Dibad bax lagu xusayo 1da Julay oo ah 52 sano kahor markii ay gobolada Koofureed ee Soomalia ay iska tureen heeryadii gumeysiga isla mar ahaantaana ay lamidoobeen gobolada woqooyi ayaa galabta lagu qabtey magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka oo ah meesha ugu soomalida badan wadankaan.
Dibad baxaan ayaa waxa uu kadhacay bartamaha magaalada Minneapolis, iyadoo loo xiray dibad baxaani wadooyin dhawr ah oo dhex mara is magaalada,waxaa ka soo qeybgalay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee gobolka Minnesota ee ay Soomaalidu ku dhaqan tahay, waxaa sidoo kale iyaguna munaasibadan kala soo qeybgalay dad kale oo ka socday bulshooyinka kale ee ku nool wadankaan.
Dadka isku soo baxay, oo intooda badan muuqaalka ay ka sinaayeen ay ahayd midabka buuluga ah ee calanka Soomaaliya,waxaana dadkii halkaasi isugyimid la hadlay aqoonyahano, waxgarad, iyo siyaasiin isugu jira Soomaali iyo waliba kuwo ka tirsan dowladda wadankaan Mareykanka, kuwaasi oo dhammaantood ka sheekeeyey qiimaha ay bulsho waliba u leedahay maalintooda qornimada, islamarkaasina loo baahan yahay in la weyneeyo maalintaan oo kale.
Pro. Axmed Maxamed Qaadi, oo isagu ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo maadada taarikhda ka dhigi jiray kuliyadii lafoole, oo ka mid ahaa dadkii madashaan ka hadlay, ayaa sheegay in qornimada Soomaaliya loo soo maray marxalad adag, islamarkaana aan si fudud lagu helin.”Dadkii xornimadaan aan manta harsaneyno keeney waxay ahaayeen dad adinkoo kale ah ee dhiig isku yeela dhalinyaroy noqda sidii 13kii dhaliyaro ee caanka kanoqday Somalida dhexdeeda ee S Y L.”
Waxaa sidoo kale halkaasi kahadley Fardawso Jaamac kuhadleysay magaca haweenka Soomaaliyeed, waxayna sheegtay in mar waliba haweenku utaaganyihiin iney garab sitaagaan cid waliba oo wax uqabaneyso wadankeena hooyo, iyadoo intaasi raacisey “Ninkii daneynaayo inuu kashaqeeyo nabad kusoo dabaalida wadankeena hooyo waan lashaqeyneynaa waana gaarabtaganahey laakiin ninkii raba inuu dumiyo gurigii shalay ladayactiray ragow maxaaad katiraahdeen?” Hadalkaas oo soo jiitey dhageystayaasha ayaa mar qura sacab iyo sawan kutaageeray,
Fanaaniin ay kamid ahaayeen Zaynab Labo dhagax, Kadro Omar Dhuhle Fartun Omar iyo Hodan Abdirahmaan ayaa ka qaaday heeso wadani ah oo dadkii daawanayey ay ladhace, sidoo kale waxaa lagu soo bandhigey majaajilo, gabayo iyo waliba buraanbur guud ahaanba katurjumaya maalmaha taakhiga u’ah Somaali meel ay joogtaba iyadoo gabayadii halkaasi laga qaadey qaarkood ay dadkii ilmo kakeeneen.
Waxyaabaha intii uu dabaaldegaan socday lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah waxyaabo ka turjumaya dhaqan ay Soomaalidu gaarka u leedahay, gaar ahan waxyaabaha farshanka, fardo fuulka iyo waliba astaanta qaranka ee wadanka Soomaalida, waxaana xusid mudan in dadka munaasibadaan goob-jooga ka ahaa intooda badan ay ku soo labisteen dhar u wada eg calanka Soomaaliya ee baluugga ah.
