Friday, May 24th, 2013

Kulan Looga Hadlayey Dhibaatooyinka Loo Geysto Haweenka Oo Ka Dhacay Magaalada Marka “DAAWO SAWIRRADA”

Published on October 16, 2012 by   ·   2 Comments  ·   5,520 views

Kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka gobolka Sh/hoose, ururrada haweenka gobolka iyo bulshada ku dhaqan magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa manta ka dhacay magaalada, kaasoo looga hadlayay dhibaatooyinka loo geysto Haweenka.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda CCD ayaa ahaa midkii u horeeyay ee ka dhacay magaalada Marka, waxaana ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka difaaca Dowladda Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, Taliyaha ciidamada xooga dalka Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini, Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Siidi, Taliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Sh/hoose Jen. Micheal Odongo, Taliyaha AMISOM ee deg. Marka Col. Charles iyo xubno kale.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Siidi oo ugu horeyntii halkaasi ka jeediyay khudbadda furitaanka ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay kulanka haweenka magaalada Marka ku dhex maray, taasi oo uu sheegay inay ka mid tahay waxyaabaha ay ka dowlad ahaan iyagu si weyn u raadinayeen.

Waxaa kale oo uu ka hadlay Guddoomiyaha dhibaatooyinkii Al-Shabaab ay ka geysteen gobolka Sh/hoose, gaar ahaan magaalada Marka, isagoo tilmaamay in magaalada Marka ay tahay magaalada ugu xadaaradda fog isla markaana ilbaxnimada dadka Soomaaliyeed ay hoggaanka u heyso.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidi) ayaa sheegay in gabdhaha Soomaaliyeed oo markii hore lagu bixin jiray nood iyo xoolaba ay kooxaha khawaarijta ah si xoog ah ku wataan iyadoo waliba gacanta loo gelinayo nin ajnabi ah oo aan dalka u dhalan.

“Waxaan u mahad celinayaa hay’adda CCD oo soo abaabushay kulankaan ay haweenka degmada Marka uga tashanayaan aayahooda iyo sidii ay ugu midoobi lahaayeen inaysan mar kale ku soo laaban gobolka Sh/hoose kooxihii dhibaatada ku hayay shanta sano” ayuu yiri C/qaadir Sheekh Maxamed Siidi.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Sh/hoose Jen. Micheal Odonga ayaa isna halkaasi ka jeediyay khudbad kooban, wuxuuna kula dardaarmay haweenka degmada Marka inay la shaqeeyaan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, isagoo ku ammaanay dadka ku dhaqan magaalada Marka inay yihiin dad wanaagsan oo nabadda jecel, waxaana uu ku booriyay haweenka inay kaalin mug leh ka qaataan nabad ku soo dabaalida iyo la shaqeynta ciidamada Dowladda iyo AMISOM.

Xuseen Carab Ciise Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka difaaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi ka jeediyay khudbad kooban ayaa sheegay in haweenka Sooomaaliyeed ay yihiin kuwa ay ku dhacday dhibaatada ugu badan ee dalka ka dhacday, taasi oo uu sheegay in isaga qudhiisa ay ku khasabtay inuu Dowladda ka mid noqdo, kaddib markii sida uu sheegay ajaanibta Al-Shabaab ka barbar dagaalameysa ay tacadiyo u geysteen haweenka Soomaaliyeed.

Kulanka magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ka dhacay oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan boqol haween ah oo ka kala socday ururrada haweenka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan gobolka Sh/hoose oo ah kulankii ugu horeeyay ee Hay’adda CCD ku qabato magaalada Marka ayaa la isku dhaafsaday fikrado iyo talooyin ku aadan sidii loo cirib tiri lahaa dhaqamadii kooxda Al-Shabaab ay ku reebtay degaanka iyo sidii haweenka magaalada gacan uga geysan lahaayeen.

Taliyaha ciidamada xooga dalka Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed mar kastaba ay yihiin hormuudka bulshada, wuxuuna soo qaatay halgamadii kala duwana ee ay soo mareen ilaa xilligii xorriyadda dalka ilaa xilligii uu dalka ka dhacay dagaalka sokeeye inay ahaayeen kuwii u istaagay badbaadinta bulshada.

“Haweenka degmada Marka iyo dhammaan haweenka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay soo celiyaan halgankoodii badbaadada shacabka ku dhisnaa si ay nabad u helaan, arrintaasina Dowladdu waxay la garab joogtaa wixii taageero ah oo ay u baahdaan” ayuu yiri Taliye C/qaadir Sh. Cali Diini.

Dhinaca kale waxaa iyana halkaasi khudbado kala duwan ka soo jeediyay Guddoomiyaha haweenka hay’adda CCD Sahra Maxamuud Amiin, Xoghayaha ururka haweenka Qaranka Faadumo Aadan Cosoble, Guddoomiye K/Xigeenada Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose iyo gudoomiyaha degmada Marka.

