Madaxweynaha Jamhuuriyadda Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay
Published on January 3, 2013 by Canab · No Comments · 2,850 views
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo wefdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ayaa kasoo laabtay dalka Sudan waxaana maanta garoonka diyaaraha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Barlamaanka, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda, wasiirro ka tirsan Xukuumadda, xildhibaannada Barlamaanka qaar ka mid ah, taliyeyaasha ciidammada Qalabka sida iyo masuuliyiin kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii lagusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha kadib la hadlay wariyeyaasha isaga oo faah faahin ka bixiyey safarkii ay ku tageen dalka Sudan, waxa uu tilmaamay in ay ka qeyb galeen munaasibad loogu dabaal dagayey 57-guuradii ka soo wareegatay markii ay dowladda Sudan xorriyadda qaadatay dhinaca kalena ay jiraan heshiisyo la xiriirra mashaariic horumarineed.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa farta ku fiiqay in dowladda Sudan ay door weyn ku leedahay taageerrada Soomaaliya, isla markaana ay isku soo afgarteen sidii ay u sii xoojin lahayd taakuleynta hey’adaha dowladda iyo meelo kale oo iyana muhiimad leh.
Ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Sudan ay ballan qaaday tababar siinta ciidammada Booliska, isagoo dhinaca kalena xusay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sudanna uu kula kulmay magaalada caasimadda ah ee Khartoum.
Dalalka Soomaaliya iyo Sudan waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireyn ah oo muddo socday, iyadoo dalka Sudan uu ka mid yahay dalalka Africa ee ay muuqato doorka iskaashiga iyo taageerada ay ku leeyihiin Soomaaliya ayadoo dalka Sudanna ay wax ku bartaan Arday Soomaaliyeed oo kumanaan gaareysa kuwaas oo mustqabal wanaagsan ku leh haddii ay dalkooda ku soo laabtaan iyaga oo wax bartay.
Maxkamada darajada kowaad ee Gobolka Bari ayaa xukuno ...
WAR HABEEN 19.05.2013
Shirweynihii 6-aad ee xiriirka kubadda gacanta ayaa maanta ...
Howlahan qaliinka lacag la’aanta ah ee dhaqaatiirta ajaanibta ...
Agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ...
Halkan hoose ayaad ka daawan kartaan khudbadii qiimaha ...
Warsaxaafadeedka Oo English ah hoos ka akhriso
Taliska ciidanka Booliska Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay ...
Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo tababar uga ...
Dibad bax balaaran oo looga soo horjeeday natiijadii ...
R/wasaare ku xugeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo ...
Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacadda Carabta oo maalmihii ...
Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa markii ugu horeysay waxa ...
Iyadoo shalay dugsiyada waxbarsho ee kuyaala deeganada mamaulka ...
Warka Subaxnimo ee Radiomuqdisho Axad 19-05-2013
Xili uu isasoo tarayo horumarka laga gaaray amaanka ...
Kusimaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna kuxigeenka gudoomiyaha gobolka ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ...
Madaxwaynahamaamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Aadan Tiiceey ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Ciyaar Saxiibtinimo ah oo kubadda Koleyga ah ayaa ...
WAR HABEEN 18 05 2013
(Muqdisho, 18 May 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ...
Akhristeyaasha sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineyna ...
war duhur 18.05.2013
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa maanta ka hadlay arrimaha ...
Wasiirka Warfaafinta Isgaarisiinta iyo Gaadiidka ayaa kulan la ...
Wafdi ka socday Jaamacada Carabta oo uu hogaaminayay ...
Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayay xarunta degmada ...
Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa qaabilay ...
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax laqanyo ayaa kormeer ...
Wafdigan oo maanta ka ambabixi doona magaalada Muqdisho ...
Warka Subaxnimo Sabti 18-05-2013
Ganacsatada degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...