Wednesday, November 26th, 2014

Madaxweynaha oo iska Tallaalay Dabeysha Uguna Baaqay Shacabka inay is Tallaalaan:-WARSAXAAFADEED+“SAWIRRO”

Published on June 11, 2013 by   ·   13 Comments  ·   7,099 views

Muqdisho, 11 June 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)ayaa maanta u horseeday shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursadda tallaalka Dabeysha oo ay iyaga isku hor-tallaaleen warbaahinta horteeda.

Munaasabad ay soo diyaariyeen Wasaaradda Arrimaha Bulshada ayaa maanta lagu qabtay Madaxtooyada oo lagu xoojinayo muhiimadda tallaalka Dabeysha oo Soomaaliya ay ka mid noqotay 4ta waddan ee Adduunka laga helay cudurka dilaaga ah ee Dabeysha.

Wasiiradda Arrimaha Bulshada Marwo Maryam Qaasim oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtey in 2007 laga cirib tiray cudurkan dilaaga ah Soomaaliya, ha yeeshee la arkay dad Soomaaliyeed oo uu cudurkan ku dhacay.

Waxeyna ku celcelisay muhiimadda tallaalka oo ka hortag u noqonaya cudurkan halista ah oo naafeeya shaqsiga uu ku dhaco. Waxey sheegtey in cudurkan uu carruurta ku dhici jirey, laakin la helay 13jir uu ku dhacay oo keentay in dhammaan dadka waaweyn ay iyagana iska tallaalaan cudurkan halista ah.

Wasiiraddu waxey sheegtey in cudurkan laga tallaalay 600,000 tan iyo bishii May, haddana la rajeynayo in 6da maalmood ee soo socota la tallaalo 4 million Soomaali ah.

Madaxdii ka hadashay goobta ayaa waxaa ka mid ahaa wakiil ka socday Qaramada Midoobey, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo dhammaantood ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay fursadan ka faa’iideystaan.

Madaxweynaha ayaa yir “Aniga ayaa bilaabaya tallaalka si aan shacabka u tusno in tallaalku uu faa’iido yahay oo aan wax dhib ah keeneynin isla markaana badbaadin kara in cudurka halista ah ee Dabeesha ay ku dhacdo qofka. Cudurkan halista ah ee Dabeesha ka hortag buu leeyahay oo ma laha daawo, tallaalkii aan uga hortagi laheyna waa naloo keenay ee aan u midowno inaan is wada tallaalno, ugana mahadcelino beesha caalamka iyo QM oo noo keenay tallaalkii ka hortagga cudurka Dabeesha.”

–          DHAMAAD _

IMG_9777

IMG_9781

IMG_9786

DSC04533

IMG_9786

IMG_9789

IMG_9828

IMG_9835

IMG_9838

IMG_9844

IMG_9893

IMG_9904

IMG_9845

IMG_9867

IMG_9871

IMG_9880

IMG_9908

IMG_9914

IMG_9915

IMG_9916

IMG_9922

IMG_9925

 

Photoby:-Maxamd Ibraahim Raage (Honest)

Readers Comments (13)

  1. ibrahim says:

    allaha nagakoriyo cudurka dilaga dalkeena iyo dadkeenaba iyo inta muslim ah aamin

  2. Abdullahi Ahmed(Gergaduud) says:

    Waa guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed mar hadii la helay hogaan aan munaafaq ahayn ee isaga u bilaabaya howsha, allaha la garab galo howlaha culus ee sugaayo.

  3. Abdinasir Nur Hussein says:

    Sidaas aya la’idinka raba mudanayaal,
    allow somaliya ugargaar.

  4. zaid says:

    mudanayaal kudayasho mudan

  5. Baariyow says:

    Masha Allah aad iyo ayee u mahadsanyihiin madaxneena qaranka

  6. Khadar says:

    Waa tusaale aad u wanaagsan. Soomaalidu sidan ayay wax ku fahamtaa.

  7. cabdidhiq says:

    waaaaaw

  8. cabdidhiq says:

    waaaw mshaaaal Somali hanooooooolaaaaaatoooooooooo Ann amn

  9. Abdiazis says:

    Alaha nagabad baadiya e aan iskatalaalno cudurkaa halista ah

  10. abdirizak says:

    aniga waxan u haysan jiray in talalka dadka yar yar micnaha 10sano ka yar in laga talaalo cudarkan blse madaxweynaha ayaba laga talaalayaa gudoomiyaha baarlamanka iyo raisul wasaaraha taasi layaab ayey igu noqotay runtii in shacabkoda iyaga u bilaaban waa arin fiican o lagu farxo waliba.

  11. ilyaas xuseen farah hidig says:

    walee somali nabada wee jeceshahay lkn qabiilka ayeena kahari karin qabiilka xoora waan guuleesan rabnaa insha alaalh
    cudurkane ilaah hakaqabto somaliya insha allah amiin somaliya nolosha aan kujiro camal ayaan u rajeeynaya ainsha alalah iyo mid kasiidaran amiin amiin¨

  12. ilyaas xuseen farah hidig says:

    waadmahsantihiin raadiyo muqdisho waan arkay sawirada qurxoon tack så mycke

  13. buubshe says:

    maasha alaah waa tusaalaha wadaniyaasha dalka aloow dhowr dadkeena somaliyeed




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150 (1)

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho ...
diyaaradaha-Kenya

Al-Shabaab oo duqeyn lagu  bartilmaameedsaday

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Kenya, ayaa sheegtay in ay ...
Magaalada_marka

