Friday, November 28th, 2014

Maamulka Xarun Lagu Xanaaneeyo Carruurta Agoonta Iyo Derbi Jiifka Oo Soomaalida Baaq U Diraya “DAAWO SAWIRRADA”

Published on November 17, 2012 by   ·   15 Comments  ·   10,977 views

Maamulka Hay’adda Daryeelka Carruurta Soomaaliyeed (Somali Children Care Organization) oo isagu xarun ku taala degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ku xanaaneeya Carruur tiradoodu ay gaareyso 360 Carruur ah ayaa baaq u diray guud ahaanba Shacabka Soomaaliyeed oo uu ka codsaday iney ka qeybqaataan sidii Carruurtaasi mustaqbalkooda loo dhisi lahaa.

Xaruntan oo aynu maanta booqanay ayaa carruurta ku jirta waxey ka koobanyihiin Seddex qeybood oo kala ah:- Carruur Agoon ah oo ay waalidiintooda ku geeriyoodeen dagaalladii dalka ka dhacay,carruur derbi jiif ahaa oo ay soo aruuriyeen maamulka xarunta SCCO iyo carruur ay waalidiintooda sabool yihiin oo aanay awoodin iney waxbarasho siiyaan.

Muuqaal ahaan hadaan sawir ka bixiyo nolosha dhabta ah ee ay Carruurtaasi ku nool yihiin waa mid qof walbaa oo damiir leh uu u damqanayo hase yeeshee ayagu waa ay ku qanacsanyihiin waayo waxey uga wanaagsantahay noloshii derbi jiifka aheyd ee hada laga soo saaray oo waxey heystaan waxbarasho,cunto iyo farxad ay ka helayaan macalimiin iyagu si mutadawacnimo ah carruurtaasi niyadooda u dhisaya.

Xaga Waxbarashada Carruurtan boqolaalka ah waxey wax ku bartaan lix fasal oo ka sameysan Jiingado balse fasaladaasi marka laga reebo hal fasal shanta kale ee soo hartay malahan kuraas iyo miisas waxeyna carruurtaasi xiliyada ay waxbaranayaan fariistaan dhulka ayaga oo ku fariista darbaallo,sidoo kalena agabka ay wax ku baranayaan sida buugaagta iyo qalimaanta ma ahan kuwo u dhameystiran oo waxaa qaarkood ay wax iskula bartaan labadii carruurba hal buug waayo ma jirto cid buugaagtaasi ka saacidda ama u iibisa.

Macalimiinta Carruurtaasi waxbarta waa kuwo ka qalin jebiyey Jaamacadaha Dalka gaar ahaanna badankood waxey ka qalin jebiyeen Jaamacadda SIMAD waxeyna Carruurtaasi wax ku baraan si mutadawacnimo ah ama Volunteer xitaa qarashka ay gawaarrida kusoo raacaan marka ay soo aadayaan halka ay carruurta ku noolyihiin ayaga ayaa jeebkooda ka baxsada si ay carruurtaasi waxbarashada ugu dhiirageliyaan.

Xaga raashiinka waxaa Carruurtaan ka saacida oo uu maamulkoodu ku guuleystay inuu uga helo Seddexda waqti raashiin bisil hay’ad ka mid ah hay’adaha Walaalaha Turkiga ee Muqdisho ka howlgalla laakiin jiifka ama gogosha ay ku seexdaan waa Joodariyaal muuqaalkooda aad sawirrada hoose ka dheehan kartaan kuwaasi oo jeex jeexmay hada balse maamulka xaruntan waxey inoo sheegeen in joodariyadan hada dhammaaday uu Carruurtaan markii hore ku taakuleeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka hor inta uusan ku guuleysan doorashada Madaxtinimo ee Dalka ee uu ka tirsanaa bulshada rayidka.

Axmed C/laahi Samoow waa maamullada Hay’adda Daryeelka Carruurta Soomaaliyeed maanta ayaanna xog wareysi kulasoo yeeshay gudaha xarunta ay Carruurtan ku xanaaneeyaan wuxuu ugu horeyn ii sheegay in guriga ay Carruurtan ku daryeelaan uu yahay guri kiro ah,carruurtana aysan heysan dhar iyo waxyaabihii ay wax ku baran lahaayeen oo cid si gaar ah u taakuleyso malahan,salaaddana waxey ku tukadaan goobo ciriiri ah ayadoo ciriirigaasina uu sababay in Carruurta laba xili ay fasallada galaan gelinka hore iyo gelinka dambe.

