Thursday, May 17th, 2012

KA FAAIIDEYSO NIDAAM GANACSI OO HORUMARSAN Qeybta 3aad

Published on September 30, 2011 by   ·   1 Comment  ·   1,150 views

Dr: Abdullahi Sheik Mohamed ( MIFTAAH )

SWEDEN

Waa qaybtii 3aad  ee barnaamijkii aynu ugu magacdaray sidee loo abuuraa ganacsi guulaysan kara. Waxa aynu ku soo sheegnay qaybtii koowaad iyo labaad si loo abuuro ganacsi guulaysan kara in loo baahan yahay in uu jiro nidaam ama qorshe ay raacayso shirkaddu oo la yidhaa (business plan). Waxa aynu qaybtan 3 aad  kusoo qaadan doonaa waxyaabaha kale ee u baahan in lagu qoro qorshaynta ganacsiga (business plan). Qorshaynta ganacsiga oo aynu kusoo qeexnay in uu yahay wadadii la mari lahaa si loo gaadho ujeedada shirkaddu leedahay. Shirkadd aan lahayn qorshe cad ama nidaam la raacayaa suurto gal ma aha in ay si fudud u guulaysato.

Halkan waxaynu ku soo gudbin doonaa qaybta 3 aad oo u baahan in lagu qoro marka la diyaarinaayo nidaaminta ganacsiga (business planning). Marka aynu dhamayno waxaynu samayn doonaa tusaale (sample) business plan si qof waliba u fahmo.

Fadlan qofkii aan akhrisan qaybihii hore waxa laga yaabaa in fahamka qabtani ay ku adkaato markaa ku noqo qaybihii hore.

Waxyaalaha u baahan in la ogaado inta aan shirkaddu badeecad ama adeeg soo saarin:

  • Waa maxay baahida dhabta ah ee hadda ka jirta suuqa aad higsanayso (current demand in the target market)? Waa in aad ogaataa in baahi ka jirto suuqa aad galayso, waayo macaamiishu waxa ay marka hore ku xidhnaayeen shirkaddo kale, markaa waa maxay sababta ay ugu baahan yihiin in ay shirkaddan cusub kusoo biiraan, dhinacyo badan ka fiiri baahida.
  • Waa maxay xajmiga saxda ah ee suuqa aad rabto in ay shirkaddan cusubi ka shaqayso (size of market)? Badanaa suuqyada dhaqaalaha badan laga helaa waa suuqyada dadkoodu ay aadka u badan yihiin (more populated). Markaa waa in aad ogaataa xajmiga suuqaagu inta uu noqon karo.
  • Boqolkiiba meeqa ayaad suuqa ku yeelan kartaa (tani waa muhiim haddii aad si dhab ah uga fakirayso in aad noqoto mid ku guulaytsa suuqa)?
  • Muxuu yahay isbedelka ku imaan kara suuqa aad ku fakirayso, intee in leeg ayuu suuqu isbedeli karaa isla markaa horumar intee leeg ayaad badeecada ama adeega ku samayn kartaa?
  • Muxuu yahay koboca imaan karaa (potential growth)?
  • Maxay yihiin xanibaadaha kaa hor imaan kara markaad suuqa galayso (market entry barriers), maadaama aad shirkadd cusub tahay?. Tusaale ahaan waxyaalaha kaa hor imaan kara waxaa ka mid ah:
  • Kharashka daraasaadka suuq-gaynta oo bata (high marketing cost)
  • Kharash badan oo loo baahdo (high capital cost)
  • Kharashka tacab soo saarka oo aad u bata (high production cost)
  • Macaamiisha oo u baahan in ay ku bartaan (consumer acceptance and brand recognition)
  • Shirkadoo u baahata dad tababar iyo xir fad leh (training and skills)
  • Kharashka lagu raraayo oo sareeya (shipping costs)
  • Cashuuraadka (tariff)
  • Sharciyada dawladda (legal authority)
  • Iyo dabcan sidii aad uga gudbi lahayd xanibaadaha kaa hor yimaada
  • Side ayay waxyaalahan soo socdaa u saamayn karaan shirkadda cusub helida jawaabahoodu waxa ay kaa caawinaysaa in aad dhinac walba ka eegto ganacsigan cusub ee aad furaysaa si aad u ogaato waxyaalaha kugu soo fool leh:
  • Haddii isbedel ku yimaado ganacsiga (change in the business).
  • Haddii is bedel ku yimaado qalabka farsamada (change in technology)
  • Haddii is bedel ku yimado sharciyada dawlada (change in government regulations)
  • Hadii isbedel ku yimaado xaga dhaqaalaha (change in the economy)

Badeecada (products):

Qaybtan waxaa laga rabaa shirkaddu in ay si cad u sharaxdo badeecadaha iyo adeegyada ay samaynayso. Weliba waa in shirkaddu qeexdaa ayadoo toos ula hadlaysa macmiisha.

Waxaad taxdaa dhamaan alaabta aad rabto in aad iibiso oo dhan.

Mid walbana si cad u sheeg faaiidada uu leeyahay iyo weliba waxyaalaha dheeriga uu layahay. (describe the most important features and benefits).