Goobta waxaa amaankeeda sugayey Police magalada Minneapolis oo kaashanaya dad Somaliyeed oo ay ugu talo galeen iney lashaqeeyaan inta ay xafladu dhamaaneyso, iyagoo gaaf wareegayey dhamaan hareeraha dibadbaxaani kasocdey wuxayna kuguleysteen iney nabd iyo nidaam ugu dhamaato xafladii,
Sikastaba ahaateee xafladaan oo ahyed mid aad bilicdeeda iyo diyaariskeedaba looga soo shaqeeyey laguna xusayey maalmaha xorriyada Somaliya ayaa waxay kusoo beegmeysaa xili ay ifefaale nabadeed kasoo if abxeyso wadankeena Soomaliya taa oo rajo iyo hididiilo horleh galineysa dad badan oo qurbaha kunooli ay ku hanwaynyihiin iney wadankooda dib ugu laabtaaan.
Wariye Madax banaan Abdi Sh Hassan Kulmiye (Ayare)
Waqooyiga America
Magaalada Minneapolis
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
Asc wr wb ……..dhamaan
Waxaan marka hore halkan kasalaamayaa dhamaan shaqaalaha iyo isku diburidaha barnaamijkan
Marka labaad waxaan xasuusin lahaa umada somaaliyeed waa maalin xusid mudan la idinkana baahan yahiin inaad somaalaay raacdaan tusaalayaashowdii mudnaanta wacnaa ee ay naga tageen halgamayaashii somaliyeed dhàmaan oo dhidibada u taagay xoriyadan aan maanta harsaneyno dhamaanteen nalaka helaa dad sidii syl Oo kale ah dalka iyo dadka midayn kara .
hey datisniet normaal daarom soomaali waxaad isleedahay qof kama maqno thans soomaalida kunool dalka maraykanka wsidaad umuujiseen ama aad uqadariseen kowda july waayo mar kaad dabaal dagteen ayuu maraykankii aad la joogteen uu noogu soo hambalyeeyeay maalin xornimada koonfur qaadatay isla markaana ah midowgii koofur iyo waqooyi soomaaliya waa mid waligeedna mid ayey ahaandoontaa insha alaah
waad salaamantihiin dhamaan walaalaha somaliyeed ee reer minisota waxaan kaloo iin leeyahay ciid wanaagsan dhamaantiin
wwwwwwww masha,allah ilahay ha idin dhowro saas maan isku jeclano wadankena wadan shisheeyeba waan is jecel nahay yaa rabi soomali mid ka dhig magciina ha jiro waan ku fanaa wadankeyga iyo dadkeyga vivaaaaa sooooomaliya
mansha allaah
yaa allaaaaaah
maasha allah waxaan aad ugu faraxsanahay in dadka jooga qurbaha gaar ahaan maraykanku ay si xor ah u xuseen maalinta xornimadooda waxaan mahad gaar ah u celinayaa wariye Cabdi Sh Xasan oo ka tirsan rug cadaagii Radio Muqdisho.
mashallal allah
illahay haa noo so ceesho
Waa wax lagu farxo in Somali ay si wadajir ah ugu dabaal dagto maalmaha xoriydda Somaliyeed, dadka reer Maraykan aad ayay uxuseen Sanadkaan Abdiyare thnx for your information about Somali Independent Day.
MASHA ALLAH NICE
asc all soomaali weeyn melkastoo aad ka joogtan aduunka salaan kadib waxaan filaa in eey midnimo noo soo dhawaatay ilaahoow inta dhiman isku keeyn raaci ada awodadu wentahaye ilahow
Somaliya guul iyo nabad ayaan alle uga baryaaaa
somali dhabad waarta Ilaahow noogu \soo celi wadanka amaan baar
maasha alaah aad bay uqurx badantahay, waxaana igala sii quruxbadan gabdhaheena asturan, maashalaah ilaah haidin daysto
soomaliya hanoolato hormuud waxa weeye xasan sheekh maxamuud
hormuud waxa noo sameeyay xasan sheekh maxamuud waa malin aad u weeyn waxaan leeyaha hada iyo hadhoow somalia++ is my country iwill died for it ilove somalia hanoo lato soomalia by proff mahdi good job xasan continue thanks
mansh allah somalia haa noolado
Maasha alaah soomaali way is raacday
masha allah somaliya hanoolaato hanoolaato aad iyo aad ayaan ujeclahay dadkeyga iyo dalkeyga
allow umada somaliyeed unaxariiso adaa weyn waaxidee somaliyana barwaaqo iyo bash bash nooga dhig
walahay jariro idhamaysay god help somali and god bless to al somal
maaaaaaaaaaaaaaaanshaaaaaaaaaa alaaaaaaaah