Muqdisho- Daqiiqado kooban oo il milicsigoodu aad u dhadhan macaanaa, qof daawaday mooyee aanan qof kaleba loo sifeyn kareyn ayaa ka dhacay qeyb ka mid ah Garoonka Olympic Stadium ee ku yaala Fagaaraha Olympic Park ee degmada Stratford ee bariga Magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo ay ka dhacayaan Ciyaaraha xagaaga ee London 2012 Olympic games.
Mar qura ayay shucuurtu is wada bedeshay oo daafa dunida dhami farxad lala qushucay, iyadoo bulsho waliba ay calankeedii ka dhex eeganeysay calamada meesha la isugu keenay ee ummadaha metelayey.
Malyuumaad Soomaali ah ayaa farxad la wada ilmeeyey, misena hab maamuus wanaagsan isu marxabeeyey, kaddib markii ay dhul iyo cir is qabsaday astaanta lagu shafro Cawaalaha buluuga ah ee huwan karaamada ummadda Soomaaliyeed, waa calankeena cirka lagu masaalee, kaas oo ka dhex babanayey goob ay ka taagnaayeen in badan 200 oo calan oo ay leeyihiin dadyow kale oo dunida ka kala yimid.
Hayeeshee astaanta calanka Soomaaliyeed ee laga tumay Stratford, lagana daawaday dunida guud ahaan si gaar ah waxaa u bilayey midabada mataanaha ah ee cirka iyo kan calankeena oo goob walba ee ka mid ah Garoonka Olympic Stadium huwiyey karaamo midabkeedu buluug yahay oo indhuhu ku doogsadeen.
Inta aan Xafladii furitaanka ee ciyaaraha Olympic-ga ka bilaaban London ee ay dadka Soomaaliyeed guud ahaan isu diyaariyeen in ay daawadaan furitaankan si ay mar uun fagaarahaasi uga dhex arkaan Cawaalaha sharaftooda huwan ee buluuga ah, ee muddo ka badan 20 sano fagaarayaasha uga maqnaa isagoo waayey cid u gurmata oo intey dhulka ka soo qaado soo joojisa fagaarayaasha caalamka.
Taasi waxaa ku guuleysatay gabadha Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Zamzam Maxamed Faarax oo iyadoo xiran midabkeenii buluuga ahaa, misena huwan sharafta iyo karaamadda ummadda Soomaaliyeed malyuumaad dad ah hortooda si xarago leh ula talaabo qaaday calanka Soomaaliyeed.
Xilli ay ku beegneyd sideed saac oo habeenimo ee xilliga Soomaaliya ayaa xiriiriyihii xafladda ee microphone-ka kaga dhawaaqayey dalalka fagaaraha soo maraya ayaa wuxuu si qurux badan oo cod macaan ugu dhawaaqay magaca Soomaaliya, kaddibna waxaa muuqday kooxdii Soomaaliya ku mataleysay London 2012 oo dhamaantood ku lebisan calanka Soomaaliyeed misena si farxad leh u galbinaya calanka Soomaaliyeed ee ay luleysay Zamzam oo ay gadaasheeda socdeen halyeyga kale ee orodka Maxamed Xasan Axmed iyo macalinkooda iyo guddiga Olimbikada Soomaaliyeed.
Sawaxan farxad xambaarsan ayaa Muqdisho iyo dhamaan magaalooyinka kale dalka is qabsaday, iyadoo dhalinyaro, waayeel iyo caruur aan loo kala harin farxadda iyo is marxabeynta lagu soo dhoweynayey halyeeyada Soomaaliyeed ee sharafteenii huwan ee calankeenii cawaale ahaa sida quruxda badan uga taagay bartii loo asteeyey in laga wada taago calamada adduunka oo dhan.
Inta aysan xafladda bilaaban shabakadaha warbaahinta bulshada (Social Media) waxaa si weyn u qabsaday war qiiro leh oo ay ka dhex muuqaneysay Zamzam Faarax oo qaadeysay ereyadan qiirada leh.
Dhulkeygiyoow
Kii laygu dhalayoon
Ku dhaqaaq bartoow
Kaa dhoofi maayee
Dhankaloo qalaad
Ku han dhaafsan maayee
Inta aanan dhiman
Lay kaa dhex gelin
Dhaar waxaan ku marayaa
Inaan kuu dhintaayoon
Kaa dhiciyo cadowgee
Bal goco oo dib u milicso beri samaadkii Soomaaliya, xilligii wiilka Soomaaliyeed lagu sifeyn jiray libaaxa keymaha Afrika, taas oo loola jeeday geesinimada iyo kartida gaar ahaaneed ee ay lahaayeen ciidankii Soomaaliyeed ee gumeyste walba sanka ka duray.