Waxa uu xusay maamulaha Hay’adda in uu jiro dhul banaan oo uu maamulka degmada Howlwadaag ugu tabarucay Carruurtaan in loo dhiso balse ilaa hada aysan helin cid u dhista sidaana ay Carruurta hada ugu xanaaneeyaan guriga kirada ah.

Ugu dambeyntii maamullaha Hay’adda Daryeelka Carruurta Soomaaliyeed Axmed C/laahi Samoow waxa uu ka codsaday shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan meel kasta oo ay dunida ka joogaan cidii wax awoodda iney Carruurtaasi ku sadaqeystaan ama ha noqoto iney ka qeyb qaataan sidii carruurtaasi loogu dhisi lahaa dhulka banaan ee uu maamulka degmada Howlwadaag ugu tabarucay ama ay sidoo kale ka qeyb qaataan sidii Carruurtaasi oo Mustaqbalkii berri ah ay ku heli lahaan dhar,waxey wax ku bartaan iyo meel ay seexdaan.

Hadaba Walaalka ama Walaasha Soomaaliyeed ee dooneysa iney Carruurtaasi oo mustaqbalka berri ee Dalkeena taakuleeyaan oo ay ka qeybqaataan waxbarashadooda iyo noloshooda waxaad ka xiriiri kartaan maamulka Hay’adda Daryeelka Carruurta Soomaaliyeed cinwaannada hoos ku qoran:-

Email:-  info@somcco.org

              ahmedv@hotmail.com

              mukhalas@hotmail.com

Tell:-     +252-615571096

            +252-618224122

Waxaa Diyaariyey:- Abdifitah Dahir Jeite Radio Muqdisho Web Editor

Readers Comments (15)

  1. wadani114 says:

    asc dhamaan soomaalida iyo inta alle wax siiyay waxaan ugu baaqayaa ineey u gurmadaan walaalaheen soomaaliyeed, maanta hadaad wax tarto iyagana beri ayey wax tari doonaan dadkeena iyo dalkeenaba inshaa allaah, tan kale ajar ayaaba ka heleeysaa xagga alle ileeyn caruur dhibaateeysan ayaa kaal meeysee, iyagana allaha u gargaaro.. macalimiinta bilaash wax ku barta iyagana allaha ka abaal mariyo..

  2. Ubaxii Dalka says:

    Ubaxaii dalkaan ahay!
    Aayihii dalkaan ahay!
    Indhihii dalkaan ahay!
    Oofihii dalkaan ahay!
    Ubucdii dalkaan ahay!
    Aragii dalkaan ahay!
    Maqalkii dalkaan ahay!
    Muruqii dalkaan ahay!
    Macdantii dalkaan ahay!
    Inta muuqeyga aragtoo Alle umaciinay
    Madrasada aan dhexjiifniyo
    Maradaanu xiranniyo.
    Agabkii wax barashada.
    Caafimaadkiyo daryeelkii!
    Aadmigu ubaahnaa!
    Abar weeyo maantoo ayba baan ka jognaa!

    Dagaalkiyo dhibaatada!
    Is dilkiyo kala qaxa
    Agoonnimadu noo dheer!

    Arageena aragteene maxaad naga sugeysaan???

    Ma isbaaraanu dhiganaa?
    Ma afaf-duub taan ku biirnaa oo Aayada Illaah iyo Arxan baan ilownaa?

    Aabeheen koleytahay oofaha ma goynaa?
    Aqoonyahan koley tahay oofaha ma goynaa?
    Hooyo uurleh koley tahay oofaha ma goynaa?

    Maskaxda ma iska tuurnaa miino ma iska xiranaa umadd meel fadhida iyo maatada maleynaa?

    Ma naloo maciinaa oo maalmaha madwoga ah iyo muqdiga manala ka saaraa?

    Madraso manaloo furaayaa?
    Mow wanaagsan iyo hoy manoo diyaarinaysaan?

    Mowlaan baryeynaa madasha aan ku suganahay mid kaloo wanaagsan inuu maantay nagusimo.

    Midigtiina fura oo noo soo maciina!
    Midigtiina fura oo noo soo maciina!
    Midigtiina fura oo noo soo maciina!

    F.G maahan gabey laakiin waa ereyo igu soo dhacay markaan arkay ubadka Somaliyeed meesha ay ku suganyihiin.

    Alla maantay badbaadsha intaan in Alle idin badbaadsho maalinta Qiyaame dhib kasta oo idin soo wajaha.

    Mahadsanidiin Umada Soomaaliyeed meel kasta oo dunida ka joogtaan.

