Saturday, May 25th, 2013

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Oo Adkeeyey Qodobka Ku Aadan Is Dhexgalka

Published on June 29, 2012 by   ·   10 Comments  ·   6,791 views

Waxaa maanta markale ku kulmay magaalada Dubai ee isutaga Imaaraadka Carabta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kulankaasi oo lagu xoojinayey go’aannadii ay shalay labada Madaxweyne gaareen.

Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise oo wareysi siiyey Radio Muqdisho isaga oo ku sugan magaalada Dubai ayaa tilmaamay in muhiimadda kulanka maanta ay aheyd sidii loo adkeyn lahaa go’aannadii shalay lawada gaaray balse qodobka muhiimka ah ee qalinka lagu wada duugay uu yahay in la isku furo dhaqaalaha iyo is dhexgalka siyaasiyiinta iyo bulshada labada dhinac taasi oo micnaheedu yahay in mas’uuliyiinta TFG ay tegi karaan deegaannada Somaliland kuwa Somalilandna si lamid ah ay u imaankaraan.

Mudane Xuseen Carab Ciise Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyey in qodobada heshiiskaasi ay noqdaan kuwo miradhalla ama la hirgeliyo maadaama hadii lawada hadlayo dadka wax kala tabanayaa ay is fahmi karaan wixii lakala tabanayana la xalin karo.

Si kastaba wadahadalladan ayaa waxaa ka sokoow in la isasoo hor fariisto oo guul ah sidoo kale iyana guul weyn ah kana mid ah qodobadii heshiiskan Dubai kasoo baxay in la isku furo dhaqaalaha iyo isdhexgalka taasi oo dad badan ay qabaan iney tahay natiijada ugu weyn ee kulanka maadaama ay siiyaasiyiintu kolkii hore ukala xanibnaayeen isku socodkooda sida laba dal oo dagaal uu ka dhaxeeyo laakiin siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa wadahadalladan ku tilmaamay bilow fiican.

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-

Yurub                                            +442035190460

USA & CANADA                         +17124327760

Readers Comments (10)

  1. Asc salan kedib waa arin aad iyo aad u wanaagsan kuna farxayaan shacab weynaha soomaaliyeed wana bilaw fiican waxana u mahad celinayaa labada madaxweyne oo ah kuwa aad iyo aad u maskax furan waan wadaniyiin runtina waxey xil iska saareen masuuliyada ay u hayaan ummadooda waxana rajeynayaa in uu guul ku dhamado shirkan waxan ka digaya in shirkan la carqaladeyo si gaar ah maamul goboledyada qaar oo u arka in haddii ay somaliland dib u soo laabato aysan heli doonin maqaamka siyaasadeed oo ay hadda ku dhexleyihin tfgda wana taa carqaladenta mesha ay ka imaneyso wad mahadsantihiin.

  2. Bilqeyr says:

    maasha’Allah waa Alle mahadii haddii lees afgartay wax walboo umada dan ugu jirto waxa lagu heshiin karaa markii lees fahmo waa muhiimada kowaad isfahamka insha’Allah markan waxii ka danbeeyaa waxan rajeynayaa wax walbo in ay ku dhamaadan guul.

  3. caasha says:

    wlh maansha alaah aad aan ugu faraxsanahay in labada dhinac is ku so dhawadaan wax kasta waa laga wada hadli karaa marba hadi lees ku so dhawaado waxaan nahay dad walaalo ah walaaloyaal aan is cafino oo aan hal meel ugu so horjeesano cadawgeena oo somalinimo hala so celiyo wad mahad santihiin

  4. nin culus says:

    ilaahow adaa awood leh wax walbana awoodee sabab iney somaliya mar kale is raacdo insha alaah waa ayna is raaceysaa

  5. Berberawii says:

    Waa guul ruuntii shacabka Somaliyeed hiil iyo hooba waan garab tagan nahay iyo wada hadalka furmay ee Somaliland iyo walaalaheyga Somalia Konfuur.

    Aad ayaan qiirodey markaan arkey dadka reer Mogadishu oo banaanbaxayay maanta.

  6. jalteey says:

    asc mashaa allah digtaytardanbe majiraayo ee ee soomaali ha,israacdo umadwaiba ayaheeda inay garato iyadaa leh sida uu wax u wado madaxwayne shariif waa si cajiiba waxaana garankaro oo kaliya ninkii wadan jacayl ku jiray soomaali haday wadankooda jecelyihiin sheekh shariif 4sanno oo cusub hanoodoortaano si uu madayna uu maslaxo u sii dhexdhigo anagana aan wadan u yeelano wabilaahi towfiiq asc

  7. runsheeg says:

    Maasha allaah
    Rintii waa arrinlagu farxo,allaah mahadleh,

    Tani waxay caddayn u tahay in dadka si runa talada somaliyeed ay ka go,do,ay si dhibyar isu afgaran karaan,xapna gaari karaan

  8. runsheeg says:

    Sh shariif iyo
    Axmed siiraanyo waxay muujiyeen bisayl siyaasadeed iyo xilkasnimo,kuwii dhiigga sida xun dawladnimada u fahmay allaah naguma soo celiyo

  9. jk says:

    waa bilow fiican guul in uu ku dhamaadana ilaah baan ka baryeynaa inta ka xun isku soo dhawaanshahan’na ilaah baan u baryeynaa in ayagana wanaaga uu tusiyo.