Dad badan oo waayahaas u soo joogay ereyada Zamzam ay qaaday waxay ku reebeen xusuus gooni ah oo ururgo xambaarsan, waayo waxay gocdeen xilli aad uga duwanaa kan ay manta ummaddeena ku jirto, iyagoo qaarkoodna halkaas ka saadaaliyey in qarankii Soomaaliyeed uu dhogor ridanayo oo haatan ka baxayo diihaalka ku dheeraaday, kaddib markii ay soo if baxeen halyeeyo u hana qaaday haba tiro yeraadaane.
Ereyada taariikhda galay ee waayuhu na xasuusiyey markii ay Zamzam heesta qaadeysay waxaa ka mid ahaa heesta Nadar ee ay ereyadeeda ka midka yihiin.
Nadar baan horey u galay
Niyadeydu waa meel
Haddii aanan soo noqon
Calankeyga Nuurow
Allahayow ku nabad geli ….Aaamiin
Sida taariikhdu ay dhigeysana, Laba xidigle Xalane, oo ah ninka loogu magac daray Xeradii Xalane ee duleedka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, wuxuu geeriyooday isagoo ka difaacaya in calanka Soomaaliyeed ay meel uu surnaa ka siibaan ciidan ka mid ah Ciidammada dowladaha Afrika oo ay markaas dagaal culus kula jireen, kuwaas oo ku soo siqay dhufeysyadii geesiyadii Soomaaliyeed ee xilligaa difaaca ku jiray.
Bulshada dunida ka soo kala safartay ee 80,000 ka badnaa iyo Bilyanaatka shaashadaha caalamka ku dheygagay ee daawanayey furitaanka Ciyaaraha London fajaciso kuma aysan aheyn in ay arkaan calanka Soomaaliyeed oo si xarago leh loo lulayo, waayo wuxuu ahaa calan ay fagaarayaasha ku yaqaaneen oo in muddo ah uun ay waayeen meel uu ka baxay.
Calankan waxaa fagaarayaasha si aad ah dadka ugu baray halyeyga Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud Cabdi Bile Cabdi oo bartamihii sideetamaadkii labo mar Somalia u soo qaaday billadda dahabka ah ee 1500 ee mitir oo uu si xarago leh uga soo qaaday ciyaarihii Olimbikada Rooma ee 1987-dii iyo ciyaarihii Olimbikada ee Barcelona 1989-kii.
Cabdi Bile wuxuu dhigay ciyaaraha Rooma rikoor cusub, wuxuuna 800 ee mitir ee ugu dambeysay ee orodka 1500 ee mitir ku orday muddo ah 1:46.0 taas oo ah waqtigii ugu gaabnaa ee qof tartamaayo uu muddo intaas la eg ku ordo dunida oo dhan.
Inkastoo Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Axmed ay ka yimaadeen Soomaaliya oo xilliyadii ay tababarka ku jireen oo dhami ku soo qaateen xabad ka gambasho, dil ka baqid iyo jahwareerka ay ma wadaageen ummadda Muqdisho ku dhaqan, haddana soo shaac bixidooda ayaa guul ugu filan ummadda Soomaaliyeed oo haatan u jiheysaneysa dhanka horumarka, kana soo jeesaneysa dhanka dagaalka.
Haddaba, ma u diyaar garowda habeenka loogu magic daray habeenkii oohinta farxadeed? Habeenkaasi waa habeen qofkii uu dhaafo uu aad u nasib daran yahay, waayo waa taariikh aad dib u soo noqoneyn oo horey uun u soconeysa.
Habeenkaasi waa habeenka ay Zamzam iyo Maxamed Tiyaatarka Olympic Stadium u soo fuulayaan in qoorta loo suro biladaha dahabka ah ee ay qaadeen, wuxuuna habeenkaas astaan u noqon doonaa dhamaadka dhibaatada Soomaaliya, waayo dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa u wada diyaar garoobaya in ay farxadaasi darteed u wada ooyaan si illinta indhahooda ka qubata daadkeedii uu u qaado inta qaswadayaasha ah ee ka nixi doonta guulahaasi taariikhiga ah.
Soomaaliya waa dad ku faana orodka waana dadka dunida ugu orodka badan, laakiin waxaan weli la siin fursadii ay ku soo bandhigi lahaayeen dadkooda ALLAAH ku maneystay orodka duulista u dhigma ee mucjisada ah.
