Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka hadlay shaqada guddiga farsamada iyo xulitaanka baarlamaanka iyo dhammeystirka marxaladda KMG ah, kaddib kulan uu la qaatay ergayga qaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Agostine Mahiga.
Shir jaraa’id oo ay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Danjire Mahiga ku qabteen xarunta madaxtooyada ayuu madaxweynuhu ku sheegay in guddiga TSC-du ay shaqadoodu tahay kaliya inay hubiyaan in xubnaha baarlamaanku ay buuxiyeen shuruudihii lagu heshiiyay (criteria), shirarkii Garowe, Galkacyo, Adis Ababa iyo Nairobi.
“Waxaan isla garanay in 20-ka Agoosto marka loogu yaryahay Baarlamaanka aan heysano, heshiisyadii Garowe, Gaalkacyo, Adis Ababa iyo Nairobi in la ixtiraamo, guddiga farsamadu waxay leeyihiin inay criteria-da dadka u fiiriyaan, awood intaas ka baxsan malaha, hadday wax khilaafa yimaadaana guddiga odayaasha ah ee u xilsaaran ayaa iska leh” ayuu yiri madaxweynuhu.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay inaan la aqbali Karin in shaqsiyaad gaar ah la bartilmaameedsado oo loo diido inay baarlamaanka ka mid noqdaan, wuxuuna yiri.
“(Waxaan ka wada hadalnay) Inaysan jiri Karin lana aqbali Karin in qof ama shaqsi ama koox la bartilmaameedsado, wax walbana ay ku dhammaadaan sidii loogu talo galay”
Madaxweynaha ay saxaafaddu weydiisay in baarlamaanka cusub ay ka mid noqon karaan hoggaamiye kooxeedyadii dalka, wuxuu sheegay in loo baahan yahay inaan la siyaasadeyn arrinta ee loo fiiriyo qof kasta inuu buuxiyay wixii lagu heshiiyay.
“ Marka la rabo qof in la eedeeyo waa in maxkamad caddaalad ah ay xukuntaa, marka qof ay maxkamad caddaalad ah xukuntay ma jiraa oo la dhihi karo dambiile waaye, waxaa laga hadlaayayna waxay ahaayeen dambiilenimo, marka waxaa la rabaa inaan la siyaasadeyn oo qorshaha sida uu yahay loo wado” ayuu yiri madaxweynuhu.
Danjire Mahiga oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in masuuliyadda soo xulidda baarlamaanka ay leeyihiin kaliya odayaasha dhaqanka, isla markaana aan la aqbali Karin in si gaar ah loo bartilmaameedsado shakhsiyaad ama dad gaar ah.
“ Waa odayaasha dhaqnka kaliya, kuwa iska leh masuuliyadda magacaabidda 275-ta xildhibaan, sida madaxweynuhu sheegay ma jiri karto wax qof bartilmaameedsi ah, tanina waa waddada kaliya ee horay loogu soconayo” ayuu yiri Danjire Mahiga oo sheegay in madaxweynaha uu leeyahay hoggaaminta dhammeystirka marxaladda KMG ah.
——— Dhammaad———
Xafiiska Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
media@presidency.gov.so
masha allaah waa illaah mahadii hadii la fahamay dowlad wanaaga iyo wada loo maro
good job waa shaqo fiican waxaa weeye waa tilaabo hore lo qaaday good job mr shariif
madaxweyne shariif wa madaxweyne qaran wadankane u horseday dorasho xor ah kana dhaceeyso magala madaxdii somalia muqdisho xamar cadeey banaadir sid aa u taqaan ama sida aa u fahmeysid mawaadin somaliyed hadii aa tahayne waa taqaanaa qofka aa dooranleheed masha alah
Noolow madax wayne waxaad ka hadashay wa ain loo bahnaay ee ku sii adkey cadalada