mid ah oo aan kalago in somalia waa mid qura waa dad isku mkid ah isku diin ah isku dhaqan ah wiil iyo abtigaii seedi iyo xigaalkee marka madaxwayne waxaan kugu raacsanahay somalia oo mid ah waan kugu taageenaynah insh aallha

  7. anwar mashalaaye says:

    asc runtii waa madax wayne mudan is uu dal iyo dad hoyaamiyo waana madax weynayasha ugu fiicnaa ee dal hogaamiyo ayaa dhihi karnaa pro, xasan sh mahamuud waxaan leeyahay xukumadoo madaxda ka yahay guul iyo barwaaqo

  8. price malaq says:

    masha allah waa guul shacabka soomlaiyeed usoo hoyatey misna ay suurta geliyeen madax daacad u ah shacabkooda. hambalyo hambalyo….

  9. Ahmedkhadar Abdullahi says:

    Somalia waxay cagta saartay wadadii horumarka. Rabiyow nabada noo siyaadi, qurba joogta soomaaliyedna haka qeyb qaataan horumarka wadanka. Qabiilka wax xun ma ahan, waayo qof waliba qabiil ayu tirsadaa, ee Qabyaalada allaha naga qabto. Umadana allaha mideeyo.

  10. -marka hore waad salaman tihiin dhaman shaqaalaha radiomuqdisho salan kadib runtii madaxweyne xasan sh.maxamuud waa madaxweyne daacad ah wana madaxweyna qaran aha runtii waa wadani dhab ah mudane xasan sh. maxamuud allow kadhi kii dalkiisa iyo diintiisa difaco wana madaxweynaha kaliya tariiqda somaliya baal dahab kagali dooono mudane xasan sh. maxamuud

  11. Juba Ali says:

    asc, waa mahad ILAAHAY guusha maanta Somali gaartay. Waa Madaxweynehii ugu horeeyay oo Somali Insha Allah u horseedi doono cadaalad iyo sinaan. Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu kula garab galo wanaag aad wadid.
    Qabiil ha dhaco. Dhul ballarsi ha dhaco.
    Reer Jubaland ma dhici gartid.

  12. ismaacil Alaska says:

    masha allah, ilaah ha toosiyo intii dulmana ha taago, sharaf iyo dadnimo waa daacad, diin iyo xasuus waa allaahi maskaxda na siiyay, madax wayne toosan allah ha kaa dhigo oo dadkiisa iyo diintiisa u dagaalama, aamin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

amniga

Guddiga Amniga Oo Shir Aan Caadi Aheyn Caawa Ku Yeeshay Muqdisho+Go’aanno”

Kulan Aan Caadi aheyn oo uu shir guddoominayay R.wasaare ...
wasirka boostada

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo khudbad ka jeediyay shirka Busan, South Korea

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mduane Maxamed Aadan ...
shabaabaaa-620x3301

Shabaab oo laba nin ka afduubtay tuulada Shadoor ee Degmada Ceeldheer

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa ...
DSC07539

Wasaaradda Kalluumeysiga oo maanta soo gaba gabeysay aqoon is weydaarsi looga hadlaayay kheyraadka badda”sawiro”

Aqoon is weydaarsigan  oo lagu   baranayey  sida ugu ...
fatahaad beledweyn

Webiga Shabeele oo ku fatahay xaafaddo ka tirsan Beledweyne

Iyadoo lagu guda jiro xilliga Dayrta isla markaana ...
dalxa. uuseey

Xildhibaan Dalxa oo la kulmay Madaxda dalka Switzerland”Dhegeyso”

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha dibadda ee Barlamaanka ...
j

“Daawo “Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo fariin muhiim ah u diray bulshada Soomaaliyeed

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ...
10606257_768656859855134_4896910870940779898_n

JAAMACADDA SIMAD: Kudhawaad 30 arday oo qaatay shahaaddada Master-ka-SAWIRRO

Jaamacadda SIMAD ayaa maanta shahaaddada heerka labaad ee ...
astaanta-warka16

Dhegeyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

  [audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-22.10.2014-sax.mp3"][/audio]
baarlamaanka2_large

Barlamaanka Soomaaliya oo maanta loo gudbiyay 10 Hindise sharciyeed oo uu ku jiro hindise sharciyedka la dagaalanka Argigaxisada. (DAAWO VIDEO)

Mudo 24 sano kadib markii ugu horeysay maanta ...
DSC07490

Arday soo saartay hab cusub oo loo beeri karo cawska”sawiro + VIDEO”