Tusaale haddii aan u soo qaato qiso yar oo aan ku maqlay cilmi dhegood ahaan, xilligii ciidanka Soomaaliya ay la dagaalamayeen Ethiopia, askarta raafka ahna la aruurinayey ayaa waxaa la qabtay nin dhalinyaro ah oo laba dhiilood ku sitay caano uu suuqa u soo waday.
Markii la qabtay ee xeradii la geeyey ayuu ooyey, kaddibna waxaa la weydiiyey maxaa kaa oysiiyey, wuxuuna ku jawaabay “Kama baqayo askarinimada, kamana baqaayo inay caruurteyda agootoobaan, balse waxaan la ilmeeyey orod korkeyga ku jiray iyo sida fudud ee la ii soo qabtay”
Askartii oo yaaban ayuu teliyihii wuxuu ninkii ku yiri “Bal orod haddaba haddii aad fakan kareyso” wuxuuna soo joojiyey afar waranteeri ah oo loogu talo galay inay soo qabtaan askarigii isku daya inuu orod ku baxsado.
Ninkii wuxuu taliyihii ka codsaday inuu dhiilihiisa siiyo si haddii uu fakado uu ula fakado, kaddibna wuu ka aqbalay isagoo is yiri ma nin dhiil wada ayaaba ordi kara.
Ninkii markii uu dhiilihii gacanta ku dhigay ayuu orod booday, kaddibna kooxdii afarta aheyd ayaa ka daba boodday, balse wax aan siigo meel fog ah aheyn ayeyba arki waayeen, ilaa inta ay shakiyaan is yiraahdaan wuxu dad ma aheyne jin ayuu ahaa, sidii ayuuna kaga fakaday isagoo weliba dhiilihii ku raran.
Bal ka warama haddii ninkaasi reer miyiga ahaa iyo asxaabtii ay isla ula bootami jireen ay Soomaaliya soo safi laheyd safka orodka, wallee wacdaraa dhici laheyd…!
Haddaba, haddii aad milicsatay xalay wixii ka dhacay Barxadda Garoonka Olympic Stadium ee Stratford, waa hubanti in aad jiriricootay, balse waxaad sugtaaba waa habeenka oohin farxadeedka biladaha dahabka ah loo farxayo loo wada balansan yahay iyo sida aad dareenkaaga ula qeybsato Zamzam iyo Maxamed Rabbi haku guuleeyo hadafkooda ay hiigsanayaane.
Haddii aad qoraalkan aqrisay, u duceey Zamzam iyo Maxamed inuu ALLAAH ka dhigo kuwo inta ay la tartamayaan ka sara mara, ummadda Soomaaliyeed magaceedana guul waarta u soo hooya.
Adiga oo mahadsan wixii dhaliil ah ku soo dir Abukar.albadri@gmail.com
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
asc dhamaan waxan halkan ka salamaya dhaman umada somaliyed waxan leeyahay ilaahay ha guuleeyo ciyartowdena sharaftena kur ha noqoto aamiin
Ilaah haku guuleysiiyo Walaalahayna noo Tar Tamayo,in kestoo lugu jiro bil soon qaad lagana yaabo in aysan maalintaasi soonkooda iska dayn, xiliga uu Bilaabanayo oradkane waa maalinta jimcaha soo socoto ee Taariiqduna ku beegantahay 03.Agosto.2012 Saacadu markaytahay dhanka Ingiriska 10:00am
Insha,allah waxaa inoo soo hooyan doonto guul aan ku faraxno ( ducada aan badino walaalayaal)
masha,allah
ALLA GUUULAYSIIYO waalaalaheeen sooomaaaliyeeed insha allaaah lambarka 1aaaad allaha kayeeeelo
inshaa alaah bisha ramadaaan fadligeeda waa guulesanayaan walaalahyna zam zam iyo mahamed guul.. guul,, guul
waxaan halkaan kaleeyahay asc dhamaan warbahanta qaranka soamaliayeed radio qaranka waxaan halkaan kasalaamayaa dhamaan shaqaalaha iyo qoraaga wlh waan jiriricoday wlh waxaan halkaan uguducaynayaa walaalahayga maxamad iyo zamzam waanusoomanahay aqbalka ilaah baa iskaleh waxaan ilaah ugubaryeenaa in ilaa usaqiro hadafkooda insha allah waxaan jaclahay inaan ka arko calankena midibada quruxda badan iyi istaantiisa markaamaqashid ama aadsooxasuusatid aad iyo kuuqiiragalinaysa insha allaah waankuguulaysanaynaa insha allaah
