Saturday, May 25th, 2013

Khabiirkii cows-ka dhigay Stadium Banaadir oo FIFA Baaq u diray

Published on January 14, 2013 by   ·   15 Comments  ·   6,485 views

Lex Vander oo ah khabiirkii cows-ka Artifishalka ah ku goglay garoonka kubada cagta Stadium Banaadir muddo lix todobaad ah oo uu joogay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA in uu ahmiyad gaar ahaaneed siiyo dalka Soomaaliya oo uu sheegay in uu yahay dal ay ka go’antahay horumarinta kubada cagta wax badana kaga duwan wadamadii uu horay u tagay.

Mr. Lext Vander oo dalkiisa dib ugu laabtay xalay kaddib markii uu si guul ah kusoo dhameystiray dhigista cowska garoonka ayaa xaflad sagootin ah oo loogu sameeyay baarka weyn ee Lido Sea Food waxaa uu ka sheegay in maamlo aad u wanaagsan oo farxad leh uu ku qaatay dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in masuuliyiinta xiriirka kubada cagta dalka Soomaaliya ay ahaayeen kuwo ay ka go’antahay in horay loo dhaqaajiyo kubada cagta dalkan oo kasoo kabsaneysa in ka badan 20 sanadood dagaalo socday oo dib u dhac dalka  oo dhan ku keenay.

“Waxaan rabaa in aan halkan mahad  celin uga diro ururka kubada cagta aduunka ee FIFA oo xil weyn iska saaray horumarka kubada cagta Soomaaliya, marka labaadna waxaan u mahad celinayaa madxadxa kubada cagta dalka Soomaaliya gaar ahaana xoghayaha gud Cabdi Qani Saciid Carab iyo xubin guddiga fiulinta xiriirka Cali Cabdi Maxamed (Shiine) oo maalin kasta ila joogay tan iyo markii aan dalka imid, si weyn oo hufana iila shaqeeyay”ayuu munaasabada sagootinta ka sheegay Lex Vander.

“Waan la socda in FIFA ay Soomaaliya markasta siineysay ahmiyad gaar ahaaneed laakin waxaan hadana ugu baaqayaa FIFA  in ay sii laba jibaarto dadaalkeeda , sababtoo ah waxaan halkan kula kulmay madax ay ka go’an tahay horumarka kubada cagta dhamaan dalalkii aan booqday madaxdoodu sidan ma ahayn”ayuu yiri Lex Vander.

Waxaa uu sheegay in tan iyo markii uu shaqada bilaabay muddo iminka 6 todobaad laga joogo aysan marnaba ka tagin xoghayaha guud Cabdi Qani iyo Cali Cabdi Maxamed taasina ay tahay arrin isaga si weyn u farxad gelisay.

“Shaqadan oo kale wadamo fara badan oo Africa ku yaala ayaan kasoo qabtay, laakin waxaa ay idinku noqoneysaa la yaab hadaan idin iraahdo waligey ma arkin  dad madax ah oo sidiina  oo kale maalin kasta garoonka u taagnaa, Soomaaliya runtii aad ayay iisoo jiidatay”ayuu Lex Vander  ka sheegay munaasabadii sagootintiisa ee ka dhacday Lido Sea Food.

Waxaa uu dhanka kale ugu baaqay shirkada Green Fields in ay caawiso Soomaaliya intii karaankeeda ah maadaama buu yiri Soomaalidu ay yihiin dad fir fircoon  hadana ay kasoo kabsanayaan dagaalo muddo dheer socday oo wax kasta dib u dhac u keenay dalkan.

“Waxaa aad iisoo jiidatay markii aan arkay xoghayaha guud Cabdi Qani oo garoonka ka sameystay xafiis guur-guura oo uu shaqo maalmeedkiisa ku watay, taas waxaan u dareemay in uu xil weyn iska saaray amaankeyga iyo habsami u socodka shaqada”ayuu Mr Lex Vander ka yiri munaasabadii sagootintiisa ka hor intii isaga iyo madaxda xiriirku aanay u dhaqaaqin dhanka garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaas oo uu ka raacay diyaarad ay leedahay Shirkada Turkish Airlines isagoo xalayna si nabad ah ku gaaray dalkiisa.