Ardaydani  oo   wax  ka barata  Jamacadda  Jazeera    magalada ...
cadale

Dowladda oo raashin gargaar ah gaarsiisay degmooyinka Cadale iyo Baraawe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa raashin gargaar ah ka ...
DSC07381

R/wasaaraha oo saaka dalka dib ugu soo laabtay (Sawirro + VIDEO)

R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. C/weli Sheekh ...
shabaab

Rag qorsheynayay falal argagixiso oo lagu qabta Dooloow

Degmada Dooloow ee gobolka Gado ayaa  lagu qabtay ...
howlgal-ciidanka-dowladdaii_large

Ciidanka nabadsugidda oo xalay toogtay dhagar qabe ku hubeeysnaa Bistoolad iyo bambaanooyin

Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka ayaa xalay howlgallo ay ...
kulanka baarlamanka

Barlamanka oo maanta fadhi yeelanaya

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa ineey maanta ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-22-10-2014.mp3"][/audio]
Cabdiweli sheekh axmed

R/wasaaraha oo lagu wado inuu saaka dalka dib ugu soo laabto

Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh ...
IMG_5006

Guddiga Adeegga Bulshada Ee Baarlamaanka Oo Booqday Dhaawacyada Ku Jira Isbitaallada Muqdisho “SAWIRRO+ VIDEO”

Guddiga Adeegga Bulshada u qaabilsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150 (1)

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Dadaab-camp

Soomaali Qaxooti  ah oo dalkooda ku soo laabanaya

Qaar ka mid ah dadka qaxootiga Soomaaliyeed ee ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-HABEENIMO-21.10.2014.mp3"][/audio]
astaanta.qaranka-300x2282

Guddiga Amniga xukuumadda Soomaaliya oo go’aano ka soo saaray arrinta ka taagan gobolka Hiiraan

Kulan ay maanta isugu yimaadeen guddiga Amniga ee ...
DSCN1179

Qaar ka mid ah ehelada qoysas ay dhibaatooyin u geysteen Shabaab oo lacago la siiyay “SAWIRRO”

Ururka Haweenka Gobolka Benaadir ayaa maanta deeq lacageed ...
DSC07320

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha oo furay siminaar ku saabsan soo xulidda guddi maamula kheyraadka “SAWIRRO”

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha Dalka ayaa maanta furay kulan ...
wasiirka warfaafinta

Wasiirka Warfaafinta: “Kalsooni dhisidda shacabka waxa uu muhiim u yahay in horumar dhanka nabadda iyo xasiloonida laga gaaro Soomaaliya” (DAAWO VIDEO)

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya mudane Musftaf Sheekh ...
astaanta.qaranka-300x228

Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha oo ka shiray xoojinta wadashaqeynta

Kulun looga hadlayay waxqabadka Wasaaradaha iyo xoojinta xariirka ...
amniga

Hay’adaha amniga oo la wareegay garaash ku yaalla degmada Warta Nabadda. (DAAWO VIDEO)

Ciidamada hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa maanta ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-21.10.2014.mp3"][/audio]
DSC00102

Maamulka Godinlabe oo dib u habayn ku samaynaya canshuuraadka  “SAWIRRO”

Kulankan maanta lagu qabtay magaalada Godinlabe ee mamulka ...
EU

Midowga Yurub oo taageeray horumarka ay ku talaabsatay dowladda

Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay horumarka ka jirta ...
Wasiirka warfaafinta

Wasiirka Warfaafinta oo booqday weriyeyaal siyaabo kala duwan ugu dhaawacmay Muqdisho. (DAAWO VIDEO)

Booqashadan uu Wasiirka Warfafainta iyo Hanuuinta Dadweynaha ee ...
macalin

Ururka Suxufiyiinta Carabta oo abaal marin guddoonsiiyay Qoraa Soomaaliyeed

Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayaa waxaa ...
astaanta-warka

Dhageyso warka subaxnimo

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-21-10-2014.mp3"][/audio]

Tubta Toosan

Tadaruf

Xag-jirnimada maxaa laga dhaxlay? Dhageyso

Xag-jirnimada aad ayay uga digtay Shareecada Islaamku, waxa ...
Jihaad

Jihaadku ma dagaal oo kaliyaa? Dhageyso

Qur’aanka iyo Sunnaha waxaa ku soo arooray JIhaad, ...
Godane & Barawe

Alshabaab Godane iyo Baraawe ka dib?? – FALANQEYN DHAGEYSO

  Maleeshiyada Alshabaab waxaa dhowrkii toddobaad ee la soo ...