Xafladan oo aheyd casho sharaf laguna qabtay mid ka mid ah hoteelada ugu weyn Magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa ujeedadeeda waxa ay aheyd taageerada in Soomaaliya ay ka baxday nidaamkii KMG ahaa, Doorashadii xalaasha aheyd ee madaxweynaha jamhuuriyada , gudoomiyaha Baarlamaanka, iyo magacaabista R/wasaaraha Xukuumada cusub ayaa waxaa ka soo qeybgalay safiiro ka socday dowladaha Turkiga, Jabuuti, Uganda, iyo madax kale oo tirsan dowladda Switzerland, iyo marti sharaf kale .
Xafladan oo ay si wada jir ah uga soo qeybgaleen jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerlandayaa waxaa soo abaabulay jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Geneva gaar ahaan C/raxmaan Sh. Xuseen Goleey, iyo marwadiisa Khadiijo Maxamuud Muuke Faäza mascuud Sh. Ibrahim yare, Maxamed Axmed Cali (katimba) iyo Dr. Axmed Cali Eybakar.
Madaxweynaha jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya Prof Xasan Sh. Maxamuud oo qadka telfoonka kula hadlay ka qeybgalayaashii xaflada ayaa waxa uu si weyn ugu dheeraaday sida ay lagama maarmaan u tahay in qurba joogta Soomaaliyeed door wax ku ool ah ka qaataan dib u dhiska dalkooda gaar ahaan sidii ay uga faa’iideysna lahaayeen fursadaha banaan ee la xiriira maalgashiga iyo ka qeybqaadashada barnaamijyada horumarineed ee dalka, isaga oo si gaar ah carabka ugu adkeeyey Soomaali dal kasta oo ay dhalasho ka qaadato in ay weli tahay Soomaali dalkuna uu u baahan yahay, si looga faa’iideysto aqoonta iyo khibradaha wanaagsan ee laga dhexlay dalalka shisheeye.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uu U Jeediyey Jaalliyadda
Xafladan ayaa waxaa khudbado qiimo badan ka jeediyey madax ka socday safaaradaha dowladaha aan walaalaha nahay ee jabuuti, Turkiga iyo madax kale iyaga oo si weyna u muujiyey dareenkooda farxadeed ee ku aadan in maanta Soomaaliya ay tahay dowlad rasmi ah.
Ambasadoor Yuusuf Ismaaciil Bari-bari oo ah ergayga Soomaaliya u joogo Magaalada Geneva oo gunaanadkii xaflada ka hadlay ayaa u mahadceliyey dhamaan xubnihii soo abaabulay xafladan iyo sida quruxda badan leh ee looga soo qeybgalay, waxa uuna ku celceliyey in qof waliba looga baahan yahay in uu door macno leh ka qaato taariikhda qormeysa ee Soomaaliya.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Xafladda.
Abdirahman Hudeyfi
Wariyaha warbaahinta Qaranka ee yurub
Email: xudeyfi4@hotmailcom
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +14156550815
SOMAALI NIMADDA WAA LOO DHASHAA MIDNIMMDDA UMMADDA IYO WADDA JIRKA WAA MUQDDAS WAA LAMMA TAAB TAAN HA IS RAACDO SOMAALIYA HA AT KAATO HA IS TAAKTO HA JAWO CAD DAWGA SOMAALIYA
way fiicantahay in lataageero madaxda dalka lakiin waxaa loo bahanyahay in ficil lagu daro maxaa yeelay war kaligiisa wax mataraayo waxyaaba badaneey qabankaraa dadkaan qurbaha jooga Hadeey iska aruuriyaan bilkasta lacag waxaa hubaal ah in ay bixilaayeen mushaarka ciidanka xooga maxaa yeelay muhiimadeeno waa ciidan hadda intasan soojeedinaa ani
Masha alaah sida quruxda badan e ad uso dhowaysen madaxwaynaha ula shaqeya wadankiina waa idin bahanyahay somaliyay melkasta o ad joogtaan
in lataageero dowlada waa qax aad u wanaagsan
Balse shacabka maxaad kutaageerteendowladda.
Casho lacuno taageeroma.ahan.Balse waxaataagera in lataageerodowladda lagu saacdo
masha allaah wali madhici xaflad tan oo kali ah oo lagu tageeraayo
Masha’allah Reer Switzerland ad ayad u Mahadsantihiiiiiiiin.
MASHALLA SOMAALIA HANOOLATO ILLAHAY WAXAAN U BARYAA IN AYNOQOTO TII AAN KUFAA IDILAHAY AAMIIIN AAMIIN YARABE
MASHA ALLAH WEYAN HADAN KUDAGERNY MADAXWEYNEHEYNA XAFLADAN KURUXDABANAN WAXKALANA WAN QABADOONA INSHA ALLAH WAXASA LAYERE NIN SOCOCDA AYA LALA SUCAKARA NIN HUURDAYANA WALALA HURDA
WAXAN AHAY NIN SOMALIYED KUNA NUL QURBAHA WAXAN RABA IN ANWAXLAQABTO MADAXDA SOMALIYA MASURTAKALBA KALA SHIKA
wa salamantehiin dadkii kashaqeyay xafladaan qurxdabadan iyo soodhaween mashxarad intaas shacabka awoodesa waayay edenka bey hoosha edenku hartey DAWALADA waxan eden heysana WARQADA IYO QALIN maxa kaqabteen wala xisabtamaa
masha alah aad ayey umahad san yahin dhaman madaxda ka soo qeyb gashay iyo marti sharafka dhamantood
dhaman tiin waxa an inkula dar darmaa in tageranimada lagau daro in ciidamada qalabka sida ee qabowga iyo cadceda ku dhaceyso iyo xabada ku dhaceyso wax loo qabto ilen waa walka santinsin somali ahe oo adiga yurub joga waxa ad ubahantahay oo kale ubahane fadlan walala yal an tagerno dowlada ana isku dayno in an wada jir ugarab istagno“???????!!!!!!!!! mahadsanidin
mashaa alaaah heer geneve sida aad uu tageerteen madax weyne xasan shiiq laakin mudnaata waxaa lahaa ninkii uu googol xaaray uu dhabar adeeygay uu dhintay shariif shiiq axmed muuse cegale mahad sanidiin