insha alaah waaguuleysanaayaan waayo intaas oo muwaadiniin somaaliyeed ayey kafarxiyeen ayagana alah ka farxiyo, faataxadaan idinku soo kabeynaa,
Ammin yaarabi in sha Allah wey guuleysanayaan zam zam iyo mohamed guusha Allaha waa fajiyo
guuul insha allah
Alaha ka hormariyo inta ordeeyso kuwa guusha gacantoda soo galiyo alaha kadhigo
Guul guul guuuuuuleydtaaaaa
illaaaahay ha ku guuleeyo
waa bil ramadaan umaduna soomantahay
allaah baanu u baryeynaa in orodkooda
dabeyl illaahay uga dhigo, idinkana
aaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiiiiiin
udhaha insha allaaaaaaaaaaaaaah
waa,,,,guuuuuuuuuul,,,,,,,,,,,
waaa inaan iska iloownaa, wixii la soo dhaafay, tiigsanaa waxa soo socda,, dhalinyarooooy anaguu na sugayaa wadankan, odoyaashan wada caloosha waa ween wax yar baa cimrigoodii ka haray lasocda,,,,,,,,
Insha allah wanku guulesadoonaa hadii alle yiraa lkn somaliya yaan mardambe la maqlin somaliya ayaa fagaaraha adunka lacag yari uga hartay wayoo hadii eyna dowlada bixi Karin shacabka aya bixin waxaana calanka somaliya u rajen in caalamka laga tago calanka somaliya Asc mahadsanidin rm
asc rsamadan kariin runti walaahi aniga oo jogo wadan qurba ah hadana aad ayaan ugu farxay marka an arkay calan keyna oo la so marsiyay fagaraha inta an ka arkaayo wan sugi wayay dharar markan arkay farxad ayaan la ilmeyay waxaan kalo jeclan lahaa in an arko iyago guleystay waxaan kalo aad ugu xumahay ninka gudomiyaha hadalkiisa oo ahaaa waxaan mesha u tagnay in an calan ka so bandhigno oo kaliya hadal kaas waa hadal qaldan mesha guul ayaa lo tagaa ee ma tago nin guul daro diyar u ah mana doneyno waxaas oo kale qof ku hadlaayo
mashallah ILLAAAHOW ducada naga aqbal ooo dalkeeena inoo hagaaaji sharaftiiina inooo soo celi
walalaha Somaliyeed waxaan kacodsanaa in aan gacmaha isqabsano oon dowladeena garab istaagno markaas waan guuleyseenaa inshallah ZAMZAM IYO MOHAMED WAXAAN LEEYAHAY NOQDA KUWIII GUUUL SOHOYA
xaley aniga ka somalia ahaan waxaan ka dawanayey dalka uganda waxey iyo walalkey waan u ooyey guusha ay nookeeney oo ah in calanka soamlia mata aduuna dawanayo madana 20 sano ugu danbeysey uu nala harey dagalo manta na aan kawada hor marney dalal nabad ahaa sanadihii ugu danbey walaley dhamn waxaan wada leyahey adinkoo is ku duuban guuleysta walal yaan waxadna ogataa umada somalia iyo dalka somalia waa idin dawanayaa meel kasto ay joogaan iyo qofkasto oo somali ah wadiin duceynayaa? anigana waxaan u doceyaa xili walba aan salad tukada iyo mar walba waxaan idiin kaga tagayaa guul in aad gaartaa adinkoo wada duuban iyo malinta tartanka gusha aad gaari doontaan ????
Waa guul midnimo leh,waxaa soo if baxaya midnimo soomaaliyeed, laakiin waxaan aad iyo aad jeclaan lahaa in la waayo laba somaaliyeed oo ay kala celiyaan askar africaan ah,oo mushaaro ku qaaataan kala celinta laba somaaliedd,ogaada nina marabo iney shaqadiisu dhamaato marnaba
laakiin hadii la waayo laba somali oo dirirsan waa hubaal shaqadoodu waa ya dhamaani,
AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA ..aBDULAHI SULDAAAN TIMA CADDE,waxaa lagu xasuustaa dugsi ma laha qabyaaladu waxay dumisa mooyaane>>>>>>>>>>>>>>>
somali ha noolaato,
Mashaa allah
acs muda soomaaliyeed mil walba aad jogtaan.