Readers Comments (15)

  1. Alicade says:

    dalka iyo garoomankaba waa ay dhismi doonaa inshaa allaah,hadii si rasmi ah Al Shaydaan looga saaro dalka.Ilaahbaa mahada leh na siiyay dal barwaaqo ah.

  2. ali says:

    Ad iyo aad ayeey u mahadsanyihiin ururka kubada cagta. haduu ninkaas xumaan sheegi lahaa taasi idinka iyo dalka oo dhan ayee taaban lahaan. balsi wanaagiisa hada ururka kubada cagta ayaa ku mahadsan somaliyana sharaf ayee u tahay. sharaftii allah noo soo celiyo.

  3. Muaadin says:

    Garoonka waxa uu ka mid ahaa garoomaa aduunka ugu quruxbadan laakiin horta waa in lala xisaabtamaa kuwii wadanka diirtey ee halkaa gaarsiiyey, haddii maanta la dhiso sow beri diiran maayaan.

  4. soomaaliyeey aan dalkeena daacad u noqono ninwalbow meel aan somalia aheyn kuma lihid kumana lahaan doontid sharaf waligaa

  5. abdiyare says:

    Masha alah waxaa hada nalaga rabaa inaan xil weyn iska saarno garoonka wuxuu rabaa rusheyn malinkasta ah hadii kale ari iyo wax lamida inta galaan sidiisii yusan naga
    noqon hadane

  6. Nabad jecel says:

    Waxan hanbalyo udirayaa gudoomiyaha kubada cagta smliy cabdi qani sida wanagsan oo a;manta noso hoyay tasi waa in oo kasi kordhiyaa shaqada oo hana waa in oo siwataa ilaa iyo smlida adunka logu yimado ciyaro dartiisa

  7. muxyadiin sh says:

    MASHA ALAAH mas,uuliyiinta somaliyed oo dhan waxaa la rabaa in sidaas oo kale amaan tooda iyo hawl kar nima dooda iyo hagar la,aan tooda ayagoon isi sheegin caalam ka amaan tooda laga maqlo

  8. aweys says:

    wa guul u soo hayatay dhamaan umadda somaliyeed waana wax lagu farxo waana hoowshii aad umadda u heysen cabdi qani iyo shiino iyo intii kale oo hoosha waday waa kaas guushiina waa farxadda umadda dadaalkii aad semeysen waxaan rajeynaa in dhamaan madaxda iyo shaqaalaha dowladda iyo madaxdoda in sida bahda ciyaaraha bahda warfaafinta iyo ciidanka xooga dalka ruux kasto oo dowlada u shaqeyaa waa in halgan horomarineed la yimaad mahadsanidiin markale bahda ciyaaraha somaliya ishii buktaay ku bikaanso guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul

  9. sheegoow says:

    ascw waad mahad santihiin dhamaan cabdiqani iyo shiino siiwada intaad nooshihiin howsha aad u heysiin dadka iyo dalka nida kaloon idiin sheegi dadkii halyaayga kubadda cagta ahaa oow ugu horeeyo gurey iyo guuleyte oofey way wada noolyihiin ee wadanka intay yimaadan ha taba bareen dadka jiha wareeryay ana waan imaan oo qaybtii isaarnay oo aheeyd qorshayta iyo foto qarafida sawerka baan qaybteyda ka qaadan wili dadkii wax badan baa kadanbeeyo haba duqoobeene hala daba qabto dhalinta biri ascw

