Madaxweynaha oo la kulmay guddiga Amniga dalka
Published on May 31, 2011 by admin · 5 Comments · 1,776 views

Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan ammaanka ku saabsan la yeeshay Wasiirrada gaashaandhigga, arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka iyo taliyeyaasha Ciidamada.
Kulankaan oo saacado qaatay ayaa ka dhacay xarunta Golaha shacbiga ee magaalada Muqdisho waxaana looga hadlay adkeynta ammaanka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Wasiirka gaashaandhigga ahna R/wasaare ku xigeen mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in madaxweynuhu uu ka hadlay in loo baahan yahay in la sugo ammaanka deegaanada ay dowladdu gacanta ku heyso. Wuxuu sheegay in la isla gartay in ciidamado isku dhaf ah oo ka tirsan XDS, Booliska iyo Nabad sugidda loo saaro in ay ka shaqeeyaan ammaanka magaalada Muqdisho kuwaas oo maantaba howl bilaabay.
C/xakiin Fiqi ayaa intaa raaciyay in isla maanta ay ciidamadu soo qabteen dad hubeysan oo magaalada ku sugnaa kuwaas oo maxkamadda ciidamada la soo taagi doono, howl gallada noocaan ahna ay si joogto ah u jiri doonaan inta ammaanka laga hagaajinayo.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo isna kulanka kaddib la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in aan la oggolaan doonin cid hub sharci darro ah ku heysata magaalada, isagoo sheegay in ciddii lagu soo qabto hub maxkamad la geyn doono, wuxuuna ganacsatada iyo shaqsiyaadka hubka u baahan ugu baaqan in ay ruqsad soo weydiistaan wasaaradda Arrimaha gudaha, ayagoo soo caddeynaya sababta ay hubka u heysanayaan.
Kulankaan waxaa ka qeyb galay Taliyaha ciidamada XDS Generaal C/qaadir Sheekh Cali Diini, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ganeraal Shariif Sheekhuna Maye iyo wasiirrada difaaca iyo arrimaha gudaha.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ...
Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
WARKA SUBAX May 17.05.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
War Habeen 16-May-2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
WARKA DUHUR 16.05.2012
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
Dadweynaha iyo gadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta magacaabay afhayeenka cusub ...
Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
WARKA SUBAX 16.5.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ...
Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...
dadaalka aad wadiin ilaah hadinla garabgalo wixii diinta dadka iyo dalka dhibaateeynaayana ilaah hanaga qabto AAMIIN
masha allah waa arin mudo aan sugaayey in amniga magalada muqdisho laso celiyo illah hani garab gaalo amiin Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed illahey guusha hasiiyo doorashadana illah marlabaad hasiiyo sii wadankeena loo hagaajiyo aamiiiiin
Asc dhaman suxufi yiinta redio muqdisho saln kadib mudane shiikh shariif allha kula garab galo dadaalka aad wadid waxad tahay nin qaran runtii waxan kuleyahay guuleyso waligaaaaa
Waxaan rabaa in dowladan lasiiyo fursad ay ku sugaan nabadgelyada si hada wixi ka dameeya ay noogu suurtagasho inaan codkeena doorasho ku dhiibano. Sidoo waxaan Allah uga baryayaa in doorasho rasmi ah ay dowladaan hada jirta ay hesho oo mandate 4-5 sano ah la siiyo si ay nabada, cadaalada, iyo kala damaynta u sugaan dalkana doorashooyin guud ugu diyaariyaan. Allah protect this group who is well educated and competent.Amin…..
asc waa wax lagu farxo intaas hay,ado amni ah oo wada shaqayni maanta ay ka dhaxayso wax walbaana waa lagaaraa hadii lasamro illaahna latalo saarto anaguna aan ducada idinku kabno illaah dadka qaluubtooda ha,isu soo duwo amiin amiina