Salaan ka dib waxaan ka baxnay dagaalki 20ka sano ku jirnay madama oo calankeynii ka dhax babanaayo aduuweynaha marka waxaa sharf inoo eh iney noo dhalat doowladii aan sugeynay 20sano marka aad aragtit calankada hooyo waxaa ku damqanaayo jirka waxaa kaa soo burqanaayo ilil waa qofkii wadaninimo ku jirto waxan ugu duceynaa zamzam iyo maxam inuu alla u fududeyo riyadooda ayey muda soomaali isku soo cilin rabaan alla ayaa garabkiina jogaa waad heleysiin bilada dahabka ah niyada kheer u sheega walaalaya cadawgeyna dhulka ka hoose amiin amiin
Guuul guul guul. Alle ayaan uga rajenaa in aay noqdaan our golden boy anad our golden gril all in th world insha alh.
Halbalyo wlh waa habEeen aad qiiiro ugalisay dhamaan intii dhiig leh ee soomalinimo kujirto
wlh waxn ku fraxsnahy inan ka arko fagarayasha clamka clankena qurxda bdan samsam and moha alle waxn ugu bryeyna inu garsiyo gul lama ilabn hdan nahy umada somalyd waxn lagarb taganahy ducada
Walahi ani waxbo maba qori karo ilmo darteed kaliya waxan leyahay allaha ay guushu gacantiisa ku jirtow noo hiili o manta guushada nasii
aamin aamin somaaliyeed mawaadimida laxajiyo waxa nabaabi iyay waa muwaadinimo xumo nagu jirta alaw qaranka soo celi zam zam iyo maxamedna guuleeh aamin aamin
Asc maasha alaah waa rijenaaa soamliya anee gaarto heergii ugu sareeye guuusha alaah waxaa ga baryaa anoo guuul nasiiyo ee gu farxaan umada somaliyed oo dhan guuuul ayaa sugenaaa guuuul guuuuuul ale hanoo sahlo guuuuul radio muqdisho waa mahad santihiin guuuul thnks
ASC DHAMAAN UMADA SOOMAALIYEED IYO BAHDA IDAACADA IYO TELEVISION KA QARANKA. ILAAHEEY HA GUULEEYO ZAM-ZAM IYO MAXAMED, QALBIGA AYAAN UGA DUCAYNAYNAA WAQTI WALBA. HABEENKA OOHIN FARXADEEDKA KAHOR AYAANBA ILIMAYNAY OO AAN LA OOYNAY FARXAD KADIB MARKII AAN ARAGTAN CALANKEENA BALUUGA AH KUNA ASTAYSANTAHAY XIDIGTA. I LOVE MY MOTHER LAND SOMALIYA.
Waxa ni dhihilahay ilahay haniku gulyo.
Waxaan Ilaah Uga Baryeeynaa In Uu Guul Gaarsiiyo Walaasheen Zamzam Iyo Walaalkeen Maxamed Guuuuuuuuuuuuul Insha Allaaaaaaaaah
waxaan leeyahay insha allah way kuulaysan doonaan, waayo way niyad wanagsanyihiin waana niyad fiican yihiin
alayoow noogargaar adaan gargaar kaarabnaa
ilaahow adaa amarkaagu wayyahay
alayoow noogargaar adaan gargaar kaarabnaa
ilaahow adaa amarkaagu wayyahay
deemawaay ilaahaw
xagaa nagaxali adaan xalkaaranaa cidkale ooxal noohayso majirtee
radiomuqdisho waa kaan kaliya aan kaa helno dhiro galin wlh wax kalebaa iskadaya intaa yaar an aqriinaya faladaan ayaan ilmeeyay wlh aniga wali somaliyaa nabad kuma arkin 19sano ayaanjiraa wax kale maa arkin oo aan kaa heeyn qaraxyo iyo is rasaseen markan dulkeeygaa kaa soo tagay ayaan dareemay nabada iyo hoormarka qimaaha ay leedahay runti hada soomaalida mel kasto aay jogto waxaa laa dhihi kara nabada iyo hormarkaa ayeey uu soo jesteen samsam farah iyo maxamed waxaan uu rajeeynaaa gul guul insha allah
asc alaahahow guulo wax ku ol ah ayaan kaa baryeyna
yes
guuleysta guuleysta waligiin
hambalyo umada somaliyed waxan rajeyneyna guul g*uuuuuuuuu*l
Masha allah walaalehen soomaliyed waxan kacodsanaya inay u duceeyan walaalaha tartamaya zamzam&maxamed inuu kuguuleeyo
asc. walaalahega waxaan u rajenaa in uu ilaahey guul gaarsiyo qof aan alle guul siiya guul mahelo . ilahow bil soon ayaa lagu jiraa daradaada ayan usoo manahay ducadeda aqbal .(allahuma calee bid ducaa wacaleeka bil ijaabah.