Ugu dambeyn madaxdan ayaa hoosta ka xariiqay isla markaana uga mahad celiyay Hay’adda CCD kulankan ay isugu yimaadeen haweenka degmada Marka markii ugu horeysay tan iyo markii kooxda Al-Shabaab halkaasi laga saaray, iyagoo qaarkood ugu baaqay madaxda CCD inay sii kordhiyaan wadahadalada bulshada ay uga tashanayaan mustaqbalkooda.

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-


Yurub                         +442035190460


USA & CANADA       +14156550815

Readers Comments (2)

  1. ilahow ina guuley kol kasta

  2. mohamed says:

    asc marka labaad marka aan rali keyga fiiri waa arin saxan madaxdeena qaliga ah waxan u sheega dumarka ilgaar ah hau lahadaan hadi kale iftiinka yarka ah nasoo gaaray ayaan sii wey neynaa dumarka waa hurmarka nolasha ?




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

Astaanta_Barnaamijka_Nasashada

Dhageyso Barnaamijka Nasashada Todobaadka Radio Muqdisho

Barnaamijka Nasashada Todobaadka waa Barnaamij Todobaadle ah waxaana ...
DSC00223

Ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka wadooyinka muqdisho habeenkii oo sii kordhaya iyo ciidamada oo adkeeynaya amaanka,”sawirro”

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa laga ...
gud (5)

Gudoomiyaha gobolka Gal-gaduud oo munaasada soo dhaweyn ah loogu sameyay magaalada Juba ee wadanka Koofurta Sudan “Sawirro”

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha maamulka gobolka Gal-gaduud ...
astaanta-warka

dhageeyso warka habeennimo ee radio muqdisho

WAR HABEEN 24.05.2013
S2170021

Wasaarada amniga Ximan iyo Xeeb oo sugaysa nabadgalyada xilliga doorashada”Sawirro”

  Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

War Duhur 24-May-2013
janaale

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Kormeeraya Degmooyin Ka Tirsan Gobolkaasi

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Bole Road Addis Ababa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Maamulkii Kismaayo Looga Dhawaaqay “Dhageyso”

Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
DSC00154

Gudoomiyaha Baarlamanka oo marti ku ahaa Barnamijka kulanka Jimcaha,Su’aallana Uga Jawaabay Shacabka Gudaha Iyo Dibadda “Dhageyso+Sawirro”

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX 24.05.2013
Obama

Madaxweyne Obaama oo sheegay in la wiiqay awoodii ururka Al qaacidda

Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
R.W Saacid

R/wasaare Saacid oo sheegay in isbedel uu ku yimid daqliga dowlada

Xukuumada Federaalka  ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Cabdi-Qeybdiid

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyay dib uga laabashada mowshinki laga keenay xukuumada

Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
xukun1

Maxkamada ciidamada ee Puntland oo xukun dil ah ku radday gacan ku dhiiglayaal

Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
rinkesc1

Rabshado ayaa ka socdo Magaalada Stockholm ka dib markii gaadiid iyo goobo ganacsi lagu gubay xaafadaha ay u badan yihiin Soomaalida SAWIRO

Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
LUULIYO

OGEYSIIS: Kulan loogu arinsanayo qaban-qaabada Xuska 1 Luulyo Ee Magaalada Munich ee dalka Germany.

Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
DSC_0376

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga Xarumihii uu tagay iyo Madaxdii uu la kulmay intii uu Sudan joogay oo dhamaystiran.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 23 05 2013
IMG_8547

Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay mudaneyaasha Baarlamanka “sawirro”

Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
safar bye bye

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya oo Addis Ababa u dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
IMG_8322

DAAWO SAWIRRADA:- Munaasabadii lagu xusayay aas-aaska midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
gafoow

Taliyaha hoggaanka iyo socdaalka oo sheegay in la diwaan galiyay dad badan oo ajaanib ah

Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
wasiroo_3

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
DSC01028

Munaasabad lagu xusayay maalinta Umulisada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay “sawirro”

Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 23.05.2013
qeybdiid Galmudug State President

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasad loo qabtay arday ka qalinjebisay dugsiga sare Mudug

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Sawirka 1

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga Sucuudiga.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweyne-xasan-Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 50 guuradii Midowga Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
dibad_ba_3

Dibadbax lagu taageerayay waxqabadka dowlada iyo mowshinkii la baajiyay oo ka dhacay Muqdisho”Sawirro”

Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Hobyo_view

Duqa dagmada Hobyo oo sheegay in ay wadaan waan waan lagu doonayo in ay xiisad ka dhalan dil shalay ka dhacay ceel huur

Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
muqdisho_1

Odayaasha dhaqanka Muqdisho oo soo dhaweeyay mushinkii ay la laabteen xildhibaano ka tirsan baarlamanka

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subaxnimo ee radio Muqdisho

WARKA SUBAX 23.5.2013

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*