Monday, December 22nd, 2014

Khilaafka u dhaxeyo horjoogeyaasha al shabaab oo sii kordhaya “dhageyso”

Published on November 26, 2012 by   ·   9 Comments  ·   7,660 views

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa labadii xaq darro ku heshiisa, xaqa ayay ku diriraan.

Maahmaahyadaasi qeyb ahaan waxay ku dabbaqmeysaa maleeshiyaadka Al shabaab iyo hoggaankooda Soomaalida iyo Shisheeyaha isugu jira.

Waa run in ay xaq darro ku heshiiyeen markii ay isu bahaysteen in ay Shacabka Soomaaliyeed nolosha u diidaan, laakiin xaq kuma aysan diririn ee waxay isku maan dhaafeen xaq darradii ay markii hore ku heshiiyeen.

Arrintaas waxaa si qoto dheer looga dheehan karaa, hadalladii ay muddooyinkan dambe jeedinayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Shabaab iyo  jaalkooda Alqaacidda  ee qeybta ka ah dhibta Soomaaliya.

Maalmo ka hor ayuu Cajal Maqal iyo Muuqaal ah Internetka ku faafiyay, nin ka tirsan  horjoogayaasha Shisheeye ee Alqaacidda ka jooga Soomaaliya.

Cumar Xamaami oo ku magac dheer Abuu Mansuur Al Amriiki, ayaa cajalkiisa oo ku socda hoggaanka Alqaacidda ku sheegay in uu meel sare gaaray khilaafka u dhexeeya  Ajaanibta Alshabaab ka bar bar dagaallanta iyo hoggaanka Shabaab ee Soomaalida ah.

Waxa uu xusay in rag badan oo ka mid ah dagaalyahannada Shisheeye lakhaarijiyay, kuwo kalena la qafaalay oo la xiray, qaar kalena  ay gacmo kale ku bexeen.

Wuxuu Al amriiki Sheegay in waxa uu ugu yeeray Jihaadkii Soomaaliya ka jiray uu qarka u saaran yahay burbur, wuxuuna  ku celceliyay in ay lagama maarmaan tahay madaxda Alqaacidda khilaafkan xalliyaan.

“Waxaan qarka u saaran nahay dagaal dhexdeenna ah iyo guul darro aan la mahdin doonin, haddii ay sidan wax ku socdaan” ayuu yiri  Al amriiki, oo intaa ku daray in uu muddo dheer ku dadaalayay in uu farriin gaarsiiyo hoggaanka Alqaacidda,, balse ay duruufuhu u diidayeen.

Khilaafka Hoggaanka Shabaab ee Soomaalida iyo Ajaanibta ah oo circa isku sii sahreecay, waa mowduuca  toddobaadkan ee barnaamijka Tubta Toosan oo uu nagala qeyb galayo Sheikh Cali Sheikh Maxamuud “Dheere”.

BAR.TUBTA TOOSAN 26.11.2012

Readers Comments (9)

  1. waxan u arka isqabqabsiga dhaxdoda waxey caden utahay bur burkoda xalaga shaqeyo dhanka dagalka iyo dhanka maskaxda qamat qiyamatuhum

  2. Maxamad xuseen says:

    Ninki soo joog laga waayo soo jiifso ayaa laga helaa jaba oo bur bura guul darada waxa ukeenay waa kitaabka oo ay ka been sheegeen

  3. CADAWE says:

    FADLAN RADIO MUQDISHO GAARSIIYA TALOOYINKAAN DOOWLADA/NABAD SUGIDA WAXAAN KA GUBTAY DHIBKA WADNKEYGA DADKEYGA HAYSTO TALOOYINKEEYGA IN EEY FICNAADAN WAA LAGA YABAA 1, xaafada eey wax ku dilaan dadka ku noool mobailka haka duubaan qofkii keenana dowlada abaal marin ha siiso ama daaqadaha halaga sawirto kuleyba qof walbo wuu hayt=staa telfon 2, TELFOONADA CIIDANKA POLISKA LAGA WACO DADKA OO DHAN HA LOO QEYBSHO SADAX NAMBAR SIDA WAA GII HORE CAMAL WAXAAN KU SO GABA GABAEYNAYAA NABAD SIGIDA IN EEY DHAGEYSTAAN SHIRKADAHA TELFOONADA SI DHAQ DHQAAQOODA LOOLA SOCDO WAN OGNAHAY WEY IS TICMALAAN KUBA NABAD DIIDKA AH IYO SHIRKAD WALBO IN EEY JOOISO SIM CARD LAGA IIBSADO MAGALADA OO QOF WALBO OO RABO IN LAGA QORAA MAGACIISA IYO MESHA UU DAGAN YAHAY IN LEYN WAXAA LAGU JIRAA XALAD AAD U QATAR U AH SHIRKAD WALBO HALA GEYO NABADSUGIDA SI EEY U DHAGEYSTAAN TELFONADA ISKU XIRKOODA AYAA DJHAMANYO KUBA NABAD DIIDKA AH SHRCIYO ADAGNA HALAGA SOO SAARO waxana ku noolahay uk