al sabru jamiil
asc marka hore marka xigta aad ayaan ula dhacay maqaalkan waxuuna igu dhaliyay shucuur aad u wayn ilmadiina waxayba iga qubatay intaan gaadhin maalinta loogu talagalay ilmaynta, maxa yeelay wxaad celiseen barisaadki umada somaaliyeed magaca ku lahayd dunida dacaleheeda, ilaahay nagu beeg sanadkan sanadkiisa somaaliya oo ah dowladaha wax la waydiiyo dunida lagana danbeeyo amiiiiiiiiiiiiin amiiiiiiiiiiiin aminnnnnnnnnn mahdi fr djibouti
waxan rabi uga rajeynayaa guur aan fileen walaalaheey zsmzsm iyi mahamed in shaa alaah habeenka uuyin farxadeedka ayaa noo balan ah walaal yaal dhamaantiin as c w w
Asw. Waxa aad loogu farxo ah in dhalinyaradeena ay la ilmaynaya jacaylka wadankeena qaaliga ah. Waxan ilaahay kabaryayna inay indhaheena kudoogsadan malinta lagudoonsinayo walaalaheena MAXAMED iyo ZAMZAM biladaha dahabka ah. AMIIIIIN
ilaah guul hasiiyo umadda dhan oo ka qeeyb galayaan ineey kasaramaraan ayaan u rajeeynaa guuleesta inshaa allaah.. calankeena oo ka dhexmuuqda meesha ayaa noogu filan sharaf..
s/c umada somaliyeed meelkasto ay joogto gaar ahaan dalinyarada kasoo qeeb gashay calankeena somaliya soo celiyeen lakiin waxa dhaliil mudan madax somaliya in laga waayo midkamid ah niyda u dhisa somali oodhan isha alaah guul ayaa rajeernneynaa
ASC, Bacda salam waxaan salaamayaa marka dhamaan shaqaalaha TV-ga iyo radio-ga Qaranka marka xiga waxaa salaamaya sxbkey Abukar Albadri oo nin runtii qofkii yaqaana iyo inta maqashaba ay ku yaqaanan muwaadinimo dhab ah iyo iiman iyo dhamaan umadda Somaliyed waxaana uga mahad celinayaa Albadri qormadan runtii ilin intii igu filan iga keentay waxaana u rajeynayaa walaalahen Zamzam iyo Mohamed Guul runtii noqota mid lagu qoro baalka koowaad ee taariikhda somalia kadib 22sano Allahna waxaan ka baryeynaa inuu naga dhigo kuwii ku faano guushaas nasiibna u yeesha Somalia oo kusoo noqota sharafkeedii iyo hogaankii ay u heysay Africa iyo mid kasii wanaagsan quluubteena ka dhigo mid isku duuban arkana xaqiiqda dhabta ah iyo waxa aan isku nahay inta nalooga baahan yahay insha Allah ka rajeynayaa inaan nasiib u yeesho habeenkaas aad ugu magac dartay habeenka oohin farxadeedka insha Allah….
Masha allah , allah give us nabad warda
walaashey samsam si wanaagsan ayey calanka u qaaday hambalyo ayaa leeyahay somaliya oo dhan laga soo bilaabo boorama ilaa kismaayo
Asc walalayal bishan kherka badan kherkeda kuwii ilahey wafajiyo alaha naga dhigo walalaha gushi ino so hoyana kher badan alaha siyo ana gana alaha naga dhigo ku wada difaca diinta dadka dalka gulaha ino dhimana kuwii so hoyo alaha ka dhigo dhalin yarada (zamzam iyo muhamed ) guul wcn walala yal calanka cida ka jaftene gul gul gul
Insha allah maxamed iyo zamzam guul ayan u rajaynayna farxad wayn ayey notahay hada nahay umada somaliyed gar ahan dhalinyarada qalalasaha ku so hana qaday e an arkin nabada iyo magaca somaliyed qimaha u leyahay guul
Hambalyo umadda somaliyed waa wax lagu farxo in maanta lagu arko calankeena quruxda badan goob kamid ah caalamka waana guul usoo hoyatay shacabka somaliyed hambalyo