Dhallinyarada Benaadir iyo Shabeellada Hoose oo Marka ku kulmay

Kulan dood Cilmiyeed ahaa oo looga hadlayey doorka ...
astaanta-warka

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WARKA-HABEEN-TABIYAL-NASHAD-IYO-NUUR-SACID-FAR-QEYS-25.11.2014.mp3"][/audio]
sawir hore bineta diop

Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Haweenka, Nabada iyo xasilinta

[caption id="attachment_218421" align="aligncenter" width="480"] sawir hore bineta diop[/caption] Wasiiro ...
xasan

Madaxweynaha  oo Tacsi u diray ehelada Marxuum Cumar Xaaji Maxamed

Muqdisho. November, 25, 2014- Madaxweynaha Jamhuriyadda Fedraaalka ee ...
qoorsheel

Wasiirka Gaadiidka oo la kulmay iskaashatada gaadiidka dekadda ka howlgalla

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada xukuumadda Soomaaliya ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WARKA-DUHUR-25.11.2014.mp3"][/audio]
Nadaafad

Degmada Cabdicasiis oo laga bilaabay Olole Nadaafadeed

Maamulka Degmada C/casiis ayaa howla Nafadaaded ka bilaabay ...
tavavar umuliso

Dhibaatada gudniinka fircooniga oo laga hadlay

Siminaarkan oo lagu baranayay ka hortagga gudniinka fircooniga ...
booooo

Ciidamada booliska oo gacanta ku dhigay hub, maandooriye iyo dadkii watay

Ciidamada booliska degmada Shangaani ayaa maanta howlgallo ay ...
Rw

R.wasare C.wali Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Marxuum Cumar Xaji Masale

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh ...
kkkk

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Dhiggiisa Yemen. +sawiro

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. ...
bad

Xasuuqii Alshabaab ka geysteen Mandheera maxay diintu ka qabtaa?-DHAGEYSO

Diinta Islaamku waxay reebtay in la dilo dadka ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Subaxnimo

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WAR-SUBAX-25-11-2014.mp3"][/audio]
baydhabo

Ciidamada dowladda oo howl-gallo ka wada gobolka Baay

Ciidamadda  dowladda oo ku sugan magalaadda Beydhabo ee ...
deg-wanlaweyn

Kulanka ammaanka looga hadlayay oo lagu qabtay Wanlaweyn

Kulan looga hadlayay   sidii loo adkeyn lahaa  ammaanka ...
XDS

Generaal Cumar Xaaji Masalle oo ka tirsanaa saraakiisha XDS oo ku geeriyooday UK

Allaha u naxriistee  waxaa dalka ingiriiska  ku geeriyooday  ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
tacsi

Duqa Muqdisho Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Guddoomiye Ku Xigeenka Shirkadda Hormuud

Muqdisho, 24 November 2014 –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna ...
DSC00651

Tababar Ku Saabsan Nabada Oo Cadaado Lagu Soo Gaba-gabeeyay “Sawirro”

Munaasabadani oo gabagabo u aheyd mashruuca Quraca Nabadda ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WAR-HABEEN-24.11.2014.mp3"][/audio]
DSC09177

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Maanta Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay “Sawirro”

Shariif  Xasan Sheekh Aadan oo 18 –ka bishan  ...
yuulka

Ra’isul Wasaare C/weli Oo Ka Hadlay Kala Aragti Duwanaanshaha Soona Dhaweeyay Hadalkii Guddoonka Baarlamaanka (DAAWO MUUQAAL)

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh ...
dekeda hobyo

Doon u raran ganacsato Soomaaliyeed oo maanta ku soo xiratay Dekedda Hobyo

Dekedda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa 18 ...
jawaari

Go’aan Kasoo Baxay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya…AKHRISO

Hoos ka akhriso go'aan kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka ...
beyle

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Sanca Kula Kulmay Dhigiisa Yemen

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr ...
makaraan

Dhalinyaro Ka Kala Socota Degmooyinka Gobolka Banaadir Dhibaatada Xagjirnimada

130 dhalinyaro oo laga soo kala xulay 12 ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WARKA-DUHUR-24.11.2014.mp3"][/audio]
Wasiirka-Gaashaandhiga

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay safiirka Sudan ee Soomaaliya (DAAWO MUUQAAL)

Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh ...
iiraan

Dowladda Iiraan Oo Sheegtay In Soomaaliya ay Taageereyso

Afhayeenka barlamaanka dowladda Iran Ali Larajani ayaa sheegay ...
degmada-xamar-weyne

Howlo Nadaafad Ah Oo Si Habsami Leh Ugu Soconaya Degmada Xamarweyne

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo Degmada ...
2

Shaqaale Ka Tirsan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Oo Tababar Loo Soo Xiray “Sawirro”

Muqdisho, 24, Nov, 2014…Waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo tababarrada ...
21Shariif Xasan

Madaxweynaha maamulka K/galbeed oo balan qaaday inuu soo dhisayo maamul tayo leh

Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ...

Tubta Toosan

bad

Xasuuqii Alshabaab ka geysteen Mandheera maxay diintu ka qabtaa?-DHAGEYSO

Diinta Islaamku waxay reebtay in la dilo dadka ...
Sharia

Alshabaab iyo si xun u adeegsiga Shareecada

Maleeshiyada Alshabaab waxay sheegtaan in ay u dagaallamayaan ...
Knowledge

SHEEKH MUUSE CAGAWEYNE: Aqoon la’aani waa Iftiin la’aan-DHAGEYSO

Aqoon la’aani waa iftiin la’aan ayay tiraahdaa Soomaalida. ...