  4. Cabdimaalik says:

    Aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay jabkooda madaada ay isku dhaceen kala jab koodana waa guusha dad ka somaliyeed

  5. Al amriki xey tahay waa wax cuquba qawa oo dalalkoda dambiya kasoo galay

  6. Nur says:

    Khilaafka shabab waxa u cadeynaya burbur kooxda ad ayana u so dhaweynayna allaha jebiyo

  7. kafiso says:

    Asc dhamaan shaqAalaha idaacada iyo tvg waxaan kaloon salaamaa madax weeyna heeyna sharafta leh waxaan kaloon salaamaa madax weeyna heeyna hore shiiq shariif waxaan leeyahay shabaab waxaa qabtay xaqi dadka waxaa kasoo baxay waa uqubo aay ka galeen muslimiinta maxaa yeelay waxa aay sameeyeen waxaan hora loo arag qof inta la qalo madaxane meel la dhigaa qeeybta dambane meel ladhigaa waxaan aad uga naxaa hadaan maqlaa maga cooda waa wax laga xumaado dad sheeganaayo islaam hadane aan ku dhaqmeeyn

  8. Axmed says:

    haddi dhalin yaradu ay taageeri lahaayeen dawladooda shacabkoodana u gurman lahaayeen kolkii ay jirtay abaartii laysay tobanaan kun oo Soomaaliyeed kana soo bara kicisay degaanadoodii,maanta waxay u ahaan lahayd sharaf weyn waxayna noqon lahaayeen hogaamiya yaasheena xagga diinta, AMISOM na ma hesheen fursad siin laheyd in ay wadanka soo galaan.dadkaaga iyo dalkaaga ma jirto cid kuu dhaanto shiikh,fikir ajnabina meel laguma gaaro, lama huraan waa cowskii jiilaal, soomaaliduna waa dad muslim ah,diintooda way jecel yihiin,kuwa diintooda jaahiilka ka ahna waa inaad bartaa, dacwada gaarsiisaa meesha maba taalo sabab inta qori la qaato lala dagaalama kuwii laga sugaayay in ay xaliyaan mushkilada 21 jirsatay, haday qalad galaan u naseexee si walaaltinimo ah,kolkaa gaalo nooma imaateen. wadankii gaalo ayaa la soo galshay waxayna waligoon ku mana sheeganayaan inay yihiin kuwii Soomaaliya ka xoreeyay al-shabaab oo ah dhaliyaro wadanka u dhashay, dhulkaagii hooyo in ay gaalo ku tiraahdo anagaa ka xoreynay, miyeysan ahayn arin laga gubto.dhalinyaroy sedex D ayaa idiin baahan Diintiina, Dadkiina iyo Dalkiina, ka tanaasula fikradaha shisheeye, haddii aad dhibsateen hab maamulka dowlada hadda jirta, aan ku dadaalno inaan dhisno dowlad ayidsan fikirkiina si doorasho xor ah taana waxay ku xiran tahay in shacabka la kasbato oo loo muujiyo waq babad, masar ikhwaanu muslimiin imisa ayey soo sabreen in ka badan 70 sano,haddana iyaga ayaa Alle samirkooda u aqbalay, xoog la’aan, shacabkooda ayey kasbadeen.

  9. Ali noor says:

    Somalideni midowdey sharaar jabto burburtey. Asc walalayal shabab wey burburen weyna baqtiyeen wey fuuren kadib wey dilaacen waxa kalia oo dkiman ilah in uu keeno roob kadibna qurunkoodu uu dhaqmo inshalh ilahey roobkas hano keeno dhanka kale qabanqabiyashiyo ciidamada qalabkow mar hadii aad qabatan dabka qoryaha u shida ha qaboobo shabackiyo radio muqdsho ha nolato somalia ha nolato amin amin amin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

astaanta-warka

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/12/WARKA-DUHUR-22.12.2014-OK.mp3"][/audio]
IB0A7267

DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne Xasan Oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ka Tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya

Tababarkani xerada Jaziira ee  duleedka Muqdisho loogu soo ...
IMG_9962 (2)

Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Soomaaliyeed oo la kulmay jaaliyada Columbus Ohio “Sawi

Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Soomaaliyeed Dr. Ahmed ...
Astaanta-booliska

Booliis dheeraad h oo la geeynayo gobolka Galgaduud

Taliyaha booliiska gobolka Galgaduud ayaa sheegay in gobolkaasi ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/12/WAR-SUBAX-22-12-2014.mp3"][/audio]
Magaalada-Beledweyne1-300x233

Ciidamada oo saaka howlgallo ka wada magaalada Beledweyne

Ciidamada dowladda ayaa saaka howlgallo saf balaaran ah ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Muungaab Sawir Hore

