Diinta Islaamku waxay u soo degtay naxariis, eebbana waxa uu ugu talo galay aadanaha oo dhan.
Bani’aadmiga oo ah kan ugu sharafta badan uunka ilaahey, ayay diinta islaamku u timid in ay ka xureyso wax kasta oo ilaahey ka soo haray , Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee Islaamka ayayna ka mid tahay in dadka laga saaro in ay addoommo u noqdaan dad kale, ayna toos ugu xirmaan allihii addoommada oo dhan abuuray.
Is addoonsiga ama ka ganacsiga aadanaha, ayaa ka mid ahaa caadooyinkii sida xoogga leh uga jiray dunida markii eebbe soo diray nabi Muxamed NNKH.
Wax sahlan ma ahayn in isla markiiba la joojiyo is addoonsiga oo ka mid ahaa ilaha dhaqaale ee dadkii waayadaas jiray, waxaase diinta islaamku adeegsatay, hab dadka lagu nacsiinayo in ay dad kale addoonnimo u heystaan, waxaana abaal marin iyo ajir wayn oo aakhiro loo ballan qaaday qofkii addoon xoreeya.
Si loo dhiirri geliyo xoreynta dadka, waxaa diintu kafaarooyinka iyo waxyaabaha dambi dhaafka lagu helo ku dartay xoreynta dadka la leeyahay, waxayna taasi daliil u tahay sida diinta Islaamku uga hor jeeddo is addoonsiga ama gumeysiga nooc kasta uu yahay.
Habkaas tartiib tartiibka ah, oo kale ayay diintu u martay mamnuucidda khamriga oo ka reebistiisa bulshada muslimka ahi ay marxalado soo martay ilaa ay markii dambe dadku ku qancaan in ay xaaraan tahay.
Maanta is addoonsigu dunida ugama jiro sidii uu ahaa risaalada Islaamka ka hor, ha yeeshee waxaa jira habab kale oo casri ah oo aad khatar badan oo looga ganacsado ama loo addoonsado dad fara badan iyadoo laga faa’iideysanayo garaadkooda yar iyo garashadooda aqooneed ee hooseysa, sida in carruurta aan qaangaarka ahayn maskaxda laga xado oo la geliyo dagaal aysan waxba ka ogeyn , awood iyo khibradna u lahayn iyadoo loo sheegayo in ay janno gelayaan.
Haddaba duufinta, marin habaabinta iyo ka faa’iideysiga garasho yarida dadka waa addoonsi xeeladeysan, waana mid khilaafsan shareecada Islaamka,Dhaqannada Suubban ee Soomaalida iyo Qawaaniinta caalamiga ah.
Gumeysiga Silloon waa mowduuca barnaamijka Tubta Toosan ee Toddobaadkan oo uu marti noogu yahay Macallin Yaraani Aadan.
Codsi hadii aad tihiin radio muqdisho waxaa ii soo dirtaan namber aan idinka soo wacayo ama email aan idinnkale soo xirirriyo waxan joogaa meel qarsheedku aad u adag yahay s,afrka namberkagana waa +27737236054 si aan ula soo xiririro aan aan codkaga uga dhiibto aad baa u mahadsan tihiin
A s c sln kadib waad mahad santihiin bahda radio muqdisho codka jamuriyada somaliya waxaan ahay dhageste ku sugan dalka holand waxan idinka mahad celinayaa sida hufan ee wararka aad bul shada ula socod sii sin sina wada shaqada aad qaranka u heysiin mahada sanidiin