  3. ahmed dhayib says:

    waa u baxii wadanka, inta soomaali ah ee wax awooda wadanka ubaxiisii waa kuwan oo garab idinkiga baahan, ee soomaliyey isku tashada walaalihiina caawiye.

  4. karie says:

    asc anoo u hadlaayo magaca soyed waxan farayaa umada soamaliyed inay u gargar dhalinta soamaliyad ee wax barshada jecel gacacan looga geesto fariinta lasoo dhigay barta wabsedka fadla waa codsi dadkaa haloo gar garo

  5. fiican says:

    masha Allah ubxii dalka wuxuu yahay qofkan wiil iyo gabarba waxaad ka hadhay dhabta. Aamin illahay Somali ha garawsiiyo Ayahooda inay ka tashadaan.

  6. Wadaniga dhabta says:

    Maasha Allah aad iyo aad yay u mahadsanyihiin shaqsiyaadki u istaagay iyo qofkasto oo gacan ka geesaty waxaan ka codsanena xukuumada cusub inay si gaar ah wax ugo qabato caruurta somaaliyed waa mustaqbalki barito waa inaad guryo wanaagsan dajisaa xukumada sido kalna dibada iyo gudaha jooga waa inay caawiyan caruurta yar yar ee mustaqbalki birito ah Allah miisaanka xasanaadka ha idinsaaro walaalayaal

  7. MALAYIKA says:

    MASHA ALLAAAH ANIGA WAXAN KA MAHAD LEEH MACALIMINTA IYO SOMALIDA U GAR GARTABAA DHAAMNA AJIR IYO XASANAD ALAA KA SIIYO DADAL AYAA WAX TEEREE WADA DADALKIINA ANAGA ANA WAN IDIN LA JIRNAA

  8. asc waan kadam qanaya waana ari loo baah naa in mar hore loo qabta laakin haddii aad bilaawdeena hadda waan soo dhaweeynayaa in taa ku tari karo waan ku tarayaa

  9. xeydar says:

    asc all umada muslimka ah gaar ahaan umada somaliyed waxaa la baxdiin aa idinka horeeyo mar ka ani goo degan wadanka south afrika gaar ahaan gobolka guateng waxaan sameene nee naa insha allaah ganacsatada faraha badan ku nool wadan kaan aa wax laga aruurin karaa ,,marka waxaan u baahanay isku xir raga gudaha somali joogo somalida dukaamada bil walbo lacag lagu qoro insha allaah mar ka cademo nagu soo hagaa jiya anagana si alla ka cabsi ku dhee han tahay

  10. mohamed says:

    Masha allaah waa shaqo fiican illaah ajir ha idinka siiyo . thnks radio muqdisho iyo dhamaan shaqaalaha .

  11. najib says:

    waxaan rabaa walaalayaal inaad soo sheegtaan telefan aan idika xariirno inshaa allaah

  12. xasan cilmi says:

    waxa loo baahan yahay dadka wax haysta dalka iyo dibadda inay taakuleyaan xaruumaha agoonta iyo ilmaha derbiya jiifka lugu xanaaneeyo ,wabillaahi towfiiq.

    • saxardiid says:

      waa la awoodaa caruurta yar yar ee agoontaa in waxa loqabto sadaqo in lasiiyo iyaga ayaa ku haboon maxaa yeelay waa agoon saqiir ah iyo dan yar masaakiin ah

  13. ayman osman says:

    walah aad baan ogu farxay markaan sawireadaan arkay maashalah aad ayan u taageersanahay




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

2 ministers

Wasiir Arrimaha Dibadda oo la kulmay dhiggiisa Talyaaniga +Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ...
astaanta-warka1

Dhegeyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WARKA-DUHUR-28.11-2014.mp3"][/audio]
DSC02313

Taliyaha Saldhiga Boliiska  C/casiis oo amar ka soo saaray Anshaxa Xeebta Liido

Maalin kasta Todobaad kasta Xeebta Liido ee degmada ...
DSC09436

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo marti ku ahaa barnaamijka kulanka Todobaadka (Dhageyso+Sawirro)

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WAR-SUBAX-28-11-2014.mp3"][/audio]
gil

Maxkamad ku taala Bristol oo 13 dhalinyaro Soomaali ah ku heshay dembi ah kufsi

Koox dhalinyaro ah oo tiradoodu gaareyso 13 ayaa ...
baafo

Wasiirka Beeraha oo ka warbixiyay shir uu uga qeyb-galay Nairobi

Wasiirka Beeraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho ...
nca

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo dhambaal uu ka  siday Madaxweynaha Soomaaliya gudoonsiiyay Madaxweynaha Yemen “Sawirro”