Waana in aad sheegtaa haddii lagaa iibsado waxyaalaha aad qofka aad siinayso, tusaale ahaan in aad alaabta halkuu doonayo aad u geyso (delivery), in aad siiso damaanad (warranty), taakulayn dheeri ah (support) iyo in lacagtisii loo celin karo haddii loo baahdo (refund policy).

Macaamiisha (customers):

Waa in shirkaddu si buuxda u aqoonsataa macaamiisha ay beegsanyso (target customers). Dabeecadahooda (characteristics), iyo weliba halka ay degan yihiin.

Haddii shirkaddu ay macaamiisheedu aanay ahayn koox gaar ah, waxaa lama huran ah in aad sheegto kooxda ugu sii muhiimsan haddii ay tahay da’da (age), lab ama dhedig (gender), meesha uu degan yahay (location), awoodiisa dhaqaale (income level), bulshada halka uu kaga jiro iyo shaqadiisa (social class and occupation), waxbarashadiisa (education) iyo wixii kale ee shirkaddu u baahataba.

LA SOCO “” ” ” “ASBUUCA SO SOCDO

 

 

Readers Comments (1)

  1. cabdoow says:

    maashaa allaah Barnaamijyadaan oo kale waa kuwo loo baahan yahay in aad loogu soo cel celsho waliba dadka si qoto dheer loo fahansiiyo.
    aad baan ugu farxay Kheyr Weyn allaha ka siiyo walaalka soo saaray iyo intii ku gacan siisay .

    waliba waxaan si gaar ah uga codsanyaa inuu Shaqsiyan iga caawiyo barnaamijkaan Khiimaha badan oo aan si gaae ah Baahi
    Qoto dheer u qabo




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

Kaliil

Guddoomiyaha G/Gedo”Dhawaan Ayaan Shabaab Ka Cirirbtireynaa Gobolka”

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ...
astaanta.qaranka-300x228

Wasaaradda M/ iyo Lacagta Oo Tababar U Soo Gabagabeeysay Ciidamo Loo Tababaray Qaadista Canshuurta

Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
NATO

Faah faahinno ka soo baxaya duqeyn ka dhacay Xarar dheere

Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX May 17.05.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Dastuurka wasiirka

Wasiirka Dastuurka: shirka odayaasha dhaqan waa gabogebo, Dastuurkuna waa la soo bandhiggayaa

Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Jeesto-300x225

Horjoogge Ka Tirsanaa Al-Qaacidada Soomaaliya Oo Qiray Inuu Alle Uga Towbad Keenay Dhibaatadii Uu Umadda Ku Hayey (Dhageyso)

Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Sawirka Fanaan Lafoole

Fanaan Lafoole”Dalka Horumar Badan Ayaa Ka Jira Waan Imaanaya Dhowaan Si Aan Horumarka Uga Qeybqaato”(Dhageyso)

Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
1

Ciidammo Ka Tirsan Midowga Afrika Oo Fariisimmo Ka Sameystay Baydhabo”DAAWO SAWIRRADA”

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
al-Qaeda Militia

Horjoogayaal Ka Tirsan Al-Qaeda Oo Ku Halaagsamay Qarax Caawa Ka Dhacay Galgaduud

Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 16-May-2012         Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Sawir Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Xiligan

Dhageyso Barnaamijka Daljir Ee Looga Hadlo Dhismaha Ciidammada Qalabka Sida Ee Soomaaliya

Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
xuska-15may13

Suudan oo laga Xusay Sanad Guurada 69-aad ee Asaaskii Ururkii S.Y.L iyo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed 15 May”SAWIRRO”

Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Duhurnimo

WARKA DUHUR 16.05.2012
astaanta.qaranka-300x228

Mas’uuliyiin Ka Tirsan He’yadda Maareeynta Masiibooyinka Oo U Ambabaxay Sudan

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Dastuur-qabyo

Kulan Looga Doodayo Xuquuqda Uu Suxufiyiinta Siinayo Dastuurka Cusub Oo Muqdisho Ka Socda

Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
maka maka

Gaadiidleyda Iyo Qeybaha kale Ee Bulshada Oo Soo Dhaweeyay mashruuca Lagu Hagaajinayao Waddooyinka Muqdisho

Dadweynaha iyo  gadiidleyda  magaalada  Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Tarsan

Guddoomiye Tarsan Oo Afhayeen Cusub U Magacaabay Maamulka G/Banaadir

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta  magacaabay afhayeenka cusub ...
1401

Kabakudukade iyo malleeshiyaad kale oo deegaanno ka tirsan Galgaduud isaga cararay

Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX 16.5.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
UN-235x300 (1)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo beesha caalamka ku ammaanay mooqifka Soomaaliya uga aadan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Ex

Saraakiisha Ammaanka” Qarraxyadii Al-Qaeda Muqdisho Ay Keeni Jireen Waan Fashilinay”

Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Madaxweynaha Shirjaraa'id Saxaafadda NEW YORK

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Qodobadii Looga Hadlay Shirkii New York “DAAWO VIDEO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ...

Tubta Toosan

tubta-toosan1-150x150151

Islaamka & Faafinta Nabadda

Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Residents gather near the covered remains of a suicide bomber at the scene of an attack along a street in Somalia's capital Mogadishu

Akhlaaqda dagaalka iyo Diinta Islaamka

Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
tubta-toosan1-150x150151

Dowlad Wanaagga sidee loo xoojin karaa?

Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...