Guddoomiye Muungaab oo madaxda Hay’adda TIKA kala hadlay sidii ay u dadajin lahayeen dhismaha Jidka Wadnaha

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/12/WARKA-HABEEN-21.12.2014.mp3"][/audio]
Xasan-Sheekh-Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay dalka “Dhageyso”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan ...
DSC00192

Kooxda Heegan oo galabta afka ciidda u dartay kooxda LLPP Jeenyo “SAWIRRO”

Kulan ka tirsan Horyaalka heerka koowaad ee dalka ...
sawir

Akhriso Qodobada ay Ku Heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland

Wada hadaladii u dhexeeyay dowlada dhexe ee Soomaaliya ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/12/WARKA-DHUR-21.12.2014.mp3"][/audio]
Kulanka Baarlamaanka Maanta (36)

Baarlamaanka oo meel mariyay Hindise sharciyeedka guddiga xuduudaha iyo Federaalka

Kalfadhiga Shanaad fadhiisa 21aad ee maanta oo ay ...
howlgal

Gaari xamuul ah iyo hub ku rarnaa oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Nabad sugidda Qaranka

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta ...
Wasiirka_Caafimaadka_Somalia

Siihayaha Wasiirka Caafimaadka oo la kulmay hay’ado ka socda Qaramada Midoobay

Siihayaha Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya mudane Cali Maxamed ...
astaanta.qaranka-300x228

Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Shaqada oo tababar loo furay

Munaasabad tababar loogu furayay qaar ka mid ah ...
DSC07540

Culimada Galdogob oo ku baaqay in laga qayb qaato Dhismaha Dugsiga Hooyo ee Galdogob “SAWIRRO”

Dugsiyada Hooyo oo ay gacanta ku hayso Jamciyada ...
jowhar

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda oo xafiis ka furatay degmada Jowhar

Wasaaradda gaadiidka iyo duuliskta hawada ayaa xafiis ka ...
DIGITAL CAMERA

Daawo Sawirrada:- Xafladdii xalay lagu qabtay taliska ciidanka booliiska ee Muqdisho

Munaasabad lagu maamuusayay sanadguuradii 71-aad ee ka soo ...
xasan sheekh

Madaxweynaha J. F. S. oo maanta Jabuuti kula kulmaya madaxweynaha maamulka Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/12/WAR-SUBAX-21-12-2014.mp3"][/audio]
sax

Eng.Axmed Macalin Fiqi oo isku sharaxay madaxweynaha maamulka gobollada dhexe”Daawo Sawirro”

Munaasabad balaaran oo lagu qabtay hotelka Saxafi ee ...
IMG_0741

Xaflad lagu weyneynayo sanadguurada ciidanka booliiska oo caawa ka socota Muqdisho

Munaasbad balaaran oo lagu maamuusayo xuska sanadguuradi 71-aad ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/12/WARKA-HABEEN-20.12.2014.mp3"][/audio]
IMG_0734

DAAWO SAWIRRADA:- Xuska ciidanka booliska Soomaaliyeed

Akhristayaasha sharafta leh ee Radio Muqdisho, waxaa halkaan ...
1

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Somaliland

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan ...
xukun1

Maxkamadda darajada koowaad oo xukunno kala duwan ku riday eedeysanayaal

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee ...
astaanta_qaranka11 ok

Soomaaliya oo laga caawin doono xagga dib u dhiska

Eng, Nadiifo Cismaan Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Howlaha ...
vlcsnap-2014-12-20-15h28m24s0

Munaasabadda xiritaanka sanad dugsiyeedka Dugsiga agoonta Rajo oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO+VIDEO”

Munaasabad lagu maamuusayay xiritaanka dugsiga agoonta Rajo ee ...
Danjiraha Somalia ee Talyaaniga

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo Hambalyo u diray ciidanka Booliska

Rome.20.December..2014.Sabti,, Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka ...
Cawad

Baarlamaanka oo ka hadlay wax ka badal lagu sameeyo Hindise sharciyeedka Guddiga Xuduudaha

Kalfadhiga Shanaad fadhiisa 20aad ee maanta waxaa shir ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/12/WARKA-DUHUR-20.12.2014.mp3"][/audio]
ATAM

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aanka Golaha Ammaanka ee QM oo liiska cunaqabateynta 1844 loooga saarayey Sheekh Atom

Mogadishu, 20 December 2014 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ...

Tubta Toosan

dagaal

Ma bannaantahay in lala dagaallamo dowladaha? Dhageyso

Dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay ...
download

Akhlaaqda Dagaalka iyo aragtida Islaamka Dhageyso

Toddobaadyadii  la soo dhaafay  maleeshiyada Alshabaab waxa ay ...

Naxariista iyo Fudeydka Islaamka-DHAGAYSO

Diinteenna Suubban ee Islaamku waa diin naxariiseed, waxayna ...