  10. cabdi kariin says:

    asc hadii aanahay walaalaha somaliya koonfur iyo waqooyi oo jooga south africa
    waxaan horay ucodsanay in la is dhex kalo
    alxamdu lilaah waana la ogolaaday arintaas
    ilaahbaa mahad leh
    teeda kale hadii aanahay walaalaha reer wuqooyi waxaan aad ugu faraxnay markaan aragnay walaalaha koonfureed banaanbaxa aay qaban qaabiyeen aadbeey xaadu ii istaagtay waxaana oron lahaa
    somaaliyeey toosoo toosoo iskutiirsanadeey
    hadba tiina taagdaraneey taageera waligiinee somaliya oo dhan ha noolaato




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

astaanta_qaranka13

Tababar maanta loo furay shaqaalaha wasaarada arrimaha gudaha iyo aminga qaranka.

Wasaarada arrimaga gudaha iyo amaanka qaranka ayaa maanta ...
janaale

Hay,adda maareeynta masiibooyinka qaranka oo deeq raashin ah maanta gaarsiisay janaale.

Hay,adda maaeaynta  musiibooyinka  qaranka  ayaa maanta deeq raashin ...
simad

Bandhig dhaqameed todobaad socon doono oo maanta ka furmay jaamacada SIMAD.

Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, Raashinka ay Soomaalidu dhaqanka ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX I 25 05 13
Bilicda Magaalo Xeebeedka Boosaaso (45)

Magaalada Boosaaso oo xilligan ay dadku ka xagaa baxayaan

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ...
DSC01079

Deeq xoola ah oo loo qeybiyay dad ku xoola beelay abaartii ugu dambeeysay ee dalka ka dhacday.”sawirro”

Dadka xoolo dhaqatada ah ee  ku nool deegaanno ...
sweeden

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm oo xalay dhigay dibadbax

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm ee ...
kenya-flag

Shir Looga Hadlayo Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya Oo Dhawan Ka Furmaya Kenya.

Shir looga looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga waddankan ...
haween

Kulan looga hadlayay dhibaatooyinka soo wajaha haweenka uurka leh oo lagu qabtay dalka koonfur Africa.

Kulan looga hadlayay dhibaatooyinkna  soo wajaha haweenka soomaliyeed ...
IMG_3804

Shirkii Madaxda IGAD oo lagu heshiiyey in Dowladda Soomaaliya ay qabato shir lagu dhisayo maamulada Jubooyinka. SAWIRO

Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Astaanta_Barnaamijka_Nasashada

Dhageyso Barnaamijka Nasashada Todobaadka Radio Muqdisho

Barnaamijka Nasashada Todobaadka waa Barnaamij Todobaadle ah waxaana ...
DSC00223

Ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka wadooyinka muqdisho habeenkii oo sii kordhaya iyo ciidamada oo adkeeynaya amaanka,”sawirro”

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa laga ...
gud (5)

Gudoomiyaha gobolka Gal-gaduud oo munaasada soo dhaweyn ah loogu sameyay magaalada Juba ee wadanka Koofurta Sudan “Sawirro”

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha maamulka gobolka Gal-gaduud ...
astaanta-warka

Dhageyso warka Habeennimo ee radio muqdisho

WAR HABEEN 24.05.2013
S2170021

Wasaarada amniga Ximan iyo Xeeb oo sugaysa nabadgalyada xilliga doorashada”Sawirro”

  Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

War Duhur 24-May-2013
janaale

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Kormeeraya Degmooyin Ka Tirsan Gobolkaasi

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Bole Road Addis Ababa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Maamulkii Kismaayo Looga Dhawaaqay “Dhageyso”

Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
DSC00154

Gudoomiyaha Baarlamanka oo marti ku ahaa Barnamijka kulanka Jimcaha,Su’aallana Uga Jawaabay Shacabka Gudaha Iyo Dibadda “Dhageyso+Sawirro”

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX 24.05.2013
Obama

Madaxweyne Obaama oo sheegay in la wiiqay awoodii ururka Al qaacidda

Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
R.W Saacid

R/wasaare Saacid oo sheegay in isbedel uu ku yimid daqliga dowlada

Xukuumada Federaalka  ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Cabdi-Qeybdiid

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyay dib uga laabashada mowshinki laga keenay xukuumada

Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
xukun1

Maxkamada ciidamada ee Puntland oo xukun dil ah ku radday gacan ku dhiiglayaal

Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
rinkesc1

Rabshado ayaa ka socdo Magaalada Stockholm ka dib markii gaadiid iyo goobo ganacsi lagu gubay xaafadaha ay u badan yihiin Soomaalida SAWIRO

Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
LUULIYO

OGEYSIIS: Kulan loogu arinsanayo qaban-qaabada Xuska 1 Luulyo Ee Magaalada Munich ee dalka Germany.

Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
DSC_0376

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga Xarumihii uu tagay iyo Madaxdii uu la kulmay intii uu Sudan joogay oo dhamaystiran.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 23 05 2013
IMG_8547

Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay mudaneyaasha Baarlamanka “sawirro”

Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
safar bye bye

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya oo Addis Ababa u dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
IMG_8322

DAAWO SAWIRRADA:- Munaasabadii lagu xusayay aas-aaska midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
gafoow

Taliyaha hoggaanka iyo socdaalka oo sheegay in la diwaan galiyay dad badan oo ajaanib ah

Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
wasiroo_3

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*