  10. Liiban Yangu says:

    Aad Iyo Aad Ayaan Ugu Faraxsanahay Stadiom Banaadir Sida Laga Dhigay Mahada Kobaad Waxaa Leh Allah SWC Tan Labaadne Gudiga Soomaaliyeed Oo Dadaal U Galay Sida Sportska Hor Mar Loo Gaarsiin Lahaa Waxaan Rajeynaa Ine No So Noqoto Sharaftena Iyo Sumcadeynii Soomaaliyeed Hambalyo Hambalyo Ayaan Leyahay SFF

  11. A Ahmed says:

    Waxaa mahadleh Allaah. Alihii kabadbaadiyay nin kaas nacaawinaayay kooxaha nabaddiidka ah. Sidookale masuuliyiintii iskuxilsaaray amaankiisa iyo martigalintiisa. Waxaad magac iyo sharaf usoohooydeen wadankiina calankiina iyo dadka soomaaliyeed. Waxaad kasoobaxdeen shaqo qaran. Midaan oo kale ayaa larabaa in aad qabataan.

  12. wadani says:

    ascwrwb all somali muslim , marka xigga waxaan jecel lahay inaan dhowr qodob ka so jeediyo oo ku sabsan talo iyo tusaleyn
    1, waxaa wanagsan in dad dhalin yaro ah oo lo carbiyo sida coska lo dhigo , si aan uga baxno kaalmada shisheyah,
    2, waa in coska lagu beraa all gobalada somaliya uu ka kooban yahay south and nourth in somalia

    3 kooxada kubada cagta somaliya oo waligeed aan soo dhaafin wareega koow laga soo bilaabo 1960 ilaa iyo 2012
    daacada oo ku yar iyo dhaqaalo xumi , waxaan leeyaha madax somali liyeed , kooxa somaliya waa in ay la wareegaan shaqsiyaad hanti leh , si aan uga baxno dhibaata iyo musuq maasuqa saameeyey ciyaaraha somaliyeed ,

    4 , kooxada kubada cagta ee somali waxaan is leeya hay waxaa ku wanaagsan tabare reer sweden oo dhaqatar xaolaha ah magacisa la dhaho Bo Jensen waa nin khabiir ku aha kubadan cadta wuxuuna ku soo saaraya labbo ducsad 4 sanno ilaa 8 sanno ciyaartoy iska celinkar qaranka brazil , gudiyadaan faraha badan waa ku wii somaliya horay ugu jiray aniga ma filaayo inaan ku sii dheerado , ee sida nin tarazan oo kale hala raadiyo iyo wajiyo cusub wasamu caleykum

  13. hanad says:

    sow ma haboona in inta ay fifa wado digista cowska in ay GOS sii disaan darbiyada ama yaanan oran gos ee gobolka banadir ama yaanan orane wasarada howla bulshada ama ganacsatada damiir yeesha waxaan u jeeda habacsanaane

  14. gardaradiid says:

    aad aad ayan ugu faraxsanahay hormarka wadanka sidoo kale amniga so6 hagaagaya illaahey ha naga dhigo kuwii fahma dantoda.

  15. wadani114 says:

    inshaa allaah horumar fiican baa inoo muuqdo allaha noosii kordhiyo..




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

astaanta_qaranka13

Tababar maanta loo furay shaqaalaha wasaarada arrimaha gudaha iyo aminga qaranka.

Wasaarada arrimaga gudaha iyo amaanka qaranka ayaa maanta ...
janaale

Hay,adda maareeynta masiibooyinka qaranka oo deeq raashin ah maanta gaarsiisay janaale.

Hay,adda maaeaynta  musiibooyinka  qaranka  ayaa maanta deeq raashin ...
simad

Bandhig dhaqameed todobaad socon doono oo maanta ka furmay jaamacada SIMAD.

Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, Raashinka ay Soomaalidu dhaqanka ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX I 25 05 13
Bilicda Magaalo Xeebeedka Boosaaso (45)

Magaalada Boosaaso oo xilligan ay dadku ka xagaa baxayaan

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ...
DSC01079

Deeq xoola ah oo loo qeybiyay dad ku xoola beelay abaartii ugu dambeeysay ee dalka ka dhacday.”sawirro”

Dadka xoolo dhaqatada ah ee  ku nool deegaanno ...
sweeden

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm oo xalay dhigay dibadbax

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm ee ...
kenya-flag

Shir Looga Hadlayo Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya Oo Dhawan Ka Furmaya Kenya.

Shir looga looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga waddankan ...
haween

Kulan looga hadlayay dhibaatooyinka soo wajaha haweenka uurka leh oo lagu qabtay dalka koonfur Africa.

Kulan looga hadlayay dhibaatooyinkna  soo wajaha haweenka soomaliyeed ...
IMG_3804

Shirkii Madaxda IGAD oo lagu heshiiyey in Dowladda Soomaaliya ay qabato shir lagu dhisayo maamulada Jubooyinka. SAWIRO

Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Astaanta_Barnaamijka_Nasashada

Dhageyso Barnaamijka Nasashada Todobaadka Radio Muqdisho

Barnaamijka Nasashada Todobaadka waa Barnaamij Todobaadle ah waxaana ...
DSC00223

Ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka wadooyinka muqdisho habeenkii oo sii kordhaya iyo ciidamada oo adkeeynaya amaanka,”sawirro”

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa laga ...
gud (5)

Gudoomiyaha gobolka Gal-gaduud oo munaasada soo dhaweyn ah loogu sameyay magaalada Juba ee wadanka Koofurta Sudan “Sawirro”

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha maamulka gobolka Gal-gaduud ...
astaanta-warka

Dhageyso warka Habeennimo ee radio muqdisho

WAR HABEEN 24.05.2013
S2170021

Wasaarada amniga Ximan iyo Xeeb oo sugaysa nabadgalyada xilliga doorashada”Sawirro”

  Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

War Duhur 24-May-2013
janaale

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Kormeeraya Degmooyin Ka Tirsan Gobolkaasi

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Bole Road Addis Ababa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Maamulkii Kismaayo Looga Dhawaaqay “Dhageyso”

Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
DSC00154

Gudoomiyaha Baarlamanka oo marti ku ahaa Barnamijka kulanka Jimcaha,Su’aallana Uga Jawaabay Shacabka Gudaha Iyo Dibadda “Dhageyso+Sawirro”

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX 24.05.2013
Obama

Madaxweyne Obaama oo sheegay in la wiiqay awoodii ururka Al qaacidda

Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
R.W Saacid

R/wasaare Saacid oo sheegay in isbedel uu ku yimid daqliga dowlada

Xukuumada Federaalka  ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Cabdi-Qeybdiid

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyay dib uga laabashada mowshinki laga keenay xukuumada

Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
xukun1

Maxkamada ciidamada ee Puntland oo xukun dil ah ku radday gacan ku dhiiglayaal

Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
rinkesc1

Rabshado ayaa ka socdo Magaalada Stockholm ka dib markii gaadiid iyo goobo ganacsi lagu gubay xaafadaha ay u badan yihiin Soomaalida SAWIRO

Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
LUULIYO

OGEYSIIS: Kulan loogu arinsanayo qaban-qaabada Xuska 1 Luulyo Ee Magaalada Munich ee dalka Germany.

Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
DSC_0376

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga Xarumihii uu tagay iyo Madaxdii uu la kulmay intii uu Sudan joogay oo dhamaystiran.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 23 05 2013
IMG_8547

Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay mudaneyaasha Baarlamanka “sawirro”

Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
safar bye bye

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya oo Addis Ababa u dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
IMG_8322

DAAWO SAWIRRADA:- Munaasabadii lagu xusayay aas-aaska midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
gafoow

Taliyaha hoggaanka iyo socdaalka oo sheegay in la diwaan galiyay dad badan oo ajaanib ah

Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
wasiroo_3

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*