Sanca, November 27,2014 - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WARKA-HABEEN-27.11.2014.mp3"][/audio]
1459709_518188174963652_1198258588_n

Kulan Wacyigilin Ah Oo Loo Qabtay Dadka Ku Dhaqan Degmada Xamar Jajab “Sawirro”

Kulankani oo looga hadlayay sida bulshada ku dhaqan ...
binetadiop (1)

Haweeneyda Midowga Africa u qaabilsan Haweenka iyo Caruurta Oo Faah Faahin Ka Bixisay Socdaal Muqdisho Ay Ku Timid

Shirkani Jiraa,id oo ay Galabta ku qabatay Xarunta ...
IMG_7752

Cabdi wali gaas oo lagu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso ee gobolka bari “Sawirro+Muuqaal”

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho.

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WARKA-DUHUR-27.11.2014.mp3"][/audio]
DSC09299

Dufcadii si deedaad oo ka Qalin jabiyay machadka SOS”Sawirro”

Ku dhowaad 30 arday  ayaa amaanta waxa ay  ...
dayactir

Degmada Warta Nabadda oo laga bilaabay dayactir wadooyinka ah (DAAWO MUUQAAL)

Maamulka degmada Warta Nabadda ayaa maanta howlo lagu ...
Xeer ilaaliyaha Qaranka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo sheegay inay baaritaano ku socdaan dad loo heysto dhoofinta dhuxusha (DAAWO MUUQAAL)

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in ...
xoogga-dalka-

Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS oo tababar loogu soo xiray gobolka Bakool

maamulka gobolka Bakool ayaa sheegay in tababar loo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WAR-SUBAX-27-11-2014.mp3"][/audio]
Mustaf-Dhuxulow

Wasiirka warfaafinta oo ka qeybgalay munaasabad lagu weyneeynayay dhaqanka Soomaalida (DAAWO MUUQAAL)

Wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha, mudanayal ka tirsan ...
images

Taliska qeybta 60-aad ee ciidanka XDS oo ka warbixiyay howlgallo ay ciidanku sameeyeen

Taliska qeybta 60-aad ee ciidanka XDS ayaa faah ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WARKA-HABEEN-26.11.2014.mp3"][/audio]
IMG_7475

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Kormeeray Xarumo Ku Yaala Qardho “Sawirro”

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ...
8

Tartanka kubadda cagta ah oo ay soomaali ka qeybgalayeen oo Holland lagu soo gabagabeyey +Sawirro

Markii ugu horeysay oo Tartanka kubadda cagta ee ...
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalja

Agaasimaha guud ee Qorsheynta iyo Xiriiriyaha hay’adaha samafalka G/Sh/Hoose oo la magacaabay

[caption id="attachment_218581" align="aligncenter" width="640"] Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ...
beeraleey

Beeraleyda gobolka Shabeelaha Dhexe oo la qorsheynayo in abuur loo qeybiyo

Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa bilaabay qorshe abuur ...
muqdisho_1

Horumar ganacsi oo laga dareemayo magaalada Muqdisho “DAAWO”

Horumar dhanka ganacsiga ah ayaa laga dareemayaa suuqyada ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WARKA-DUHUR-26.11.2014.mp3"][/audio]
PM YAMAN 4

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha Yemen , SAWIRRO

Sanaa,November 26,2014 -  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta ...
beledweyne1

Xarumaha danta guud ee gobolka Hiiraan oo dib u dhis lagu sameynayo

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhawaan dib ...
115

Muungaab Oo manta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guude Ee Q.midoobay Nikolas kay .SAWIRRO+MUUQAAL

Kulankaan oo manta ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka ...
shabaab

Wadayaasha gaadiidka oo ka cabanaya lacago baad ah oo ay ka qaadaan Shabaab

Wadayaasha gaadiidka isticmaala waddada isku xirta Jowhar iyo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/11/WAR-SUBAX-26-11-2014.mp3"][/audio]

Tubta Toosan

bad

Xasuuqii Alshabaab ka geysteen Mandheera maxay diintu ka qabtaa?-DHAGEYSO

Diinta Islaamku waxay reebtay in la dilo dadka ...
Sharia

Alshabaab iyo si xun u adeegsiga Shareecada

Maleeshiyada Alshabaab waxay sheegtaan in ay u dagaallamayaan ...
Knowledge

SHEEKH MUUSE CAGAWEYNE: Aqoon la’aani waa Iftiin la’aan-DHAGEYSO

Aqoon la’aani waa iftiin la’aan ayay tiraahdaa Soomaalida. ...