Friday, August 22nd, 2014

Jubba oo Diyaarad casri ah howl galisay, kaddib dib-u-habeyn lagu sameeyay Garoonka Muqdisho-SAWIRRO

Published on October 10, 2011 by   ·   16 Comments  ·   22,980 views


Markii ugu horreysay ayay dalka ka howl galeysaa Diyaarad nooceedu yahay Boeing 737/400, taas oo ka qeyb qaadan doonta duulimaadyada shirkadda Jubba Airways kaddib markii garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde la hormariyay adeegyadiisa.

Diyaaraddaan ayaa maalmo ka hor lagu soo bandhigay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayadoo warbaahinta iyo dadweyne kale la tusiyay howlaha ay qabaneyso iyo waxyaabaha ay uga duwan tahay diyaaradaha kale ee shirkadda ama ka howl gala waddanka.

“Diyaaraddaani waa mid casri ah, waxayna leedahay adeegyo muhiim ah, ayadoo sameyneysa duulimaadyo caalami ah, oo waxay ku dagi kartaa garoomada adduunka” ayuu yiri C/llaahi Warsame oo ah Agaasimaha Shirkadda Jubba Airways.

Garoonka Diyaaraha ee Aden Cadde oo la casriyeeyay ammaankiisa iyo adeeggiisa, ayaa suura galiyay in ay shirkadaha duulimaadku howl galiyaan ama kireystaan diyaarado casri ah, maadaama ay diyaarado waaweyn oo ka howl gala dunida hore-u-martay ay ka soo dageen magaalada Muqdisho, sida Turkish Airways iyo Diyaarad kale oo laga lahaa dalka UAE.

Mar uu ka hadlay arrintaasi ayuu Agaasimaha Jubba sheegay in adeegyada ay shirkadda SKA ay ku soo kordhisay garoonka sida baaritaanka dadka iyo alaabta garoonka laga dhoofinayo iyo in habeenkii duulimaadyo fulin karo garoonku ay wax badan fududeysay.

“Diyaaraddan Cusub waxay ka qaad weyn tahay diyaaradihii hore, ka xawaare badan tahay, isla markaana waxay awood u leedahay in ay ka degto garoonka kasta oo caalamka ka mid ah, ayadoo ka dhoofeysa garoomada waddanka, waayo waxay la mid tahay dayuuradaha caalamka ka howl gala” ayuu yiri Agaasimaha Jubba Airways.

C/llaahi Warsame ayaa sheegay in dhawaan shirkaddu ay bilaabi doonto duulimaadyo toos ah oo ay ku bixineyso Yurub sida England iyo Sweden, taas oo suura gal ka dhigi doonto in Garoonka Muqdisho diyaaradda ka duusha ay si toos ah uga degto London iyo Stockhom.

“Hadda waxaan Diyaaraddaan cusub ku bilownay duulimaadka Xajka ee sanadkaan, dadkuna waxay Tikit-ka ku heli karaan qaab online ah, ayagoo sidoo kale xafiisyadeenana ka heli kara dhammaan dalka oo dhan” ayuu sheegay Agaasimaha Shirkadda Jubba.

Garoonka Diyaaradaha Adden Cadde ee magaalada Muqdisho wuxuu sameeyay horumar sababay in ay ka degaan dayuurado ka yimid dalalka horay-u-maray, isala markaana ay ka duulaan, kaddib markii lagu sameyay tayeyn isla markaana lagu wareejiyay shirkadda SKA oo ku howlan in garoonku uu ka mid noqdo kuwo ugu caalamisan Bariga Afrika sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan shirkadda iyo dowladda FKMG.


Maamulka Shirkadda Jubba Airways ayaa sheegay in diyaarado kale oo casri ah ay ku soo biirin doonaan duulimaadyadooda oo ay hadda fuliyaan 9 diyaaradood.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayaa ka faa’iideysan doonaa adeegyadaan, gaar ahaan tallaabooyinka horumarka ah waxay farxad gelinayaan qurbajoogta Soomaaiyeed oo safar dheer oo aan toos ahayn ku soo bixiya in ay yimaadaan waddankooda, kuwaas oo hal duulimaad ku soo bixin doona magaalada Muqdisho.

 

Readers Comments (16)

  1. ali says:

    waa wax wanaagsan

  2. waa bilawga hurmar soo socdo

  3. aways says:

    asc dhamaan idacad iyo tvga qaranka waxan salaan kale u diraya dhamaan agaasima shirkada c/llahi warsame iyo shaqalaha shirkada juba airways madaama ay dalka u adegan si hagar la aani ah anagoo kaharnay dunida inteeda kale 21 sano insha llah wan so kabaneena waxyar kadib soomaalida waxey caan ku tahay hormarka dag daga ah wana gaari dona mudo kayar shan sano dunida inteeda kale hadii alla idmo wabillahi toofiiq

  4. abdiwahaab says:

    IDAACADA RADIOMUQDISHO WA DEGAAH SHACABKA SOOMALIYEED ,WAXAAN IDINKA CODSANAYAA ANIGOO SHACABKA KA MID AH IN AAD SOO SAWIRTAAN GUDAHA GAROONKA IYO LAMIGA DIYARADUHU KA HAADAN MUUQAAL DHEER AYAAN UGA BAAHANAHAY GUDAHA SIDA DADKU ULA QABSADEEN QURUXDA IYO IN UU LA MID YAHAY KUWA CAALAMIGA OO KALE WAA CODSI

  5. muradi qalif says:

    WAAD KU MAHAD SANTIHIIN KA HAQABTIRIDA SHACABKA MEELKASTA OO EY JOOGAAN ,MIDA KALE IN AAN KU NUUR NUURSANO DALKEENA QURUXDISA AN U BAAHANAHAY SIDAAS DARTEED SAWIRADA KU SAABSAB GAROONKA DIYAARADAHA SOO BADSHA IYO MEELAHA DADKU KU SUGAAN MARKA EY BAXAYAAN IYO MARKA EY IMAANAYAAN .

  6. khawaarijnaceeb says:

    waa mahadsantihiin sida aad umadda u caawisaan waxaa idiin weydiina ma leeyahay airportka (air trafic contolers) iyo anteenooyinka GS ama glide slope? waxaan ahay arday soomaaliyeed oo barta inuu noqdo pilot waxaan jeclaan lahaa in somali airfoce si deg deg ah loo aas aaso waxaan ku riyoona somalia oo khawarij-free ah si aan u noqdo fighter pilot oo difaacay dadkiisa iyo dalkiisa insha allah. (waxaan u mahad celina sawirqaadayaasha farsamoyaqaanada iyo dhamaan bahda radio moqadishu waxaan leeyhay (you do a geat job for this nation in a very difficult cercumstances and at a highly risky place thank you brithers and sisters)!

  7. Mmhasn says:

    Aad ayaan ugu faraxsanahay horumarka laga gaarayo dhinaca nolosha iyo nabad gelyada ilaahna waxaan ka baryaynaa inuu noo saaidiyo mida kale waxaan marwlaba ku faraxnaa horumarka uu wadankeena ka gaarayo dhinac walba sida dowladnimada oo ah mida aan baahida weyn u qabno iyo nabadda soo hagaagaysa waxaan mar walba jecelnahay inaan aragno sawirada dhismayaasha ka socdo magaalada sida wadooyinka la dhisayo iyo hay’adaha dowlada dhismayaashooda iyo garoonkaba noosoo gudbiya sawiradaas waa codsi mahadsanidiin radiomuqdisho

  8. cabdirahmaan says:

    masha,laah
    ilaah qeer ha keeno dhulka garoonka wa in dad ka barakacayahs la ga fugiya si ay san guxa diyaradaha wax ugu dhimin u la dajiya meel aman ah sida duleedka karaan insha,laah dowlada ha ku dadasho arinkaas

  9. Mohamed anjelo says:

    Mashallah aad ayaan u qancay,horumarku waa imaanaa inshallah marki nabadu dhameystiranto.

    Thanks Bahda Radio Muqdisho

  10. Muniir says:

    waa wax aad iyo aad loogu farxo wallaahi maashaa Allaah

  11. ahmed muse says:

    waa ok in lahelo diyaarado kafiican kuwii qeylada badnaa runtii
    lakiin waxaan kasii jeclaa in lahelo somali Airline

  12. yaab says:

    RADIO MUQDISHO WAA MAHASANTIHIIN DHAMAAN MADAXDEEDA IYO SHAQAALAHEEDA,DHIIRGALIYA QURBA JOOGTA SI DALKA U YIMAADAAN

  13. wadani says:

    waa xaa inuu muuqanayo ififaalo aan kusoo cashan karno haybadii dowladnimo ee halagarab istaago qaf waliba oo utaagan dalkaan inuu sumcaduu kulahaa caalamka inu soo caliyo rabo hanoqoto ganacsato ama cidkale

  14. Waa wax lagu farxo. Runtii.

  15. ilaah ha noo saa idiyo horo marka iyo wanaaga maansha laah amiin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

abaarta-w

Guddiga Gurmadka Abaaraha Oo Maanta Qiimeyn Ku Soo Sameeyay Abaarta Ka Jirta Gedo Iyo Bakool “Sawirro”

Ujeedada socdaalkani guddiga gurmadka abaaraha ay u gaareen ...
_DSC0370

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kampala Kusoo Xiray Shir U Socday Baarlamaanka Iyo Hay’adaha Taageera “SAWIRRO”

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-HABEEN-22.08.2014.mp3"][/audio]age
20140822_102137

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo Maanta booqasho Taariikhi Ah Ku Tagay Xeryaha Qaxootiga Ee Dhadhaab:-War-Saxaafadeed+Sawirro

Dhadhab, 22 August, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ...
X1

Safiirka Imaaradka Carabta oo gaaray Kismaayo+SAWIRRO

Wafidii uu hogaminayo Safiirka dowlada imaaradka Carabta ee ...
dhadhaab

RA’ISULWASAARAHA SOOMAALIYA OO MAANTA BOOQDAY QAXOOTIGA SOOMAALIYEED EE DHADHAAB KU NOOL

Wefdi uu hogaaminaayo R’isulwasaaraha Soomaaliya mudane Cabduweli Sheekh ...
astaanta.qaranka-300x228

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SOO DHOWEYSAY HADALKII KA SOO BAXAY PUNTLAND

War qoraal ah ooo ka soo baxay xafiiska ...
IMG_9002

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO MAANTA QAABILAY NIN KATIRSAN KONGARESKA MAREYKANKA OO SOOMAALIYA YIMID+SAWIRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ...
DSC09585

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Lagu Falanqeeyay Qorshaha Dowladda Ee Ku Wajahan Doorashada 2016-ka (Sawirro+Dhageyso)

Barnaamijka kulanka todobaadka oo ka baxa Radio Muqdisho ...
howlgal

Ciidamada Ammaanka Oo Saaka Howlgallo Ka Wada Xaafado Ka Mid Ah Degmada Heliwaa

Ciidamada nabadgelyada dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ...
Cabdiweli sheekh axmed

R/wasaaraha Dalka Oo Lagu Wado Inu Maanta Kulan La Qaato Madaxda Dalka Kenya

Ra’isul wasaaraha  xukuumada   Federaalka Soomaaliya   oo  maalintii  Labaad ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-SUBAX-22-8-2014.mp3"][/audio]
ciidamada xds

Ciidanka XDS Iyo Kuwa AMISOM Oo Si Buuxda Ula Wareegay Degmada Tiyeeglow Ee G/Bakool

Maamulka gobolka Bakool ayaa sheegay in ciidanka XDS ...
tacsi1

Guddoonka Baarlamaanka Oo Xoghayaha Guud Ee Golaha Shacabka Uga Tacsiyadeynaya Geerida Ku Timid Hooyadiis

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
DSC09726

Wasiirada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka oo maanta soo xirtay Tababar u socday ilaa 100 Haween, ka socday 20 Urur haween “Sawirro”

Wasiirkada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye ...
Gedo

Ciidamada Dowladda Ee Ku Sugan Gobolka Gedo Oo Si Habsami Leh Ugu Wada Howlgalo Gobolkaasi

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Ku sugan gobolka Gedo ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Haneennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-HABEEN-21.8.2014.mp3"][/audio]
10552426_1488711598034261_7987933899266113924_n

Duqa Muqdisho Iyo Safiirka Mareykanka Ee Soomaaliya Oo Ka Wada Hadlay Arrimo Kale Duwan “Sawirro”

Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ...
RIDWAAN

Soo Weydii Ku Simaha Ra’isul Wasaaraha Dalka Wixii Fikir,Talo, iyo Su’aal Ah “Barnaamijka Kulanka Todobaadka Bari”

Akhristayaal waxaan idiin ku wargalineynaa  barnaamijka kulanka todobaadka ...
20140821_150236

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa maanta kulan qado ah la qaatay xildhibaanda baarlamaanka ee ku sugan magaalda Nairobi:-War-Saxaafadeed+Sawirro

Nairobi, 21, August, 2014…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ...
od

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo maanta dood cilmiyeed loogu qabtay magaalada Muqdisho “Sawirro”

Dood cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Hey’adda Wada ...
xeer-ilaaliyaha-280x175

Caddeyn ku aadan falkii 15ka Agoosto 2014 ee lagu xiray Idaacadaha Shabelle & SKY FM

Mogadishu, 21 August 2014 – Xeer Illaaliyaha Guud ...
astaanta-warka

Dhageyso warka duhur ee Radiomuqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/Warka-Duhur-ee-Radiomuqdisho-21-08-2014.mp3"][/audio]
Baarlamaanka-galmudug

Munaasabad lagu xusayay Aas’aaskii maamul goboleedka Galmudug oo muqdisho lagu qabtay

Munaasabadan ayaa  loogu  xusayay sanadguuradda 8aad  ee  aas ...
pp

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya lana kulmay xildhibaano

Ra’isulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/weli Sheekh Axmed ...
1

Warbixin ku saabsan go’aamada kasoo baxay shirka golaha wasiirada ee maanta”Sawirro”

   Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Diinta ...
unnamed (3)

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Gacanta oo Xaflad Sagootina u sameeyay Xulka Qaranka kubada gacanta Wiilasha iyo gabdhaha+Sawiro

Xafladan oo ahayd mid si heer sare loo ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WAR-SUBAX-21-8-2014.mp3"][/audio]
unnamed (2)

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay kulan looga hadlay maamulidda deeqaha Japan siiso dalka (Sawirro)

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ...
vlcsnap-2014-08-21-08h42m44s116

DAAWO VIDEO:- Barnaamij Gaar Ah Oo Ku Saabsan Lurkii 20ka Sano Iyo Ladnaanta 20ka August

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta.qaranka-300x228

Wargelin Jagooyin Shaqo oo ka bannaan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa in Xafiiska ...
unnamed (1)

Ra’isul Wasaare C/weli Oo Khudbad Jeediyay Shirka Qaxootiga Looga Hadlayo Ee Adis Ababa “Sawirro”

Addis,Ababa, 20, August, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  ee ...

Tubta Toosan

Dhallinnyaro

Maalinta Caalamiga ah ee dhallinyarada, Waa side xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed?

  Maanta oo ay taariikhdu tahay 12 August waa ...
Ammaan

Mas’uuliyadda Bulshada & Ammaanka Dalka Dhageyso

  Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ku soo ...
Dumar

Alshabaab iyo Laynta haweenka

Maleeshiyada Alshabaab ee xag jirka ahi, waxay gabood ...