Kulankani oo ahaa mid lagu taageerayay aqoonsiga ay dowlada Mareykanku siisay dowlada Soomaaliya Isla markaana uu soo agaasimay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,Ra’iisul wasaaraha dowalada Soomaaliya,qaar ka mid ah Golaha wasiirada,saraakiisha ciidamada Qalabka sida Odayaasha Dhaqanka, iyo haweenka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa halkaasi heeso guubaabo ah ka jeediyay Hobolada Qaraka ee Waaberi waxaana sidoo Kale gabayo ka jeediyay abwaano halka ay Banda Musika ay tumayeen heeso qiiro galiyay madaxdii iyo Dadkii ka soo qeyb galay munaasabada lagu taageerayay aqoosiga dowlada Mareykanka uu ugu dhawaaqay dowlada Soomaaliya.
Ugu horeyn waxaa qudbada jeediyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’uud Axmed Nuur Tarsan oo soo agaasimay munaasabadani waxaana uu sheegay in guul ay u tahay Umada Soomaaliyeed in Mareykanu aqoonsado dowlada Soomaaliya isla markaana waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka duwan tahay magaalooyinka kale ee dalka oo ay ka dhexeyso dhamaan Soomaalida tuulo iyo deegaan kasta ha ka yimaadeen.
Sidoo kale waxaa hadalka qaatay wasiirka arimaha gudaha iyo aminga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed Waxaana uu isaguna sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku dadaali doonto adkeynta iyo xasilinta Ammaanka dalka si ay u soo noqoto sharaftii uu lahaa qaranka SOomaaliya.
Ra’isul wasaare Cabdi faarax Shirdoon Saacid oo isagana qudbad qiimo leh ka jeediyay munaasibada Ayaa sheegay in dalkeena ay burburiyen shacabka soomaaliyeed oo aan dibada looga iman isla Markaana dhisidiisa shacabka looga fadhiyo.
Madaxaweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Max’uud oo qudbad dhinacyo badan Kuqotonto ka jeediyay munaasabada lagu taageerayay aqoonsiga Mareykanku siiyay dowalada Soomaaliya.
Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Caalamka uusan geyn Karin Soomaaliya halkii ay ahaan jirtay Bari Samaadkii balse Caalamku uu ka taageri karo gaarista halkaasi oo kali ah taa bedelkeeda laga rabo dadka Soomaaliyeed inay garaan.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynuhu sheegay oo uu ku soo celiyay in muhiimada 1-aad ee dowalda ay tahay ammaanka isla amrkaana aysan marnaba u dul qaadan Karin in dumarka Soomaaliyeed la kufsado Cidii xaqdaro ku disho qof muslim ahna aan loo cafin doonin .
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowalda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay Damaanad qaadi doonaan Ammaanka Saxaafada oo ay ka xun yihiin dilalka loo geysanayo waxaa uu saxaafada qaarkeed ku tilmaamay kuwo aanan ka run sheegin xaqiiqada ka jirta dalka iyo dadaalka Dowlada Soomaaliya isagoo uga digay inay iska ilaaliyaan wax weliba oo keeni kara iska horkeenka dadka Soomaaliyeed iyo waxyaabaha wax u dhimaya dalka.






























Masha allah kolay somalidu waxay tiraahdaa hadl badan haan mabuuxsho.
Yes he can ..wadani……mpls…….yes he can
maasha alaah maanta dowladnimadii horay bay usocotaa soona noqon mayso ee cid kasta haday ahaan lahaayeen dhaman shacabka ugu hiiliya dowladiina inaad sheegtaan kuwa qaswadayaasha ah si looga hor tago soomaaliya ha noolaato
mansha allah waan ku farxay quruxda ka muuqato dalkeyga hooyo iyo guusha geesiyada ee noo sooo hooyeen noolaada
madaxwaynaha dalka iyo dad ka somaliyeey mudane xassan sh. Maxamud hanolaado
maasja nalaah waa farxad aad u ween madaxdeena oo wada shireeyso waa mahad ilaaheey aloow dhoowr wadaniga dhabta ah
i thing somlia is gowing well becouse presdent obama tell us to give his heart we need to be good oll in the would wil be us plz oll somalia people must be ready this gool
dawlad ayaa noo dhalatay ee inaan taageero hiil iyo hoo la garab istaagno diyaar ma u nahay soomaali weyn!!!!!!!! hanoolaato,,,,,,,,, let’s hold strong hands together plz NO QABIIL,,,,,,, I LOVE U SOMALIA MUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUA