Deeq lacageed oo ka timid Jaaliyada wadanka Nooweey gaar ahaan Gobalka,ayaa manta galinkii danbe la gaarsiiyay dadka naafada ah gaar ahaan Gobalka Telemark dadka indhoolayaasha ku waasi oo ku sugan qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Deeqdaan lacageed ee ka timid jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan dalka Noorweey gaar ahaan Gobalka Telemark ayaa la gaarsiiyay dugsi ay wax ku bartaan dadka indhoolayaasha kaasi oo lagu magcaabo Al Basiir kuna yaala Degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Deeqdaasi ay soo dhiibtay Jaaliyadda Norwey ayaa waxa ay ku dooneysaa in ay ku gargaarto dadka Soomaaliyeed ee aan wax haysta iyo in ay caawiyaan walaalahooda ay abaaraha saameyeen ee ku soo barakcay magaalada Muqdisho.
Marka loo qaybiyay dadka indhoolayaasha ayaa waxaa goobtaasi ka hadlay Shiikh C/rixiin Ciise Cadoow oo isagu gacantiisa ku qaybiyay deeqda waxaa uuna sheegay in lacagtaasi ay ahayd 3750 oo dollar (saddex kun iyo todoba boqol iyo konton) isalamarkaana ay soo dhiibeen dad Soomaaliyeed oo ku nool dalka Norwey gaar ahaan Gobalka Telemark. Wuxuun auga mahad celiyay Deqda lacaged oo ay soo gaarsiiyeen Dad aan lahayn aragga oo ah Xubin muhiim u ah Nolosha Noolaha,
Wxuuna sidoo kale sheegay in ay ka faa’ideysteen Dad kale oo fara badan oo ka mid ah Dadka ku soo barakacay Gudaha Muqdisho, Waxaana ku jiray xaasaska iyo Ciyaalka indhoolayaasha oo si gaar ah uga faa’ideystay maadama ay tahay maalin ciid ah oo dadka wax haysta ay ilmahooda u iibiyeen Dhar ciid iyo agabyada ay ku cayaaraan Ciyaalku.
Isla goobta waxaa ka hadlay C/qaadir Maxamed Calasow oo ah Guddoomiyaha Indhoolayasha wxuuna sheegay in ay aad uga faraxsan yihiin Deeqda la soo gaarsiiyay Maalin ciid ah dad aan wax haysan una sii dheertahay indho la’aan, Wuxuuna sheegay in ay deeqdas ka faa’iideysteen indhoolayaal gaaraya 200 qof, oo isugu jira wayeel, haween caruur iyo dad xanuunsan oo indho la’aanta ay ula jirto xanuuno kale, Sheekh C.qaadir ayaa u maahd celiyay jaaliyaddi isoo dhiibtay oo uu wakiilka ka yahay Cabas tindhiqey, wuxuuna Allah Uga baryay in uu siiyo beddelka waxa ay bixiyeen.
Sidoo kale waxaa halkas qur’aan ka akhriyay wiil 9 jir ah oo indha la’aan ku bartay qur’aanka kariimka ah muddo Shan sano ah, Wuxuuna hseegay in uusan qori Karin akhrina Karin maadaama uu indho la’aan yahay laakin loo meeriyay korkana uu ka bartay Qur’aanka kareiimka Ah. Tan waa mucjisada Qur’aanka kariimka ah.
PHOTO by Abdirahim Adde
Asc dhamaan shacabweynaha soomaliyeed iyo bahda wasaaradda warfaafinta aad bana ugu faraxsanahay gargaarka walalahey soomaliyeed ay soo gaarsiiyeen masaakiinta soomaliyeed walaahi waxaan idinleedahay bahda Radio Muqdisho dadka abaarta heesta ee maalinwalba labooqdo wee roonyihiin waxaa kadaran dadka warka aa loo heeyn ee indhoolayaasha iyo naafada ee fadlan warbiixntooda usoo gudbiya shacabweynaha soomaliyeed si iayan waxii la awooddo loo gaarsiiyo ee walaalayaal adinka sadaqeeysta inaa booqataan oo barnaamijyo aa kasoo diyaarisaan siaayasadda kaliya yaa lagu mashquulin ee masaakiinta kala duwan ee kusugan deegaanka doowladdu maamusho walaahi indhahayga ilimo ayaa kaso daadatay markaan sawirada arkey waayo waan iloownay dadkaa dad yar baa saacida lkn badanaa lalama socda xaalkooda ee
baahidooda inoosoo gudbiya waayo wasaaraddi warfaafinta adinkaa ah adinkaa waajib iidnka saaranyahay inaa warkooda baahisaan ee fadlan waqtiga iyana halaa siiyo sida aa usiiseen dadka soo barakacay waqti hala siiyo dadka masaakiinta indhoolayaasha iyo naafadda iwm thanks alot all of you
Walaalayaal.Inta Diirkoodu dqayanano.Inta dareymeysa dhibaatada marasta danyartaa Soomaaliyeed haysata.Inta wali u danqaneysa darxumada heysata Ninkaan nasiib daradu ku dhacday.Waalaalayaal,Gargaar ILLAHAY baa lehe Ninkaan danyartaa u gargaara.U dir wax aan adiga wax kaa dhibeyn,asagana wax u tarayaa.U danqo. U dir nax. Haba yaraatee wax u dir.U gargaar.U-GARGAAR. U-G A R G A A R.SOOMAALI HA NOOLAATO.
waa dadkii ugu mudnaa ee wax la siiyo ilaahay bedel khayr qaba ha idinkugu bedelo oo aad ku faraxdaan ….wsc wrm wbr